Siyaasad

Waa Maxay Qorshaheenu?

October 4, 2019

Waa Maxay Qorshaheenu?

Dhibaatooyinka aynu weli xalin kari la’nahay sida qabyaalada, qaadka, aqoon darrada bulshada iyo daryeel cafimaad la’aantu waa dhibaatooyinkii ilaa 1960-meeyadii ina haystay.

Qorshaheena horumarku waa kii siyaasiyiintu inoo soo bandhigeen muddo imika ku dhaw afartan sano ka hor.

Hadaan si kooban u qeexo siyaasadaas waxay ahayd inaynu noqono wadan madaxbanaan, kadibna shirkadaha caalamiga ahi inoo yimaadaan, ina maalgashadaan, kadibna soo saaraan khayraadkeena inaguna ay sidaa ku noqono wadan qani ah oo horumaray.

Laakiin cidina ismay weydiin illaa hada inay jiraan wadamo badan oo Afrikaan ah oo inaga khayraad badan, aqoonsi haystay illaa 1960-kii oo weliba sideena aan burbur iyo dagaal sokeeye arag, hadana wadamadaas ay reer Somaliland ka nolol sareeyaan.

Waayo?

Dhinaca kale, caalamku maanta waabu kasii jeedaa in uu soo saaro shidaal qaydhin. Waxa loo kala tartamaaya oo Maraykan, Jarmal iyo China ay ukala dheeraynayaan in ay isticmaalaan awooda nadiifta ah (clean energy) ee adduunka sida qoraxda, hirka badda iyo dabaysha. Dhamaan wadamada Yurub waxay samaysteen yool kala duwan oo wadan kastaa rabo inuu kaga kaaftoomo isticmaalka shiidaalka iyo dhuxul dhagaxda dhulka laga qodo.

Hadaan uga sii gudubno dhanka horumarka laga gaadhayo koombiyuutarada iyo sida aaladaha is wada ee robots-ka lagu magacaabaa ay hantida iyo nolosha ummadaha samaystay ay u horumarin doonaan.

Waxa kaloo aqoonta cusub ee caalamku hada gaadhay wax ka bedeli doontaa daryeelka caafimaadka, sida dadku wax u beertaan, waxay cunaan, waxay xidhaan iyo xataa farsamooyin cusub oo guryaha loo dhisto.

Waxa cajiib leh in cilmigaas maanta uu internet-ka ku jiro isagoo bilaash ah. Weliba inaynu leenahay aqoon yahano badan oo aqoonta casriga ah ee dunida taala leh fahansan inoogana fa’iideyn kara.

Miyaanay nacasnimo ahayn in aynu weli ku meeraysano aragti gaaban oo dhalinyaro inaga ina le’egi 80-nadii bulshada ku hageen.

Sidee ayaynu u aqbali kartaa siyaasad wadamo badan oo Afrikaan ah u horseeday in ay noqdaan qaar halaagmay oo illaa hada la dhiigmiirto?

Miyaanay ahayn inaynu doodeena ku salayno aqoon iyo qorshe?

Please follow and like us:
error0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *