Dhaqaale Siyaasad

Danta Somaliland Iyo Somalia Ka Dhexeysa

September 27, 2019

Danta Somaliland ee ah inay noqoto berri ka maalin dal la aqoonsan yahay oo madax banaan waxay ku xidhantahay Somalia oo noqota dal adag oo cagihiisa ku istaaga.

Hadaynu eegno badbaadada Somaliland waxaynu arkaynaa in Somalia daciifa oo baddeeda ay Kenya qaadato, hadhawna gobolka Jubaland ka goosato ay halis tahay. Welibana horseedi karto in Ethiopia-na hungureyso inay Somaliland noqoto gobol dalkeeda kamida.

Hadaan dib ugu noqdo dedaalada reer Galbeedka iyo dawladaha Khaleejku ugu jiraan in Soomaalida iyo Eriteria-ba laga dhigo gobolo Ethiopia u furan dhaqaale ahaan, waxaad ogaanaysaa shaxdu meeshay ku socoto.

Siyaasadu waa in Somalia kolba gobol laga saaro oo weliba lagu horeeyo Jubaland. Illeen markaliya lama wada liqi karee horta in laga dhigo dawlad goboleedyo si loo diciifiyo wada jirka Somalia. Kadibna lala galo heshiis la yidhaa ganacsigu wuu isu furan yahay.

Ganacsiga isku furan macnihiisu waxa weeyaan in dadka Ethiopia sida muwaadiniinta Soomaalida wax ugala soo degaan dekedaha Soomaalida. Iyo in ninka Xabashiga ahi uu sida ka Soomaaliga ah ganacsi uga furan karo dhulka Soomalida una degi karo sidii uu muwaadin yahay oo kale.

Waabaynu aragnay in heshiis noocaasa oo afar dekedood Ethiopia loo qoondeeyey + is dhexgalka ganacsiga uu Farmaajo saxeexayba. Sida igu maqaalo ah dekedihii mid kamida dawlada Qatar ayaaba dhisaysa.

Hadii arrintani suurto gasho, Alle kama dhigee, waxa macnaheedu yahay boqol milyan oo Ethiopian ah ayaa xaq Soomaalida ula leh dhulkooda iyo badahooda.

Dadka qaarbaa waxay ku doodayaan Farmaajo heshiiska wuu iska galay uune ma aha heshiis dhaba ee waa is fahan marka ay Somalia xoogeysato ay ka noqon karto!

Si kastooy ahaataba reer Somaliland waa inay arrinkaa isku dayaan sidii ay uga gaashaaman lahaayeen, waayo Somaliland weli lama aqoonsan, hadii Somalia hilfaha loo qaado ama la hoos geeyo Ethiopia iyo Kenya dhulka Somaliland-na Ethiopia way usoo hanqal taagaysaa.

In meesha khiyaamo weyni ku jirto waxaad ka garan kartaa, markii wasiirada Somaliland ay Dekeda Berbera iyagoon ka fiirsan ku wareejiyeen Imaaraadka in ay heshiiskii qariyeen. Imaaraadkiina ay markiiba Ethiopia ku casuumeen oo saami ka siiyeen dekedii Berbera. Dadkana loogu sheegay inay tahay horumar iyo ganacsi.

Hadaad madaxbanaanidaada siisato ganacsi oo Ethiopia xuquuq ku yeelato dhulkaaga maxaad taransatay? Waabay kula leeyihiin soo xataa macaashka kula wadaagi maayaan?

Dhanka kale, Somalia in xidhiidhkeenu wanaagsanaado waxay ku xidhan tahay madaxda Somalia oo qaar hagaagsani yimaadaan. Hadhawna Somalia iyo Somaliland noqdaan laba dal oo madax banaan balse walaalo ah oo iskaashada.

Dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah markii laga dhaadhicinayay heshiiskii DP World waxa laga maray dhanka koboca dhaqaalaha iyo horumarinta dekeda. Waynu ogeyn wixii been la shubay. Waynu ogeyn in heshiiskii aanay xataa xildhibinaadii ansixiyey arkin!

Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa hunguri wedkii ma arko. Ilama aha in reer Somaliland ay raali ka noqonayaan in SL noqoto gobol Ethiopia kamida.

Laakiin waxa aan ka baqanayaa in la inagu siro oo la yidhaa heshiis isdhexgalka ganacsi ayaynu gelaynaa kadibna Baarlamaanka SL waynu naqaane ay gacanta u taagaan.

Waxaanse ku kalsoonahay in Madaxweyne Muuse Biixi aanu heshiis noocaasa soo geli doonin oo waa kaa imikaba Imaaraadka la xisaabtamaya ee ku yidhi ciidanka naga daaya iyaguna ka aqbaleen.

Balse waxaan jeclaan lahaa in Somaliland siyaasadeeda arrimaha dibada ay noqoto mid ma shaqaysa in aan Somalia badda laga qaadin oo Jubaland-na Kenya goosan.

Hadaynu Farmaajo is hayno beribuu tegayaa balse Somalia adag oo cagaheeda ku istaagta oo dad wacani maamulayan waxay dan u tahay Somaliland.

Please follow and like us:
error0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *