Dhaqaale Siyaasad

Ma Khasabaa In Dumarku Shaqeeyaan?

May 23, 2020

Ma Khasabaa In Dumarku Shaqeeyaan?

Iska daa dumarkee, maalin dhaw waxa imanaysa in badanka shaqooyinka adduunku ay meesha ka baxaan oo robots (aalado computer ah oo is wada) ay shaqooyinkan qabtaan.

Iska daa inay dumarku shaqeeyaane raga ayaa xataa laga maaramayaa inay shaqeeyaan.

Shaqooyinkani waxay noqon doonaan kuwa xirfada sare ah iyo kuwa xirfada hoose loo baahan yahay. Waxa shaqooyinka kamida cunto karinta, dhismaha, ingineer-inka, wastaadka, nadiifinta, dhakhtarada, lawyerada ama abukaataha, bilayska, ciidanka qaranka, macalinimada. Way yartahay shaqo aanay robots-ku qaadan doonin ama la fal geli doonin.

Tusaale ahaan sida ay aqoon yahano badan oo caalamku sheegayaan mihnada dhakhtarku waxay noqon doonta kuwa ugu waaweyn ee robots-ku qabsadaan. Tusaale ahaan adoo xumadoonaya ayaad dhakhtar iman. Dabadeedna computer ayaa halkaa ka daalacan xumadaada, cadaadiska dhiigaaga iwm. Kadib meel ayaad gacanta gelin si dhiig lagaaga qaado. Islamarkiiba robot-ka ama computer-kaa baadhi. Wixi lagaa helo dawadii dili lahayd sida antibiotic islamarkii ayay isku dardari oo halkaas ku samayn oo weliba kuu sheegi sidaad u qaadan lahayd. Sidoo kale waxay maanta marayaan computer-adu inay dhakhtarada kaga fiicnaadaan akhrinta iyo eegist raajada (x-ray).

Dhanka kale shaqada sharciyada ayaa noqonaysa mid ay computer-adu ku filnaan karaan dhamaanba. Marka la eego baadhista, kala haadinta iyo qorista contract-yada. Oo maanta dunidu waxay maraysaa in la sameeyo smart contracts oo labada qof ama kooxood ee heshiis gelaya uu computer dhex u noqdo. Imika waxa dhex u noqda maxkamad ama nootaayo.

Arrinta se ugu wayn ee kacaanka robots-ku dhacayaa waa goobaha waxsoosaarka shaqada, gawaadhida, diyaaradaha iyo maraakiibtaba waxa wadi doona oo hagi doona robots. Dhanka kale beerista iyo gurista midhaha iyo khudrada markay beertu go’do waxa qaban doona robots. Ku darsoo shaqada militariga iyo boolisku waxay noqon doontaa mid robots iyo computero qabtaan.

Shaqooyin badan oo maanta dadku qabtaan marka robots qabtaan dad badan ayay shaqo la’aani ku dhacaysaa. Dawladaha horumaray dadkan waxay u diyaariyeen inay siiyaan tababaro kale oo shaqo kale u tababaraan. Dhanka kale waxay u qorayaan biil ay siiyaan.

Arrintani waxay keenaysaa in dadkii shaqaysan jiray ee shaqadooda iyo dhaqaalahoodu isku xidhnaa in lacag yar loo qadhiidho oo la yidhaa noolaada bilaa shaqo. Waanad ogtihiin oo biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa. Lacag kasta oo dawladuhu bixiyaan ma noqonayso mid ku filnaata dadka. Waayo waxa meesha ka baxaysa ahmiyadii nolosha ee shaqadu siin jirtay bani’aadamka.
Dhanka kale waxa jira dhib kale oo ah dhawr shirkadood iyo dhawr qof oo taajiriin ah ayaa noqon doona kuwa iyagu leh hantida dunida inteeda badan.

Maantadan aan qorayo qoraalkan waxa la sheegaa in siddeeda qof ee ugu taajirsan adduunku ay ka lacag badan yihiin boqolkiiba kontonka ugu faqiirsan aduunka xoolahooda marka la isku daro. In dhawr qof yeeshaan hantida adduunka taala badankeeda, dadka badankoodu shaqo beelo, dawladuhuna biil gaar ah bixiyaan waxay keeni doontaa is bedel ku dhaca nolosha bani’aadamka.
Dhawrkaa qof ee leh hantida adduunka badankeeda taala oo dhami waxay kaloo xukumi doonaan ciidan robots iyo computer ah oo ay ciday rabaan ku xasuuqaan. Su’aashu waxay tahay dadka Afrikaanka ah gaar ahaan kuwa dhulka fiican dega sida Soomaalida miyay xasuuqi doonaan? Hadaanay xasuuqina kacaanka robots-ku sidee ayuu inoo saamayn doonaa?

Kasoo qaad iyadoo aanay inagu mashquulin oo inala dagaalin oo ina dabar goyn. Waxa markaasna dhacaysa in tijaarteenu noqdaan kuwa leh hantida iyo khayraadka dhulka Soomaalida. Si aynu uga hortagno arrintaas ah in dhawr qof yeeshaan hantida wadank waa inaynu yeelanaa xeerar iyo qawaaniin ka illaaliya in wadanku dhawr qof gacanta u galo. Tusaale ahaan waa inaynu yeelanaa dhul ay dawladu leedahay oo aanay iibin karin, shirkado aan hanti gaar ah noqon karin, adeegyo aan dawlada mooyee cid kale yeelan karin iyo xuquuqo lama dhaafaan ah oo muwaadinintu yeelanayaan.

Waxaynu u baahanahay siyaasiyiin iyo aqoon yahano arrimahaas qorshe inooga sameeya.
Hadaad ka heshay maqaalkan fadlan ku xidhnow bogayga wakhti.org.

Wise Man

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *