Nolol

Qalbi Dahab

October 26, 2019

Siduu Rasuulku calayhi salaatu wa salaam inoo sheegay, wadnuhu waa xubinta keliya ee haday hagaagto noloshu kuu hagaagayso, haday xumaatana aad halis ku sugantahay.

Wadnuhu waa xarunta iimaanka iyo diinta. Sidoo kale waa xarunta jacaylka iyo nacaybka. Wadnaha fikirka xun iyo camalka xumiba way kharibaan.

Sidoo kale wadnuhu wuu kasoo kaban karaa dhibta iyo dhaawaca camalka xun iyo jacaylada aan suurto gelini keenaan.

Qalbigii gudhnaa
Ee irmaanaaday galabtaa…

Waxa dhawaan saynis yahanadu ogaadeen arrimo badan oo ku saabsan. Sida in uu wadnuhu maskax isaga u gaar ah oo xusuusaha lagu keydiyo leeyahay.

Wadnahaad la baydhaa,
Ku bariidinaayee…

Waxay kaloo ogaadeen in wadnuhu furmo oo marka kal-gacayl galo weynaado oo kala baxo. Waxa cajiiba in xataa walaxda ama maadada jidhku soo daayo marka uu furmayo la ogaaday.

Waa maadada NO (Nitrous Oxide).

Maadadan maskaxda ayaa amarta in lagu sii daayo wadnaha marka ay riyaaqdo.

Qofka wadnahiisu furan yahay ama qalbiga furan xataa waxa is bedela awoodiisa qofnimo . Sida saynis yahanada qaarkood qiyaaseen magnetic field illaa 5 talaabo ah ayaa laga dareemaa.

Waxa aad ku garan kartaa in wadnahaagu furan yahay iyo inkale kolba sida dadka qalaad ee suuqa marayaa ay caawimo kuu weydiistaan.

Waayo waa qof weji furan qofka qalbigiisu furan yahay.

Weli adoo dad kale la taagan adiga uun wax malagu weydiiyaa? tilmaan, caawimo IWM.

Bani’aadamku iyagoon is ogeyn ayay is dareemaan. Waa magnetic fieldka!

Aynu wadnayaasheena daryeelno 🖤🖤🖤

Ma ledoo habeenkii
Lalabaha kal-gacalkaa
Wadnahayga lulayee..

Wadnahayga bidixdana
Waan kuu bedeli laa…

Intaan jecelay ayaan ugu talo galay qoraalkan.

Please follow and like us:
error0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *