Siyaasad

Somaliland Dagaal Hoose Ayaa Kusocda

May 4, 2020

Waxbaa Jira

Ninbaa xalay I weydiiyey beesha caalamku haday rabaan shiidaalka Somaliland mar hore ayay soo saari lahaayeen sida kuwa dalalka kale ee Afrikaanka ah maxay uga meeraystaan?

Su’aashii ayaa igu dhalisay su’aalo kale oo badan. Waxaana ii soo baxay in arrinka beesha caalamku ka leedahay Soomaalidu uu ka duwan yahay ka ay Carabta iyo Afrikaanka kaleba ka leedahay.

Dadka Soomaalidu ninka cad ma jecla, ma jecla inuu ka guursado, wax la cuno. Uma niikiyaan sida qoomiyadaha kale. Ma weyneeyaan umana arkaan inuu ka sareeyo. Waa la soo helayaa qof iyo laba ama kooxo iyagu maskax ahaan ninka cad uga dambeeya balse bulshada Soomaalida badankeedu waxaabay u arkaan in ninka cad ama gaalku iyaga ka hooseeyo. Inaad intaad dawlad u dhisto kadib aad gumeysato dad sidaa xor u ah maskax ahaan way ka adagtay marka loo eego inaad gumeysato Afrikaan kuu niikiya oo u arka inaad ka sareyso.

Siday ila noqotay waxaan u arkay in hadii shiidaalka loo soo saaro Soomaalida gaar ahaan Somaliland oo ah iyadu maanta mid siyaasad ahaan madax banaan. In jiilalka soo kaca markay helaan wadankoodoo dhaqaaluhu kobcay inay horumar iyo xoriyad aan beesha caalamku raalli ka ahayn ku dhaqaaqi doonaan.

Taas macnaheedu waxa uu yahay in Somaliland illaa maalintii la abuuray lagala dagaalamayay daaha dabadiisa oo aan loo ogolayn inay hanaqaado oo noqoto wadan xor ah oo khayraadkiisa si xor ah ula soo baxa.

Haday Somaliland noqoto mid xor ah oo qani ah waxay kicin lahayd ummada Soomaaliyeed ee Geeska Afrika degan oo dhan kuwaasoo keeni lahaa in ay khalkhalaan dawladaha Ethiopia, Kenya iyo Djibouti. Halkaasna Somaliland noqoto xuduntii looga talinayay Soomaali oo dhan.

Isdhexgalka dhaqaale ee imika la wad-wadona uu noqon lahaa mid Soomaalidu ay ka yihiin hormuud, gaar ahaan reer Somaliland.

Ku darsoo illaa maalintii lagu dhawaaqay Somaliland waxa saarnayd cuna qabatayn dhanka xoolaha ka dhoofa Dekeda Berbera oo kolba la xidhi jiray marmarna la furi jiray. Waxkalena may ahayn waxay ahayd dabar siyaasadeed oo dawlada Somaliland lagala dagaalamayay inaanay dhaqaale ahaan kobcin oo noqon mid horumar ay isku kalsoonaato ku dhaqaaqdo. Aakhirkii way hakin weyday cunaqabatayntaasi in dawladii Somaliland wiiqanto. Kadib ayaa lasoo maleegay dabino kale.

Somaliland waxa la badhxay manhajkii waxbarashadeeda oo tayadiisii hoos loo dhigay. Arrintan oo ay iska kaashadeen UNESCO iyo dad reer Somaliland ah oo iyagu iska shaqaysanayaa waxay keentay in jiilkaygii dugsiga dhexe 90nadii dhiganayay uu ka waxbarasho fiicnaado yaryarka imika ku jira dugsiga dhexe.

Waxa lagu guuleystay in ishii dhaqaalaha ee kelida ahaa ee Somaliland lahayd, Dekedii Berbera, in laga wareejiyo gacanteedii oo shirkad Carbeed oo wadankeedu deked ahaan tartan kula jiro dekedaha Geeska loo dhiibo. Shirkadan iyo heshiiskaba wax lagu dheeraado maaha. Balse markii horeba dawlada Somaliland waxay ku badbaaday Alle ka sokow waxay ahayd iyadoo dakhligeedu aanu deeq ajnabi ku xidhnayn. Maantase dakhligeedii wuu isasii dhimayaa.

Waxay igu soo dabreen

Halkay ila doonayeen – Hadraawi (Dabahuwan)

Please follow and like us:

Only registered users can comment.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *