Dhaqaale

La Yaab

July 20, 2020

Waxa layaab leh, ama layaab leh, ama layaab leh, in weli siyaasiga iyo aqoon yahanka reer Somaliland aaminsan yihiin kana shaqeeyaan sidii ay Somaliland ugu heli lahaayeen maalgashi shisheeyi. Waxaad intaa maqlaysaa iyagoo leh aynu doorashooyinka qabano, dumarkeenu haka muuqdaan siyaasada si aynu usoo jiidano indhaha caalamka oo u helno maalgasho shisheeye iyo aqoonsi siyaasadeed.

Hadii aad dib u eegto khudbadihii siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Somaliland ee illaa 90-kii waxaad arkaysaa in ay dadka markasta ugu bushaaraynayaan aqoonsiga inay la socdaan shirkado shisheeye oo ina maalgashanaya, kadibna aynu barwaaqo gaadhayno.

Ma jiro aqoonyahan iyo siyaasi dhisida dhaqaalaha wadanka iyo siyaasadiisaba intaa ka badiya. Waxna kuma daraan waxna kama dhimaan. Balse aynu is weydiino xagay ka keeneen fikradan horta? Yaa ka dhaadhiciyey aqoonyahankeena in horumarku ku xidhan yahay maalgashi shisheeye? Yaa ka dhaadhiciyey siyaasigeena in aqoonsi la’aantii aynu nahay dad wax ka dhiman yihiin oo aan baahiyahooda ku filnaan karin marnaba?

Markaad si run ah u baadho fikirkooda ku salaysan dhaqaalaha in lagu xidho maalgashi shisheeye badanka waxa kuu soo baxaya inuu yahay aragti shirkadahaasi jaamacadaha geysteen. Iyo in siyaasigeena iyo aqoonyahankeenu aanay wax aragti cusuba ama baadhis ahba ku samaynin afkaarta ay ka maqlaan warbaahinta ajnabiga ah ee ay inoo soo macneeyaan uun.

Sababta aan u necebahay afkaarta noocaas ahi waxay tahay waxay afkaartani ragaadiyaan ama curyaamiyaan wax Allaale wixii aragti kale ee inoo dan ah aynu ka doodi lahayn ama raaci lahaynba. Mar hadii horumarkii lagu xidhay aqoonsi iyo maalgashi shisheeye waxay noqonaysaa in intaa intaas la helayo ka hor la iska sii fadhiyo oo la naashnaasho uun kolba inyar. Waxase cajiiba in maalgashiga shisheeye badanka uu la socdo gumeysi, addoonsi iyo dhiigmiirad ay shirkadaha ajnabigu badanka ka geystaan wadamada ay maalgashadaan.

Dhibaatada shirkadahaas caalamigu dunida saddexaad ama dadka madaw ku hayaan waxaad ka arki kartaa markaad baadho jasiiradaha iyo wadamada u dhaw Maraykanka sida Guatamela, Venezuela, Jamaica, Argentina, Bahamas IWM.

Badanka waxaad arkaysaa wadamada horumary ee iskood wax u qabsaday inay run ahaantii ku dedaaleen oo markasta ku adkeysteen inay shirkado wadani ahi u samaysmaan halkii ay ka casuumi lahaayeen shirkado shisheeye. Arrintani waxay keentay in uu bilaabmo tartan iyo basaasnimo ka dhaxaysa shirkadaha Shiinaha iyo Maraykanka, Shiinaha iyo Japan. Oo la kala xado afkaarta, maantana waad ogtihiino wax lagu eedeeyo Shiinaha tayo darroba maanta alaabta dunidoo dhan badankeeda waxa lagu sameeyaa Shiinaha.

Balse inagu ma nihin sida Shiinaha oo kale oo dadkeenu waaba saddex ama afar milyan. Inagoon gumeysi kale cagaha ku doonan ayaynu wadankeena toban sano gudahood caalamka ku gaadhsiin karnaa. Hadiise aynu horumarkeena ku xidhno aqoonsi iyo maalgashi shisheeye dee waynu iska fadhiyaynaa.

Su’aasha muuqata markaasi waa iyadoon la ina aqoonsan, maalgashi ajnabina aynaan helin ma horumari karnaa? Haday jawaabtu tahay haa, sidee iyo qaabkee ayaynu ku horumari karnaa? Jawaabtaas kala socda maqaalada soo socda.

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *