Hodan waxay ahayd inan taxadar badan. Waxay ku fikirtay intaanay nolosheeda wax ka bedelin, wadanka ka bixin, waxa muhiimka u ah bedelin inay horta hubsato waxay dhawaan ogaatay oo wax akhriday. Waxay samaysatay caado cusub oo ahayd inay buugta taariikhda akhrisato. Maadaama ay ogaatay inay nolosheedu ku socotay waddo niman cadaan ahi u jeexeen waxay […]
Category: Sheeko
Xafiiskeedii ayay gashay. Waxay dhigatay boorsadii, waxayna markiiba furtay koombiyuutarkeedii. Cabbaar ku dhaw shan iyo toban daqiiqo ayay ku qaadatay inay akhrido waxoogay emailo ahaa oo ku sugayay inbox-keeda. Way istaagtay waxaanay aaday xafiiskii James. Markuu arkay ayuu gacanta u taagay isagoo u tilmaamaya inay fadhiisato maadaam uu telefan ku hadlayay. Kolkuu kasoo dhamaaday ayuu […]
Siduu uu ugu talo galay waxay ahayd laba todobaad kadib dhalashadiisii 29aad. Wuxuu taagnaa marxaladii uu inbadan usoo diyaar garoobayay. Qorshihii uu soo dhisayay shantii sano ee ugu dambeeyey ayuu gebo-gebaynayay caawa Siciid. Waxa uu fadhiyey goobtii bunka ee Time and Space. Xalay ayay ahyd markii uu u diray halka imtixaan afartii hablood ee uu […]
Waxa uu fadhiyey maqaaxi bunka laga cabo habeenkii oo dhalinyaradu ku caweyso. Waa fiid. Waxa u yaalay shaqooyin badan balse waa uu caajisay. Isagoon cidna u sheegin ayuu yimid kobtan uu fadhiyo. Si uu maskaxda u nasiyo waxa uu soo qaatay buug sheeko ah. Coffee ayuu dalbaday. Kursiga ayuu dib ugu fadhiistay. Maskaxdiisa ayuu kadib […]
Wuxuu kacay subaxaas xilli hore. 6.30 AM. Fikir badan oo bilo qaatay kadib waxa uu xalay go’aansaday inuu guursado. Wuxuu isagoo cadaygii afka ku sita dibada ula baxay laptop-kii. Waxa la gaadhay xiligii uu ku dhaqaaqii lahaa qorshihii uu labada sano diyaarinayay. Wuxuu furay folder-ka la yidhaa Future. Waxa ku jira 2 Excel file iyo […]
Waxaan is idhi waxba ha la murmin. Waan ka cudur daartay oo waanan ka yara kacay. Dibada ayaan u baxay inyar. Waxaan is weydiiyey sidaan uga dabaalan lahaa. Waxuunbaa igu yidhi inanta u yara deji way is qaban doontaa oo kuguma sii adkeyn doonto way isku yara buuqsantahay kolay way kala degaysaa mardhaw. Haka hor […]
Maryam ayaa I weydiisay su’aasha. Iyadoo cadhaysan ayay I tidhi “maxaad u tidhi miyaad keligii ku koobantahay?” Sida adage ee ay su’aasha ii weydiisay ayaan ana intaan ka gubtay ku idhi “Waa wax la wada ogyahay inaan habluhu nin keliya la sheekaysan ee illaa maalintay guri yeelanayaan maalinta ka horeysa lasii hadlaan rag kala duwan” […]
Cabdirisaaq markii uu soo fadhiistay miiska ayuu indhaha kusii daayay Sagal oo rabta inay fadhiisato kursiga oo diraceedii soo ururinaysa. Cabdirisaaq waxa wakhtigaas olol aanu hore isugu ogeyn ku sii shidmay wadnihiisa. Sagal iyaduna way la socotaa in indhahiisu sida laser-ka ama leebka ugu soo maqanyihiin laakiin waxay iska dhigtay inaanay lasocon. Markuu ka bogtay […]
Waxay ahayd maalin Sabti ah. Sabtidana waxaan caado u lahaa in aan hurdada ku raago. Maalintaa iyada ah se hore ayay iiga dhamaatay. Ku noqo ayaan is idhi waanse ku noqon kari waayey. Cabbaar ayaan sariirta iska jiifay oo internet-ka iska dhex mushaaxay. Waan kacay ugu dambeyn oo soo cadeyday, maydhay, dhar nadiif ahaa oo […]
Jamaal su’aalo badan ayaa kusoo dhacay maskaxdiisa. Inkastoo oo aanu saaxiibkii ku aqoon nin haasaawaha dumarka ku dheereeya balse waxa uu ku yaqaanay nin wax kasta tayada ka raaca. Tusaale ahaan markay noqoto dhinaca dhegaysiga heesaha, xulashada buugaagta, xulashada filimaanta iyo maqaaxiyaha cuntada wanaagsanba Jamaal waxa uu ahaa mid Naasir u daba fadhiista. Koley inkastoo […]