Sheeko

Ubaxii Deyrta: Qaybtii 4aad

September 21, 2019

Naasir waa inamada ku fiican koombiyuutarada iyo sida loo adeegsado.

Markii uu gurigiisa gaadhayba waxa uu lasoo baxay laptop-kiisii. Sawiradii gabdhaha ayuu markiiba ku wareejiyey. Waxa uu si cajiib ah u sifeeyey sawiradii, folder cusub ayuu u samaystay waxaanu magac uga dhigay kelmada Ingiriisiga ah ee “mission” oo macnaheedu yahay hawlgal!

Waxa kale oo uu Naasir qoray labada gabdhood meeshay isku arkeen, waxay xidhnaayeen, wakhtiga, waxay is weydaarsadeen hadalo. Arrimahan waxa uu u qoray Naasir si uu hadhow markuu rabo inuu raadiyo ay ugu fududaato hawsha raadintu.

Naasir siduu ugu jeeday laptop-kiisa ma uu dareemin goorta uu soo galay saaxiibkii Jamaal.  Jamaal iyo Naasir waxay ahaayeen saaxiibo isku bartay wakhti ay jaamacad wada dhigan jireen. Naasir wuu ka baxay jaamacada oo koombiyuutarada uu ku fiicnaa ayuu iskaga shaqaystaa. Dhanka kale Jamaal jaamacadii waxa uu ku jiraa sanadkii ugu dambeeyey.

Naasir iyo Jamaal inkastoo ay saaxiib aad isugu dheer yihiin hadana waa laba nin oo kala duwan.

Naasir waa nin dheer oo dhanka buurnida maariin ah, waa nin aamusan oon hadal badnay waxbarashadana ku fiican xisaabta iyo koombiyuutarada. Halka Jamaal ka yahay nin gaaban oo jimidh dhex-dhexaada leh midabkiisuna yahay madaw dikhila.

Dabeecad ahaan Jamaal waa nin bashaash ah furfuran, waxbarashadana ku fiican maadooyinka Taariikhda iyo Siyaasada. Jamaal jaamacada waxa uu ka dhigtaa maadada Siyaasada.

Jamaal iyo Naasir waxba makala qarsadaan.

Jamaal marka aanu mashquulsanayn dhawrkii wiigba mar ayuu gabadh cusub la yimaada guriga, Naasir laakiin sanadkii ayaa mar uu xabad uu dirqi kusoo helay ay guriga usoo raacdaa.

Inbadan ayuu Jamaal u bandhigay inuu Naasir ka caawiyo dhanka dumarka, laakiin Naasir ayaan ahayn mid si dhab ah u xiiseeya.

Cabbaar markuu Jamaal guriga joogay ayuu la yaabay ninkan aan laptop-ka ka dul-kacaynba. Intuu u yimid ayuu soo dul istaagay si uu u arko bal waxan saaxiibkii caawa mashquuliyey.

Markuu arkay sawirada ayuu hoosta ka qoslay kamanuu jiidhin oo wuu iska dhaafay.

Naasir ayaase intuu hadalka bilaabay uga sheekeeyey inuu maanta soo arkay quruxleydii London. Iyo gabadh quruxdeeda aanu weligeed is odhan wax la midaa adduunka ku noolba.

Jamaal: Inaad sawirato may ahayn laakiin.

Naasir: Haa niyow waan is illaabay.

Jamaal: Mise waxaad is tidhi dib u arki mayside sawir ka qaado?

Naasir: War hadaanan gacanta qabsan oo boolisku iigu iman intaan sii deyn waayo nasiib ayay lahayd

Way qosleen labadooduba.

Sidii caadada u ahayd Jamaal subaxii hiirta ayuu toosay. Quraacdiisii yarayd ee roodhida iyo jaamka ahayd ayuu koob bigeysa iskaga dejiyey, qadadii oo uu xalay diyaarsadayna intuu boorsada ku ritay ayuu albaabka ka booday.

Tareenkii ayuu raacay isla 8-dii subaxnimaba waxa uu gaadhay jaamacadii.

Cashar-ka koobaad maalintaa waxa uu lahaa 11-ka subaxnimo. Si uu wakhtiga uga fa’iideysto waxa uu markiiba tegay maktabadii jaamacada.

Maktabadu waxay kala leedahay meelo loogu talo galay in aamusnaan wax lagu akhristo, meelo koombiyuutaro yaalaan, iyo meelo la hadli karo iyadoo wax akhriska la wado oo ardaydu koox koox wax u akhristaan.

Dhankii aamusnaanta ma uu tagine dhankii hadalka la ogolaa ayuu miis keligii fadhiistay. Buugtiisii uu boorsada ku sitay ayuu lasoo baxay iyo laptop-kiisaa, dhegahana waxa uu gashaday sameecado waxaanu bilaabay dhana inuu muusig yar oo wax akhriska ku fiican ka dhegaysto dhana buug taariikha isha mariyo.

Konton daqiiqo markuu wax akhriyay ayuu joojiyey si uu toban daqiiqo oo nasasho ah u qaato. Alaabtiisii ayuu Jamaal miiska kaga tegay waxaanu dibada ugaga baxay maktabadii.

Markuu dibada soo istaagayba wuxay ishu kaga dhacday gabadh soo socota oo dheer oo kolba inamada dhaafaa dib usii jaleecayaan. Wuu sugay isna si uu, ileen waa nine, si fiican ugu eego.

Haday ka qabatana uula hadlo.

Markay soo dhawaatay ayuu wejigeeda si fiican u eegay. Mise waabu garanayaa. Tolow xageed ku aragtay ayuu is weydiiyey.

Markay dhaaftay ayuu xasuustay inay tahay inantii saaxiibkii Jamaal xalay sawirka kasoo qaatay ee uu xalay oo dhan u ammaanayay!!

**

Eman ma aha gabadh socod badan. Marmar ay saaxibadeed Sucaad is raacaan mooyee inta kale wakhtigeeda guriga iyo jaamacada ayay u dhaxaysaa. Marmar ay shaqo interview u gasho mooyee.

Iyadoo galab guriga usoo socota ayaa waxay aragtay Saleebaan oo gurigiisa daaqadu u furantahay oo sabuurad cad wax ku qoraya buug weyna miis u saaran yahay.

Way istaagtay si ay si fiican ugu aragto waxa uu qorayo. Balse way arki kari weyday. Iyadoo la dhacsan odaygan Soomaaliga ah ee hadana dhisan imikana wax qoraya ayuu si degdeg ah dhankeedii u soo eegay Saleebaan.

Wuu ku qabtay iyadoo eegaysa oo taagan.

Naxdintii way booday oo deg deg u carartay. Saleebaan intuu dhoola cadeeyey, madaxana yara lulay ayuu qoraalkiisii sii watay.

Lasoco…

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *