Dhaqaale

Maxaad u Guursan La’dahay?Maxaad u Shaqo La’dahay?

July 6, 2020

Sababtaad u shaqo la’dahay.

Sababtaad u guur la’dahay.

Sababta aan shaqadaadu u ahayn mid kugu filan mushahar ahaan.

Sababta ay maceeshadu qaali u tahay.Sababta siyaasiyiinta ina maamulaa tayadoodu u liidato.

Sababta qabyaaladu u xoogeysatay.Sababta musuqmaasuqu u hanoqaaday.

Sababta dhalinyarada tahriibaysa ee baddaha isku guraysaa u korodhay.

Sababta aanay waxbarashadeenu tayo u lahayn.

Sababta wadaadadu ribo farsamaysan u qaadaan.

Sababahan iyo qaarkaloo badanba waxa keenay waxa inaga xun nidaamka siyaasadeed ee wadankeena kaasoo sababay in uu xumaado nidaamkeena dhaqaale. Marka dhaqaale xumo timaadana waxa bata fasahaadka, nacaybka, kala fogaanshaha bulshada, qabyaalada IWM. Tusaale ahaan marka wiil jaamacada dhameeyo ee shaqo waayo kadib tahriibo ama wadanka joogo inantii ama dhawrkii hablood ee uu wiilkaasi guursan lahaa haduu Somaliland shaqo ka helo iyagana xaalkoodu siduu noqonayaa?

Hadaba ku darsoo marka ay dhalinyarada gaar ahaan wiilashu shaqo la’yihiin ama shaqo lacag yar ku noolyihiin ma awoodi karaan inay guursadaan. Guur la’aantii waxay keenaysaa burbur dhaqan iyo akhlaaqeed. Dhanka kale gabdhahana waa la mid. Kaba soo qaad inan ayaa wax baratay, kadib iyadiina shaqo la’aan baa ku dhacday ama shaqo mushahar yar ayay heshay. Inankii ay isku lodka ahaayeena waa bilaa camal. Inantaas waxa dhacaysa in guurkeedu raago maadaama wiilkii geyaankeeda ahaa aanu awoodin inuu reer dhaqdo. Haday wiilasha iyo gabdhuhu ogyihiin in sababta ay u shaqo la’yihiin, u guur la’yihiin ee weli dulsaarka ugu yihiin waalidkood inay tahay nidaamka dawladnimo ee khaldan ee aynu qaadanay siday wax noqon lahaayeen?

Markasta oo aynu dhaliilno dawlada ama habka siyaasada wadankeenu u socdo waxaynu dhaliilnaa Xisbiyada iyo dadka xilka inoo haya. Kawaran hadaan idiin sheego in qofkastoo yimaadaa aanu keeni karin is bedel horumariya bulshada dhamaanteed. Balse waxa dhacaya in bulshada qaybo kamid ah oo yari horumaraan inteeda kalena noqoto faqiir qaadaa ma dhergaan ah oo orod ku jira maalin kasta. Nidaamkeena siyaasadeed iyo dhaqaale waxaynu kaga dayanay Maraykan. Waa nidaam keena in hantida ummadu u gacan gasho dad tiro yar, dadka kalena noqdaan shaqaale.

Bal u fiirso hantidii ummada inteeda badnayd waxa laga iibiyey tujaarta wadanka. Adeegyo badan oo dawladu ay ahayd inay bixiso sida laydhka oo kale waxa gacanta loo geliyey tujaarta. Dhul badan oo ay ahayd in laga dhiso cisbitaalo, dugsiyo waxbarasho, shirkado dawladu leedahay waxa laga gaday oo lacag jaban laga siiyey tujaarta. Sababta ay arrimahani u dhaceen waa nidaamka aynu qaadanay ayaa ah nidaam u adeega tujaarta.

Nidaamkan waxa kale oo ku jira farsamo aan lagaga horiman oo la yidhaahdo xisbiyo. Xisbiyadu waxay keenaan in bulshada lakala qaybiyo. Halkii ay bulshadu dawlada kala xisaabtami lahaayeen inaanay tujaarta u adeegin ee tujaarta ku khasabto inay cashuurta bixiyaan qiimaha alaabada ay gadayaana ka dhigaan mid macquula ayaa dadka lagu jeediyaa waxyaabo fudud sida qabyaalad iyo reer hebel.

Si kastoo reer hebel u bedelo reer hebel dhawr qof oo ku dhawdhaw kuwa xilka haya mooyee nolosha dadka kale waxba iskama bedelaan ama waabay kasii dartaa!Nidaamkeenu waa nidaam doorashooyin badan leh oo inta badan ay dhiirigeliyaan wadamada Reer Galbeedku. Sababtuna waa nidaam aan iska difaaci karin farogelin shisheeye. Waa nidaam soo jiita siyaasiyiinta inta jecel dhaldhalaalka dunida iyo inay hanti sameeyaan. Waa nidaam soo jiita dadka indhaha adag.

Hadaba xageen anigu kasoo ogaaday in nidaamkani yahay mid ka dhiga bulshadu inay dabaqad yari dhiig miirato dadka intiisa kale.

Sida ku cad qoraalada iyo taariikhda laga sameeyey markii nidaamkan laga dhisayay Maraykan laba boqol oo sano ka hor, James Madison, oo ka mid ahaa ragii nidaamkan wax ka dhisay Madaxweynena ka noqday Maraykan si cad baabu u sheegay. Isagoo ku doodaya in hadii aanu nidaamkani jirin ay dadku u codeyn doonaan in tujaarta lacagtooda lala wadaago ama lala wareegaba!

Hadaba ma jiraan nidaamyo ka duwan oo keena in bulshadu horumarto oo barwaaqawdo oo hantideedana dadku isku si ama siday ugu kala baahi badan yihiin ay u kala manaafacaadsadaan?

Haa way jiraan nidaamyo badan oo ka duwan kan hanti-goosiga ah ee aynu gaalada kaga dayanay. Ka ugu fiicanina waa nidaamka Islaamka.

Nidaamkani ugu horeyn sako ayuu ka qaadayaa tujaarta. Wuxuu mamnuucayaa ribada. Wuxuu kalo si kale u dhigayaa cashuurahan badan. Hay’adaha dawladu siday u shaqeeyaan ayuu bedelayaa. Xataa waxa dhici karta in wasiirka iyo inanka karaaniga ah ee isaga caawiya ay noqdaan isku mushahar!Markale ayaan ka hadli doonaa nidaamyada kale oo si qoto dheer u faahfaahin doonaa. Imikase ogow doorasho kasta oo timaada hadaan nidaamka la bedelin way kasii dari doontaa uun.

Wise Man.

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *