Sheeko

Ubaxii Deyrta: Qaybtii 4aad

Naasir waa inamada ku fiican koombiyuutarada iyo sida loo adeegsado. Markii uu gurigiisa gaadhayba waxa uu lasoo baxay laptop-kiisii. Sawiradii gabdhaha ayuu markiiba ku wareejiyey. Waxa uu si cajiib ah u sifeeyey sawiradii, folder cusub ayuu u samaystay waxaanu magac uga dhigay kelmada Ingiriisiga ah ee “mission” oo macnaheedu yahay hawlgal! Waxa kale oo uu […]

Continue Reading...

Sheeko

Ubaxii Deyrta – Qaybta 3aad

Sucaad: Oday gym tegaya? Malaa dhakhtar baa u qoray. Eman: May oday saas ah maaha , just waa nin weyn uun balse wuu dhisnaa. Sucaad: maahee. Makula hadlay? Eman: May xataa u malayn maayo inuu hal mar isoo jaleecay. Sucaad: Waa oday wax isku falaya, kuwa aan ogahay yaa saas ka dhiga. Habluhu way kusii […]

Continue Reading...

Sheeko

Ubaxii Deyrta – Qaybta 2aad

Saleebaan illeyn may gaadhin wakhtigii uu hawsha gudo geli lahaayoo weli is-xidhistii muu bilaabine waxa uu naftiisa u ogolaaday in inyar kayara fikiro quruxleydii liftiga. Ugu horeyn waxa uu is weydiiyey waa noocee yartu. Isagoo waayo aragnimo badan u lahaa haweenka darteed waxa uu Saleebaan si gaar ah u samaystay magacyo iyo noocyo uu kukala […]

Continue Reading...

Sheeko

Ubaxii Deyrta – Qaybta 1aad

Xagaagan London cadceedu kuma yara. Labo cisho ka hor ayuu Saleebaan uu usoo guuray qol iyo bersad uu ka kiraystay dabaq cusub oo loogu talo galay dadka shaqaalaha mushaharka fiicana oo ku yaal xaafada Harrow ee magaalada London. Labadii maalmood waxa uu ku mashquulsanaa sidii uu alaabta guriga si fiican ugu dhigan lahaa. Maadaama ay […]

Continue Reading...

Dhaqaale | Siyaasad

Siyaasada Horumar-ka Somaliland

Gundhiga Siyaasada Somaliland. Waxaan is weydiiyey su’aasha ah: waa maxay aragtida hagta ama gundhiga u ah siyaasada Somaliland? Waxa ii soo baxday in sida dalal badan oo Afrika ah oo khayraad dabiici ah Alle ku manaystay, in siyaasadeenu tahay mid aynu khayraadka wadankeenu hodanka ku yahay rabno inay ka fa’iideysano. Hadaynu adduunyadana u fiirsano waxa […]

Continue Reading...

Sheeko | Siyaasad

Kala-Maan: Qaybtii 8aad

Jimcaale: Waan dareensanahay waanan u garaabayaa saaxiibkay Daadir. Yaa diidi kara midaw iyo walaalnimo. Iska daa shanta Soomalida’e waxa midowgoodu fiican yahay ummada Islaamka ah oo dhan. Laakiin aniga doodaydu sidaad filaysaan waxaan ku taageerayaa inay Somaliland go’do. Anoo walaalkay Daadirna u garaabaya aragtidiisa balse anigu waxaan doodayda ku salaynayaa xaalada aynu maanta ku jirno. […]

Continue Reading...

Siyaasad

Xagay Sartu Ka Qudhuntay?

Hadraawi oo dhibta ina haysata kawaramaya hordhacii maansada Daba Huwan ayaa sheegay in dhibta kolba meel aanay ku jirin laynoo tilmaamo. Diktaatoor Dimuqraadiyad la’aan Qabyaalad Maamul xumo Aqoon darro Balse sida uu sheegay dhibtu waa nidaamkeenii oo gumeystuhu burburiyey, kadibna inoogu bedelay nidaam ina ragaadiya oo isagu leeyay. Sida abwaanku sheegay, illaa uu Ingiriiska tegay […]

Continue Reading...

Sheeko | Siyaasad

Kala-Maan: Qaybtii 7aad.

Jimcaale ayaa ku horeeyey oo ku dhiiraday inuu ka jawaabo su’aashii Canab. Dib ayuu ugu tiirsaday kursigii uu ku fadhiyey kadibna ku yidhi. Jimcaale: Anigu waxaan ku fiicanay oo Alle i siiyey fahmo degdega oo qoto dheer. Haday noqoto inaan dadka fahmo iyo haday noqoto inaan buugta fahmo ama cilmiga barto. Isla markiiba Daadir ayaa […]

Continue Reading...

Sheeko | Siyaasad

Kala-Maan: Qaybta 6aad

Canab: Waxaan moodayay inay ragu wax doortaan dumarkuna aqbal ama diidmo leeyihiin. Daadir: Maya caawa idinkaanu idin tijaabinaynaa. Rooda: Anigu weligeyba nin ma dooran. Canab: Haa dee aduu soodiga magiciisii la socday ilaa qiyaamihii. Rooda waxay si cadho leh u jaleecday Canab. Canabna qosol ayay isku dhaafisay. Rooda: Alla dee inantu run bay mooday kaftankii. […]

Continue Reading...