Sheeko

Roob iyo Sonkor – Qaybihii Koobaad iyo Labaad

January 31, 2020

Waxay ahayd maalin Sabti ah.

Sabtidana waxaan caado u lahaa in aan hurdada ku raago. Maalintaa iyada ah se hore ayay iiga dhamaatay. Ku noqo ayaan is idhi waanse ku noqon kari waayey.

Cabbaar ayaan sariirta iska jiifay oo internet-ka iska dhex mushaaxay. Waan kacay ugu dambeyn oo soo cadeyday, maydhay, dhar nadiif ahaa oo ii wadhnaana xidhay.

In muddo ahba dharka maan kaawiyadeyn jirin ama feerayn jirin.

Waa berigaan keligay noolaa.

Waxaan anoon quraacan albaabka ka baxay 11-kii subaxnimo.

Baska markaan fuulay ayaan dareemay gaajo. Waxaan go’aansaday inaan cunto Itoobiyaan doonto.
Intaan baska saarnaa waxna ma akhriyin wax kaloo fikir ahina madaxayga kama guuxeyn.

Waxaan socdaba waxaan gaadhay hudheelkii cunto Itoobiyaanka. Nasiib wanaag dad badani may joogin cuntadiina degdeg bay ii siiyeen. Markay gaajadii iga ba’day, ayaa waxaan markeliya jeclaystay inaan buug cusub oo sheeko ah raadsado.

Cabbaar kooban kadib, waxaan gaadhay meheradii buugta kaas oon markiiba salaanka hoose ugu daadegay. Hore ayaan u waayey buug i qanciya. Kadib xagii maqalka meherada oo buugta qaar lagu xayaysiiyo ayaan dib ugu noqday. Waxaan iska qaatay buug dhumuc weynaa oon dhawr jeer oo hore dhaafay.

Waxaan usoo lugeeyey maqaaxi Carabi lahayd oo u dhawayd meherada buugta oo salaadahana aan ku tukan jiray marmar.

Anoo buugii gacanta ku sita ayay iga hor yimaadeen laba gabdhood oo Soomaali ah oo qoslaya oo is jiidjiidanaya qosol dartii.

Markaanu is dhaafayno ayay labada tii dhankayga soo xigtay ma ahee tii kale ila hadashay.

“Iga raalli ahaw walaalo wax ma ku weydiin karaa?” ayay tidhi iyadoo qosolna isku celinaysa.

Anoo isleh waa gabdhoo yaryaroo iska ciyaaraya ayaan ku idhi ” haa”

Way is eegaan oo dhoola cadeeyeen. Way yara aamuseen sidii oy indhaha kawada hadlayaan. Ana waan sugay anoon hadal odhan.

Isla inantii hadalka igu bilowday ayaa hadana hadalka sii waday.

” Hanala yaabin su’aalo ayaanu weydiinaynaa wiil kasta oonu aragno maanta”. Intaa markay tidhi ayay telefankeedii eegtay. ” Waxa kuu soo baxday su’aasha 11 aad oo ah labadayada teebaad guursan lahayd?”

Way qosleen. Aniga laftarkaygu waan qoslay.

Anoon su’aalo sii weydiin ayaan ku idhi ” Midkiina maan guursadeen”

“oo waayo?” ayay igu celisay.

” Hayga xumaanina laakiin dookheyga ma tihiin” Ayaan ugu jawaabay anoo dhoola cadeynaya.

Inantii aan hadal ayaa sheekadii cidhiidhsatay oo igu tidhi ” Dookhaagu waa noocee”

” Dookhayga hadaan idiinka waramo wakhti dheer ayay qaadanaysaa ee hadaynu kulan dambe oo aan wado ahayn isku aragno i weydiiya”

Intay markale is eegeen ayay mar iigu wada jawaabeen ” deal”.

Labada hablood ta hadalka igu bilowday ayaa gaabnayd. Halka inanta kale dherer kayga u dhaw ay lahayd.

Tii gaabneyd ayaa i weydiisay meeshaan u socdo. Waxaan u sheegay inaan rabo inaan maqaaxi buugan la yara fadhiisto.

Roob ayaa soo yara tiixay. Iyagoo qoslaya ayay i macasalaameeyeen.

Maqaaxidii ayaan fadhiistay. Shaah ayaan dalbaday intii laygu maqnaana waxaan kala furay buugii. Buuga sheekada waxa markiiba kasoo baxay nin helaya buug bilaa magac ah oo ay ku qoran tahay toban talaabo oo aanad caado u lahayn hadaad qaado noloshaadu waddo kale ayay qaadaysaa.

Lasoco…

Shaahi ayaa la I keenay anoo buugii ku jeeda. Buugta akhriskooda waxaan ku jecelahay waxay ii hagaajiyaan dareenka naftayda oo waxay iga kexeeyaan werwerka iyo su’aalaha badan ee ay naftaydu sida joogtada ah ii weydiiso goor iyo ayaan.

Inkasta oo aan maqaaxi fadhiyey hadana sidaan buuga ugu jeeday ayuu wakhtigii orday. Mana aan ogeyn goorta ay soo galeen saddexda hablood ee soo fadhiistay miiska iga soo horjeeda. Anoo isleh shaah kale dalbo ayaan isha qac kusiiyey hablaha soo fadhiistay. Waxba isha lamaan sii raacinse shaahaygii ayaan iska dalbaday, buugaygiina waan sii watay akhriskiisa.

Waxaan ku warhelay markaliya warqada yare e igu dhacday. Waan eegay mise saddexdii hablood ayaa qoslaya oo isoo eegaya. Markaasaan u yara fiirsaday mise waxay I leeyihiin sonkorta noo soo dhiib. Mise sonkorta noo keen. Way arkayaan in aanan meesha ka shaqayn. Waxaan anoon la hadal gacanta ugu tilmaamay inay qaataan.

Qosolkii intay joojiyeen ayay soo kacday mid aan is idhi waa tii ugu dhuubnayd saddexda hablood. Soo socodkeedii ayaan si fiican u eegay. Way qurux badnayd waxayse u lebisnayd si asturan. Markay sonkorta qaadanaysay ayaa waxa markeliya I saaqay cadaradii iyo caraftee kasoo kamkamaysay. Waxaad moodaysay in ay shidmeen nalal densanaa oonan jidhkayga ku ogeyn. Waxa I galay dareen aanan hore maalinta ka hor isugu arag.

Waxaan is idhi intaanay dhaqaaqin la hadal. Degdeg ayaan ugu idhi “ Cadarka aad marsantahay magacii?”

“ Maxaad ku falaysaa” ayay iigu jawaabtay iyadoo indhaha igu gubaysa. Indho waaweyn oo kalsooni ka muuqato ood moodo inay su’aalo kalena I weydiinayaan ayay lahayd.

“ ii sheeg hadii kale sonkorta qaadan maysid” ayaan ugu jawaabay anoo dhoola cadeynaya. Way ila fahantay kaftankii.

“ Hadaad sonkorta noo keeni lahayd waan kuu sheegi lahaa”

“ Maan ogeyn imikase sonkor iyo wax ka fiicanba waan kuu keenayaa ee ii sheeg fadlan” ayaan isu raaciyey.

Intay madaxa luxday dhaladii sonkortana qaadatay ayay ku noqotay asxaabteedii.

Anoo arkaya ayay labadii hablood ee kale u sheegtay inaan cadarkeeda magaciisa weydiiyey. Iyagoo dhoola cadeynaya, wejigoodana uu ka muuqdo la yaab ayay isoo eegeen.

Anoon is ogeyn intaan istaagay ayaan sonkor kale kasoo qaaday miis yara durugsanaa kadibna miiskoodii intaan geeyey ku idhi “ ii sheeg hadaba sonkor kalena waan tane sonkoreey”

Waxay igu celisay inaan u sheego waxaan ku falayo ana waxaan ku idhi waa sheeko dheer taasi oo wax aka dhib yar inay ii sheegto ana aan ku noqdo miiskaygii oo aanan iyagana ka jiidhin sheekadooda.

Intay jaleecday labadii hablood ee kale oo ay indhaha kawada hadleen ayay iigu jawaabtay “ Soo fadhiiso waxba nagama jiidhayside sheekadana bilow”

Runtii maan ugu talo gelin inaan la fadhiisto sheeko ku saabsan cadarka iyo sabab aan u weydiiyeyna ma jirin. Balse si aan ula sii hadlo darteed waan la fadhiistay. Labadii hablood ee kale ayaan eegay. Saddexdoodu waxay iila ekaayeen asxaab in badan is taqaanay markaan siday isula sheekaysanayeen arkay.

“ Magacaygu waa Xirsi idinkuna hablo magacyadiin?” ayaan weydiiyey. Waxay ii sheegeen labadii kale in mid la dhaho Amina midna Ayaan. Inanta aan cadarka weydiiyeyna la yidhaa Maryam.

Maryam: Haye maxaad ku falaysaa cadarka aan marsanahay bal noo sheeg sheekadaa?

Aniga: Ma runbaad rabtaa mise been?

Maryam: Run maxaan beenta ku falayaa.

Aniga: Markuu cadarkaagu I saaqay guluubyo iyo nalal aanan isku ogeyn baa iga dhex shidmay.

Amina: Dee cadarka malaha maaha ee waa inanta.

Amina waxay suxulka ku gujisay inantii kale ee Ayaan. Ayaan oo isoo eegaysaa ayaa ii raacisay “ inanta waad ka heshay intaad cadarka magaciisa weydiinayso maad magaceeda iyo numberkeeda telefanka weydiisid niyow”

Aniga: Xataa hadaan ka heli lahaa magaca cadarka ayay ii diidee soo numberkeedana iimay diideen.

Maryam: Waa runtaa oo kuma siiyeen numberkayga waayo ma ninkaaga sonkorta noo soo qaadi waayay ayaan number siin karaa.

Intaanan u jawaabin ayuu telefan usoo dhacay Maryam. Intay qabatay ayay la baxday. Waxbadana may maqneen. Iyadoo qoslaysa ayay soo noqotay.

Aniga: Waa lagaa soo farxiyey.

Maryam: Waxa ila soo hadlay ninka sababay inaan telefan hadaad I weydiin lahayd kuu diidi lahaa.

Intaan gabadhihii kale eegay ayaan ku idhi ma sidan ayay isugu kalsoon tahay. Hadana intaan iyadii ku jeestay ayaan ku idhi “ keligii miyaad ku koobantahay”

Intay aamuseen ayay is eegeen.

Maryam: Fadlan ii sharax hadalkaas waxaad ka wado.

Aniga: Waxa Alle hibo ii siiyey inaan dadka akhriyo. Inkastoo aan iska daayay akhrinta dadka hadana marmar kama fursato. Adiga saas markaan kuu eegayba waxaad iila muuqatay qof taxadar badan. Dadka taxadarka badanina hal jacayl iskuma haleeyaan.

Runtii waan kaftamayay balse hadalkaygii waxa uu taabtay meel iyo hawlo nolosheeda ka socday. Intaanay jawaabin ayaan ka cudur daartay oon ku idhi telefan ayaan dirsanayaa. Telefana ma rabin inaan dirsadee waxaan rabay inaan dibada u yara baxo.

Roobkii yaraa ayaa da’ayay dibada weli. Inyar baan taagnaa.

Kadibna waan soo noqday.

Intii ayay hablihii ii sii shireen illeen.

Markaan soo fadhiistayba su’aalo kala duwan ayay saddexdoodiba igu boobeen. Bal mid mid ii weydiiya ayaan ku idhi anoo ku raaxaysanaya siday markeliya u noqdeen arday macalin la jecelyahay xiisad usoo galay oo kale.

Lasoco…

Please follow and like us:
error0

Only registered users can comment.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *