Dhaqaale | Siyaasad

Ma Khasabaa In Dumarku Shaqeeyaan?

Ma Khasabaa In Dumarku Shaqeeyaan? Iska daa dumarkee, maalin dhaw waxa imanaysa in badanka shaqooyinka adduunku ay meesha ka baxaan oo robots (aalado computer ah oo is wada) ay shaqooyinkan qabtaan. Iska daa inay dumarku shaqeeyaane raga ayaa xataa laga maaramayaa inay shaqeeyaan. Shaqooyinkani waxay noqon doonaan kuwa xirfada sare ah iyo kuwa xirfada hoose […]

Continue Reading...

Sheeko

Is Diyaari

Siduu uu ugu talo galay waxay ahayd laba todobaad kadib dhalashadiisii 29aad. Wuxuu taagnaa marxaladii uu inbadan usoo diyaar garoobayay. Qorshihii uu soo dhisayay shantii sano ee ugu dambeeyey ayuu gebo-gebaynayay caawa Siciid. Waxa uu fadhiyey goobtii bunka ee Time and Space. Xalay ayay ahyd markii uu u diray halka imtixaan afartii hablood ee uu […]

Continue Reading...

Dhaqaale | Siyaasad

Ghazwatu Xuneyn iyo Somaliland

Ghazwatu Xuneyn. Dagaalkan Rasuulku, calayhi salaatu wasalaam, markuu guuleystay ee xoolo badana gacant ku qabtay wuxuu badanka xoolihii u qaybiyey niman Islaamka ku cusbaa. Si uu Islaamka u jecleysiiyo oo waxa uu qadiyey ama xoolihii u qadhiidhay ansaartii difaacaysay illaa markii uu Makkah kasoo hijrooday. Diiniyan in quluubta dadka xoolo lagu hanto oo Islaamka loogu […]

Continue Reading...

Siyaasad

Maxaynu Beenta Ugu Noqnoqonaa?

Horta maxaynu beenta isugu sheegnaa? Hadii Somaliland doorashooyinku is daba joog noqdaan iyo hadaan la qabanba wax is bedel siyaasadeed ah oo horumar dhaliyaa iman maayo. Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada ee cusub maxaa keenaya inay noqdaan kuwo dhaama kuwan imika wakhtiga dheeraadka ah fadhiya? Inay meesha ka riixdaan mooyee miyay idinla tahay inay qorshe kale […]

Continue Reading...

Siyaasad

Somaliland Dagaal Hoose Ayaa Kusocda

Waxbaa Jira Ninbaa xalay I weydiiyey beesha caalamku haday rabaan shiidaalka Somaliland mar hore ayay soo saari lahaayeen sida kuwa dalalka kale ee Afrikaanka ah maxay uga meeraystaan? Su’aashii ayaa igu dhalisay su’aalo kale oo badan. Waxaana ii soo baxay in arrinka beesha caalamku ka leedahay Soomaalidu uu ka duwan yahay ka ay Carabta iyo […]

Continue Reading...

Sheeko

Cilmi iyo Calaf

Waxa uu fadhiyey maqaaxi bunka laga cabo habeenkii oo dhalinyaradu ku caweyso. Waa fiid. Waxa u yaalay shaqooyin badan balse waa uu caajisay. Isagoon cidna u sheegin ayuu yimid kobtan uu fadhiyo. Si uu maskaxda u nasiyo waxa uu soo qaatay buug sheeko ah. Coffee ayuu dalbaday. Kursiga ayuu dib ugu fadhiistay. Maskaxdiisa ayuu kadib […]

Continue Reading...

Dhaqaale

Dhaqaale Aqoon Ku Dhisan

Saaka muuqaal si aan u kas ahayn aan uga daawaday facebook ayaa waxa uu xambaarsanaa fariin aan la yaabay. Wadanka Australia ayaa ka cabanayay in lagu xanto inay yihiin wadan dadkoodu caqli xun yihiin ama aqoontoodu hooseyso. Sababta ugu weyn ee ay u cuskadeen waxay noqotay waxay eegeen saddexda waxyaabood ee ugu sareeya waxyaabaha Australia […]

Continue Reading...

Sheeko

Dookh Iyo Doorasho – Qaybaha 1aad –3aad.

Wuxuu kacay subaxaas xilli hore. 6.30 AM. Fikir badan oo bilo qaatay kadib waxa uu xalay go’aansaday inuu guursado. Wuxuu isagoo cadaygii afka ku sita dibada ula baxay laptop-kii. Waxa la gaadhay xiligii uu ku dhaqaaqii lahaa qorshihii uu labada sano diyaarinayay. Wuxuu furay folder-ka la yidhaa Future. Waxa ku jira 2 Excel file iyo […]

Continue Reading...

Nolol | Sheeko

Roob iyo Sonkor – Qaybtii 4aad

Waxaan is idhi waxba ha la murmin. Waan ka cudur daartay oo waanan ka yara kacay. Dibada ayaan u baxay inyar. Waxaan is weydiiyey sidaan uga dabaalan lahaa. Waxuunbaa igu yidhi inanta u yara deji way is qaban doontaa oo kuguma sii adkeyn doonto way isku yara buuqsantahay kolay way kala degaysaa mardhaw. Haka hor […]

Continue Reading...

Nolol | Sheeko

Roob iyo Sonkor – Qaybtii 3aad.

Maryam ayaa I weydiisay su’aasha. Iyadoo cadhaysan ayay I tidhi “maxaad u tidhi miyaad keligii ku koobantahay?” Sida adage ee ay su’aasha ii weydiisay ayaan ana intaan ka gubtay ku idhi “Waa wax la wada ogyahay inaan habluhu nin keliya la sheekaysan ee illaa maalintay guri yeelanayaan maalinta ka horeysa lasii hadlaan rag kala duwan” […]

Continue Reading...