Dhaqaale

Taariikhda Burburka Somaliland – Qaybta Saddexaad

December 1, 2020

Siday ogyihiin akhristayaasha aanu isku xidhanahay illaa wakhtigii la aasaasay waxa Somaliland lagu hayay cunaqabatayn dhaqaale. Cunaqabatayntan ayaa ah mid ay iska kaashadeen wadamo badan oo kuwa Khaliijku ugu horeeyaan looguna talo galay in la curyaamiyo dhaqaalaha Somaliland. Dhanka kale walaalaheena Soomaaliya iyaga waxa ku adkaatay inay dhistaan nidaam dawladeed waxana lagu sii hayay dawladnimo la’aantaa oo wadamo badani ka shaqeeyeen si looga fa’iideysto dawlad la’aantooda oo khayraadkooda badda iyo berriga la boobo marna sun lagu aaso badahooda.

Cunaqabataynta saaran Somaliland waa in laga dagaalamo in dhaqaalaheedu kobco. Hadaba side loogala dagaalamayaa? Somaliland waa in laga xayiraa waxa kaliya ee ay dunida u dhoofiso, waa xoolaha nool. Maadaama aynaan waxkale oo badan dhoofinin markii Sucuudigu xayiray xoolihii ka dhoofi jiray Dekeda Berbera waxa si xun hoos ugu dhacay dhaqaalihii dalka.

Dhanka kale bulshada Somaliland iyo kuwa kale Soomaalidaba waxa burburkii dagaalada sokeeye kadib soo galay hay’ado caawimo sida laakiin ay lasocoto barnaamijyo dheeraadi. Waxa bilaabmay olole lagu burburinayo qoyska iyadoo lagu soo gabanayo waxyaabo kale sida gudniinka fircooniga ah. Waxa ay hay’adahaasi sideen oo badanka ku bixiyaan dedaal iyo kharashba aragtiyaha ku saabsan jinsiga iyo sinaanta raga iyo dumarka. Waxay hay’adahaasi xoog saareen in laga dhaadhiciyo gabadha Soomaalida ah inay dib u dhigato inay reer yagleesho wakhtiga ay gashaantida tahay ama da’ ahaan sanadaha 16 illaa 28 sano.

Waxa afkaarta ka imanaya wadamada reer Galbeedka inay hirgalaan muhiim u ah in Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliyaba ay ahaadaan dalal sabool ah. Marka dalku sabool yahay waxa imanaysa in ragu aanay awoodin inay reer yeeshaan oo ma haystaan shaqooyin ku filan oo ay raas ku maamulaan. Taasi waxay dhalisaa in gabdhihii gashaantimaha ahaa ay waayaan rag guursada maadaama ragii bilaa camal yihiin. Taasina ay keento burbur akhlaaqeed oo baahidu ka kowdahay.

Xirfada cajiibka ahayd waxay noqotay in si ogaan ah loo cunaqabateeyo Somaliland lagana illaaliyo inay hanaqaado dhaqaale ahaan. Kadib saboolnimada looga fa’iideysto in la dhalan gediyo diinta iyo dhaqanka suuban ee dadkeenu haystaan.

Amarka Illaahay dawladii Somaliland maadaama aanay ahayn mid ku tiirsanayd deeq dibadeed dadkeediina heshiiyey oo yeeshay hal ciidan qaran iyo hal ciidan boolis hoostaga hal Madaxweyne way badbaaday oo waabay horumartay. Dhaqaalaha dalku kukala socdaana wuxuu noqday lacagta xawaalada ee dadka reer Somaliland ee dibada ku maqani dalka usoo diraan.

Nasiib xumo waxay laakiin ku guulaysteen in manhajkii waxbarsho ee Somaliland laga dhigo mid fudud oo aan ardayda dugsiyada hoose dhexe aanay ka helin aqoon hagaagsan. Waxa kale oo ay ku guulaysteen in dhalinyaro badan hadimadooda horumar u arkaan.

Dhanka kale waxay dib u daraaseeyeen markale meeshan Somaliland ka horumartay. Waxa la ogaaday inay tahay laba meelood.

1. Dawlada Somaliland oo kharashkeeda ay bixiso bulshada Somaliland. Kharashkaasi oo dawladu bulshada kaga qaado 70% dekeda Berbera.

2. Inaan Somaliland ciidamo ajnabi ah ama Madaxweyna SL xukumin aanay ku sugnayn.

Kadib wuxuu qorshuhu noqday in Somaliland laga wareejiyo xukunka Dekeda Berbera iyo in ciidamo ajnabi ah ama qaar ajnabi mushaharka siiyo oo dawlada Somaliland ka madaxbanaan la sameeyo.

Amarka Illaahay labadaa arrimoodba waxa suurto geliyey madaxdii, cuqaashii, siyaasiyintii iyo in badan oo bulshada Somaliland kamid ah oo loo tusay horumar.

Waxaad xasuusataan iyadoo dhalinyarada reer Somaliland ay wasiiro iyo madaxda mucaaradku u balanqaadeen inay Imaaraadka ama Dubai ku tegi doonaan baasaboorka Somaliland oo kasoo shaqayn doonaan.

Markay  bulshadii aragtay kana biyodiiday dhaqankii xoolo urursiga uun ku saabsanaa ee siyaasiyiinta Somaliland dhamaantood ku dhaqaaqeen ayay ka biyo diideen. Siyaasiyiintiina waxay bulshadii u kala qaybiyeen qabiilo. Waxa adkaatay in la dhaliilo siyaasi fal uu geystay iyadoo ay bilaabatay in qabiilkastaa gar iyo gar-darraba ku difaaco siyaasigiisa.

Markay halkaa marayso ayay toos u cadeysteen hay’adihii ujeedadooda dhabta ah. Waxa ay keeneen xeerar ka hor imanaya diinta Islaamka oo ay ku sheegayaan inay xuquuqda dumarka ku illaalinayaan. Waxa soo baxay siyaasiyiin la xulufo ah ajnabiga oo ku baaqa in xidhiidho lala sameeyo Israel…

Lasoco…

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *