Dhaqaale

Xaas Raadiye Program

Qaybta Koobaad… Wuxuu soo toosay isagoo werwersan. Saacada ayuu eegay mise waa 3.37 PM. Wuxuu hurday laba saacadood. Isagoo dheelalawsan ayuu salaadii casar tukaday. Salaada markuu ka baxayba maskaxdiisii way kala degtay balse werwerkii kamuu bi’in. Waxay ahayd maalin muhiim u ah Mukhtaar. Waa maalintii uu go’aanka ka gaadhi lahaa saddexdii hablood ee uu la […]

Continue Reading...

Dhaqaale

Duufaanada Siyaasadeed Ee Ku Xeeran Dalka.

Somaliland waxay maraysaa marxalad u baahan ka baarandegid iyo in la dejiyo istaraatijiyad cusub oo wadanka loo badbaadiyo. Maanta khatarta ugu badani Somaliland waxay kaga imanaysaa dalka dibadiisa. Waxaynu jaar lanahay Somalia oo loo qaybiyey shan gobol iyo dawlad dhexe. Oo inagoo arkaynaa shanti gobol ragii hogaaminayay ay wadamo ay ka mid yihiin Imaaraad, Turkey, […]

Continue Reading...

Dhaqaale

Hodan – Qaybaha Koobaad iyo Labaad

Hodan waxay is aragtay iyadoo soo jeeda. Sarriirteedii weynayd ee ay keligeed huruday ayay is rogtay laba jeer si ay u gaadho koomadiinka oo telefankeedu saarnaa.  Waxay eegtay saacada mise waa 01.30 AM. Inkastoo ay berri tahay maalin Sabti ah oo aanay shaqo lahayn, todobaddii maalmood ee ugu dambeeyeyna ay aad u shaqaynaysay hadana hurdadii […]

Continue Reading...

Dhaqaale

Maxaa Haboon Inuu Dhaqaalaha Somaliland Ku Dhisnaadaa!

Gaasta laga soo saaro gobolka Soomaalida ee Ethiopia gumeysato ayaa tusaale ugu wacan in aynaan ku degdegin inaynu soo saarno shiidaalka Rabbi dhulkeena dhigay. Qodista shiidaalka iyo guud ahaan macdantu badanka waa shaqo ay ku keliyeysteen dhawr shirkadood oo waaweyn. Hadii aynu is nidhaahno soo saara macdanta dalka ama shiidaalka waxa aynu furaynaa albaab ay […]

Continue Reading...

Dhaqaale

La Yaab

Waxa layaab leh, ama layaab leh, ama layaab leh, in weli siyaasiga iyo aqoon yahanka reer Somaliland aaminsan yihiin kana shaqeeyaan sidii ay Somaliland ugu heli lahaayeen maalgashi shisheeyi. Waxaad intaa maqlaysaa iyagoo leh aynu doorashooyinka qabano, dumarkeenu haka muuqdaan siyaasada si aynu usoo jiidano indhaha caalamka oo u helno maalgasho shisheeye iyo aqoonsi siyaasadeed. […]

Continue Reading...

Dhaqaale

Aqoonsi Doon Mise Gumeysi Doon

Illaa iyo maalintaan garaadsaday waxa aan maqlayay siyaasiga Somaliland oo horumarka dalkeena ku xidhaya iyo inaynu aqoonsi helno. Iyadoon cidiba ina aqoonsan ayaynu markaynu ugu liidanay ee kasoo doognay dagaalada samaysanay Ciidan Qaran, Ciidan Bilays, Lacag, Xukuumad Dimuqraadi ah iyo waxyaabo badan oo dawladnimada u ah aasaas. Balse markasta bulshada siyaasiga Somaliland mucaarad iyo muxaafadba […]

Continue Reading...

Dhaqaale

Maxaad u Guursan La’dahay?Maxaad u Shaqo La’dahay?

Sababtaad u shaqo la’dahay. Sababtaad u guur la’dahay. Sababta aan shaqadaadu u ahayn mid kugu filan mushahar ahaan. Sababta ay maceeshadu qaali u tahay.Sababta siyaasiyiinta ina maamulaa tayadoodu u liidato. Sababta qabyaaladu u xoogeysatay.Sababta musuqmaasuqu u hanoqaaday. Sababta dhalinyarada tahriibaysa ee baddaha isku guraysaa u korodhay. Sababta aanay waxbarashadeenu tayo u lahayn. Sababta wadaadadu ribo […]

Continue Reading...

Dhaqaale

Sideed U Aragtaa Mustaqbalka Somaliland?

Tony Blair, Raysal Wasaarihii hore ee Ingiriiska, ayaa waraysi uu ka qaaday wargeyska lagu magacaabo The Guardian lagu weydiiyey sida uu arko mustaqbalka wadanka Ingiriiska. Blair jawaab fiican oo dhinaca yididiilada iyo dhinaca yabaalkaba leh ayuu ka eegay. Dhanka wanaagsan markuu ka eegay wuxuu yidhi Ingiriis ahaan waxaynu ku jirnaa Yurub (waa intaanay Yurub ka […]

Continue Reading...

Dhaqaale

Dookh iyo Doorasho – Qaybtii 5aad

Qaybtii 5aad. Deyr ma uu rabin in uu Ikraan dib ula xidhiidho isagoo diidan inay wixii hore u dhexmaray dib usoo noqdaan. Balse qof kale oo uu u maro ayuu garan waayay, muddona way kasoo wareegtay wakhtigii ay is dagaaleen. Koley wey weynaatay waanay iska illowday wixii dhacay ayuu is tusay. Layaab kumay noqon inay […]

Continue Reading...

Dhaqaale

Dookh iyo Doorasho – Qaybtii 4aad.

Maygaag cabbaar ayuu sugay inta Deyr si fiican uga boganayo qoraaladii qiimeynta ee laptop-ka. Bunkiisa ayuu aayar iska cabay isagoo raba inaanu degdegin oo saaxiibkii warka ka sugo. Maygaag deganaanta uma dhalan wuxuuse ahaa mid is-bara deganaanshiiyaha iyo inuu wax sugo. Deyr cabbaar ayuu ku dul fikiray isagoo raba inaanu sheekada soo socota dhex gelin. […]

Continue Reading...