Sheeko Siyaasad

Kala-Maan: Qaybtii 8aad

September 1, 2019

Jimcaale: Waan dareensanahay waanan u garaabayaa saaxiibkay Daadir. Yaa diidi kara midaw iyo walaalnimo. Iska daa shanta Soomalida’e waxa midowgoodu fiican yahay ummada Islaamka ah oo dhan. Laakiin aniga doodaydu sidaad filaysaan waxaan ku taageerayaa inay Somaliland go’do. Anoo walaalkay Daadirna u garaabaya aragtidiisa balse anigu waxaan doodayda ku salaynayaa xaalada aynu maanta ku jirno.

Ugu horeyn bulshada Somalia iyo siyaasiyeentooduba weli waxay ay usii jeedaan oo ay jafayaan waddo khaldan. Dawlada Somalia waxa dhisa markasta oo gacanta ku haya ajnabi. Nidaamka dawlada Soomaaliya waxa dhigay ajnabi, ciidanka dawlada Somalia waa ciidan ajnabi ah oo xataa dawlada aan ka amar qaadan.

Anigu ma beenin karo khatarta ay Cimaaraadka Carabtu ku hayaan Somaliland runtiina dawlada Somaliland kuma taageersanayn in ay wareejiso Dekeda Berbera oo Carab u gacan geliso, Carabtiina ay Ethiopian qoorta inoo sudhaan. Balse arrintaa waxa ogolaaday madaxdii dawladii hore ee Somalia. Hadaanay iyagu ogolaana si kasta oo dawlada Somaliland u doonto inay wakhtigaa xaraashaan Dekeda Berbera may suurto gasheen. Balse iyagaaba kasii horeeyey.

Intaanu saaxiibkay Daadir odhan madaxda dawlada imiku way kasoo horjeesteen heshiiska waxaan tusayaa in ay madaxdan imika Somalia ka talisaa ay qudhoodu ku mashquul sanyihiin inay iibiyaan xuquuqda khayraadka shiidaalka iyo macdanta eek u duugan dhulka Somalia oo dhan.

Aan usoo noqdo sababta aan anigu u daneynayo inay Somaliland ka baxdo midawgii Somalia oo noqoto dawlad keligeed istaagta. Waxaan anigu Jimcaale’ ahaan u arkaa in hadii Somaliland go’do ay noqon karto meeshii Somalia inteeda kalena laga badbaadin lahaa.

Maanta waad aragtaan Somalia khayraadkeedii way saxeexday, waxa jooga ciidamo Maraykan, iyo Amisom iyo qaar kale oon la garanayn waxay yihiin. Madaxda Somalia’na ma aha qaar ka fikiraya dhibta ay leedahay in ay khayraadka ummada wareejiyaan, nidaam ajnabi u dejiyay qaataan oo isku maamulaan xataa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in ninka madaxda ka ah laga dhigo nin ajaanib ah.

Miyaanay u ekeyn in ay Somalia ku dambayn doonto sida Nigeria ama Mozambique oo kale, calaashaan wadamo badan oo Afrika ah oo khayraadkoodu ku noqday inkaar ay ku hoogaan oo lacagtooda iyagu dib loogu gumeysto. Sababtana ay keentay nidaamyada loo dejiyey oo ah qaar aanay iska eegin ee lagu dhiig miirto.

Tusaale ahaan Nigeria iyadoo shiidaal dhoofisa ayay hadana shiidaalka gawaadhida wadankeedu isticmaalaan dib ula soo degtaa.

Markaa aniga waxa ila fiican in doonida sii degaysa ee Somalia ay Somaliland ka degto. Kadibna Somaliland noqoto wadan Soomaalidu isugu timaado oo kuwa hagaajin doona Somalia laga tabaabusheeyo. Wadan xor ah oo Soomaalidu ku nabad galaan oo sharaf ku yeeshaan.

Jimcaale intaa markuu dhiibtay ayuu fadhiistay, dadkii daawanayay dooddana waxa kasoo hadhay afkalaqaad iyagoo la yaabay sida qotada dheer ee uu Jimcaale u falanqeeyey xaalada Somalia iyo sida caqliga ku dhisan ee uu qadiyada Somaliland qiilka ugu sameeyey.

Lasoco..

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *