Sheeko

Hodan – Qaybtii Saddexaad

August 5, 2020

Xafiiskeedii ayay gashay. Waxay dhigatay boorsadii, waxayna markiiba furtay koombiyuutarkeedii. Cabbaar ku dhaw shan iyo toban daqiiqo ayay ku qaadatay inay akhrido waxoogay emailo ahaa oo ku sugayay inbox-keeda. Way istaagtay waxaanay aaday xafiiskii James.

Markuu arkay ayuu gacanta u taagay isagoo u tilmaamaya inay fadhiisato maadaam uu telefan ku hadlayay.

Kolkuu kasoo dhamaaday ayuu soo eegay dhankeedii isagoo leh “Haye Hodan waxaan filayaa inaad su’aalo badan ii haysid”

“Haa habeenoo dhan baan akhriyaa maqaaladii iyo buugtii inaan waasho ayaan ku dhawahay fadlan bal iiga jawaab waan ogahay inaad mashquulsantahay”

“Sorry I can’t”

“Why not”

“Waayo waxaan go’aansaday inaan ka fadhiisto shaqada. Waan ka xumahay kuumaan sheegin laakiin todobaad ka hor ayaan istiqaalada u gudbiyey Wasiirka Dhaqaalaha, waa caawa xafladii sagootintaydu, markaan dhiman gaadhay ayaan go’aansaday inaan maalmaha iigu hadhay dunida ku dhamaysto deganaansho iyo socdaal”

Hodan aad bay uga naxday warkan. Wejigeeda ayuu ka akhristay James walaaceeda.

“Imisa jirbaad tahay Hodan?” Ayuu ku yidhi.

Intay yara hakatay oo hadalku hore uga soo bixi waayay ayay ugu jawaabtay “35”

“Gabadh fiican baad tahay, waxaan kugula talin lahaa inaad shaqadan iskaga tagto oo mid u baahan wakhti yar raadsato, nin hesho, guursato, carruur dhasho”

Intay is tidhi hadal ayay hadana aamustay. Su’aalo badan ayaa kusoo dhacayay maskaxdeeda.

Intuu fahmay oo qoslay oo albaabka xafiiskiisa u furay ayuu ku yidhi “Telefano ayaa ii soo dhacayee waad fahmi doontaa taladayda caawana hadaad rabto xaflada kaalay isla halkan uunbaa lagu qabanayaa dabaqa 50 aad. Magacaaga waan ku daray liiska dadka soo gelaya. “

Markay kacday ee albaabka kasii baxayso ayuu ku yidhi sug sug kadib bushqad ayuu u dhiiba. Waa bonus-kaagii sanadka oon kusoo horumariyey. Xafiiskeedii markay gashay ayay degdeg u furtay mise waxay ugu tagtay jeeg kunton kun oo Gini ah ama 65 kun oo Dollar.

Way dhoola-cadeysay.

Habeenkaa may tegin xafladii sagootinta James. Waxay ku fooganayd akhriska qoraaladii shirqoolka nolosheeda noqday.

Waxay aad ula yaabtay sida ay u indho xidhnayd ee waddo ajnabi u jeexay nolosheedu u qaaday. Waxay is weydiisay imika waxay rabto. Hal jawaab ayaa usoo booday.

Guur.

Su’aashuse waxay noqotay waa kuma ninkay guursan lahayd xaguu joogaa. Jamaal ayaa hadana niyadeeda kusoo dhacay. Laakiin reer buu leeyahay.

Waxay habeenkii oo dhan fikirtaba aakhirkii waxay go’aansatay inay is bedel weyn samayso. Ka guurto Ingiriiska, Hargeysa aado oo kolay shaqo way ka helaysaa halkaas. Baadhis fiicana ku samayso hawlahii uu James u sheegay kadibna buug ka qorto oo hablaha iyada ka yaryar ee Soomaalida uga digto.

Way dhoola-cadeysay iyadoo qalbigeedii qaboobay. Culays ayaa ka degay.

Lasoco ….

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *