Sheeko

Hodan – Qaybtii 4aad

August 15, 2020

Hodan waxay ahayd inan taxadar badan.

Waxay ku fikirtay intaanay nolosheeda wax ka bedelin, wadanka ka bixin, waxa muhiimka u ah bedelin inay horta hubsato waxay dhawaan ogaatay oo wax akhriday. Waxay samaysatay caado cusub oo ahayd inay buugta taariikhda akhrisato.

Maadaama ay ogaatay inay nolosheedu ku socotay waddo niman cadaan ahi u jeexeen waxay rabtay inay wadaddaa waxay ka ogaan karto ka ogaato si aanay mardanbe ugu dhicin dadkana uga digi karto.

Inkastoo ay aad u cadhaysnayd hadana cadhadeeda waxa kaga muhiimsanaa is bedelka ay rabtay inay ku sameyso nolosheeda iyo ta dadka intay gaadhsiin karto.

Jamaal ayaa isna kusoo noqonayay niyadeeda!

Waxay fadhiday kaabad u dhaw dukaanka Waterstones-ka ee ku yaala Ealing Broadway ayay ku war heshay qof agmarayay oo istaagay.

Kor ayay u eegtay mise waa nin Soomaali ah.

Nin dhuuban, jaakeed leather ah oo madaw, surwaal jeans ah oo madaw iyo kabo isboortis ah oo madaw ku lebisan. Timo weyn ayuu lahaa dhererkiisuna gobol yahay. Kumay farxin dhererkiisa waayo iyada ayaa dheereyd marka la eego dhererka dumarka. Waxa uu sitay shandad weyn oo kuwa isboortiska ah.

Wejigiisa ayay eegtay balse waxa uu eegayay buuga ay dhabta ku hayso. Aakhirkii wuu soo eegay. Indhaha ayay u bedeshay iyadoo weydiinaysaa waxa uu rabo. Wuu dhoola cadeeyey, dhoola cadeyn hubka ka dhigtay didmadii ay Hodan qaadaysay.

“Buugan ayaan gartay aad akhriyayso, hayla yaabin waxaan usoo leexday inaan hubsado, qof Soomaali ah oo akhriyaya maan arag, Tragedy and Hope, cajiib”

Hodan way is hayn weyday oo way qososhay, afka ayay gacanta saartay waanay yara jeesatay.

“Aniguba waan la yaabay in nin Soomaali ah buug akhriyaba”

Markiisii ayuu qoslay.

Cabbaar ayay ka sheekaysteen taariikhda buugu ka hadlayo iyo aasaaska ilbaxnimada casrigan ee Reer Galbeedku hogaaminayaan.

Marba marka kasii danbeysa Hodan way la dhacaysay sida uu wax badan u ogyahay. Aakhirkii saacadiisa ayuu eegay.

“Kubadii ayaan ka habsaamayaa” ayuu ku yidhi.

Wuu istaagay.

“Magacaygu waa Cali, waxaan jeclaan lahaa inaan sheekada sii wadno ma numberkaagaad isiin mise kaygaad qaadan?”

Hodan way qososhay iyadoo la yaaban kalsoonidiisa. Waxay xasuusatay in muddo sanado ah aanu nin Soomaali ahiba weydiinin numberkeeda. Waxa ugu dambeysay habeen ay aroos joogtay.

Waxay is aragtay iyadoo ku leh “maxaad qabataa markaanad gabdhaha Islaameed buugtooda ku qabsanayn?”

“Arday baan ahay” ayuu ugu jawaabay.

Indhaha soo baxay Hodan. “Arday aa ma adoo intan le’eg?”

Intuu dhoola cadeeyey ayuu ku yidhi “PhD ayaan wadaa sanadkii labaad”

Intay dibnaha qaniintay ayay madaxa lushay.

“Maxaad baadhistaada ku samaynaysaa?”

“Dhaqaalaha”

“Hadana kubad ayaad ku ordaysaa”

“Numberka isii”

Boorsadeeda ayay uga baadhay kaadhkeedii shaqada, kadibna xaga dambe ayay ugu qortay numberkii mobile-keeda.

Intuu eegay ayuu jeebada koodhka gashaday.

“Waan kula soo hadlayaa” intuu ku yidhi ayuu jeestay kadibna gucleeyey.

Buugii ay rabtay waykasoo weyday dukaankii laakiin kamay xumaan oo la kulankii Cali ayaa niyada Hodan sare u qaaday. Habeenimadii waxay ku qaadatay akhrinta farsamada bulshooyinka ka dhisan dunida looga dhigay dabaqado kala sareeya hanti ahaan. Weligeed waxay u haysatay in dabaqadaha kala sareeya dhaqaaluhu ay yihiin wax dabiici ah laakiin waxay la yaabtay inay tahay siyaasad maamul oo fududeysa in bulsho si  fudud loo maamulo marka ay leedahay dabaqado.

Lasoco…

Please follow and like us:

Only registered users can comment.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *