Dhaqaale

Sideed U Aragtaa Mustaqbalka Somaliland?

July 5, 2020

Tony Blair, Raysal Wasaarihii hore ee Ingiriiska, ayaa waraysi uu ka qaaday wargeyska lagu magacaabo The Guardian lagu weydiiyey sida uu arko mustaqbalka wadanka Ingiriiska. Blair jawaab fiican oo dhinaca yididiilada iyo dhinaca yabaalkaba leh ayuu ka eegay.

Dhanka wanaagsan markuu ka eegay wuxuu yidhi Ingiriis ahaan waxaynu ku jirnaa Yurub (waa intaanay Yurub ka bixin), waxaynu ku jirnaa shanta wadan ee Golaha Ammaanka ee Jimciyada Quruumaha Ka dhexeysa, afka Ingiriisidu waa afka adduunka la isku afgarto, wadanka Ingiriisku wuxuu soo saaraa cilmiga sayniska 30%, London waa caasimada dhaqaalaha ee adduunka iyo sumcadooda wanaagsan ee adduunyada ay ku dhex leeyihiin.

Markuu ka waramay khataraha uu arko waxa uu islamarkiiba sheegay inay tahay hanaqaadka Shiinaha iyo Hindida. Labadaas wadan oo ay dhici karto in dhaqaalaha adduunka ay maamulkiisa kala wareegaan wadamada ninka cad ku noolyahay. Arrinta labaad ee uu sheegay waxay noqotay dhalmo yarida haweenka Ingiriiska. Isagoo sheegay in bulshada Ingiriiska dadka 60 jir ka da’weyn iyo ka badan yihiin dadka 16 jir ka yar.

Arrintani ayuu sheegay inay u baahan doonaan inay dhalmada taageeraan ama dad ajaanib ah u yeedhaan si aan dhaqaalahoodu jar uga dhicin. Blair wuxuu wadankiisa hogaamiyeyaashooda kula taliyey in talada adduunyada iyo dhaqaalaheedu ay hanan doonaan cidii ugu cilmi badan. Dhaqaalaha adduunka oo dhan wuxuu kusoo koobay kolba aqoonta iyo xirfada ay ummadi leedahay. Cilmiga uu tilmaamay Blair inaanay Ingiriisku ogolaanin in lagaga horumaro waa cilmiga koombiyuutarada iyo tiknoolajiyada. Wuxuu ku baaqay in dawladu maal badan geliso dugsiyada iyo jaamacadaha oo ardayda aad loo baro koombiyuutarada, injineerinka iyo sayniska qaybahiisa kala duwan maadaama ay yihiin furaha dhaqaalaha ee mustaqbalka.

Hadaba hadaynu is weydiino su’aalaha la weydiiyey Blair oo aynu weydiino siyaasiyiinteena miyay kula tahay inay ka baxayaan? BAL aynu isku dayno inay ka jawaabno su’aalihiisii inagoo eegayna wadankeena Somaliland. Dhanka wanaagsan markaynu ka eegno Somaliland waxay nasiib ku leedahay dadkeeda oo da’yar oo waa wadan soo kobcaya. Sidoo kale waa wadan Islaam ah oo dadkeedun hal yahay marka laga eego jinsiyada iyo afka ay ku hadlaan. Dhanka kale, waxaan la iska indho tiri karin inay Somaliland meel muhiima kaga taalo adduunyada oo ah marinka Badda Cas. Iyo inay SL leedahay khayraad kala duwan oo xataa saliida qaydhin laga helay. Hadaan sii wado, waxay leedahay dhul la beeri karo sanadka laba iyo tobankiisa bilood iyo cimilo u fiican beeraha iyo xoolo dhaqista.

Taas macnaheedu wuxuu noqonayaa waxay Somaliland dunida uu iib geyn kartaa waxyaabaha lagama-maarmaanka u ah nolosha sida khudrada, baatroolka, gaasta, looxa wax lagu dhisto IWM. Dhanka yabaalka hadaynu ka eegno, Somaliland waxa khatar ku ah wadamada ay jaarka la tahay kuwa Carabta iyo Itoobiyaba. Sababta halista keentayna waxay tahay iyadoo ay rabaan inay SL khayraadkeeda gacanta ku qabtaan oo iyagu manaafacaadsadaan.

Itoobiya sidaynu ognahay waxay rabtaa bad ay iyadu leedahay, dhanka kale Itoobiya waxay khibrad u leedahay la dhaqanka iyo gumeysiga dadka Soomaalida ah oo in ka badan lixdan sano ayay gumeysanaysay dad Soomaaliyeed iyo dal Soomaaliyeed oo illaa 10 milyan oo qof ka badan. Khataraha kale waxa kamida Somaliland dadkeeda oo aan aqoon iyo xirfad ay kaga dabaashaan halisahaa ku xeeran aan lahayn. Arrintan waxaad ka garan kartaa hadalada ay indheer garadka Somaliland iyo siyaasiyiintooduba dadka reer SL u sheegaan. Ku darsoo wadamadii Carabtu gaar ahaan kuwa Khaliijiku waxay ku jiraan diyaar garaw ay dhaqaalaha wadamadooda ugu diyaar gareynayaan marka dunidu ka maaranto tamarta saliida am baatroolka. Qorshayaashan badankooda waxa loo bixiyey sanadka 2030-ka tusaale ahaan Saudi 2030.

Hadaba maxaa talo ah? Siday aniga iila egtahay Somaliland waxay u baahantahay qorshe qoto dheer oo lagaga badbaadinayo halisaha kaga gedaaman wadamada ay jaarka la tahay. Qorshahan waxaan ugu horeysiin lahaa wax ka bedel weyn oo lagu sameeyo nidaamka waxbarasho ee Somaliland. Waxaan ka dhigi lahaa mid dugsiga sare waxbarashadiisu la mid noqoto heer jaamacadeed oo ay adkaato. In ardaydana laga dhigo dad fikiri kara oo wax baadhi kara oo aan si fudud caadifada iyo qabyaalada loogu kala kaxayn karin. Dhanka kale Somaliland waxay u baahantahay nidaam dhaqaale oo dawladu gacanta ku hayso, kobciso goobaha dhaqaalaha ee aasaasiga ah ee wadanku leeyahay. Waxa nasiib darro ah in siyaasiyiinteenu ay hantidii dawlada iyagu noqdeen kuwo sariftay. Waxay ina tusaysaa waxa la weyn ee la muhiimka ah siyaasiga dalkeena.

Sidoo kale waxaan wax ka bedeli lahaa nidaamkeena siyaasadeed oo habka Maraykanka aynu Madaxweynaha u doorano , marna Wakiilada doorano, marka Golayaasha Deegaanka oo waxaan ka dhigi lahaa dawlad Baarlamaan ku dhisan oo hal mar aynu Baarlamaan doorano shantii sanaba Baarlamaankaasna doorto Raysal Wasaare. Waxaynu ka nasan lahayn doorashooyinka is daba jooga ah ee dib u dhacaya.

Ogow hadaynaan isbedel hagaagsan samaynin waxaynu qarka u saaranahay in Soomaaliya oo dhan oo Somaliland ku jirto ay la midawdo Itoobiya hadii uu hirgalo qorshaha uu wato Abiy Ahmed. Hadaad jeclaysatay inaad ka mid noqoto is bedelkaas aan sheegay fadlan ila soo xidhiidh.

Wise Man.

Please follow and like us:

Only registered users can comment.

  1. Aad iyo aad baan uga helay warbixintan kooban. Waxay ina tusaysaa waxyaabo badan oo ay tahay inaynu badalno si uu u hagaago mustaqbalkeenu. Waxaan ku dari lahaa Ilaahay wuxu:’و من يتوكل على الله فهو حسبه’
    Aynu Ilaahay talosaarano waxba inagama xumaan maayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *