Siyaasad

Xagay Sartu Ka Qudhuntay?

August 31, 2019

Hadraawi oo dhibta ina haysata kawaramaya hordhacii maansada Daba Huwan ayaa sheegay in dhibta kolba meel aanay ku jirin laynoo tilmaamo.

Diktaatoor
Dimuqraadiyad la’aan
Qabyaalad
Maamul xumo
Aqoon darro

Balse sida uu sheegay dhibtu waa nidaamkeenii oo gumeystuhu burburiyey, kadibna inoogu bedelay nidaam ina ragaadiya oo isagu leeyay.

Sida abwaanku sheegay, illaa uu Ingiriiska tegay oo su’aalo cusub is weydiiyey ma uu helin halka ay sartu ka qudhuntay.

Waxaan xasuustay in dhibta ina haysata oo kale ay la kulmeen wadamada Japan iyo China markii reer Europe iyo Maraykan xoogan oo hub casriya wata ay badahooda soo istaageen.

Waxa xusid mudan in Japan iyo China ay ahaayeen boqortooyooyin marka gumeyatuhu soo gaadhay. Halka Soomaalidu ka ahaayeen reer guuraa aan dawlad lahayn.

Wixii berigaa ka dhacay gaar ahaan jabkii ku dhacay wadanka China illaa maanta waa taas dadkii gumeystuhu rabaystay ay Hong Kong ka mudaharaadayaan.

Japan iyadu farsamadii iyo dhaqaaleba inkastooy heshay hadana dhaqankoodii ayaa la milay oo meel ay kasoo noqdaan ma jirto.

China laakiin waa quwada soo koraysa ee bedeli karta ilbaxnimada ninka cad. Inkastoo illaa maanta dagaal ku socdo hadana waxay iyagoon dhaqankooda ka tegin ku guuleystaan inay noqdaan dhaqaalaha koobaad ee adduunka.

Waxayse diideen markii ay nidaamyada Galbeedka diideen hadii kale halkaa may gaadheen.

Inaguna sidoo kale nidaam reer Galbeed ina faro horumar iyo barwaaqo ku gaadhi mayno illaa ayni nidaam inaga ina anfacaya oo weliba ka Alle inoo dhigay ah aynaan qaadan.

Please follow and like us:
error0

Only registered users can comment.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *