Siyaasad

Taariikhda Burburka Somaliland. Qaybta 1aad..

November 28, 2020

Ugu horeyn Baarlamaanka Somaliland ayaa u ogolaaday maamulkii Siilaanyo inay wada hadalo toos ah la galaan dawlada Soomaaliya. Waxaan xasuustaa kulan dhex maray wefti Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay iyo jaaliyada reer Somaliland ee London. Waxa kulanka si kulul ula hadlay Madaxweynaha wiil dhalinyaro ah oon aan filayo inuu indho la’aa. Ninkaasi wuxuu ku eedeeyey Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Somaliland ee wakhtigaa, Maxamed Cabdillaahi, oo ku eedeeyey khiyaamo qaran oo ahayd in wadahadaladu yihiin qaar wiiqaya qaranimada iyo gooni isu taaga Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ugu jawaabay wiilkii in uu ku kalsoon yahay wasiirkiisa arrimaha dibada.

Intaa kadib waxa bilaabmay wadahadaladii tooska ahaa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee kusoo gabogaboobay Turkey, July, 2013.

Wadahadaladaasi waxay markiiba wiiqeen ololihii ictiraaf raadinta ee Somaliland, taaso keentay in wadamo badan oo Somaliland daneyn jiray ay u qaataan in Somaliland dib ula midoobayso Soomaaliya kadibna waa halkii Cigaal Alle haw naxariistee ay dhabarka u jeediyaan Somaliland.

Waxa weliba ay dadka siyaasada indho-indheeyaa sheegeen in dawlada Soomaaliya aanay ku meelgaadhnimada ka bixin illaa ay dawlada Somaliland ogolaatay.

Dawladii Soomaaliya si buuxda ayaa loo aqoonsaday waxaanay ku fadhiisatay kursigii UN-ta.

Maadaama ay dawlada Soomaaliya ahayd mid musuqmaasuq badan, wadamo badan oo Maraykan iyo Talyaaniba ku jiraana shirkadahoodu illaa burburkii Soomaaliya ee 1991 ay xunta suntan nukliyeerka ka hadha ku aasi jireen badda Soomaaliya waxa dawlada la aqoonsaday ee Soomaaliya markaliya usoo baxay awood. Awood ay heshiisyo caalami ah ku geli karto, awood ay ku saxeexi karto heshiisyo aan cidi arag iyo awood ay waxoogaagii lacagta ahaa ee dawlada Soomaaliya u yaalay bangiyada adduunka kula bixi karto.

Ku darsoo adduunyada wax bilaashi ma jiraan. Wadamadan bixiya kharashka dawlada Soomaaliya, lacagta ay bixiyaan waxa ay ka rabaan fa’iido. Fa’iidadan ayaa waxa kamida inay iyagu noqdaan kuwa maamula dekedaha istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Somaliland oo aanay u gacan gelin China. Inay iyagu noqdaan kuwa safka hore taagan markay Soomaaliya xaraashayso khayraadkeeda. Turkey, EU, Maraykan, China intuba waxay u kala dheeraynayeen boobka Soomaaliya.

Tusaale ahaan waxa dekeda Berbera rabay inay gacanta ku dhigaan shirkado badan oo caalamiya sida shirkada Faransiiska laga leeyahay ee Bollore. Shirkadahani inbadan ayay ku taamayeen inay gacanta ku qabtaan dekeda Berbera waayo waa deked qadiimi ah oo ganacsiga Geeska Afrikana u noqonaysa fure mustaqbalka dhaw. Sida caadiga ahna markay shirkadaha caalamiga ahi rabaan inay gacanta ku dhigaan wadan Afrikaan ah dhulkiisa ama khayraadkiisa sida ugu fudud ee ay u sameeyaan waxay tahay iyagoo laaluusha siyaasiyiinta wadankaas.

Aragtida dhaqaale ee badanka ka jirta Somaliland iyo guud ahaan wadamada Afrikaba waa aragti dhaqaale oo laga soo dejiyay wadamada Reer Galbeedka. Waana aragtida loo yaqaan capitalism-ka ama hantigoosiga. Aragtida waxa lagu dhigaa jaamacad kasta iyadoo ardayda looga dhigayo inay tahay mid saxsan. Waa aragti dhiiri gelisa in hantida dawlada iyo adeega dawlada badanka lagu wareejiyo shirkado gaara iyadoo la leeyahay waxaad soo jiidanaysaan maalgashi. Aragtidani waa ta masuulka ka ah in wadamada Afrika ee khayraadka hodanka ku ahi ee weliba dibada u dhoofiya khayraadkooda sida dahabka, dheemanta, shiidaalka, maarta ay hadana ka qatanaadaan oo aanay ka muuqanin wadamadooda.

Wax is bedelay mooyee markaliya uunbaa waxa bilaabmay sanadihii 2014 iyo 2015 olole ay wasiirada Somaliland ku macneeyeen inuu yahay inay soo jiitaan maalgashi shisheeye. Illeen waxa heshiiskii Turkey ku jiray “inaan la carqaladaynin wixii maalgashi ah”. Waxay socotaba waxay dawlada Imaaraadka ee xidhiidhka sokeeye leeyihiin Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke…

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *