Dhaqaale

Taariikhda Burburka Somaliland (Qaybihii oo dhan)

April 21, 2021

Ugu horeyn Baarlamaanka Somaliland ayaa u ogolaaday maamulkii Siilaanyo inay wada hadalo toos ah la galaan dawlada Soomaaliya. Waxaan xasuustaa kulan dhex maray wefti Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay iyo jaaliyada reer Somaliland ee London. Waxa kulanka si kulul ula hadlay Madaxweynaha wiil dhalinyaro ah oon aan filayo inuu indho la’aa. Ninkaasi wuxuu ku eedeeyey Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Somaliland ee wakhtigaa, Maxamed Cabdillaahi, oo ku eedeeyey khiyaamo qaran oo ahayd in wadahadaladu yihiin qaar wiiqaya qaranimada iyo gooni isu taaga Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ugu jawaabay wiilkii in uu ku kalsoon yahay wasiirkiisa arrimaha dibada.

Intaa kadib waxa bilaabmay wadahadaladii tooska ahaa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee kusoo gabogaboobay Turkey, July, 2013.

Wadahadaladaasi waxay markiiba wiiqeen ololihii ictiraaf raadinta ee Somaliland, taaso keentay in wadamo badan oo Somaliland daneyn jiray ay u qaataan in Somaliland dib ula midoobayso Soomaaliya kadibna waa halkii Cigaal Alle haw naxariistee ay dhabarka u jeediyaan Somaliland.

Waxa weliba ay dadka siyaasada indho-indheeyaa sheegeen in dawlada Soomaaliya aanay ku meelgaadhnimada ka bixin illaa ay dawlada Somaliland ogolaatay.

Dawladii Soomaaliya si buuxda ayaa loo aqoonsaday waxaanay ku fadhiisatay kursigii UN-ta.

Maadaama ay dawlada Soomaaliya ahayd mid musuqmaasuq badan, wadamo badan oo Maraykan iyo Talyaaniba ku jiraana shirkadahoodu illaa burburkii Soomaaliya ee 1991 ay xunta suntan nukliyeerka ka hadha ku aasi jireen badda Soomaaliya waxa dawlada la aqoonsaday ee Soomaaliya markaliya usoo baxay awood. Awood ay heshiisyo caalami ah ku geli karto, awood ay ku saxeexi karto heshiisyo aan cidi arag iyo awood ay waxoogaagii lacagta ahaa ee dawlada Soomaaliya u yaalay bangiyada adduunka kula bixi karto.

Ku darsoo adduunyada wax bilaashi ma jiraan. Wadamadan bixiya kharashka dawlada Soomaaliya, lacagta ay bixiyaan waxa ay ka rabaan fa’iido. Fa’iidadan ayaa waxa kamida inay iyagu noqdaan kuwa maamula dekedaha istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Somaliland oo aanay u gacan gelin China. Inay iyagu noqdaan kuwa safka hore taagan markay Soomaaliya xaraashayso khayraadkeeda. Turkey, EU, Maraykan, China intuba waxay u kala dheeraynayeen boobka Soomaaliya.

Tusaale ahaan waxa dekeda Berbera rabay inay gacanta ku dhigaan shirkado badan oo caalamiya sida shirkada Faransiiska laga leeyahay ee Bollore. Shirkadahani inbadan ayay ku taamayeen inay gacanta ku qabtaan dekeda Berbera waayo waa deked qadiimi ah oo ganacsiga Geeska Afrikana u noqonaysa fure mustaqbalka dhaw. Sida caadiga ahna markay shirkadaha caalamiga ahi rabaan inay gacanta ku dhigaan wadan Afrikaan ah dhulkiisa ama khayraadkiisa sida ugu fudud ee ay u sameeyaan waxay tahay iyagoo laaluusha siyaasiyiinta wadankaas.

Aragtida dhaqaale ee badanka ka jirta Somaliland iyo guud ahaan wadamada Afrikaba waa aragti dhaqaale oo laga soo dejiyay wadamada Reer Galbeedka. Waana aragtida loo yaqaan capitalism-ka ama hantigoosiga. Aragtida waxa lagu dhigaa jaamacad kasta iyadoo ardayda looga dhigayo inay tahay mid saxsan. Waa aragti dhiiri gelisa in hantida dawlada iyo adeega dawlada badanka lagu wareejiyo shirkado gaara iyadoo la leeyahay waxaad soo jiidanaysaan maalgashi. Aragtidani waa ta masuulka ka ah in wadamada Afrika ee khayraadka hodanka ku ahi ee weliba dibada u dhoofiya khayraadkooda sida dahabka, dheemanta, shiidaalka, maarta ay hadana ka qatanaadaan oo aanay ka muuqanin wadamadooda.

Wax is bedelay mooyee markaliya uunbaa waxa bilaabmay sanadihii 2014 iyo 2015 olole ay wasiirada Somaliland ku macneeyeen inuu yahay inay soo jiitaan maalgashi shisheeye. Illeen waxa heshiiskii Turkey ku jiray “inaan la carqaladaynin wixii maalgashi ah”. Waxay socotaba waxay dawlada Imaaraadka ee xidhiidhka sokeeye leeyihiin Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke.

Waxa kaloo muhiima akhriste inaad ogaato dhaawaca weyn ee heshiiskii DP World iyo Saldhiga Madaarka Berbera u geystay hanaan socodka dawladnimada Somaliland. Ugu horeyn dawlada Somaliland xaq umay lahayn inay wax heshiisa gasho maadaama sanadka ugu dambeeya dastuurku ka mamnuucayo inay dawladi gasho wax heshiisa oo mugweyn. Dawladii Siilaanyana wakhtigaa waxaabay ku shaqaynaysay muddo korodhsi oo wakhtigeedii caadiga ahaa wuxuu dhamaaday July 2015.

Qodob labaad oo muhiim ahi wuxuu ahaa farsamadii ay wasiiradu u geeyeen warqado af Soomaali ku qoran qaarkood oo ay tilmaameen inuu yahay heshiiskii. Illaa maantadana wax heshiisa may arag xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.

Qodobka saddexaad ee la odhan karo waa midka ugu halista badan waa markii ay DP World qoorta inoo sudhay Ethiopia. Iyadoo ka iibisay saamigeedii badh kamida. Arrinta oo wasiir Sacad Cali Shire hore loo sii weydiiyey oo uu beeniyey markii danbena uu dadka lasoo hor istaagay oo qiray inuu jiro arrinkaasi. Waxaynu ognahay in dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia ee bilaa badda ahi inay in badan ku taamaysay inay yeelato bad iyada u gaara, taas oo weliba ay illaa hada ku hawlantahay inay Berbera ama Saylac ama labadaba gacanta ku qabato. Arrinkani haduu dhaco Somaliland waxay ka dhigaysaa gobol kamida Ethiopia oo kale oo wax danbe oo madaxbanaani ah oo aynu sheegan karnaa meesha wuu ka baxayaa. Wuxuunbaynu la mid noqonaynaa tobanka milyan ee qof ee Soomaalida ah ee ku nool Ethiopia.

Bulshadii Somaliland oo marka hore inyar mooyee intooda badan heshiiska DP World loogu sheegay guul usoo hoyatay Somaliland loona sameeyey balan qaadyo badan sida in baasaboorka Somaliland lagaga shaqayn doono Imaaraadka taasoon illaa hada rumoobin waxa ay ay ku war heleen Ethiopia oo leh ciidan baddeed ayaanu samaysanaynaa, Dekedda Berberana waxaanu ku leenahay 19% saami ah.

Sidoo kale waxa niyad jab weyni yimid markii bulshadu aragtay sida Golayaashii Wakiilada iyo Guurtidu aanay shaqadoodii u raacin ee u ansixiyeen heshiis aanay aragba oo afka looga sheegay.

Maadaama nidaamka Somaliland u dhisan yahay mid loogu talo galay in golayaasha sharci dejintu ay la xisaabtamaan dawlada oo hubiyaan shaqadeeda (check and balances) iskuna noqdaan kafad iyo miisaan marka laan ka mid ah dawladu khaldantu waxa waajiba in laamaha kale dheeli tiraan oo toosiyaan. Hadii saddexdii laamood ee dawladuba wada khaldamaan waa masiibo mushkiladeedu adagtahay in laga soo kabtaa.

Waxaad ogtahay akhriste in waxyaabaha u sahlay in dawlada Somaliland noqoto mid jirta muddo soddon sano ku dhaw oo aan wiiqmin ay kamid yihiin iyadoon ciidan shisheeye ama ciidan ka madaxbanaan Madaxweynaha Somaliland aanay ku sugnayn wadanka Somaliland. Arrintan marka la barbar dhigo walaalaheena Soomaaliya waynu arki karnaa in dhibta koobaade haysata nimankaasi tahay ciidamo badan oo ajaanib iyo Soomaaliba lihi inay ku sugan yihiin Soomaaliya taasoo keentay in dalkaasi degi waayo oo nabad iyo dawlad dhab ahi ka dhalan weydo tan iyo 1991. Waxa nasiib darro weyn oo la yaab leh noqotay in waxgaradkii Somaliland oo madaxdeedii hogaaminayso ogolaadeen in ciidamo calooshood u shaqaystayaal ahi yimaadaan Berbera oo weliba u isticmaalaan saldhig ay ka weeraraan Yaman oo dagaalkeedii illaa imika socdo. Dadka Somaliland oo ah kuwoo soo arkay duqayn diyaaradeed ayay lam filaan ku noqotay in mujaahidiintii shalay ka dagaalamayay dulmigii Siyaad Barre iyo duqayntiisii Hargeysa ay iyagu u sahlayaan Imaaraad iyo Sucuudi inay maatada Yamaniyiinta gumaadaan.

Siday ogyihiin akhristayaasha aanu isku xidhanahay illaa wakhtigii la aasaasay waxa Somaliland lagu hayay cunaqabatayn dhaqaale. Cunaqabatayntan ayaa ah mid ay iska kaashadeen wadamo badan oo kuwa Khaliijku ugu horeeyaan looguna talo galay in la curyaamiyo dhaqaalaha Somaliland. Dhanka kale walaalaheena Soomaaliya iyaga waxa ku adkaatay inay dhistaan nidaam dawladeed waxana lagu sii hayay dawladnimo la’aantaa oo wadamo badani ka shaqeeyeen si looga fa’iideysto dawlad la’aantooda oo khayraadkooda badda iyo berriga la boobo marna sun lagu aaso badahooda.

Cunaqabataynta saaran Somaliland waa in laga dagaalamo in dhaqaalaheedu kobco. Hadaba side loogala dagaalamayaa? Somaliland waa in laga xayiraa waxa kaliya ee ay dunida u dhoofiso, waa xoolaha nool. Maadaama aynaan waxkale oo badan dhoofinin markii Sucuudigu xayiray xoolihii ka dhoofi jiray Dekeda Berbera waxa si xun hoos ugu dhacay dhaqaalihii dalka.

Dhanka kale bulshada Somaliland iyo kuwa kale Soomaalidaba waxa burburkii dagaalada sokeeye kadib soo galay hay’ado caawimo sida laakiin ay lasocoto barnaamijyo dheeraadi. Waxa bilaabmay olole lagu burburinayo qoyska iyadoo lagu soo gabanayo waxyaabo kale sida gudniinka fircooniga ah. Waxa ay hay’adahaasi sideen oo badanka ku bixiyaan dedaal iyo kharashba aragtiyaha ku saabsan jinsiga iyo sinaanta raga iyo dumarka. Waxay hay’adahaasi xoog saareen in laga dhaadhiciyo gabadha Soomaalida ah inay dib u dhigato inay reer yagleesho wakhtiga ay gashaantida tahay ama da’ ahaan sanadaha 16 illaa 28 sano.

Waxa afkaarta ka imanaya wadamada reer Galbeedka inay hirgalaan muhiim u ah in Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliyaba ay ahaadaan dalal sabool ah. Marka dalku sabool yahay waxa imanaysa in ragu aanay awoodin inay reer yeeshaan oo ma haystaan shaqooyin ku filan oo ay raas ku maamulaan. Taasi waxay dhalisaa in gabdhihii gashaantimaha ahaa ay waayaan rag guursada maadaama ragii bilaa camal yihiin. Taasina ay keento burbur akhlaaqeed oo baahidu ka kowdahay.

Xirfada cajiibka ahayd waxay noqotay in si ogaan ah loo cunaqabateeyo Somaliland lagana illaaliyo inay hanaqaado dhaqaale ahaan. Kadib saboolnimada looga fa’iideysto in la dhalan gediyo diinta iyo dhaqanka suuban ee dadkeenu haystaan.

Amarka Illaahay dawladii Somaliland maadaama aanay ahayn mid ku tiirsanayd deeq dibadeed dadkeediina heshiiyey oo yeeshay hal ciidan qaran iyo hal ciidan boolis hoostaga hal Madaxweyne way badbaaday oo waabay horumartay. Dhaqaalaha dalku kukala socdaana wuxuu noqday lacagta xawaalada ee dadka reer Somaliland ee dibada ku maqani dalka usoo diraan.

Nasiib xumo waxay laakiin ku guulaysteen in manhajkii waxbarsho ee Somaliland laga dhigo mid fudud oo aan ardayda dugsiyada hoose dhexe aanay ka helin aqoon hagaagsan. Waxa kale oo ay ku guulaysteen in dhalinyaro badan hadimadooda horumar u arkaan.

Dhanka kale waxay dib u daraaseeyeen markale meeshan Somaliland ka horumartay. Waxa la ogaaday inay tahay laba meelood.

1. Dawlada Somaliland oo kharashkeeda ay bixiso bulshada Somaliland. Kharashkaasi oo dawladu bulshada kaga qaado 70% dekeda Berbera.

2. Inaan Somaliland ciidamo ajnabi ah ama Madaxweyna SL xukumin aanay ku sugnayn.

Kadib wuxuu qorshuhu noqday in Somaliland laga wareejiyo xukunka Dekeda Berbera iyo in ciidamo ajnabi ah ama qaar ajnabi mushaharka siiyo oo dawlada Somaliland ka madaxbanaan la sameeyo.

Amarka Illaahay labadaa arrimoodba waxa suurto geliyey madaxdii, cuqaashii, siyaasiyintii iyo in badan oo bulshada Somaliland kamid ah oo loo tusay horumar.

Waxaad xasuusataan iyadoo dhalinyarada reer Somaliland ay wasiiro iyo madaxda mucaaradku u balanqaadeen inay Imaaraadka ama Dubai ku tegi doonaan baasaboorka Somaliland oo kasoo shaqayn doonaan.

Markay bulshadii aragtay kana biyodiiday dhaqankii xoolo urursiga uun ku saabsanaa ee siyaasiyiinta Somaliland dhamaantood ku dhaqaaqeen ayay ka biyo diideen. Siyaasiyiintiina waxay bulshadii u kala qaybiyeen qabiilo. Waxa adkaatay in la dhaliilo siyaasi fal uu geystay iyadoo ay bilaabatay in qabiilkastaa gar iyo gar-darraba ku difaaco siyaasigiisa.

Markay halkaa marayso ayay toos u cadeysteen hay’adihii ujeedadooda dhabta ah. Waxa ay keeneen xeerar ka hor imanaya diinta Islaamka oo ay ku sheegayaan inay xuquuqda dumarka ku illaalinayaan. Waxa soo baxay siyaasiyiin la xulufo ah ajnabiga oo ku baaqa in xidhiidho lala sameeyo Israel.

Markeliya ayaa Ethiopia qiiqday sanadkii 2018-kii, kadib markii mudaharaadyo badani ragaadiyeen muddo laba sano ka badan oo ay wadeen qoomiyada ugu tirada badan Ethiopia ee Oromada. 2-dii April ayaa waxa Ethiopia dooratay Raysal Wasaare Abiy Ahmed oo qoomiyad ahaan kasoo jeeda Oromada. Abiy Ahmed waxa da’diisu ahayd markii uu qabsaday Ethiopia 41 sano.

Abiy waxa uu markiiba la yimid siyaasad in badan lagu shiilayay xarumaha siyaasadaha caalamiga ah lagu daraaseeyo sida Chatham House ama Xarunta Baadhista Arrimaha Caalamiga ah ee Ingiriiska. Siyaasadan oo ay ku lug leeyihiin wadamada Carabtu, gaar ahaan Sucuudigu waxa ay tahay in la mideeyo wadamada Geeska Afrika. Wadamada Soomaaliya, Djibouti, Eriteria iyo Ethiopia in la mideeyo oo Ethiopiana maamusho. Isla markiiba waxa uu Abiy soo afjaray cadaawadii u dhaxaysay Eriteria iyo Ethiopia. Talaabadii kale ee uu qaaday waxay noqotay in uu la heshiiyo Madaxweyne Farmaajo kaasoo uu ka saxeexday in ay Somalia ka mid noqoto wax ay ugu yeedheen Isdhexgalka Geeska balse ah farsamadii aan hore u sharaxay ee in Ethiopia liqdo dalalka kale ee Geeska kula yaal.

Markeliya ayay madaxda Somaliland ku baraarugeen in Abiy Ahmed ka duwan yahay madaxdii hore ee soo martay Ethiopia oo uu si toos ah ula safan yahay dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Maadaama Somaliland iyadu hore u ogolaatay inay wadahadalo la gasho Soomaaliya oo weliba ku guulaysatay in Xasan Sheekh Maxamed iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke u saxeexaan heshiisyadii saldhiga iyo dekeda Berbera, waxa adkaatay sidii Somaliland beesha caalamka kiis la fahmi karo oo qadiyada Somaliland sharaxaya ula tegi lahaayeen.

Dadka Somaliland, Alle ha dhawree, oo ah dad feejigan ayaa markeliya kuwar helay Madaxweyne Muuse iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku kulmay Addis. Xaraaradii iyo heer kulkii shucuurta Somaliland ayaa hawada maray. Hadana waxa ku xigay in Abiy Axmed yidhaahdo aniyo Farmaajo oo wada socona ayaa iman doona Hargeysa taas oo dawlada Somaliland ka diiday. Waxa kusii xigay shirkii Somaliland iyo Somalia ee ka dhacay Djibouti. Shirkan ayaa isna waxa uu sii tirtiray wax Alle wixii rejo ahaa ee laga qabay aqoonsiga Somaliland. Shirka Djibouti waxay dawlada Somaliland ogolaatay in hawada Somaliland laga maamulo Muqdisho, iyo in ay furantahay is dhexgalka bulshada qaybaheeda kala duwan sida fanaaniinta, dhalinyarada, ciyaaraha IWM.

Somaliland wadankii ay abaalka ka sugaysay ee dekedeedii ku wareejisay ee Imaaraadka kama aysan helin wax taageero ah. Inkastoo uu dhawr jeer tegay Madaxweyne Muuse hadana waxa maalin la weydiiyey Wasiir Sacad Cali Shire su’aal ahayd waxa ku dhacay in aan DP World ama Imaaraadku kasoo bixin balamahoodii ahayd dhisida iyo caawimada cisbitaalada Berbera, waxa uu Sacad ku jawaabay “Balanqaadyo ayay ahaayeen waxaasi ee heshiis may ahayn markaa balanqaadyada way ka noqon karaan”.

Wakhtigan aan qorayo maqaalkan waxa labadii hogaamiye ee Soomaaliya iyo Ethiopia ku mashquulsan yihiin xiisado ka oogan gudaha dalalkooda. Abiy Axmed waxa uu soo gabagabayn rabaa sida ay u egtahay dagaalkii uu ku qaaday TPLF iyo Tigreega. Halka Soomaaliya ay galayso doorasho la filayo in Farmaajo kusoo baxo oo markale noqdo Madaxweyne.

Siyaasiga #Somaliland marna kuuma sheegayo waxyaabaha aan qoraalkan iyo kuwii ka horeeyey ee taxanaha ahaa inta badan kaga waramo. 

Horta siyaasada fiicani waa tan dadka iyo dalka illaalinteeda iyo horumarinteeda ka hadasha ee aan qof iyo qabiil ka hadal. Waa muhiim in dadka wax musuqa la dhaliilo laakiin waa in iyaga shakhsi ahaan la dhaliilo.

Waxaan filayaa inaynu mid ka midaysanahay. Waa illaalinta madaxbanaanida #Somaliland. Markaad madaxbanaan tahay taladaadu aday gacantaada ku jirtaa. Waa togba taagtii oo adoo wakiishanaya Alle ayaad horumarka aad wadankaaga la rabto.

War inaguma seegana in wadamada jaarka la ah Somaliland ee Carabtu ugu horeyso aanay rabin in Somaliland madaxbanaanaato. Waxay Carabtu illaa weligood lahaayeen siyaasad cad oo ah inay kasoo horjeedaan in Somaliland go’do. Waxay bilowgii Somaliland hanaqaadaysay, dhamaadkii sanadihii sagaashameeyadii saareen cunaqabatayn dhanka xoolaha ah.

Halka ay dhanka kale isku dayayeen inay walaalaheen Soomaaliya u sameeyaan kolba dawlad ay iyagu xukumaan. Sidii loogu waday dabinkii inay ku dhacaan bay u dhaw yihiin. Maanta Madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka arki maysid mid dhaliili kara qolooyinka u fadhiya Xalane. Waxaana la rabaa in dawlada Federaalku noqoto meel ay Reer Galbeedku ku adeegtaan. Dawlad qaadata nidaamka ribawiga ah ee ku xidhan IMF-ta. Inay noqoto dawlad saxeexda oo qiime aad u jaban iyo heshiisyo qarsoon ku faasaxda khayraadka Soomaalida. Dawlad hirgelisa afkaartooda ku lidka ah dhanka dhaqanka iyo diinta. Waxaase la yaableh in Somaliland maanta hadii la baadho la ogaanayo inay iibisay xuquuqdii shiidaalkeeda.

Maxaanse u leeyahay Somaliland way burburaysaa iyadoo aan qirayo inay marxalado hore oo adkaaba ay kasoo kabatay. Jawaabtayda oo koobani waxay noqonaysaa maahmaahdii “ruqo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo”.

Somaliland maanta ma xukunto hawadeeda. Dekedeedi keli ahayd ma xukunto oo tacriifada la kicinayo iyadu ma qoondayso. Waxay Somaliland dhawaan heshiis is dhexgal bulsho ah la gashay dawlada Soomaaliya. Waxa kale oo Wasiirka Maaliyadu ee Somaliland shir jaraa’id ku sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay in lacag caawimo ah oo Soomaaliya la siinayo ay usoo marto Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Arrimahan aan kor ku xusay oo dhami ma aha mid lagu khasbay dawlada Somaliland. Madaxda Somaliland waxaad moodaa inuu ka dhiman yahay farsamada dhaqaale kobcinta dal loo agaasimo.  Waxa ugu muhiimsan inaad noqoto dal wax soosaara oo dibada u dhoofiya, waxa ku xigta inaad noqoto dal waxuu cunayo iyo cabayo la soo baxa. Hadaba hadii aynu xataa wax soosaarno waxaad ogaanaysaa in suuqyada Carabta ee lacagta haysta ee inoo dhawi yihiin qaar inaga xidhan. Nimankii suuqooda inaga xidhay ayaynu inaguna Dekedii iyo Madaarkii Berbera ku wareejinayay!!

Dhanka kale, maanta hadaad eegto baraha bulshada ama social media-ha waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah oo afkaar gaalo wadwada. Waxa magaalooyinka kusoo badanaya hay’ado si toos ah iyo si dadbanba uga shaqeeya dhaqan gediga bulshadeena gaar ahaan dumarkeena. Waxa ay UNESCO inaga xumaysay manhajkii dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sareba. Waxaana dhamaan bulshada lasoo deristay dhaqaalo darro xun.

Marka bulsho dhaqaale darro lasoo deristo waxa dhaca in ay ku bataan waxyaabaha xunxun sida fisqiga iyo dhaqan xumadu. Wiilkii jaamacada ka baxo marka uu shaqo waayo ma guursan karo inantii geyaankiisa ahayd. Taasina waxay keenaysaa in guurku yaraado oo dhalinyarada qaar wadanka ka tagaan qaarna ay dantu ku khasabtu inay ka shaqeeyaan shaqooyin aanay jeclayn sida FGM iyo wixii lamida. Taasina ay keento inaad aragto dad wadaadada caayaya ama maagaya iyagoo si toosan ula dagaalamaya diinteena suuban ee Islaamka.

Dhaqaale darradu waxay keentaa dhaqan xumo. Siyaasiyiinteenu laakiin iskuma hawlaan ama qaarkood maba oga sababta dhaqaalaheenu u liitaa inay tahay suuqyadii aynu xoolaha iyo waxyaabaha kale u iibgayn lahayn oo inaga xidhan. Sababta laynooga xidhay suuquna waa inaynu faqiirno oo hadhaw ku khasbanaano in dawladaa u adeegta Reer Galbeed ee Soomaaliya loo dhisay laynagu darro.

Ugu dambayn waxa soo baxay Raysal Wasaaraha Ethiopia oo raba inuu wadamada Geeska Afrika isku furo oo dhaqaale ahaan la is dhexgalo. Oo qofka Ethiopian-ka ahi kugula xuquuq noqdo Berbera iyo Hargeysa oo xuquuqda muwaadinka yeesho. Taasna waad arki karta waxay keenaysaa in Soomaalida dhulka laga qaado oo weliba heshiis lagaga qaado illeen Xabashidu waa boqol milyan oo qof inaguna waxaynu nahay waxaan labaatan soddon milyan gaadhin hadaynu circa u boodno.

Waxaan kusoo gebagabaynayaa erayadii Hadraawi ee maansadii Dabahuwan:

Waxay igu soo dabreen

Halkay ila doonayeen.

Wise Man – 2020

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *