Siyaasad

Baro Gumeysiga Casrigan

July 5, 2019

Wadamada aqoonta qiimeeya sida Ingiriis iyo Maraykan badanaa waxay leeyihiin jaamacado iyo khuburo gaar ah oo dalkasta iyo dadkasta oo caalamka ka jira u barta.

Sabab kalena maaha ee si ay danahooda gaarka ah uga fushadaan ayaa waxay ogaadeen in ay lama huraan tahay inay dalkaas iyo dadkiisaba bartaan.

Intaas oo keliya kuma joogsadaan ee waxay hadana isku dayaan inay jaamacadahooda iyo iskuuladooda wax ku baraan carruurta madaxda iyo dhalinta caqliga badan ee wadamada adduunka. Si ay usoo saaraan madaxda dalal badan oo adduunka ah oo sita aragtida iyo nidaamka dawladeed ee reer Galbeedka.

Tusaale ahaan waxaad aragtaan professoro Ingiriisa ah oo af Soomaaliga ku gabya. Waxaad aragtaan iyagoo dhiiri gelinaya dimuqraadiyada iyo waxbarashada bulshada. Waxaad aragtaa iyagoo suugaanta Soomaalida tarjumaya, dejinaya manhajkeena waxbarasho xataa leh idaacad af Soomaali inoogu waranta (VOA iyo BBC).

Hadaba miyaanay inagana inala gudboonayn inaynu iyaga barano iyo farsamooyinka ay u adeegsadaan in ay bulsho, dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba ka dhigaan mid iyaga u raran?

Siday aniga ila tahay waxa haboon in maadada Taariikhda aynu ka dhigno mid aynu ku barano farsamooyinkooda cusub iyo hadimooyinkoodii hore.

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *