Siyaasad

Dagaalku Waa Dano Dhaqaale

January 5, 2020

Hal-hays baa jira Ingiriisi ah oo yidhaa ” follow the money”. Badankana dagaalada caalamka ka dhaca iyo xataa gumeysigii reer Yurub wuxuu ku salaysnaa dano dhaqaale. Maantana sidaynu ognahay wadamada khayraadkooda u diida inay gacmo shisheeya hantiyaan waxa lagu qaadaa dagaalo waxaana lagu tilmaamaa nidaamyadooda maamul keligi telisnimo.

Wadamadan waxay leeyihiin gaalo iyo Islaamba. Tusaale ahaan wadamada Latin Amerika sida Venezuela ee leh saliida balse diiday inay shirkado shisheeya hantiyaan khayraadkooda waxa ku socda dagaalo dhaqaale sida cunaqabatayn iyo kacdoono dhexdooda laga abuuro. Waxa kaloo tusaale ah wadanka Ruushka oo isna markuu Putin qabsaday uu hantidii Ruushka gacanta dawlada dib ugu soo celiyey isagana waxa dacaayad iyo cunaqabatayno ku socda waad aragtaan.

Dhanka kale wadanka Iran ayaa isna kamid ah wadamada khayraadkoodu ku jiro gacanta dawladooda. 1979-kii markii kacdoonkii Ayatulle ka dhacay Iran ayay dib usoo ceshadeen lahaanshaha saliidooda oo shirkadihii saliida ka faro maroojiyeen. Illaa maalintaana waxa ku socda dagaalo dhaqaale iyo qaar milatari ahba. Waxa kale oo tusaale ah Libya xaalkeedu halkuu marayo iyo in ciidanka Ingiriisku illaaliyo goobaha saliida, wadanka intiisii kalena dagaal sokeeye laga riday iyo NATO oo duqeymo ka geysatay.

Halkaa markay marayso farsamooyinka cusub ee loo adeegsado in la bedelo dawladaha ku faro adayga hantida dhulkooda Alle ku duugay ama qaata siyaasad ka madax banaan ta Galbeedka waxa lagu kiciyaa kacdoono gacan ku rimis ah. Waxa tusaale u ah Suuriya, Venezuela, Libya, Yemen, Honk Kong illaa Bolivia iyo Brazil.

Daadkana waxa la iska moosaa intaanu roobku di’in. Taasina wa ta keentay in Ruushka, Turkey iyo Iran farogelin ciidan ku sameeyaan Suuriya oo ay jaar yihiin. Iran iyadu weliba si ay daadka iskaga moosto waxay samaysatay ciidamo la shaqeeya wadamada ay xulafada yihiin sida Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq.

Qaasim Suleymaanina Alle ha u naxariistee wuxuu ahaa hogaamiyaha ciidamadaas difaaca danaha dalkiisa. Weliba Iran ciidankeedu ogolaansho ayay ka helaan wadamada ay ka hawlgalaan sida Suuriya , Ciraaq iyo Lubnaan.

Dee dunidana waa la yaqaan ciidamada kasoo duula kumaan kun oo kiiloo mitir iyo kuwa khayraadkooda diidan in baad lagaga qaado.

Haka eegin Shiico iyo Sunni waxaad ka eegtaa yaa khayraadkiisa u madax banaan.

Xataa wadamada aan Islaamka ahayn ee khayraadkooda isku daya inay u madax banaanaadaan dagaalka waa lagu qaadaa.

Please follow and like us:
error0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *