Dhaqaale

10-ka Wadan ee Dumarkooda La Isku Raacay.

April 16, 2019

Rag badan oonu asxaab nahay ayaa waxay talo iga weydiiyeen dumarka jinsiyadaha dumarkoodu fiican yihiin. Maadaama gabdhihii Soomaaliyeed ajaanibkii jeclaadeen oo ragii Soomaaliyeed ka jeesteen, niman badan oo Soomaali ah waxay imika iyaguna rabaan inay dunida u dumar doontaan. Weliba waxay aaminsan yihiin in dumarka Soomaaliyeed ee nimanka madaw uun dhaafi waayay ay iyagu ka fiicnaan doonaan oo dumarka Quraysheed soo kaxaysan doonaan.

Hadabaa waxaan halkan idiinku soo gudbinaya 10 jinsiyadood oo dumarkooda la isku raacay iyo sawiro gabdho kamida jinsiyadahaas.

  1. Dumarka Hindida. Hadii aad Hindiyad soo kaxaysato waxaad helaysaa raaliyo cagaha kuu dhaqda. Waxa kale oo ay dumarka Hindidu caan ku yihiin cunto karinta iyo aqoontooda oo sareysa.
  2. Dumarka Japanese-ka: Dumarka Japanese-ka iyaga waxa lagu yaqaan ixtiraam iyo ka dambayn ay ninkooda ka dambeeyaan. Waxay kaloo kuu dhali yaryar indho yaryar oo maskax badan leh.

    Japanese
  3. Dumarka Carabta: Hadaad Carabiyad soo hesho, waad iskaga rayn af Carabidana waad baran oo Qur’aankay ku bari.

    Carabiyado
  4. Dumarka Turkida: Iyaga waxay kuu dhali yaryar dhiiran oo dagaalka ku fiican. Adna waad nasan.

    Turkiyad
  5. Dumarka Faransiiska: Waa dumarka caalamka kuwa ugu xaragada fiican. Lacagtaa kaa dhamaan laakiin maalmo waad raaxaysan.

    Faransiisad
  6. Dumarka Talyaaniga. Pizza ayay kaa dhergin horena kaagama gaboobayso.

    Talyaaniyad
  7. Dumarka Latin-ka: Cadho iyo dagaal ayay kugu dilli ee diyaar u ahaw.

    Latina
  8. Dumarka Afrikada Galbeed: Nin gym galay hadaanad ahayn ha isku qaadin dumarka Afrikada Galbeed.

    Afrikaan
  9. Dumarka Ingiriiska: Iska illaali iyaga haday waayuhu kugu ciiraan way kaa dhaqaaqaysaa.

    Ingiriis
  10. Dumarka iska dhalka ah: Haw daymo la’aan kuwaas waa raaxo kaa dhiman. Kuwan la idinma tusi karo sawiradooda

 

Waxa Qoray Wise Man iyo Mahmoud Buste

Please follow and like us:
error0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *