Time and Space waxay leedahay guri martiyeed (guest house) oo la seexdo. Habeenkii qiimuha lagu seexdaa waa $25. Inkatoo qiimahaasi jaban yahay, hadana qolalka kirada ahi way ka casrisanaayeen kuwa hudheelada kale ee Hargeysa ugu sareeya. Timo wuxuu degenaa Time and Space. Wuxu ahaa nin taxadar badan. Maadaama labeenta Hargeysi isugu timaado T&S. Wax badan […]
Clrisaaq oo Alle ugu deeqay maskax badan oo weliba u furan aragtiyaha cusub balse aan is ogeyn waxa galay dareen aanu cabbiri Karin magac iyo tusaalana aanu u ahayn. Markeliya ayay maskaxda C/risaaq kusoo dhacday su’aal fudud balse noloshiisa bedeli doonta wixii ka dambeeya il-bidhiqsiga uu su’aashaas is weydiiyey? • Maxaa keena in ragna sidiisa […]
Sagal eeg bay is tidhi ninkan ay Ayaan ammaanayso. Gadaal ayay u jeedsatay oo dib u eegtay kursigii C/risaaq iyo Timo. Markiiba C/risaaq bay indhaha isku dhufteen iyadoon si fiican u eegin Timocade ayay deg deg uga soo jeedsatay. Sagal: why does this guy keep looking at me whenever I try to steal a glance […]
C/risaaq waxa uu ku war helay hadalka kaga imanaya wiilka mudalabka ah oo hubinayay isagoo leh “koobkaagii caanaha lahaa iyo labadii xabo uun soo maaha?” Wuxuu kor u eegay mudalabkii markaasu ugu jawaabay “Haa Farxaanaw saaxiib, ii soo dedeji aan dhaxanta iskaga kiciyee” Dhaqamada fiican ee uu C/risaaq lahaa waxa kamid ahaa la dhaqanka dadka […]
Farxaan oo taagnaa maqalka ayaa arkay oo soo orday. C/risaaqna waxuu u dhaqaaqay dhankii suuliga si uu isaga soo qalajiyo bal shaaha iyo biyahay. C/risaaq lamuu socon ninka odayga ah ee miiska durugsan ee dhanka gidaarka fadhiya ee dhoola-cadaynaya. Axmed Timacade waxa uu ku sigtay inuu si toos ah u qoslo. Runtii waxay ahayd […]