Siyaasad

Siyaasada iyo Maareynta Nolosha

November 8, 2019

Horta siyaasadu wax kale maaha ee waa farsamada iyo qaabka loo xaliyo dhibaatooyinka bulshada.

Tusaale ahaan arday kastaa wuxui leeyahay siyaasad uu imtixaanka ugu diyaar garoobo. Ardayda qaar waxay diyaar garawga bilaabaan bil ka hor imtixaanka. Qaar waxay bilaabaan laba bilood ka hor, halka qaarna marka iskuulka la bilaaboba ay diyaargarawga sii bilaabaan. Qolo’na maba diyaar garoobaan oo imtixaanka way dhacaan ama waa kuwa maskaxda wanaagsan oo waxba ma ilaawaan.

Sidoo kale dhalinyaradu way ku kala duwan tahay siyaasada haasaawaha. Wiilasha qaar gabadhuu ka helo qofbuu u dirsadaa. Qaar toos bay ula hadlaan shul ama shal, qaarna waxay diyaariyaan qaab kale oo iyagoon wada bixin hadana iskaga dhaadhiciyaan. Qaarna sanado badan ayay daba socdaan hal gabadh!
Gabdhaha qaar siyaasadoodu waa inay wiilka ay saaxibadeed ku aragto aanay la bixin, halka qaarna aanay u joojin.

Dhanka raadinta lacagta dadka badankoodu si ay u helaan xoolo siyaasada ay qaataan waa inay shaqo raadsadaan, halka qaarna ay tahay inay ganacsi abuuraan.

Marmarka qaar iyadoo siyaasadaadu saxsan tahay ayaanad hadana aanay ku gaadhsiinayn halkaad rabtay waayo si fiican ayaanad u raacin. Tusaale adoo og inaad maalintii 3 saacadood wax akhrisatid ayaad hadana sagsaagaysaa. Markaasaad imtixaankii derajadaad rabtay gaadhi waayeysaa.

Marmarka qaarna siyaasada aad wax ku raadinayso ayaa ah mid khaldan oo waxaad rabtaba aan ku gaadhsiin karin. Tusaale markaad jacaylkaaga/rabitaankaaga degdeg u sheegato oo kale adoon qofkii kale iska hubin.

Waxay kusoo ururtaa uun talada saxda ah inaad hesho ood sideeda u raacdo inta kalena Alle u wakiilato.

Siyaasada dawladuna waa taas oo balaadhan oo intaas oo wax oonad ogeyna kolba midi kugu soo baxayo. Iyo dadkii oo u baahan is ogolaysiin, mideyn, isku wadid, u garqaadid, dhexdhexaadin, boorin, daryeelid…IWM.

Tusaale ahaan siyaasada horumarinta caafimaadka. Waxay u baahantahay inaad ogaato tirada dhakhaatiirta uu wadanku u baahan yahay una baahnaan doono 10ka sano ee soo socda. Taas waxay kugu weecinaysaa inaad siyaasadii waxbarashada iyo tii caafimaadka is waafijiso. Waxay kaloo u baahantahay tirada goobaha caafimaad iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad iyo dawooyinka wadanku u baahan yahay hada iyo 10 sano gudahood. Kharashka ku baxaya halkuu ka imanayo ma cashuur, ma deeq caalami, ma dadkoo laga qaado. Taasina waxay kugu weecinaysaa siyaasada dhaqaalaha ee wadanka iyo ta caafimaadka inaad is waafijiso.

Inaad waxaas oo dhan fahansanaato guud ahaan, gaar ahaana isu dheeli tirtaa waxay u baahantahay maskax cajiiba iyo shaqaale xirfad iyo daacadnimo leh oo u babac dhiga.

Markaa siyaasada lagaaga sheekeeyo eed hebel iyo qabiil uun aragto laakiin ogow siyaasad maaha ee waa jeedin lagaa jeedinayo siyaasada dhabta ah.

Please follow and like us:
error0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *