Dhaqaale

Qorshe La’aan Iyo Qabiil

December 16, 2019

Kawaran hadii aad barato aqoonta reer Galbeedku dadkaaga iyo guud ahaan Afrikaba ku xado. Kadibna aad aqoon yahan sheegato ood rabto inaad hirgeliso nidaamkii lagugu dhiig miiran lahaa?

Wadamo badan oo Aasiya ku yaal oo horumaray sida South Korea iyo Malaysia markay hanaqaadayeen deymo ayaa loogu baaqay. Qaar way diideen, qaarna degdeg bay isaga bixiyeen sida South Korea si aan loo adoonsan.

Ghana waxa la sheegaa in dakhliga dawladeedu 30% ay ku bixiso ribada deymaha ay qaadato. Mozambique oo kamida wadamada deymaha ay qaateen ku dhisay shirkado; sida shirkadeeda aluminiun-ta, waxa la ogyahay in $22 marka ay ribo ku bixiso dawlada uu soo galo $1 oo dakhli ahi.

Markaa la yaab malaha in wadamada Afrika ee nabada ah ee khayraadka dhoofiyaa hadana aanay hanaqaadin.

Dhanka kale Soomaaliya dawladeedu waxay u dhawdahay in deyntii hore laga dhaafo, si ay deyn cusub u qaadato. Arrintana bulshadii waxay u fahansiisay inay tahay horumar!

Deyn cusub hadii Soomaaliya qaadato waxa raham looga dhigayaa khayraadkeeda aanay waxba ka aqoon oo khayraadka Somaliland ku jiro.

Ku darsoo siyaasiyiinta Somaliland iyaguna waxay ku khudbeeyaan inaynu nahay wadan faqiir ah oon deeq iyo deyn midna helin.

Arrintaasi waxay ku tusaysaa aqoon la’aan ka haysa dhibta deymuhu u keenaan wadamada. Iyo aqoon yahaneedana oo nidaamka laynagu dhiig miiranayo soo bartay oo xataa aan ogeyn nidaamkay sidaan waxyeeladiisa.

Inta aynu nidaamyada dhaqaale ee gumeystuhu inoo dejiyey raacayno horumar gaadhi mayno.

Waxa la sheegaa Afrika khayraadkeeda in 300 oo shirkadood oo Yurub iyo Maraykan laga leeyahay ay iska maamushaan oo leeyihiinba. Khayraadka ay la baxaana aan laga iibin ee meelaha qaar xataa cashuurta laga yareeyo iyadoo la leeyahay aynu maal-gashi soo jiidano ee ka daaya cashuurta.

Siyaasigeenii iyo aqoon yahankeenii waxaas xalkeedii ma hayaan.

Qabiil iyo doorashoo uun.

Nasiib darro.

Please follow and like us:
error0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *