Danta Somaliland ee ah inay noqoto berri ka maalin dal la aqoonsan yahay oo madax banaan waxay ku xidhantahay Somalia oo noqota dal adag oo cagihiisa ku istaaga. Hadaynu eegno badbaadada Somaliland waxaynu arkaynaa in Somalia daciifa oo baddeeda ay Kenya qaadato, hadhawna gobolka Jubaland ka goosato ay halis tahay. Welibana horseedi karto in Ethiopia-na […]
Month: September 2019
Eman degdeg ayay lift-ga u kortay iyadoo isleh bilee lift-iga soo raac oo ku weydii waxaad ka eegaysay. Aqalkeedii ayay gashay, isla markiiba muraayada ayay hor istaagtay iyadoo isla yaaban oo leh maxaad samaynaysay. Xoogaa ayay isla yaabtay, way yaxyaxday, aadna way u xishootay. Kolba waxay is weydiisaa tolow muxuu is odhan doonaa! Kolba way […]
Naasir waa inamada ku fiican koombiyuutarada iyo sida loo adeegsado. Markii uu gurigiisa gaadhayba waxa uu lasoo baxay laptop-kiisii. Sawiradii gabdhaha ayuu markiiba ku wareejiyey. Waxa uu si cajiib ah u sifeeyey sawiradii, folder cusub ayuu u samaystay waxaanu magac uga dhigay kelmada Ingiriisiga ah ee “mission” oo macnaheedu yahay hawlgal! Waxa kale oo uu […]
Sucaad: Oday gym tegaya? Malaa dhakhtar baa u qoray. Eman: May oday saas ah maaha , just waa nin weyn uun balse wuu dhisnaa. Sucaad: maahee. Makula hadlay? Eman: May xataa u malayn maayo inuu hal mar isoo jaleecay. Sucaad: Waa oday wax isku falaya, kuwa aan ogahay yaa saas ka dhiga. Habluhu way kusii […]
Saleebaan illeyn may gaadhin wakhtigii uu hawsha gudo geli lahaayoo weli is-xidhistii muu bilaabine waxa uu naftiisa u ogolaaday in inyar kayara fikiro quruxleydii liftiga. Ugu horeyn waxa uu is weydiiyey waa noocee yartu. Isagoo waayo aragnimo badan u lahaa haweenka darteed waxa uu Saleebaan si gaar ah u samaystay magacyo iyo noocyo uu kukala […]
Xagaagan London cadceedu kuma yara. Labo cisho ka hor ayuu Saleebaan uu usoo guuray qol iyo bersad uu ka kiraystay dabaq cusub oo loogu talo galay dadka shaqaalaha mushaharka fiicana oo ku yaal xaafada Harrow ee magaalada London. Labadii maalmood waxa uu ku mashquulsanaa sidii uu alaabta guriga si fiican ugu dhigan lahaa. Maadaama ay […]
Gundhiga Siyaasada Somaliland. Waxaan is weydiiyey su’aasha ah: waa maxay aragtida hagta ama gundhiga u ah siyaasada Somaliland? Waxa ii soo baxday in sida dalal badan oo Afrika ah oo khayraad dabiici ah Alle ku manaystay, in siyaasadeenu tahay mid aynu khayraadka wadankeenu hodanka ku yahay rabno inay ka fa’iideysano. Hadaynu adduunyadana u fiirsano waxa […]
Jimcaale: Waan dareensanahay waanan u garaabayaa saaxiibkay Daadir. Yaa diidi kara midaw iyo walaalnimo. Iska daa shanta Soomalida’e waxa midowgoodu fiican yahay ummada Islaamka ah oo dhan. Laakiin aniga doodaydu sidaad filaysaan waxaan ku taageerayaa inay Somaliland go’do. Anoo walaalkay Daadirna u garaabaya aragtidiisa balse anigu waxaan doodayda ku salaynayaa xaalada aynu maanta ku jirno. […]