Dhaqaale

Dhaqaale Aqoon Ku Dhisan

April 20, 2020

Saaka muuqaal si aan u kas ahayn aan uga daawaday facebook ayaa waxa uu xambaarsanaa fariin aan la yaabay.

Wadanka Australia ayaa ka cabanayay in lagu xanto inay yihiin wadan dadkoodu caqli xun yihiin ama aqoontoodu hooseyso. Sababta ugu weyn ee ay u cuskadeen waxay noqotay waxay eegeen saddexda waxyaabood ee ugu sareeya waxyaabaha Australia dibada u dhoofiso. Saddexdaa walaxood waxay noqdeen: Birta aan la dhalaalin ee ciida ah (iron ore), dhuxul dhagaxa iyo gaasta dabiiciga ah iyo saliida qaydhin.

Maadaama aanay saddexdaa walaxood u baahnayn warshadayn badan oo qodis iyo diris uun ay u baahan yihiin, Australia waxay dedaal ugu jirtaa inay bedesho waxyaabaha ay caalamka u dhoofiso ee dhaqaalaha wadankoodu ku xidhan yahay. Waxaanay rabtaa in ay halkaa ku bedeleto alaab farsamaysan, cilmi baadhis, buug, aflaam IWM inay dunida u dhoofiso oo dhaqaalaheedu noqdo mid ku dhisan maskax.

Hadaba inaga Somaliland, maanta waxaynu haysanaa fursad wacan oo aynu hada kusii tabaabushaysan karno wadankeena dhaqaalihiisu wuxuu ku dhisnaan doono labaatan sano kadib.

Maanta siyaasiga Somaliland mid wax bartay iyo mid dafdaf kusocdaba waxay dadka u sheegaan in hadii aynu aqoonsi helno ay inoo iman doonaan shirkado shisheeye kuwaas oo dhulkeena kasoo saari doona khayraadka ku duugan kadibna sidaas ayuu dhaqaalaheenu ku kobci doonaa oo aynu nolol heersare ah ku geli doonaa. Waa ta koobaade siyaasada noocan ah waa mid nasiib darro ah waayo wadamada Afrika oo dhami waa kuwo qani ku ah khayraadka lana aqoonsanyahay shirkado waaweyna khayraad kala baxaan. Hadana horumarkooda waynu ognahay halkay taagan yihiin.

Waa ta labaade in khayraadka dhulka ku jira la isku haleeyaa waxay astaan u tahay, hooseynta caqliga iyo aqoonta ummada oo waa taas ummaduhu ka ordayaan in lagu tilmaamo wadamo ku dhisan khayraad la qodo oo ay iib geeyaan.

Waa ta saddexaade adduunyada dhaqaalaheedu waxa uu u gudbay in uu noqdo mid ku dhisan aqoon. Maanta shirkadaha ugu hantida badan, iyo dadka ugu hantida badan adduunka waa kuwa hantidooda ka sameeyey tiknoolajiyada casriga ah.

Adduunka maanta waxa kasii baxaya waxyaabo badan oo ay khasab ahayd inaynu kaga xidhnaano wadamada horumarka gaadhay. Waxyaabahan waxa kamida aqoonta oo maanta internet-ka si bilaasha ugu jirta, waxa kaloo kamida warka iyo xogta waxyaabaha adduunka ka socda oo iyadana maanta aan sidii hore la isku miisaynin huuhaa oo la iska hubin karo. Ku darsoo tiknoolajiyada casriga ahi waxay kaloo keenaysaa inaynu is bedel wax ku ool ah ku samayno nidaamkeena maamul.

Tiknoolajiyada ay ku dhisan tahay lacagta digital-ka ah ee Bitcoin-tu ee la yidhaahdo blockchain, waxay suurta gelisay in laga maarmo u dhexeeyihii ganacsiga oo laba qof oo aan is aqoon oo is arag ay intay wax kala iibsadaan is aamini karaan iyadoo midkastaaba kakale hubo inaanu khiyaamayn karayn maadaama ay adeegsanayaan tiknoolajiyada blockchain-ta.

Sidoo kale inagoo adeegsanayna blockchain iyo tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu maanta gaadhay waxaynu suurta gelin karnaa inaynu la xisaabtano siyaasiyiinteena oo hal shilling oo Somaliland ah oo aan sharci ahayni haday siyaasiyiinta oo dhami heshiiyaan aanay si khaldan u isticmaali karin. Dhanka kale waxa loo isticmaali karaa maxkamadaha, waxbarashada, caafimaadka iyo dhamaan adeegyada dawladu qabato oo dhan.

Ugu dambeyn si aynu u gaadhno horumarka aynu rabno waxa inaga xiga kolba sida aynu u barano aqoonta dunida taal ee bilaashka ah.

Tusaale ahaan maxaa inoo haboon inaynu dhoofino?

Maadaama aynu nahay dad tiro yar oo dhalinyaro u badan oo haysta wadan weyn oo meel muhiima kaga yaala dunida maxaa inoo haboon inaynu dunida u dhoofino labaatan sano kadib. Maxaase muhiima inaynu isaga filnaano oo dani inoogu jirtaa inaynaan dunida uga baahan?

Tiknooliyada cusub ee dunida maanta taala sidaynu ugu adeegsan karnaa inaynu ku horumarino nolosheena?

Maadaama dunidu u kacayso nidaam dhaqaale oo cilmi ku dhisan oo laga bixi doono nidaamyadii hore ee beeraha iyo warshadaha ma khasabaa inaynu kasoo bilowno meelihii dadka hore ka bilaabeen, mise waxaynu bulshadeena ku canqarin karnaa cilmiga cusub?

Iyo ta ugu muhiimsan sidee ayaynu siyaasigeena u barnaa in dunidu ka tagtay shiidaal lasoo saaro iyo khayraad la gado oo loo gudbay dhaqaale cilmi ku dhisan, aalado is wada, iyo koombiyuutaro leh caqliga dadka mid kabadan?

Su’aalahan maqaalada soo socda ayaan kaga soo jawaabi doonaa inshaAllaahu.

Please follow and like us:

Only registered users can comment.

  1. Maasha allaah wll si fiican baad u dhigtay. Aad baan uga helay qoraalkan (and the topic) Waa qoraal aad u wanaagsan, waxaad tahay qof maskax iyo qalbi wanaagsan leh. Hore u soco.
    Dadkeena way ku daaleen in lagu maaweeliyo ICTIRAAF baan soo wadaa. Waxay doonayaa shaqo abuur, cadaalad iyo sinaan. Waxaan haysano ayaa nagu filan( naga badan haddii loo baahdana)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *