Keyse iyo Jack Sheeko

Keyse iyo Jack – Waxa qoray Wise Man

February 9, 2019

Ku yaroo Soomaali ah oo yaryarka ku koray Ingiriiska ayaa yara shidmay. Wuuba shidnaan dhaafay, wuu ololay.
Wuxuu ku jiraa sanadkii labaad ee jaamacada, da’diisu waa labaatan jir, waxaanu bartaa ganacsiga ( business).

Magaciisa aynu u bixino Keyse. Waan qarinayaa magaciisa runta ah ama ma jiroba!

Keyse wuxuu ka helay tuyaroo cadaana, iyaduna way soo eeg-eegtaa. Laakiin inantu waxay la socotaa ku yaroo dhigeeda ah oo cadaana oo la yidhaah Jack.

Jack waxa u dhigtaa philosophy ama falsafada.

Habeen ay jirtay xaflad ayaa Keyse waxa uu arkay tii yarayd oo aanu sxbkeed la socon. Wuu u tegay waanu ku furtay isagoo dhoola cadeynaya.

Keyse : Hi i think i know you 😊

Her: Do you 😉

Kaftan kadib , waa lawada ciyaaray. Kadibna telefanada ayaa la is weydaarsaday.

Xidhiidhkii Keyse iyo inantii cadayd wuu sii xoogeystay. Dhawr week kadibna waxay xadhiga u jartay Jack.

Jack ayaa asxaabtiisii qaar ka mid ahi habeen ku dacaayadeeyeen in nin madaw ka qaaday sxbadii. Jack oo aan marka hore inanta ka tagtay wax weyn kasoo qaadin ayaa xanaaqay markuu arkay in wiilashii ay sxbka ahaayeen qaar ka mid ahi arrintii u arkeen guul darro iyo weji gabax. Jack wuxuu inamadii ku yidhi jan yar ee madaw ee lunsan waa dadka aynu carbisanee maxaad uga gubanaysaan. Iyo ninka hala tuso kaalintiisa waabu kibree.

Jack iyo sxbadiisii cadaanka ahaa waxay ku balameen in Keyse runta loo sheego.

Keyse oo maalin kasoo baxay gym-kii Jaamacada ayaa waxa u yeedhay Jack. Waxaana dhex maray iska hor-imaad gaaban.

Jack : Sideed u haweysan kartaa naag cad oo weliba aniga ila socota?

Keyse: War iyadaa nin adiga ku dhaama heshay oo raadsatay.

Jack: Oo ma adigaa aniga i dhaama?

Keyse: Dad badan oo sxbadaadii hore ku jirto hadii la weydiiyo haa 😁

Jack: Wiil lunsan baad tahay laakiin sida raga diyaar ma u tahay inaan uga doodno arrintaa?

Keyse: Maxaad iska dhibeysaa niyow, bal waayahay.

Waxa lagu balamay hall ay lahaayeen ururka ardayda jaamacadu.

Keyse markiiba waxa galay dareen. Waxaanu bilaabay inuu baadho Jack. Wuxuu ogaaday inuu xaga waxbarashada Jack kaga horeeyo. Inkastoon philosophy iyo business la is bar-bar dhigi karin, hadana dhibcihii ay kusoo baaseen imtixaankii dugsiga sare inuu Keyse ka dhibco badnaa Jack.

Keyse waxa uu is xasuusiyey inuu jidh ahaan ka dhisan yahay Jack. Xataa inuu chess-ta kaga fiican yahay. Waxa Keyse iska hubiyey inantii oo uu ka shakiyey inay shirqoosho oo habeenka doodda ku wareegto Jack. Iyadana markuu imtixaamay wax uu saluugo kumuu arag.

 

Doodii Keyse iyo Jack waxa maqlay ardaydii jaamacada. Madaw iyo cadaanba waxay noqotay arrin xiiso iyo xamaasad abuurtay.

Waxa kaloo maqlay jaraa’idkii magaalada oo maqaal ka qoray.

Doodii waxay noqotay arrin aad loo hadal hayo. Waxaana loo balamay maalin jimce ah saacadu markay tahay 3-da galanimo.

Keyse wuu soo diyaar garoobay isagoo si fudud oo laakiin stylish ah usoo xarooday. Wuxuu soo xidhay jean, garan cad iyo blazer madaw. Kabo Nike ah oo kuwii ugu dambeeyey ah.

Dhanka kale Jack muu soo xaragoon, xataa muu soo xiiran. Wuxuu kusoo jufay shaadh iyo surwaal jactada.

Goobtii dooda ayaa la isugu yimid.

Ardayda badankoodu gaar ahaan dumarku waxay taageero u muujiyeen Keyse. Iyagoo leh gabadhu waa xor adiguna xor baad tahay, labadii iska heshaaba hays raacdo.

Doodii waxa furay gudoomiyihii ururka ardayda jaamacada. Waxa la sameeyey qalin-tuur si loo helo ka ku horeynaya doodda. Waxa nasiibkii kasoo baxay in Keyse ku horeeyo.

Keyse ayaa hadalkii bilaabay:

Magacaygu waa Keyse, waxaan ahay arday sanadka labaada oo dhigta business (ganacsi), waxaanan qirsanahay oo dembigaygu yahay in gabdhuhu iga helaan

Tarabuunkii baa qoslay.

Keyse wuu sii watey hadalkii :

Inkastoo aanan jeclayn in Jack jacaylkiisa aan ka qaado, hadana naag noocaas oo kale ah nin Jack oo kale ahi ma hayn karo kumana filna. Waxase la yaab leh in uu Jack indho-adaygiisa , halkuu dhuuman lahaa aniga i qabsado oo i yidhaahdo sideed u hawaysatay sxbaday. Aragtida noocaasa iyo war la’aanta haysa waa waxa ay marka horeba inantu uga tagtay.

Waxaanse u aqbalay inaan u quus gooyo oonu dadka hortooda ku kala baxno.

Intaa kadib waxa hadalkii loo wareejiyey Jack.

Jack baa hadalkii bilaabay:

Runtii maan daneynin in ay sxbaday raacdo laakiin markay asxaabtayda qaar ka mid ahi ka xumaadeen ayaan damcay inaan waxyara iftiimiyo.

Waxaan hubaa inuu Keyse igu raacayo in ninka raga ahi yahay kii fikira ee fikirkiisa ku meel mara.

Waxaan xusuusinayaa Keyse in uu yahay nin adoona. Ma aha inaan caayayo, balse ila eega warka aan soo wado.

Keysow waxaad ku nooshahay wadankayga. Waxaad dhigataa waxbarasho iyo manhaj ay diyaariyeen niman cadaan ahi. Waxaanad raacdaa xeerka iyo qawaaniinta ay cadaanku dhigteen.

Keysow waxaad isku cabirtaa halbeeg ay niman cadaan ahi sameeyeen. Waxaad ku lebisataa cadaanka dharkooda. Waxaad qurux u aragtaa quruxda aan kuu sheego. Wakhtigaaga firaaqada waxaad ku qaadataa sida ninka cadaanka ahi u ku qaato oo kale.

Keysow wadankaaguna wuxuu u ordaa siduu u heli lahaa aqbalaadayda. Keligaa maaha adiga iyo dadkaaguba waxay u tartamaan si noo tusi lahaayeen siday nidaamyada aanu leenahay ugu dhaqmaan oo hirgeliyaan.

Keysow filimaanta aad daawato anagaa kuu samayna. Buugta aad akhridana qoraayada qora waa kuwayaga ama kuwa aanu ogonahay.

Keysow ma ogtahay sababta ay Afrika u horumari weyday? Ma isweydiisay weli?

Aan tusaale ku siiyo Keysoow waa adiga Ganacsiga bartee. Ma ogtahay in Afrika aanu deeq ahaan 3 Bilyan siino sanadkii balse aanu kala baxno in ka badan 150 Bilyan.

Keysow ma ogtahay in berri ka maalin hadii aad wadankaaga madax ka noqoto in dadkaaga aaf ku dhaqi doonto nidaam aanu kuu dejinay. Ma ogtahay in dadkaaga aad ugu faani doonto waxaan wax kusoo bartay Yurub. Ma ogtahay inaad dhanka lebiska , khudbadaha, protocol-ka intaba aad anaga nagaga dayan doonto.

Keysow waxaad dhaqankaaga iyo diintaada u aragtaa wax berri hore ahaa oo dambe.

Markaa Keysow mar hadaad noo raran tahay oonad xataa ogeyn inaad noo raran tahay sideed ku haweysataa naag aan anigu haysto? Mase ogtahay inaan xataa taas anigu kuu ogolaaday si aad iigu milanto ood iskay moodo.

Intaasba kuma idhaahdeene Keysow asxaabtayda ayaan rabay inaan qalbiga u dejiyo

 

Keyse waxa uu dareemay dareen aanu weligii isku arag. Jack markuu hadalka adoon dhaafiyeyba marna wuu gubtaa Keyse marna wuu naxaa.

Nasiib wanaagse Jack ayaa hadalkii ku dheeraaday, kadibna gudoomiyihii ardayda ayaa arkay Keyse oo ay ka dhantahay.

Gudoomiyihii ayaa waxa uu soo jeediyey in bal qadar nasasho ah la galo. Kasoo qayb-galaayaashii qudhooda afkalaqaad bay ku noqotay dooda Jack.

Aniguna waxaan taaganahay xaga dambe ee goobta dooda.

Waxa isoo agmaray Keyse oo khal-khalsan oo xaga suuliga u socda.

Waxaan kula hadlay Af Soomaali, waxaanan ku idhi:

Waa lagu gaadee, is deji waynu iska celinaynaa .

Keyse ayaa markeliya farxay. Markaasuu igu yidhi Af Ingiriisi isagoo ku hadlaya :

How? ( Sidee)

Markaasaan ku idhi aduu waxaan ku idhaahdo uun ku dood. Waxaanan u sharaxay doodii iyo meeshii uu ka durri lahaa Jack.

Waxaan ku idhi wuu ku gaaday balse anaa u jawaabiye isoo geli doodda. Waxaad tidhaa dood aan kaa helo iyo gabadh aan kaa qaado isugu kaa dari maayee , sxbkay Wise Man ayaan kugu sii dayn isagaa heerka aad is biday kaaga run sheegiye.

Doodii baa dib loo bilaabay, intii buu yidhi, waxase diiday daadihiyihii dooda oo yidhi doodu labadiina ayay idinka dhexeysay ee miyaad ka baxday. Waxase ogoloaaday Jack oo yidhi, sxbkii laftarkiisa ayaan rabaaba.

Waxa lay ogolaaday inaan doodii ka qayb galo.

Waxa qoslay dhawr aanu is garanaynay, waxaan soo fuulay minbarkii dooda. Waan dhoola cadeeyey, waxaanan bilaabay hadalkaygii.

Ilbaxnimada adduunyada kolba qolo ayaa ka talisa horta. Wakhti baa jirtay ay Muslimiintu adduunka maamulayeen ama aan idhaahdo kun sano ayay muslimiintu lahaayeen dawlada ugu xooga badan.

Dhanka kale marna Roman- ka ayaa dunida ugu dawlad sareeyey. Anagana, aniyo Keyse, hadaanu nahay Soomaali , horta garo’oo luqadayada ayaaba 7 kun oo sano inay jirtay lagu qiyaasaa.

Waad saxsantahay Jack-ow oo maanta dunidu ninka cad bay wax bidaa. Balse casriga ninka cad nolosha bani’ aadamka muxuu geyaysiiyey.

Aan tusaale fudud ku siiyo, maadaama aad qof dumara isku haysataan, ilbaxnimada ninka cadi maxay ka bedeshay nolosha dumarka sideebaanay u gashay?

****

Tarabuunkii ayaa markay arkeen dhaliisha nidaamka cadaanka een soo wado fahmeen waxoogay guuxay. Waanse sii watay doodii anigoo leh :

Hadaan idhaahdo xuquuqda dumarkiina iyo guud ahaan dumarka fikirka ilbaxnimadiina qaatay ka hadlo waad hagrateen oo nolol cidhiidhiya ayaad geliseen.

Waynu ogsoonahay bulshooyinkiinu way dumayaan oo xaga dhalmada iyo dhimashada waxa badan dhimashada.

Waxa idinku badan is-dilka waayo dadkiinii ayaad nolol cidhiidhi ah oo shilin la eryado geliseen. Marku qofku farxad ka waayo lacagtana wuxuu ka raadiyaa daroogooyinka.

Jack-ow gabdhihiinu ma helasn nin guursada. Waayo waxay guur damcaan markay da’doodu 30 dhaafaan.

Jack-ow waxa saynis-yahanadiinu ka marag kaceen in gabadhu markasta oo sxbkeed ay kala tagaan ay niyad jabto illaa ay gaadho heer aanay dawo ama daroogo la’aan noolaan karin.
*****
Jack waa uu qoslay, waxaanu igu yidhi ” Haday sidaa tahay maxaad ka qabanaysaa wadankayga?”

***

Waxaan ugu jawaabay:

waxaan imid anoo yar imikase adoo kale ayaan caawiyaa.

Jack-ow sxbadaa waxay kaaga tagtay waa waxaanad dhawrin sharafteeda. Adiga laftaadu waxaad ku hoos nooshahay nidaam afarta lacagta leh uun loo shaqeeyo.

Jack-ow wax lagu faano maaha ilbaxnimo dunida inteeda badan hoojisay oo gelisay dagaalo iyo nolol adag oo gumeysiya.

*******
Jack ayaa kusoo noqday hadalkii isagoo leh:

Doodii waad naga leexisay , dood dheer oo lafa-gur u baahana waad keentay.

Waanan ku faraxsanahay inaan helo qof ila doodi kara oo dhinac kale wax iga tusin kara.

Waxaa wacnayd in Keyse uu sidaada oo kale yahay. Markaa cambaradaydii nin fikira bay raacday baan odhan lahaa oo imay gubteen.

*******

Doodii halkaasay ku dhamaatay waxaana la weydiiyey kasoo qayb-galayaashii inay cida guuleysatay gacanta u taagaan.

Natiijadii waxay noqotay 50/50 ama bar-baro.

*****

Markii aan dibada uga soo baxay goobtii ayaa waxa dibada igu sugayaye Keyse , waxaanu isagoo faraxsan igu yidhi:

Mahadsanid bro. Xagesnse waxan aad sheegaysay ka bartaa.

Ana waxaan ku idhi :

Summer-ka Hargeysa tag!

******

Dhamaad

 

Please follow and like us:

Only registered users can comment.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *