Dhaqaale

Maxaa Haboon Inuu Dhaqaalaha Somaliland Ku Dhisnaadaa!

July 30, 2020

Gaasta laga soo saaro gobolka Soomaalida ee Ethiopia gumeysato ayaa tusaale ugu wacan in aynaan ku degdegin inaynu soo saarno shiidaalka Rabbi dhulkeena dhigay.

Qodista shiidaalka iyo guud ahaan macdantu badanka waa shaqo ay ku keliyeysteen dhawr shirkadood oo waaweyn. Hadii aynu is nidhaahno soo saara macdanta dalka ama shiidaalka waxa aynu furaynaa albaab ay adkaato inaynu hadhaw xidhno.

Si fudud hadaan u sharaxo; shirkadaha macdanta qodaa waxa ay farogelin siyaasadeed ku sameeyaan dawladaha ka taliya dhulka ay macdanta ka soo saaraan ama ka sahamiyaan. Dawlad curdin ah sida Somaliland waxay shirkadahaasi ku keenayaan inay iyagu maal geliyaan siyaasiyiin laaluush qaata oo danaha Somaliland aan ka shaqayn ee danaha shirkadahaas ka shaqeeya.

Arrintan waxa tusaale fiican u noqon kara wadamo badan oo soo saara shiidaalka oo Afrika ku yaala sida Nigeria ama kuwa Carabta ku yaalba. Carabta waxa aan usoo qaatay lacagta kasoo baxda shiidaalka Carabta badankeeda waxa lagu maalgeliyaa wadamada Maraykan iyo Ingiriis iyagana waxa kaga soo noqda in yar oo faro-guudkood ah. Waxa tusaale kuugu filan wadamada Carabtu illaa hada malaha tareeno isku xidha, Jaamacadaha Carabta lagama ixtiraamo caalamka oo aqoonta way ka liitaan, xataa illaa imika dadka xirfadlayaasha sare sida dhakhaatiirta iyo injineerada ka shaqeeya wadamada Carabtu ma aha Carab.

Wadamada Khaliijka maanta waxa kasocda oo boqortooyooyinkoodu bilaabeen qorshayaal dhaqaale oo ay rabaan inay ku horumariyaan wadamadooda oo kaga baxaan ku tiirsanaanta ay ku tiirsan yihiin sicirka saliida qaydhin. Waxaase la yaab leh qorshayaashooda dhaqaale (kuwaas oo qoraagu kawarhayo) in  aanay ku jirin qorshe waxbarasho.

Hadaba ma la dejin karaa qorshe dhaqaale oo muddo toban sano iyo ka badan qaata iyadoon lagu darin qorshe waxbarasho oo muwaadiniinta loogu diyaariyo xirfadaha dhaqaalaha adduunku mustaqbalka u baahanayo. Jawaabtu waa maya.

Hadaan usoo noqdo mawduuceenii, Somaliland si ay uga badbaado inkaarta ay ku keeni karto khayraadkeedu waa inaan dhaqaaleehu noqon mid ku dhisan khayraadkeeda. Hadaynu nidhi dhaqaalaheenu yaanu ku dhisnaan khayraadkeena su’aashu hadaba maxaynu ku dhisnaa? Jawaabtu waa waxaynu ku dhisayna dhaqaalaheena xirfad, aqoon iyo adeeg. Taasina waxay u baahanaysaa inaynu soo saarno bulsho xirfad leh oo weliba xirfada wax samaynta warshadaynta iyo xirfada koombiyuutarada leh.

Waxa kale oo Somaliland dhaqaalaheeda ku dhisi kartaa iyadoo dhoofisa, khudaarta, looxa, kalluunka, xoolaha nool iyo hilibikooda. Waxaanse ka jeclaan lahaa iyadoo noqota wadan ardayda Afrika u soo doontaan cilmi iyo dhakhtaro fiican sida Hindiya oo kale.

Siyaaasadani waxay inaga badbaadinaysaa inaynu markale galno gumeysi khayraadka wadanka kasoo baxana ay noqdaan kuwo ajnabi lunsado iyo inyar oo lagaga shaqeeyo in la isku keen dirro.

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *