Dhaqaale

Taariikhda Burburka Somaliland – Qaybtii Shanaad

December 25, 2020

Siyaasiga #Somaliland marna kuuma sheegayo waxyaabaha aan qoraalkan iyo kuwii ka horeeyey ee taxanaha ahaa inta badan kaga waramo. 

Horta siyaasada fiicani waa tan dadka iyo dalka illaalinteeda iyo horumarinteeda ka hadasha ee aan qof iyo qabiil ka hadal. Waa muhiim in dadka wax musuqa la dhaliilo laakiin waa in iyaga shakhsi ahaan la dhaliilo.

Waxaan filayaa inaynu mid ka midaysanahay. Waa illaalinta madaxbanaanida #Somaliland. Markaad madaxbanaan tahay taladaadu aday gacantaada ku jirtaa. Waa togba taagtii oo adoo wakiishanaya Alle ayaad horumarka aad wadankaaga la rabto.

War inaguma seegana in wadamada jaarka la ah Somaliland ee Carabtu ugu horeyso aanay rabin in Somaliland madaxbanaanaato. Waxay Carabtu illaa weligood lahaayeen siyaasad cad oo ah inay kasoo horjeedaan in Somaliland go’do. Waxay bilowgii Somaliland hanaqaadaysay, dhamaadkii sanadihii sagaashameeyadii saareen cunaqabatayn dhanka xoolaha ah.

Halka ay dhanka kale isku dayayeen inay walaalaheen Soomaaliya u sameeyaan kolba dawlad ay iyagu xukumaan. Sidii loogu waday dabinkii inay ku dhacaan bay u dhaw yihiin. Maanta Madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka arki maysid mid dhaliili kara qolooyinka u fadhiya Xalane. Waxaana la rabaa in dawlada Federaalku noqoto meel ay Reer Galbeedku ku adeegtaan. Dawlad qaadata nidaamka ribawiga ah ee ku xidhan IMF-ta. Inay noqoto dawlad saxeexda oo qiime aad u jaban iyo heshiisyo qarsoon ku faasaxda khayraadka Soomaalida. Dawlad hirgelisa afkaartooda ku lidka ah dhanka dhaqanka iyo diinta. Waxaase la yaableh in Somaliland maanta hadii la baadho la ogaanayo inay iibisay xuquuqdii shiidaalkeeda.

Maxaanse u leeyahay Somaliland way burburaysaa iyadoo aan qirayo inay marxalado hore oo adkaaba ay kasoo kabatay. Jawaabtayda oo koobani waxay noqonaysaa maahmaahdii “ruqo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo”.

Somaliland maanta ma xukunto hawadeeda. Dekedeedi keli ahayd ma xukunto oo tacriifada la kicinayo iyadu ma qoondayso. Waxay Somaliland dhawaan heshiis is dhexgal bulsho ah la gashay dawlada Soomaaliya. Waxa kale oo Wasiirka Maaliyadu ee Somaliland shir jaraa’id ku sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay in lacag caawimo ah oo Soomaaliya la siinayo ay usoo marto Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Arrimahan aan kor ku xusay oo dhami ma aha mid lagu khasbay dawlada Somaliland. Madaxda Somaliland waxaad moodaa inuu ka dhiman yahay farsamada dhaqaale kobcinta dal loo agaasimo.  Waxa ugu muhiimsan inaad noqoto dal wax soosaara oo dibada u dhoofiya, waxa ku xigta inaad noqoto dal waxuu cunayo iyo cabayo la soo baxa. Hadaba hadii aynu xataa wax soosaarno waxaad ogaanaysaa in suuqyada Carabta ee lacagta haysta ee inoo dhawi yihiin qaar inaga xidhan. Nimankii suuqooda inaga xidhay ayaynu inaguna Dekedii iyo Madaarkii Berbera ku wareejinayay!!

Dhanka kale, maanta hadaad eegto baraha bulshada ama social media-ha waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah oo afkaar gaalo wadwada. Waxa magaalooyinka kusoo badanaya hay’ado si toos ah iyo si dadbanba uga shaqeeya dhaqan gediga bulshadeena gaar ahaan dumarkeena. Waxa ay UNESCO inaga xumaysay manhajkii dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sareba. Waxaana dhamaan bulshada lasoo deristay dhaqaalo darro xun.

Marka bulsho dhaqaale darro lasoo deristo waxa dhaca in ay ku bataan waxyaabaha xunxun sida fisqiga iyo dhaqan xumadu. Wiilkii jaamacada ka baxo marka uu shaqo waayo ma guursan karo inantii geyaankiisa ahayd. Taasina waxay keenaysaa in guurku yaraado oo dhalinyarada qaar wadanka ka tagaan qaarna ay dantu ku khasabtu inay ka shaqeeyaan shaqooyin aanay jeclayn sida FGM iyo wixii lamida. Taasina ay keento inaad aragto dad wadaadada caayaya ama maagaya iyagoo si toosan ula dagaalamaya diinteena suuban ee Islaamka.

Dhaqaale darradu waxay keentaa dhaqan xumo. Siyaasiyiinteenu laakiin iskuma hawlaan ama qaarkood maba oga sababta dhaqaalaheenu u liitaa inay tahay suuqyadii aynu xoolaha iyo waxyaabaha kale u iibgayn lahayn oo inaga xidhan. Sababta laynooga xidhay suuquna waa inaynu faqiirno oo hadhaw ku khasbanaano in dawladaa u adeegta Reer Galbeed ee Soomaaliya loo dhisay laynagu darro.

Ugu dambayn waxa soo baxay Raysal Wasaaraha Ethiopia oo raba inuu wadamada Geeska Afrika isku furo oo dhaqaale ahaan la is dhexgalo. Oo qofka Ethiopian-ka ahi kugula xuquuq noqdo Berbera iyo Hargeysa oo xuquuqda muwaadinka yeesho. Taasna waad arki karta waxay keenaysaa in Soomaalida dhulka laga qaado oo weliba heshiis lagaga qaado illeen Xabashidu waa boqol milyan oo qof inaguna waxaynu nahay waxaan labaatan soddon milyan gaadhin hadaynu circa u boodno.

Waxaan kusoo gebagabaynayaa erayadii Hadraawi ee maansadii Dabahuwan:

Waxay igu soo dabreen

Halkay ila doonayeen.

Waxaan inshaAllah bilaabi doonaa taxane sidii looga bixi lahaa burburkan oo dhisme dib loogu noqon lahaa.

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *