Siyaasad

Xusuus Qorkii Maxamed S Gees – Sanadihii Cadhada

May 9, 2019

Xusuus Qorkii
Provisor . Maxamed Siciid Gees
Sanadihii Cadhada
Waxaan ku xidhnayn nolosha tuulada kuliyadda Lafoole gelin hore iyo gelin danbeba casharo ayaa ka socday tuuladaas oo ay Ardayda iyo Macalimiintuba ku nooshahay , dhawr jeer oo aan dejiyey jadwalka casharada waxaan xusuusta in saacadaha shaqadu bilaabmi jireen 7:00 subaxnimo ayna dhamaan jireen 9:00 habeenimo marka laga reebo saacadaha 1:00 duhurnimo ilaa 4:00 galabnimo oo fasax ahaan jirtay iyo saacada u dhaxaysa 6:00 makhribnimo ilaa 7:00 fiidnimo. Haddaba, markii la soo gaadhay sanadihii sideedtameeyadii 1980 waxaa bilaabantay in macalimiintii jamacadu ay jeclaysteen inay isku qoraan casharada gelinka danbe oo gelinka hore lagu yaaco Xamar iyadoo la raadinayo shaxaad lagu kabo mushaharka sixir bararku hadheeyey isagoo mushahaarkii waxba go’ayn waayey waxaa kale oo la raadsan jiray in meelo kale laysu bedelo ama la raadsado waxbarasho dibadeed oo aan laga soo noqon, waxaa kale oo dhacday in fasaladii, qolalkii hurdada, hoolalkii iyo meelihii cuntadu ay wada gaboobeen oo wax lagu dayactiro la waayey waxay waqtigaas u ekaatay meel laydhku ka sii damayo siina dhimanaysa oo qof dan ka lihi aanu jirin, waxay madaxda jaamacaddu ku mashquul sanaayeen jamacadii weynayd ee afka Talyaaniga wax lagu baran jiray ee Xamar ku taalay ee ay dawladda Talyaanigu maal gelin jirtay. Waxaa meesha ku dhax baaba’aday kuliyadii waxbarashada Lafoole ee af Ingriisiga wax lagu dhigi jiray oo iyada gooni looga takooray Jaamacada weyn. Waxaa sanadahaa hormuud ka noqday kuliyada Lafoole Prof. Saleebaan Axmed Guuleed 1981 waxaa arrimaha ardayda qaabilsanaa Ciise Xasan Cali ( ina qoob shalax) aniga Gees waxaan madax ka aha qaybta Fiisigiska , kimistarigana waxa madax ka ahaa Cabdi Biixi Yoonis. Prof Guuleed waxaa u muuqday dhibaatada iyo dayaca haysta Kuliyadda halkaas oo uu muda badan joogay oo uu Macalin ka ahaan jiray, waxaa uu magacaabay guddi loo xilsaaray dayactirka jaamacada oo madax uga dhigay Aniga Gees gudigaas oo isugu jirtay Macalimiin iyo Arday, waxaanu soo tiro koobnay inta daaqad , saqaf , albaab, musqul iyo goob jaban ee Jamacadda, markii aanu soo dhamaystirnay warbixintii ayaanu u gudbinay Prof Guleed waxaa uu dabadeedna arrinkii ula tegay Saleebaan Maxamuud Aadan ( saleeban gaal) oo markaa ahaa wasiirku xigeenka wasaarada waxbarashada waxaa uu u bandhigay dhibaatada haysata kuliyadii waxbarashada Lafoole oo macalimiinta ay barbaarisaa ay ka hawlgeli jireen dugsiyada dalka ee ay maamusho wasaarada waxbarashadu ka dibna waxa uu waydiistay inuu wax kala qabto dayactirka kuliyada waxa kale oo uu u sheegay in uu guddi u sameeyey arrinkaas uuna gudoomiye ka yahay Maxamed Saciid Gees, waxaa uu Saleebaan gaal ka yeelay in uu wax kala qabto dayactirka kuliyada ka dibna waxa uu Prof Guleed u sheegay inuu u soo dirayo gudoomiyaha gudiga Gees.
Maalintii danbe ayaan ugu tegay Saleebaan xafiiskiisi wasaarada waxbarashada Aniga iyo wasiirku xigeenku iskuma aanaanu cusbayn oo hore ayaanu u soo wada shaqaynay markii uu madaxda ka ahaa xafiiskii manaahijta ee waxbarashada halkaas oo aanu ka soo wada shaqaynay 1973-5, Saleebaan si fiican ayuu iigu soo dhaweeyey xafiiskiisa isaga oo uu markaas la fadhiyey nin waxbarashada caan ku ahaa oo markii danbe ka noqday Agaasime guud laakiin markaas ahaa agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta lana yiraahdo Axmed Saciid Kaarshe markii aan u waramay waxaa layga saxeexay qoraal ah hab xisaabeedka aan ku shaqaynayo ka dibna waxaa farta layga saaray jeeg Baanka dhaxe ah oo ay ku qoran tahay magacayga iyo lacag dhan 1,000,000 hal milyan oo shilinka soomaliga ah oo markaas u dhigmayey lacag dhan $100,000 boqol kun oo doolarka Maraykanka ah.
Prof Guleed intaas kuma joogin ee waxaa uu u tegay Janaral Ismaciil Axmed Ismaciil oo ahaa taliyahii Ciidanka Asluubta oo ay arday ugu jirtay oo ka warhayey xaalada kuliyada. Jananaku waxaa uu isna noogu deeqay carro kaawe, nuurad , jay iyo qalabkii dhismaha, markii arrinku halkaas noo marayey oo aanu haysano wax noogu filan hawshayadii laakiin aanaanu weli shaqadii bilaabin, ayaa Prof Guuleed u tegay wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare oo masuul ka ahaa jamacadaha dalka waxaa uu uga sheekeeyey hawsha dayactirka kuliyadda lafoole iyo meeshay hawshu u ,marayso waxaanu ka codsaday inuu gacan ka geysto kana soo qayb galo, waa ka balan qaaday wasiirkii inuu ka soo qayb galayo waxaanu aad u amaanay prof Saleebaan Axmed Guuleed . Markii uu Prof Guuleed ii sheegay inuu la kulmay wasiirka ayaa shaki igalay, wasiirka waqtigaasi waxa uu aha nin la oran jiray Axmed Ashkir Bootaan waxaana madax ka aha Jamacadaha dalka oo dhan nin la oran jiray Muudey oo ay isku beel ahaayeen wasiirka (gabooye), maalin danbe anigoo aroor hore xiisad ku jira ayaa waxaa yimi kuliyadii gudoomiyahii jamacada Mr Muuday dabadeedna waxaa layga yeedhay xafiiskii hormuudka kuliyada, markii aan dhamaystay casharkii oo saacad ahaa anigoo weli tamaashiirtii faraha ku leh waxaa xafiiska ku wada jiray Prof Guuleed iyo Gudoomiyaha jaamacada, Mr Muuday ayaa hadalkii ku bilaabay Gees waxaa laga rabaa jeegii inaad soo wareejisid oo aad gudoonka jamacada ku soo wereejisid anagaa hawshaas maamulayna oo dayactirka samaynayna, waxaan ugu jawaabay in aanay arrinkaasi suurta gal ahayn waayo wasaarad kale ayaan heshiis la soo galay oo aan masuul uga ahay lacagta ka dibna waa u noo hanjabay oo u noo sheegay inuu hawshaas u gudbinayo ciidanka nabadsugida iyo xisaab xil ma leh hadaan jeegaas dhakhso loogu soo wareejin waayo, arinkii ayaa yaab nagu noqday oo aanu garawsan waynay ilayn Bootaanki wax noo balan qaaday ayaa nagu soo qanjiidhiyey.
Waxaa si kedis ah maalintii labaad xilkii looga qaaday hormuudkii kuliyada Prof Guuleed nin kalena waa loo magacaabay xilkaas, anigana iyadoo lay raadinayo oo aan ka baqayo in lay xidho ayaan ku kalahay wasaradii waxbarashada oo u tegay wasiirku xigeenkii Saleebaan Gaal oo intaan u galay ku idhi iga qabta jeegan anigoo aan weli sarifin yaan laygu xidhine iina soo cesha warqadii aad iga saxeexdeen intuu qoslay ayuu u yeedhay Kaarshe intuu u sheegay ayuu ku yidhi bal ka wareeji Gees jeegan oo yidhi war ma waxan ayey wax ka doonayaan maanay nimanku xishoonayn.
Maalintii danbe aya hormoodkii cusbaa I waydiiyey jeegi markaas ayaan ku idhi wasaaradii waxbarashada ee lahayd ayaan ku celiyey. Ninba maalin ayey cadhadu ku bilaabantay anigana malintas ayey igu bilaabantay.
Prof saleebaan Axmed Guuleed waa ka tegay shaqadii kuliyada oo haya’d kale ayuu shaqo ka helay, aniguna waxaan qortay shaqo ka tegis dabadeedna Hargaysaan u soo dhoofay waxaan ku degay huteel Maaweel waxaa i marti qaaday nin aanu saaxiib ahayn oo la yiraahdo Axmed Xuseen Caabi waxaanu fadhiisanay guri ku yaalay xaafada shidhka waxaa nala fadhiistay rag aan ka xusuusto Dr Aadan Abokor, Dr Maxamed Xasan Taani, Maxamed Baaruud iyo rag kale dadkaas oo aanu hore isu wada naqaanay oo intooda badan aanu ku wada jirnay dugsigii sare ee sheekh. Waxay iiga warameen xaalada magaalada Hargaysa iyo musuqmaasuqa hadheeyey waxay kaloo ii sheegeen lacag dhan 90 malyuun oo laga casaystay lacagtii iskaa wax u qabso ee loogu tala galay dayactirki cisbitaalka oo ay wadaan iyaga iyo koox dhakhaatiir Jarmal ah nimankaas oo la xidhxidhi doono oo ahaa kooxdii UFO ee keentay kacdoonkii Hargaysa iyo dhagax tuurkii.
Waxaa iyana waqtigaa Hargaysa ku sugnaa wefti ka socda dawlada oo ay ka mid ahaayeen intaan ka xusuusto Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Maxamed Cumar Jees weftigaa waxaanu garoonka Hargaysa ka soo wada raacnay diyaarad ay leedahay Somali airline waxaan xusuustaa waxaan fadhiyey kuraasta danbe waxaa dhinacayga fadhiyey Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Cumar jees waxaan akhrisanayey jariirad ah News weak ka dibna waxaa gacanta ii soo taagay Siilanyo oo aan u dhiibay waqtigaa labada oday midna aqoon fiican uma aanan lahayn. Dr Maxamed Xasan Taani oo aanu maalin guri ku yaalay sekatu liira igu casumay oo aanu wada fadhiisanay isaga iyo marxuun Maxamed Cabdi Dhinbiil (Galbeedi) waxaa uu ii sheegay mar ururkaas aqoon yahanku la kulmeen weftiga xukuumada ay indhaha soo saareen Axmed Siilaanyo markay uga warameen xaalada dhabta ah ee Hargaysa ka jirta uu isna la yaabay.
Markii aan ku laabtay Xamar oo aan daba galay codsigaygii shaqo ka tegista waxaa maalin danbe layga yeedhay xafiiski wasiirka Axmed Ashkir Bootan, xoghayntii ayaa I soo dhawaysay oo koob bun ah ii keenay ka dibna waxaan galay xafiiski wasiirka oo hool aha markaas ayaanu is gacan qaadnay wasiirkii oo ahaa nin aanu waxbadan hore u kulanay oo aan is naqaanay waxaa uu igu yidhi codsigaagi waa I soo gaadhay lakiin waan kaa diiday oo intaan kursigaa fadhiyo kaa aqbalimaayo waxaan ka warhaya Adiga iyo Biixi halkaad kaga jirtaan kuliyada lafoole iyo waxaad ka qabateen markaas taa kaa yeeli maayo ee wax kale I waydiiso.
Cabaar ayaan fekeray markii aan arkay mawqifkiisa waxaan ku idhi hada waxaan u baahanahay in aan caafimaad dibada u qabto, halkaan wax kale ka eegayey ayuu igu yidhi waan kaa aqbalay. Wax yar ka dib waxa Naylo osto laygu qoray xafiiskii laanta socdaalka si laygu sii daayo pasporkaygii waxaana fiise lay waydiiyey safaaradii Ingriisiga waxaana lay siiyey tigidh ah Muqdisho ilaa London iyo Muqdisho iyo lacag dhan $3000 saddex kun oo doolar oo sahay ah oo layga sarifay baanka dhexe oo basaboorka laygu qoray.
15 March 1982 ayaan ka degay magaalda London halkaas oo ay iigu danbaysay 24Octobar 1977 markaas oo aan ka dhamaystay waxbarashadii Masterka
London
Waxaan habeenkii u horaysay ku degay Huteel magaalada dhexdeeda ku yaal oo aan laga waayi jirin Soomalida daarta dhinaceeda hoose baar ku yiilay, habeenkii cid ma helin, maalintii danbe waxaan tegay xarrunta BBC ‘da ee bush house oo aan ku ogaa qaybta af Soomaliga Xasan Ciise Jamac markii aan tegay xafiiskii soo dhawaynta oo aan u sheegay in aan doonayo ninkaas, ayaa waxaa ii soo baxay ninkale oo Soomali ah oo la oran jiray Yusuf oo aanu hore Egland u wada joognay waagii hore, intuu I salaamay ayuu hore ii geliyey meel makhaayad ahayd markaas ayuu igu yidhi waxaan gartay markii aad Xasan i waydiisay in aad tahay nin qariib ah oo aan war hayn, waxaa uu ii sheegay in Xasan Ciise iyo koox uu ku jiraa ay Adisababa qabteen dhawaan. Waxaa meeshii noogu yimi oo nagu soo biiray Maxamuud Axmed Sh Muuse oo mar ahaan jiray gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka oo ay isku dhaceen askartii ka dibna u soo guuray London isaga iyo xaaskiisa oo ahayd gabadh Ingriis ah halkii ayaanu isku waraysanay waxay aad u xiisaynayeen arrimaha ka dhacay Hargaysa oo ay ka mid ahaayeen xadhigii qolyahii UFO, dhagaxtuurkii ardayda, Saraakiishii u baxsatay dhinaca Itoobiya iyo guud ahaan kacdoonka ka socda dalka Soomaliland.
Markii aan magaaladii London si fiican u degay waxaa ii muuqatay in Soomalidu ku soo korodhay magaalda oo markii hore dad yari joogeen, waxaan kula kulmay dhawr nin oo reer Lafoole ah oo qaar jamacado kaga jiraan dalkan iyo qaar waxbarashadii dhamaystay oo iska jooga dalkan. Waxaa waqtigaa ka socday London mudaharaadyo Jimce walba laga hor sameeyo safaarada Soomalida ee London. Ragii an halkaas kula kulmay waxaa ka mid ahaa Ismacil X. Maxamuud Warsame oo aanu isku arday ahayn kuna magac dheer Suulcayn oo reer Ceel afweyn ahaa oo ay reerahayaguna ay aad isu xidhiidhin jireen, ninkaas oo markaas aad ugu ololaynayey ururkii SNM oo waqtigaas la yagleelay waxaa kale oo aan la kulmay Dr Dixood oo gacanta haysta gabadh cad oo sheegta inuu ka mid yahay ururka SNM qabyta London waxa kale oo aan la kulmay Cawil Cali Cabdi oo aanu macalimiin Lafoole ka wada ahayn oo markaas dhamaystay Mastarkii dhinaca xisaabta oo London iska jooga, ninkaas oo anu saxiib ahayn ayaan kula kaftamay Dr Dixoodka la hagayana maxaa halganka geliyey, Cawil isagoo kaftamaya ayuu iigu jawaabay halka Warsaame indhoole ee Iskaashatooyinka ayaanu u dhiibaynaa markaanu dalka qabsano. Markii aan joogay London waxaanu fadhiisanay guri uu deganaa Marxuun Jaamac Rabiile Good koox reer Soomaliland ah oo aan ka xusuusto Faarax Obokar Khayre (Faarax Askari), Axmed Geele, Ismaciil Maxamed X Warsame(Suulcayn) iyo Jaamac Rabiile dabadeedna waxaa layska waraystay oo laga faalooday siyasada dalkii Soomaliya halkuu marayo, Jamac ayaa hoos igu yidhi war Maxamed waakaa Isaaq samaystay jabhada SNM dalkana waynu la deganahay inta ay gooro goortahay aynu jabhada la galno, haddii kale waynu isku dhacaynaa, waxaanu isla qirnay inay arrinkaasi dhab yahay lakiin isaga Jamac waxaa uu hada ka soo noqday jabhadii SSDF markaas waxaa uu ii sheegay inay ku adagtahay inuu hadana jabhad cusub galo. Aakhirkii waxa uu ka mid noqday jabhad la sameeyey mar danbe ee SDA dawladii u horaysay ee Soomaliland ee C/raxmaan Axmed Calina waa ka qayb galay.
Waxaa kale oo waqtigaas London joogay niman badan oo siyaasiyiinahaa wadanka ka ahaan jiray oo ay ka mid ahaayeen C/risaaq X xuseen, Axmed Siilaanyo iyo nin la oran jiray Abu Raas waqtigaas oo ay socotay waanwaan ah sidii mucaaradka laysugu keeni lahaa. Nimankii aanu saaxiibada ahayn qaar ka mid ah ayaa isku dayey inay igu dhiiri geliyaan in aan ku biiro Jabhada SNM hase yeeshe waan ka cudur daartay sababtoo ah anigoo aan ku soo tashan in aan galo hawlo noocaas ah. Waxaa dhacday in aan maalin tago safaaradii Soomalida ee London oo aan ugu tago nin aanu hore isu naqaanay oo DC mar ka ahaanjiray Ceerigaabo Maxamed Cabdi X. Faarax waxaan u dhiibay basaboorkaygii oo aan ka codsaday inuu ii dalbo fiise ah Imaaraadka UAE maadama aan ahay shaqaale dawladeed oo aan London ku joogay fasax. Haddaba, markii aan maalintii labaad ku soo noqday ayaa waxaa Safaaradii iga helay nin aanan garanayn oo baasaboorkaygii haya iina sheegay inuu meesha ka shaqeeyo oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Macalin oo mareexaan yahay isaguna fiisaha ii soo samaynayo waxaan la yaabay markii uu ii sheegay oo yidhi xalay waxaad la fadhiday nimankii SNM ee safaarada ku mudaharaada waxaan u sheegay in aan la fadhiyey nimankaas oo aanu wada macalimiin ahayn lakiin aanan la socon waxa London ka socda, waxaa meesha iiga soo baxday in nimankii meesha wada fadhiyey ay qaar ku xidhan yihiin safaarada , arinkaasi waxa uu ii noqday baraarujin waxaana ii cadaatay inay dadka wax sheegsheega Soomalida ku badan yihiin oo aan lala geli karin arin culus sida ay sheegto maahmaahda soomalida ee oranaysa “ nin ayaa aqal mugdi ah isku xidhay oo far taagay oo markaasna la baxay far taag”sidaas ayaanay waxba ugu dhex qarsoomi karin. Ka dib waxaan u safray magaalada ka xigta London xaga waqooyi galbeed oo la yiraahdo Manchester halkaas oo ay igu qaabileen laba macalin oo reer lafoole ahaa oo wax ka baranayey oo ahaa Daahir Maxamed Yuusuf iyo Maxamed Cali Salaad nimankaas oo iga waraystay xaalka dalkii ku sugnaa waxaa dhacday in aanay labadoodi midna aanu dib ugu soo noqon shaqadii iyo wadankii markii ay dhamaysteen waxbarashadoodi. Markii aan laba bilood ku sugnaa London ayaan u soo dhoofay UAE, waxaan ka degay magaalada Abu dabay 1 mey 1982 halkasna waxaan joogay dhawr bilood oo aan shaqo ka raajicinayey anigoo tegay jamacada ku taal Al cayn haseyeeshe kuma aanan guulaysan in aan shaqo hore uga helo ka dibna waxaa igu adkaatay noloshii guryahii la deganaa ee “power house” ama ( kabo badane). Sidaas darteed, waxaan ku soo noqday Xamar iyo Lafoole iyo reerkaygii oo degan gurigii aan kaga tegay markaas oo aan saddex caruur ah lahaa, hal sano oo danbe ayaan ka sii shaqeeyey kuliyadii Lafoole xaaladeedii way sii xumaatay oo way ka sii dartay dhinaca nolosha iyo siyaasadaba. Waxaa dhacday in 1983 loo magacaabay wasaaradii hidaha iyo tacliinta sare wasiir cusub oo ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaana wasiirku xigeen looga dhigay Saleebaan Maxamuud Aadan ( saleebaan gaal) waxaan dib u qortay codsigaygii ahaa shaqo ka tegista, wasiirkii cusbaa waa ii ogolaaday waxaan shaqadii ka tegay 13 Ogosto 1983 dibna uguma laaban, markaan dib xusuusta u celiyo waxay ahayd shaqadii ugu fiicnayd oo uguna wax soo saarka roonayd hasayeeshe maciishadii nololeed oo aad u adkaatay iyo meeshii oo loo diiday horumar oo aan u adkaysan waayey iyo weliba cadhadii wadankii Soomaliyeed ka bilaabantay iyo gadoodkii ku dhashay bulshadii Soomaaliyeed ayaa igu kelifay in aan iskaga tago.
Haddii aan hore ugu jiray nolol jamacadeed oo dadka aan la kulmaa ahaayeen Prof iyo Arday oo ah meel akhlaaq iyo samo lagu dhaqmo waxaan u soo baxay jamacadii nolosha dhabta ah ee ay ku noolyihiin bah waynta Soomaaliyeed iyo habkay ku dhaqanto ee ah aqoon darada, qabyaalada, ay beentu saldhiga u tahay. Waxa ii muuqday sida aanay waxba isugu ahayn qolada wax baratay iyo bah waynta Soomaaliyeed. Da’ daydu waxay ahayd 37 sano oo xoog ah caafimaadna qaba xaqaygii waxaa uu noqday 15,000 sh ,so ( shan iyo toban kun oo shilin soomali ah), markii aan sadex bilood ku sii jiray gurigii Lafoole waxaan u soo guuray Xamar waxaana degay guri yar oo xafada Kasobalbalaare ah oo uu lahaa nin aanu gacal ahayn dabadeedna waxaan bilaabay in aan xoogsi tago , waxaa markaa caan ahayd oo la dhagaysan jiray hees hal ku dhigeedu ahayd “ Xamar waa jiqee xagaad ka geli” waxaan is waydiiyey meeshaan hawsha ka bilaabi laha, waxaan meel maqaaxi ah ku kulanay ayaamahaa nin aanu isku arday ahayn marna aanu isku guri deganayn Marxuun Cali Sh Maxamed Askar ( Cali Jawhar) isaguna waxaa uu mudo u shaqaynayey Baanka dhexe oo uu ayamahaa shaqadii ka tegay markaanu wada sheekaysanay ayuu igu yidhi war Gees xagee ayaad qabanaysaa, markaas ayaa ugu jawaabay anigoo la kaftamaya “ Doontii awoowgay Maxamed Gees ayaan dib u kicinayaa oo badaan gelayaa” isna waxa uu iigu jawaabay aniguna Jabhadaan gelayaa oo waan dagaal tegayaa sidaas ayaanu isku macasalaamaynay.
Waxaan is baranay niman Hawiye ah oo dhulka ka ganacsada waxaan bilaabay in aan nimankaas dhulka la dilaalo waqtigaas Xamar ayaa aad loo dhisayey oo dhulka ayaa aad loo iibsan jiray, waxaa ii kordhay wax badan la socodkii nimankaas, waqtigaas dad badan oo u badan Daarood oo dawlada ku jira ama ganacsato ah ayaa dhisanayey dhismayaal aad u waaweyn, waxaan xusuusta nin nimankaas ka mid ahaa oo la oran jiray Garuun oo Maruursade ahaa ayaa maalin aan niman Mareexan ah aanu dhul ka soo iibinay ayuu badheedh iigu yidhi ha iska dhisteen anagaa u harayna ileyn waa goofkayagii, Cadhadu halkaas ayey maraysay, sidii uu Garuun sheegay ayey noqotay oo ay magaaladii Xamar ku danbaysay oo wixii la dhistay laga qaxay cidii aan deegaanka ahayni.
Ganacsigii Xamar waan dhex geli kari waayey oo inta badan waxaa uu ku xidhnaa Baananka dawlada iyo koox dad dhaqaale loogu samaynayey iyo gancsato waaweyn aniguna cid kama aqoon,waxaan habeenkii fiidka hor fadhiisan jiray farmasi uu reerkayagu lahaa oo marna ay lahayd Marwo Adna Aadan oo loo yaqaanay farmasigii Adna ama Caalami ooku yaalay wadada Makamukarama , nin aanu saaxiib nahay oo ka mid ahaa macalimiintii Lafoole oo iskaga tegay shaqadii macalinimo oo markaa shaqo ka helay Haya’dii qaxootiga qaranka (NRC) Maxamed Cumar Dubad ayaa habeenkii I soo mari jiray oo ila cawayn jiray oo habeenkuu habsaamo igu raad gadan jiray, aniguna waxan meesha u fadhiisan jiray in telifoonka laygula soo xidhiidho waqtigaa ma jirin Mobile ,ninkaas waxay isku xidhnaayeen niman ganacsato ah oo hayada qandaraasyo ka qaata oo Daarood u badanaa, habeen ayuu telifoon ii soo diray oo uu nimankii uu la fadhiyey ka soo cudurdaartay markaasey kula kaftameen miyaad nagu qalootay oo reerkiini ayaad u tagaysa, waxaa uu ku yidhi nin aanu saaxiib nahay oo reerkiina ah oo fisigis nukliyeer bartay oo shaqo la’ ayaan u tegayaa, waxay ugu jawaabeen arrinkaasi wax dhici kara ma ahaa, halkaas ayuu xaal marayey.
Si kasta ha ahaate bishii kowaad ee 1984 ayaan ku soo noqday magaaladii Hargaysa oo busaarad weyni ka muuqato waxaa lay sheegay in ganacsigii ku xidhnaa Falanka fuluutada la joojiyey oo ahaa gaancsatada wax soo dejisa oo ka iibsan jiray Doolarka ku xoolaha dhoofiya, waxaa la bilaabay in baanka LC laga furto waxii la soo dejinayo, waqtigaa waxaa dekeda Berbera taagna markab bariis ah oo ay qolyo aanu isku reernahay ay lahaayeen , waxaan la fadhiistay Maxamed Cali oo lagu qayilo, dhaqdhaqaaqa baabuurtu aad ayey u yaraayeen oo waxaa la qaadan jiray waraaqo lagu socdo marka meel aad tegaysid, waxaa layska waraysan jiray dagaalda jiida hawdka ku dhexmaraya jabhada SNM iyo ciidanka dawlada
Saaxiibadii 1981 igu soo dhaweeyey Hargaysa ma joogin waa qayb la xidhay iyo qayb dalka ka carartay, aqoonyahanadii ku soo laabtay dalka gaar ahaan magaalada Hargaysa sanadahii 1977-1981 ee ka sameeyey ganacsiga iyo hay’aaha samafalka meesha way ka baxeen dadka madaxda ah ama magaalda jooga waxay u badan yihiin saraakiil reer koonfureed ah waan ku cidlooday Hargaysa, waxaan u dhaadhdacay magaaldii Berbera oo waqtigaa ahayd qaboobe iyada waxaa ka muuqday xooga dhaqdhaqaaq ah waxaa la furay warshadii sibidhka iyo kalluun qaboojiyayaal weyn iyo mashruucii FAO ee doonyaha oo isna la kiciyey,Askartii iyo ciidankii badnaa ee Hargaysa joogay ma jiraan Berbera, ma jirin jawigii carada badnaa ee hargaysa yaalay, waxaan u gudbay Burco magaladaasi weligay ima cajabin jirin oo aad uma kala aqaan waa meel miyi ah oo boodh badan aad uguma aanan sii hakan ee markiiba gaadhi u baxaya Ceerigaabo oo dhigo dheere ah ayaan shidhka kiraystay, habeenkii ka horeeyey ayaan soo jeeday oo qayilayey markii gaadhigi dhaqaaqay ee laamiga qabsaday ayaan gam’ay, gaadhigii laamigii waa ka degay oo wadadii rafka ahayd ayuu qabsaday ee boodhka waynayd, waxaan toosay baabuurkii oo joogsaday meel tuula ah oo ninkii waday ka maqan yahay oo an keligay dhex fadhiyo, daaqada waxaa isasoo taagay dhawr nin oo odayaal ah, hareerihii baabuurka ayaan eegay mise rag hubaysan ayaa jooga, nimankii daaqada taagna ayaa iga codsaday in aan soo dego, waxaana lay geeyey niman gar cad ah oo Derked ku tiirsan markaan meeshi tagay ayaa waxaa igu soo ururay niman badan oo wada hubaysan, wadada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha waxaa iigu danbaysay 1967 oo markaa laga joogay 17 sano, waqtigaa may dhisnayn tuuladani oo dabaday ayaa la sameeyey, hadaba markii an tuulada garan waayey waxaan u maleeyey in gaadhigu u baxay dhinacii hawdka ee aanu Ceerigaabo u socon, nin oday ah ayaa ila hadlay oo igu yidhi noo waran, waxaan ku idhi waxaan ahay nin socdaal ah oo Xamar ka yimi magaalda Burco xalay uun ayaan u hoyday war ma hayo, waxa uu igu yidhi nin weyn ayaad tahay Xamarna waad ka timi marka war waad haysaaye noo waran, waxaan ugu jawaabay reer magaal ayaan ahay ee wax I waydii aan kaaga jawaabe, waxaa uu igu yidhi qolama ayaad tahay, talaa igu cadaatay waxaan goostay in aan runta sheego haddii lay dilaayo iyo haddii lay sharfayaba waxaan sheegaty ciddii aan ahaa, waxa uu igu yidhi orad iska tag nabadgelyo , dhawr goor oo danbena waan ku badbaaday qolada aan ahay Ilaahay mahadi ha ka gaadhe odayaashii reerka ee magaca u sameeyey.
Dhinacii gaadhigaan u dhaqaaqay waxaanu isku mar kornay dereewalkii oo markii hore kor tegay,waxaa uu arkay dadka badan ee igu xeeran markaas ayuu yidhi war maxaa dhacay waxaan idhi horta ina dhaqaaji markaas ayaan uga waramay wixii meesha ka dhacay, waxaa uu ii sheegay in gaadhiga ay leeyahay qolo, Habarjeclo ah oo reer Daahir ah meeshuna tahay tuulo la yiraahdo Xayira oo ay degaan Habarjeclo waxaa uu iigu daray in ayaamahan dagaalo ka socdeen dhinaca Hawdka dhax marayey Dhulbahante iyo habarjeclo oo raga meesha aad ku arkaysay ee hubaysnaa ay yihiin gurmad wixii baabuur Burco joogtay ay xalay u gurmadeen dhinaca Hawdka isaguna uu u socdo Maydh sidaas ayuu Ceerigaabo igu geeyey.
Ceerigaabo iyada cadho weyni kama taagnayn dhinaca beelaha wada degan , halkaa yaaan hore u sii dhaafay waxaan tegay Badhan iyo Laasqoray oo aanan weligay arag cidna aanan ka aqoon.
Waxaa reerkayaga reer Gees ka soo jeedeen magaalada Laasqoray oo aan degi jirnay dabayaaqadii qarnigii 19aad iyo ka hor halkaas oo ay Berbera uga soo guuren dibna ugumay noqon. Aniga oo hada ku soo noqday oo ah facii saddexaad, ima ay cajabin dhulka iyo nolosha taal, Lasqoray waxay u qaybsanayd saddex xaafadood , xaafad gabowday oo xeebta xigta oo leh daaro dhaadheer oo ah halku ka soo degay badmareenkii Ingiriiska ahaa ee Speak 1855 qaybtaas oo aanay hada cidina deganayn , xaafada laga dhisay wershada kalluunka oo leh daaro cusub oo ah Shacabka iyo xaafada hada la dhistay oo ka kooban daaaro dhagax ah iyo carshaan oo loo yaqaano Isweeto,
Waxay Laasqoray leedahay xeeb dabiici ah oo aad u qurux badan iyo buuro dhaadheer oo ay dusha ka fuushan yihiin ceeryaamo oo habeenkii markay baabuurtu ka soo degayso aad moodaysid xiddigo.
Xeebta ayaa 1886 ay laba iyo toban oday iyo Suldaankii wersangeli kula saxeexdeen Boqortooyadii Ingiriiska heshiiskii Wersangeli ku daray maxmiyadii Ingriiska ee Soomaliya. Odayaasha afar ka mid ahi waxay ka soo jeedeen ardaaga an ku abtirsado ee reer Faatax, Afarna ardaaga aanu wada dhalanay ee reer Garaad , afarta kalena ardaaga aanu wada deganahay ee Ogayslabe.taasi waxay ku tusaysaa in aan ahay nin degaankaas asal u leh inkastoo hada la joogo uu ardaagaygu inta ku nool Laasqoray ay aad uga badan yihiin inta ku nool gobalada Maraykanka oo ay iskaga tageen degaankoodaas,
Maalmahaas waxaa dhacay afduubkii diyaarad Soomali Airline oo lagu khasbay inay fadhiisato garoonka Adisababoo ay afduubeen niman sheeganayey SNM, waxaa iyana ka horaysay jebinti jeelka Madheera ee 02/01/1983 iyo furashadii laga furtay Cabdilaahi Askar miiska saraakiila Hargaysa, haddaba dhacdooyinkaas badan ee iska daba dhacay oo ka dhacay galbeedka, kan u danbeeyey ee afduubka diyaarada waxaan joogay buurciida Laasqoray maadama aan ka imi galbeed dadku aad ayey u xiisaynayeen in aan uga waramo waxa ka dhacayey galbeed iyo waxa sababay cadhada intas le’eg, waxaan u sheegay inay ka cadhaysan yihiin dawlada maanta ka jirta Soomaliya oo ah dawlad keligeed talis ah oo hab lagu bedelaa aanay jirin sidii doorashooyinkii waqtigii hore dhulka ka dhici jiray oo ay weliba ku darsatay cidii ka hortimaada xarig iyo xasuuq , si loo furdaamiyana la garan waayey ka dibna caradii badatay ayaa isu rogtay in xoog lagaga hortago, waxay yiraahdeen dadkii ku noola Laasqoray dawlad xumadu dalka iyo dadkoo dhan way haysataa ee maxaa iyaga gaar u waalay, waxaan u sheegay inay u arkaan in ay tahay dawlad qabiil keliya ah oo iyaga xoog ku xukumaysa oo ay maanta madaxda gobaladaas u badan yihiin qabiilka Daarood iyo weliba markii la dejiyey boqolaalka kun ee qaxootiga ah ee ka yimi Itoobiya dhulkooda ay u arkeen in dhulkiina laga dhaxal warejinayo.
Waxay ii sheegeen inay galbeed leedahay dekad , Airport iyo wada laami ah oo isku xidha magaalooyinkaas nalal iyo biyo qasabado ah iskuulo badan. Waxay ii sheegeen dhinaca bariga sida Ceerigaabo, Boosaso, Qardho aanay jirin waxaas galbeedku haystaan wax ka mid ahi sida dekedo, airport biyo iyo laydh. Markaas maxay iyagu u cadhoonayaan iyagoo haysta waxaas oo dhan, nin baa yidhi haddii arrinku sidaa yahay qolada Xamar iyo Shabeelooyinka jooga ee wax walba haystaa iyaguna way cadhoon doonaan waxaan ugu jawaabay waa laga yaaba mudo yar ka bacdi waxaa lagu dhawaaqay jabhadii USC sidaas ayey dadweynaha Soomaliyeed u kala afkaar ahaayeen.
Anigu waxbaan isku jaabjabtay oo niman ayaan la rartay doon adhi ah oo u baxaysay Yaman oo aan sii raacay waxaanu ka degnay tuulo la yiraahdom Dubaab waa markii iigu horaysay ee aan bad maro oo aan weliba doon ku maro inkasta oo aan qoyskayagu ahaayeen dad badeed oo doonyo lahaan jireen, baddu marka aanay kacsanayn aad ayey u qurux badan tahay badda inta kaluun laga soo jilaabto ayaa cuntada lagu bislaystaa marna adhiga doonta saaran ayaa la shiraystaa. Doonta waxaa laha hindi faraha ayaa laga wada hadlayey iyo af Carabi jajaban markii aanu u dhawaanay dhinac xeebta Yaman ee ahayd habeen waxaad arkaysaa xeebta oo wada dhalaalaysa oo ay nalal ka baxyaan dhinaca xeebta Soomalida markaa loo soo dhawaadana wax siraad ah ku arki maysid waa dhulkeena oo aanay cidi deganayn , adhigii waan iibsaday dhawr ayaamood ayaan joogay Dubaab ka dibna waxaan doon u raacay dhinaca Jabuuti Anigoo sita lacagttii adhiga oo Doolar ah sida caadiga ah doonyuhu maqrib ayey ka soo bixi jireen Yaman aroortiina waxay ku xidhan jireen marsada Jabuuti aniga iyo nin aanu xoolaha wada lahayn oo doonta ka soo raacay oo doonaynay in aanu raashinka sii iibsano Jabuuti, waxaanu ka soo gudubnay marinka Baabul mandab markeliya ayaa doontii waxaa ka damay matoorki, doontiina waxay noqotay weel ay badu iska wadato, Baabul mandab waa jasiirad dhextaal halka ay iskaga dhacaan biyaha Badda cas iyo gacanka Cadmeed jasiirada bada dhextaal ee Ilahay dhigay labada dhinac ayaa laga maraa dhinaca xigta Yaman waa yaryahay oo doonyahaa mara dhinaca Jabutina waa weynyahay oo maraakiibta marta, markii doonta matorku ka damay waxaa ugu darnaa laydhkii lagu arkayey ee lagaga baydhayey ee dusha ka taagna, jawaan ayaa naafto la geliyey oo la daaray oo nin loo dhiibay si uu isula taago dhinaca hore ee doonta si aanay maraakiibtu noo jiidhin , dhawr sacadood ayey nala sabaynaysay oo aanu nafta ka quusanay, waxaa werwer weyn igu haysay lacagta badan ee doolarka ah ee aan waday oo aan ku fekerayey sidaan u badbaadin lahaa anagoo nafta nacnay ayaa mar danbe matoorkii kacay, waxaan soo galnay marsadii Jabuuti goor duhur ah oo ahayd in aanu ku waa bariisano. Haddaba, anigoo ka soo noqday xafiiska laanta socdaalka ee dekeda Jabuuti oo aan sito macawis gaaban iyo boorsadaydii ayaa waxaa igu soo baxay Eng Cabdi Jaamac Rooble oo aanu dalka Ingiriiska wax ka wada baran jirnay, waa uu I gartay inkastoo aan iska heeryo xumaa, gaadhigii ayuu igu soo qaday waxaa u i keenay huteel ku yaalay xaafada sadexaad waan sheekaysanay oo waxan u sheegay in aan ka imi Laasqoray iyo Yaman oo aan doon la socday, waxaa haddaba xiiso lahayd waxaa magaalada Jabuuti ka soo galay dhinaca Awaare, Cali Sh Cumar Askar oo ay is arkeen Cabdi Jaamac oo ay sheekaysteen oo u sheegay in aan joogo markaas ayuu waydiiyey oo yidhi war Cabdi ninka Gees doon ma la socday? markaasu yidhi haa, oo aniga dekedda ka qaaday isagoo doonti ka soo degay markaasu Cali yidhi walee sidaas ayey balantayadu ahayd ee ii gey, Marxuun Cali Jawhar waxaanu kulanay isaga oo gadhweyn la baxay waxaa uu iiga waramay waayihiisi waxaa uu halkaa ku soo arkay waxaa uu hadalkiisi ku daray waxaa jabhada jooga intii aan Soomaliya kaga imi kii tuuga ahaa oo hada xada garaamka mujaahidiinta kii basaaska ahaa kii madaxda istusi jiray iyo qabyaaladaystihii, afmiishaarkii iyo IWM . Anigu dhalinyaradda yaryar ee joogta ayaan wax baraa oo wanaag u sheega oo ku dhex jiraa haddana dawadii macaanka ayaa iga go’day oo aan Jabuuti u soo doontay .Aniguna waxaan u sheegay in aan ka dhex goosho Laasqoray, Yaman iyo Jabuuti oo aan badda maro, waayo iyadu ma laha kaantaroolada iyo askarta badan ee dhulka buuxisay waxaa keliya oo dhib igu haysa musqulaha doonyaha oo ah saxaarad xaga danbe kaga xidhan daasad ayaa ku xidhan bada la soo darsado si loogu istijoodo, taas ayaan habeenkii ka baqi jiray oo aan is oran jiray saw kula go’dee ama aad dhankale u dhaaftee.
Marxuun Cali jawhar dib isumanan arag, waxaana lagu dilay dagaaldii Hargaysa 1988 isaga oo sawiraya diyaardahii dadka maatada ah rushaynayey.
Intii aan joogay Laasqoray iyo Ceelayo waxaa had iyo goor soo mari jiray Jabuuti oo ay iigu horaysay 1984 aad iyo aad ayaan ula dhacay magaaldaas oo waaan ku lahaa saaxiibyo badan oo aan dugsigii sare Sheekh, kuliyadii Lafoole iyo Iglan aan wada joognay kuwaas oo dalka Jabuuti ku soo noqday oo xilal ka qabtay intii ay gobanimada qaadatay nimankaas oo u dhashay reerka Ciise aad ayey iigu soo dhawayn jireen magaalada Jabuuti, dadka Ciisuhu waxay ka soo jeedaan reer miyi xoolo dhaqato ah oo dhaqanka Soomalida ee soo dhawayta iyo marti gelintu aad ayey ugu dheer tahay.waxay dawladda Jabuuti aad ugu guulaysatay dhinaca maamulka Lacagta iyo dhaqaalaha lacagtooda Faranka qiimaheedu ma dhaco, isma beddelo, mushahaarkeeduna waa ku filan yahay shaqaalaha. Sidaa awgeed, aad ayaa loogu taama sidii shaqo dawladeed loo heli laha oo mushahar u heli lahaayeen halkii Soomaliya laga cararayey shaqada dawladda, waxaan arkay meel gawaadhi qashinka qaada subax walba guryaha isasoo hortaagayo isagoo hoonka garaacaye si loo saaro qashinka , waxa kale oo aan aad uga helay dhinaca cuntada iyo maqaaxiyaha oo heer walba leh oo aad waqtigii aad doontid cunto ka helaysid cuntooyin kale noocnooc ah oo ka soo jeeda bulshooyin isku milmay oo leh Soomali, Canfar, Carab, Amxaaro , Oramo iyo Faansiis.
Halka Soomalidu meelkasta ay cunta keliya wada cunto. Waxaan aad u xiisayn jiray oo fadhiisan jiray markaan magaalda imaado marfish uu lahaa nin caan ahaa oo marki danbena noqday xildhibaan Barlamaanka Jabuuti ah oo la yiraahdo Antiwaan, oo asal ahaan ah reer Sanaag beesha Dhulbahante waxaa halka isugu iman jiray dad badan oo ka kala yimi Soomaliya iyo kuwa ka yimi dagaalda oo kale afkaar ah waxaa halkaa ka dhici jiray haasawe aan turxaan lahayn iyo aqoon is waydaarsi afkaaro yaab badan lahaa oo xiiso badan waa marfishka keliya e aanay cadho ka muuqan inkasta oo mar kasta laga heli jiray niman jabhad ah oo cadhaysan oo ka qayb galay dagaalda Soomaliya ka socda.
Haddaba, waxaan ka dhex goosho gacanka cadmeed iyo magaaloooyinka ku yaala sida Dubaab, Jabuuti, Ceelayo iyo Laasqoray.
1986 ayaan ku qaatay 2000 neef oo adhi ah markab yar oo soodani lahaayeen oo aan u kaxeeyey dhinaca Khaliijka halkii socodku markii hore nagu qaadan jiray 36 sacadood, waxaanu galnay socod qaadanya 8 maalmood iyo 8 habeen waxaan ka dusnay marinka caanka ah ee aan idaacadaha ka maqli jiray ee Hormes, marinkaas oo ay Maraykanka iyo reer galbeedku ilaashan jireen oo shidaalka u badani maro, waxa markabkii goor aroorya ah nagula soo xidhay dekedda Xamariya ee magaalada Dubay xoolahii ayaanu ka rognay, xoolaha oo aad u soo darxumaystay oo dhogortii ka dhacday oo xanuunsanaya , xoolaha Soomalida waxaa dhibaatada u geysta waxa la saara maraakiib aan loogu talagelin oo aan loogu qaadin biyo iyo baad ku filan markas ayey dhogorta iska cunaan oo dad u ekaadaan.
xoolahii kaam ayaa la oran waayey markii ay saddex maalmood xeraysnaayeen ayaan xaraashay halkas ayaan ku kacay oo noqday Xaaji ay xoolahii ka duuleen waxaan galay deyn weyn oo aan ka galay dadkii xoolaha lahaa ee joogay Sooomaliya.
Nin aan macalin ugu ahaa Lafoole oo aha ardaygaygii ayaa maalin danbe iga helay anigoo fadhiya makhaayad Dubay ah oo ay Soomalidu fadhiisan jirtay oo ku taal Ferej Maraa, waxaa iga yaabisay inay Soomalidu Adunka meel kasta ay ka degaan meesha ugu dayacan, ninkaasi waxa u igu yidhi waxaan ka shaqeeya Abu dhabi oo guri weyn ayaan deganahay keligay oo shirkada aan u shaqeeya I siisay waxaa uu igu martigeliyey in aan la dego intan joogo,sidaas ayaan ka yeelay waxaan u guuray Abu dhabi, waxaa maalintii danbe I maqlay oo gurigii iigu yimi nin aanu saaxiib ahayn mudo badan oo ahaa reer Lafoole, shaqadana aanu meel ka wada bilownay Bashiir X Xasan Geelle oo ahaa nin aanu wada kaftami jirnay oo aanu wax wada cuni jirnay ayaa intuu I martiqaaday igu yidhi waxa keliya oo hadda kuu hadhay in aan tigidhka kaa bixiyo o aad ka tagto Abudhabi oo aad ku biirtid jabhada SNM waxad kaga maqnaanaysa Soomalida deynta kugu leh, waxaan ku idhi war ninkii kaca miyaa jabhada gala taasi way ceebaynaysa jabhada ee iga daa ma tagayee, dhawr bilood ayaa sii joogay Abu dhabi ma haysan Ciqaamad waxaan ku soo galay baxri doon la samaynayo oo xeebta taal ayaa laygu wareejiyey manfiisti sidaas ayaan ku joogay Abudhabi
Waqtiga sida loo badnaa ama filkaygu u badnaayeen Muslin wanaagsan ma aanu ahayn ee reer magaal Soomaliyeed oo cabsidu Ilaah ku yartahay ayaanu u badnayn, waxa jirtay intii aan Lafoole joogay in aan ku biiray Xerta Maxamed Rabiic qaybta tima yarta, Xamar oo qaadka laysku xidho ayaanu xarunta timoweynta ku soo qayili jirnay oo aanu kaga baxsan jirnay Guulwadayaasha, hadaba siday Carabtu ku maahmaahi jirtay “Faqrigaa ku bara ducada” waxaa ii muuqatay in da’daydu gaadhay 40 jir oo la mid ah xiligii Nebiga risaaladu ku soo degtay Alle ka cabsi iyo barashada diinta yaan ku fekeray waxaan ku soo noqday Xamar oo aan iska akhrisan jiray Quraanka iyo reerkaygii iyo caruurta oo markaa ahaa 5, mudo ayaan Xamar camal la’aan ku joogay markii aan dalka ku soo noqday 1987 ayaa waxa dib loo furay farabka fuluutadii Hargaysa iyo dad la siiyey waraaqo ay ku keeni karaan waxyaalihii awal la diiday sida Sigaarka oo kale, markaas ayaan shaqo bilaabay oo xooga isku soo jaabajabeeyey oo Hargaysa la imi ,
Hadaba, markii hore ee aan ganacsiga bilaabayey ayaa Awoowgay Maxmed Gees ( Alle ha u naxariistee ) oo markaa noola ayaa igula taliyey bari ha tegin waa belad xasid waxba lagama faa’iido ee galbeed qabo waxii uu ii sheegay ayaa dhacay, haddaba markii aan Hargaysa ku soo noqday oo xooga shaqaystay waxaan iska bixiyey dayntii laygu lahaa anigoo mar walba helayey macaash, haseyeeshe Hargaysa way cadhaysan tahay waxaa la dilay taliyihii nabadsugida Axmed Aadan oo Mareexaan ahaa , magaaladu waa bandoo 5 galabnimo waxaad arkaysaa dadka oo caraabaya qoraxdoo soo jeeda rag iyo dumar Masaajidada Maqrib iyo Cishe laguma tukan jirin, dadka ka dib dhaca waqtiga bandowga waxaa lagu xidhaa saldhigyada oo qofka timaha inta laga xiiroo ayaa ciidanka loo raafa qofkii madax-furasho laga helana waa la sii daaya, waxaa degaan hadaba degan huteel u dhaw jeelka weyn ee Hargaysa habeen ayaa waqtigii bandowga ahayd ayey rasaas is qabsatay oo rasaas badani ka dhacday dhinacii jeelka, aroortii ayaan waraystay nin la yiraahdo Cabdilaahi Faarax Cabdi oo jeelka jaar la ahaa waxaa uu ii sheegay in xalay laba nin ay si xarfad leh oo nooca filimada ay uga baxeen jeelka oo ay rasaastu ahayd askartii gaadhka oo cirka u ridaysay. Jaadku waa mamnuuc hadana magaalada waa lagu cunaa oo waxaa soo geliya oo iibsha askarta haddii aanad gaadhi wadan way adagtahay in aad Jaad la dhexmartid meelaha lagu iibsho ayaa la fadhiista, Anigu waxaan fadhiisan jiray marfash uu lahaa nin Sacad Muuse ah oo Sheekh aha oo curyaan ah oo la oran jiray Sh. Aadan . halkaas waxa fadhiisan jiray qolyo Sacad Muuse iyo Warsangeli ahaa oo reer Hargaysa hore ahaa oo ganacsato ahaa kooxdaas ayaan ku biiray waxa lay sheegay in nin Warsangeli ah oo nabdsugida ah oo ay dadku aad u amaani jireen ayaa korka kala socday dadka gurigaas fadhiista si aan waxba loo yeelin ninkaas oo markii danbe Berbera lagu dilay Maxamed Cali Shire, sidaas ayaanu mudo ku joognay Hargaysa mararna u dhoofi jiray Jabuuti marka la dhoofayo waxaa Laanta sodaalka laga qaadan jiray warqada dhaqdhaqaaqa sidaas awgeed, wuu adka dhoofku iyo in dalka laga baxaa, faran fuluutadii socotay waa joogasatay, waxaa iga yaabiisay magaalada oo sidaas ah ay maalin anagoo fadhina marfashkii la noo sheegay in gurigii uu degana Gen. Moorgan oo ahaa Madaxtooyada maanta ayaa waxaa lagu qabanayaa tartankii quruxda hablaha, oo gabadha ku guulaysata la siinayo abaal marin, Sheekhii waxaa uu noo sheegay in arrinkaasi xaaran yahay, waxaa yaabku ahaa dhibaatada carrada ka jirta iyo bandhiga quruxda hablaha inay ahayd laba arimood oo aan is qaban, waxaa dhici jirtay marmarka qaarkood in la arki jiray diyaaradaha dagaalka oo dul maraya magaalada iyagoo kormeer ah, markaan dadka waydiiyey waxay ii sheegeen in maalmahan dagaalo ka socdeen dhinaca hawdka oo dhexmarayeen ciidanka iyo jabhada oo diyaaradahu ka qayb qaataan, waxay socotaba waxaa la soo galay sanadkii 1988 waxaa mar qudha Hargaysa soo gaadhay wixii xukuumada kaga jiray beesha Isaaq oo ahaa Wasiiro, Janano, maareeyayaal iyado maalmahaa magaalada Burcona odayaal laga keenay waxaa la saadaalinaayey in heshiis dhex marayo dawladda iyo Isaaq, qolyahii aanu saaxiibka ahayn ee reer Hargaysa ayaan kula kaftami jirnay anagoo ku xarakadaynayna war wax naga siiya xoolaha laydinku mustafeeyey, maalin danbe waxaa la yidhi waxaa Hargaysa yimi Cabdiraxmaan Jaamac Bare oo ahaa wasiirka Maaliyada oo sida diyaarad lacag ah waxaas oo hadal ah ayaa soconayey. Waxaa iyana magaalda Berbera ku soo xidhay markab sida raashin mucaawino ah oo bur iyo saliid ah oo la yidhi dadka laga xaraashaya , aniga iyo xertaydii waxaan u dhaadhacnay Berbera oo waan ka tagnay saxmadii Hargaysa waxaan xeraynay lacagtii curaarta iyo qoraalkii aanu ku doonaynay in lanagaga xaraasho. Anagoo Berbera joogna ayaa Genaral Moorgan u yeedhay ninkii hawsha raashinka waday oo ahaa nin Hawiye ah oo uu amar ku siiyey in laga iibsho bur iyo saliida niman uu rabay, waxaa la garan waayey ninkaa hawsha waday meel uu qabtay mar danbe ayaa la sheegay inuu Hargaysa joogo, markaas ayaan tiriyey afaraydan:-
Bustahii Berbera joogi jiray baadi maqan uun dheh
Burkii iyo saliidi aya damac ku beertuun dheh
Mar haduu beydkii jananka galay tuug baxsaday uun dheh
Bustaha waxa lagu xaman jiray Hawiyaha iyadoo la xiganayo gabaygii Sayid Maxamed Cabdule oo ahaa
Maandhow Hawiye ma diran maanta ka hore bustihii habacsana iyo heeryadii xumayd qaado
Waa halkaanu ka doonaynay bur iyo saliid waxaa dhib nagu noqotay sidaanu u soo ceshan lahyn lacagtii curuurta ee aanu ku shubnay baanka
Haddaba, anigoo cadhaysan oo goor galab ah jaadkii iska daayey oo casar tukaday ayaan yara seexday waxaan ku riyooday riyadan (Waxaa ila hadlay riyadi nin aan garanayo oo yidhi war Maxamed ma waxaad ka cadhaysan tahay burkii iyo saliidi laguu diiday la calafsan maayo ee yanay bisha shanaad meesha kuugu soo gelin) markaas ayaan toosay meesha cidi ma joogto, nin sariirta kale Jiifay ayaan ku idhi war gaadhi Laascanood ah inoo raadi ka dibna Laascanood ayaanu tagnay. Haddaba, anigoo soo tijaabiyey siday Soomalidu uga ganacsato xoolaha oo ay lacag badan uga hesho, lakiin aanay u xanaanayn waxay geeyaan suuqa Yaman oo ay Sacuudiga uga gudbaan iyo kan Khaliijka,Labada sayladood ee xoolaha Soomaalida la geeyo waan geeyey oo soo arkay, markaa Soomalidu ma taqaan sida xoolaha loo xanaaneeyo oo ma siiyaan biyo joogta ah iyo cuno nafaqo leh intaa way socod siinayaan oo ma nasiyaan, haddaba marka xoolaha la geeyo suuqyada aynu ka iibino waxay sameeyaan xoolahii waxay geynayaan beero loogu talagalay in lagu xanaaneeyo waxaa la siinaya biyo dawooyin lagu daray iyo caws cosab ah oo dawaysan markaad hal asbuuc ka maqan tahay ma garanaysid xoolahaagii oo aad ayey isu bedelaan, markaa xoolaha sidaynu uga ganacsano ma aha si cilmiyeysan. Waxaan hadaba isku dayey alaab kale oo Soomaalidu ka ganacsato oo ilaa ilbaxnimooyinkii hore ee Masaarida laga ganacsan jiray, oo aanan aqoon fiican u lahayn waqtigaas,Soomalidu way yaqaanan xoolaha in la cuno oo hargooda la isticmaalo lakiin xabkaha wax lagu sameeyo aad uma yaqaanaan, xabkaha la yaqaan soomaalida waxa ugu caansan Faleenka sida Beeyada iyo Maydiga oo dawladii kacaanku u samaysay wakaalad u qaabilsan oo laga joojiyey dadkii shicibka ee ka ganacsan jiray, waxaa kale oo jira xabko kale oo aanay wakaaladaasi shaqo ku lahayn waa malmalka, hadiga , cadaada, falaxfalaxda waxaan doonay in aan xabkahaas ka ganacsado oo suuqooda raadsho.
Haddaba dhirta xabkahaasi ka baxdo ciddi ma ilaashato lamana beero, beeyada iyo maydiga waa la sarcaa marka la guranayo, hasa yeeshee ciddina ma kordhiso tirada dhirta layska dhaxlay taasoo sida ay u socoto sanadba sanadka ka danbeeya sii yaraanaysa oo dabar goáysa.
Xabkaha kale ayaga xoola jirta ayaa markay xoolaha la joogaan soo gurta oo tuulada u dhaw ka siista xoogaa sonkor ah ama shaah kaga cabba, haddana qaad ayay siistaan
Malmalka waxa laga gurtaa geedka Dhidinka oo ka baxa badanaaba dhulka dedibka ah waxaanna magaca la siiya Itoobiya, wuxuuse ka baxaa degaanka Soomalida ka degan tahay Itoobiya, dhinaca Soomaliland waxa uu ku badan yahay dooxada Nugaal iyo agagaarkeeda, dhinaca Soomaliyana waxaa laga helaa gobalka Bakool nawaxiga Ceelbarde, Qudhacjoome oo Hiraan ah, geedku si hawl yar ayuu u baxaa oo hadii aad laan ku mudid dhulka si fudud ayuu u baxaa haddaba waxaad ka soo qaada hadii si cilmiyeysan loo beeri lahaa oo la waraabin lahaa lana xanaanayn lahaa, sanadkii hal mar ayuu xabagta yeesha waa xagaagi marka dabayshu soo dhacdo ee ay laamihiisa isku xoqdo ayey dheecaanka malmalka noqdaa ka soo baxaan. 1kg ee malmalka saafiga ahi waxa uu Jabuuti ka jooga $2, Cadan haddii la geeyo $4 , sayladaha caalamiga ah ee waaweyna ilaa $8 ayuu gaadha, 50kg malmalka ahi waxa uu noqonayaa100-200$ markaad gaysid sayladaha Cadan iyo Jabuuti waxa u u dhigma 10 kiish oo bariis ah
Xabag cadaadeedka waxa iyadda la yiraahda (Arabic gum), iyadu wadanka meel walba way ka baxdaa dhulka Soomalidu degto waxayna aad ugu badan tahay dhulka Hawdka haseyeeshe way casaata xabagtaasi oo ciida cas ee hawdka ayaa ku dhacda intay qoyantahay, xabag cadaadeedka ka baxda dhulka buuraha ah oo aan badnayn aya fiican oo iyadu waa xabag cad, iyaddana 1kg waxay ka joogta sayladaha inoo dhaw $12-$14, iyada qudheedu waa geed la beeri karo oo la ilaashan karo, wadanka Suudaan ayaa aa d u beerta kana ganacsada, xabkahaas oo dhan uumi kulul aya la mariyaa waxaana lagala soo baxaa saliido, saliidahaa soo laga sameeyo Cadro, Dawooyin, iyo kereemka laysku qurxiyo, saliidahaasi waxay leeyihiin suuq qiimahiisa lagu qiyaasay dhawr malyuun oo doolar sanadkii. Si hawlyar ayaa loo soo saari karaa saliidahaas waxaa lagu qiyaasay 1littir oo saliida Beeyada ahi inuu ka joogo sayladahaas aduunka $200, littirka waxa laga soo saari karaa 10kg oo beeyo ah, oo qiimaheedu yahay markay xabagta tahay $20 farqiga intaas leég aya u dhaxeeya marka lagu iibsho saliid iyo marka xabag lagu iibsho. Haddaba hadii dhirta hada sida qaraabka loo gurto la beeri lahaa oo si fiican dhulka loogu beeri lahaa dhaqaale baaxad leh ayaa dalka u soo xeroon lahaa, anigu qudhaydu markaas ma hayn warkaas ee waan daba joogay oo hadaan helay .
Waxaan lacag ku daadiyey tuulooyinka Sool oo aan ka codsaday in lay ururiyo wixii malmal ah ee la helo , haddaba markii aanu ka baxnay Berbera aniga iyo ninkii ila socday in aanu soo urursano malmalkii iyo wixii aanu ka helno xabag cadaadeed,waxaanu ku soo urur sanay magaalda Adhicadeeye ee Laascanood iyo Caynaba u dhaxaysa waxaanu kaga soo raranay gaadhi 25 ton ah waxaan Hargaysa soo galnay goor barqo ah anagoo xabagtayadii wadana. Waxaa isla maalinta magaalda Hargaysa ka soo galay dhinaca Jabuuti isagoo gawaadhi wata Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre galabtii ayaa siday caadadu ahayd dadweynihii xaafadaha iyo ardaydii laysugu geeyey garoonka kubbada cagta si uu uga khudbadeeyo Madaxweynuhu. Markuu khudbadii bilaabay ayuu waxaa uu hadalkiisi ku soo daray waxaan soo maray magaalada Gabilay oo aad moodaysid in lagu dhuusay, ka dib ardaydii ayaa qaylo la kacday iyagoo ku dhawaaqaya “Huuraale”.
Anigu waxaan bilaabay hawshaydii oo waxaan kala safeeyey xaabgtii iyo malmalkii ka dibna waxaan ku qaaday gaadhi oo Jabuuti ayaan la aaday, waxaan waydaartay xadka Lowyacado 1dii bishii Mey oo aan Jabuuti galay aniga iyo xabkahaygii waxan ku degay huteel ku yaalay jidka Diigool, halka waxaan joogaba waxa layga iibsaday malmalkii iyo xooga xabagtii ka mid ah, nin huteelka nala soo degay oo ka yimi Sacuudiga ayaa iga iibsaday 4 ton oo ku qaatay diyaarad ilaa Jidah, ayaamo ka dib ayuu telifoon ii soo diray uu iigu sheegayo in xabagtii suuq ku leedahay Jidah ka dib wixii aan hayey ayaan u saaray markab ilaa Jidah oo isaga u diray,mudo ayaan sugayey ninkii aan alaabta u diray waa iga aamusay oo waa iga goostay. Huteelka waxa nala deganaa niman badan oo reer Hargaysa ah oo uu ka mid ahaa Maxamed Xaaji Jaamac Maax oo ahaa nin ehelu-diin ah, waqtiga oo ahaa bishii Ramadaan waxaanu fadhiisan jirnay marfishka huteelka, waxan uga sheekeyey in aan watay malmal iyo xabag, waa uu ila kaftamay oo igu yidhi war xabagta Daanyeerka cuna ee maxaa cuntadiisa kuu geeyey, markii ninkii igala aamusayna waxa uu igu yidhi Daanyeer ayuu ahaa oo isaga cuntadiisi ka daba yimid, waxaan kale oo u sheegay xaaldii Hargaysa ka jirtay iyo riyadaydii.
27kii Mey ayaa Burco ku waa bariisteen xoogagii SNM, 31 Meyna waxay soo galeen Hargaysa, qolyahii aanu wada deganayn huteelka waxay igu yiraahdeen waa ta riyadaadi fasirantay`cadhadii waxay gaadhay heer kii ugu saraysay waxaa Jabuuti soo gaadhay dadkii soo qaxay oo qaar soo mareen Itoobiya oo ay tareenka ka soo raaceen qaarna Lawyacado ka soo galeen, sheekooyin badan oo kala duwan ayey keeneen iyagoo ku xisaabtamaya hadba meeshay soo mareen iyo ciddii joogtay iyo markaa ciday u waramayaan cida ay yihiin,
Anigu waxaan la kulmay niman badan oo beesha Warsangeli ah oo ka soo kicitimay Hargaysa & Burco qaarkoodna shaqooyin ka hayey wadamada Carabta oo fasax dalka ku yimi, haddaba kuwa ka soo galay dhinaca Itoobiya ee la qaxay dadkii reer Hargaysa iyo Burco waxay ka sheekayn jireen jabhada SNM oo ay warkooda ugu hiilin jireen oo ay aragtidoona sheegi jireen, kuwa soo maray dhinaca Awdal ee Lowyacado ka soo gudbayna waxay iyaguna ku warami jireen warka ciidamadii dawlada ee ay soo dhexmareen oo uu warkoodu dhinacaas u janjeedhay , saaxiibaday ayaan kula kaftamay dadka la afduubo muda la xanaaneeya oo aan la waraysan inta ay naxdinta iloobayaan, sidaas awgeed aan labada qoloba warkooda biyo iskaga darno. Si kasta ha ahaate waxa meesha ka soo baxay in rayidka dhibaato weyn loo geystay, waxaa uu ii xaqiijiyey Marxuun Nuur Cabdi Cali Kullan oo Burco ka qaxay inay naftiisa sigtay diyaarad rushaynaysay dad maato ah,oo u talaabayey dhinaca Itoobiya oo uu indhihiisa ku arkay meyd ay laysay diyaaradaasi oo cid walba leh sida oday, carruur, dhalinyaro iyo dumar, waxa uu ninkalena ii sheegay in meel u dhaw taliska ciidamada, lagu toogan jiray dad magaaladda laga soo ururin jiray ninkaas oo ii sheegay inuu degana guri u dhaw taliska ciidanka isaga iyo dadkale oo qaxooti ahaa, waxa kale oo uu ii sheegay nin ka mid ahaa dadkii aan Jabuuti kula kulmay inuu arkay dad qaxooti ah oo ay booyadi waraabinayso dhinaca Naasa hablood oo ay diyaaradi si badheedh ah u garaacday oo ay dhimasho iyo dhaawac badan u gaysatay. Waxaase iigu naxdin badnayd sheeko uu ii sheegay nin dhalinyaro ahaa oo maalmahaa Hargaysa yimi waxa uu ii sheegay inuu degana habeenkii Hargaysa la soo galay huteel Togdheer markii ay xabadu is qabsatay ayey dadkii u yaaceen dhinaca buurta iyo Geed deeblay dadkii ayaan raacay muddo ka dib ayaan ku tashaday magaaladii in aan dib ugu noqdo waxa kale oo uu ii sheegay inuu haystay fiise ah dalka Maraykanka oo uu Hargaysa u soo doontay kharashkii dhoofka waxa uu igu yidhi markaan magaalada ku soo noqday waxaan la kulmay bar kantarool ah oo ay jabhaddu samaysatay waa lay joojiyey waa lay waydiiyey waxan doonayo markii aan u sheegay in aan magaalda dib ugu noqonayo waxaa lay geeyey taliyihii oo lay sheegay in la yiraahdo Gacmadheere waxaan u sheegtay haybtayda iyo arrinkayga waxa u dabadeed I siiyey warqad dhaqdhaqaaq oo aan ku dhaafi karo kantaroolada jabhada SNM waxa kale oo uu taliyihi igu yidhi haddii aanu anagu ku sii dayno waxad halis u tahay dhinaca kale ee dawlada inay ku dilaan oo wixii xagayaga ka yimaada xabad ku dhufta, waxan ugu jawabay waan isku biimaynayaa, waxaan ku soo dhacay iliiladae Cisbitaalka weyn ee Hargaysa kor marta oo ay ciidamadii dawladu difaac kaga jiraan, halkaas ayaa laygu qabtay oo waxa lay geeyey xarruntii NSS oo ahayd halka hada ay degan yihiin wasaaradaha Arimaha dibada, Qorshaynta iyo Dib u dejintu,waxa laygu tuuray qol jeel ah oo ah hada Qorshaynta oo ay ku si jireen maxaabiis ilaa 20 qof ah marba koox maxaabiista ah ayaa la qaad aoo aanay cidna laga soo celin, inanku waxa u ii sheegay in nin ag fadhiyey uu habsaday, markii aan u sheegay in aan ahay Warsangeli ayuu intuu kor u dhawaaqay yidhi “war ilayn tani way waalatay Warsangeligana ilayn way laynaysaa” markaas ayaan aad u naxay oo ku idhi miyaa layna laynayaa, waxa uu iigu jawaabay dadkii laynaga qaaday waa la laayey, inagana sidaa sayaa laynoo qaadaya oo layna soo laynayaa, waxaa la sii marin jiray maxkamad ku taalay saldhiga booliska oo dil ku xukumi jirtay qofkii la garan waayo. Wiilkaasi waxa uu igu yidhi markii kooxdii aan ku jiray baabuurkii la saaraye ayaa waxaa iiga muuqday xeradii dhexdeedi nin ka tirsana NSS oo aanu isku qolo ahayn oo aan garanayey markii aan arkay ayaan u qayliyey “Adeerow, adeerow maxamedow”ninkaas ayaa gaadhigi iga soo dejiyey oo kooxdii aan ku jiray iga reebay dabadeedna iga sii daayey sidaas ayaan ku soo samato baxay, waxaan filaya in dadkii meesha igula jirayna dhamaantood loo laayey. Taasi waxay ii cadaysay in xasuuq ka dhacay Hargaysa oo la laaye wixii ka soo jeeday beelahaas degan, markii aan Xamar ku noqdayna waxan xog ku helay in markii Burco la soo galay 27 Mey 1988 in koox NSS ah loo diray Hargaysa oo laga soo ururiyey dad isugu jiray Aqoonyahan , Ganacsato, Odayaal reer Hargaysa ah oo lagu tuhmayey inay wax qaban karaan dadkaasna intoodi badnayd la laayey.Bishii June 1988 ayan Xamar ku soo noqday markii ninkii xabagta iga qaatay iga aamusay. Maxamed Xaaji Jaamac Maax ayaan kula kaftamay waa idinkan waqooyi gubay ee anigu waxan ku tala jiraa in aan beero geedka Dhidinka ee Malmalka laga gurto oo ku beero degaankayagii Bari, aad ayuu u qoslay oo igu yidhi war ma waxaad moodaysa in dagaalka iyo qaxu ku ekaanayo xero Isaaq, war belaayadani ilaa Kismaayo ayey ka baxaysa waana lawada marayaa wax anaga noo khaas ah ma aha. Erayadaas waxa uu Maxamed igu laha anagoo Jabuuti joogna 1988 waxaan xusuustay 1991 anigoo qaxaya oo reerkaygii wata oo maraya nawaaxiga Kismaayo, runtii ayey ahayd oo waxay ka baxday ilaa Kismaayo oo ilaa hada ka socotaa.
“Haddii waa beryo aad nin weyn tahay kolaad weelka xashid waxuun qabo” waxaa laha erayadaas Barkhad Cas, Xamar oo ciirciiraysa oo ay soo galeen dadkii ka soo qaxay gobalada Soomaliland, Anigoo faro madhan oo xoogagii kharashka ahaa layga dhacay qaarna Hargaysa igaga gubteen ayaan Xamar soo galay waxaan kulanay nin aanu isku arday ahayn oo doonyo lahaa, waxaa uu ii sheegay in xoolahii laga dhoofin jiray Berbera ay istaageen markii dagaaladu ka bilaabmeen Waqooyi, gaar ahaa lo’da oo Yaman qiimaheedu aad uga kacay, waxaa uu igu yidhi waa adigii xoolaha dhoofin jiree doontii ayaan keenaya Ceelayo ee Beledweyne lo’ inooga raadi waan ka aqbalay.
Beledweyne weligay uma dhaafin kaantaroolka Jante kundhishe weligayna ma galin, hada ayaan galay, waxaan ku degay Huteel webiga Shabeele saran oo waayo gob ahaa waxaa lahaan jiray Sh Cali Jimcaale oo ahaa ninkii Madaxtinimada kula tartamay Aadan Cadde sanadkii 1961 waqtigan huteelku waa liita waxaa haysata marwadii uu ka geeriyooday Marwo Dhaqan, aniga iyo kooxdii ila socotay markaan hutelka ku soo degnay waa taqaan Soomali way na habsatay, markaanu isu sheegnay way na soo dhawaysay oo tidhi gabadhayda ayaa dhashay caruur Wersangeli ah, Soomalida xidhiidhka ka dhaxeeya waxa uu ku xidhan yahay kan beesha. Sidaas awgeed, waxa laga maarmaan ah in lagu haybsado si uu u maro habmaamuuskii uu lahaa haddii uu yahay mid Tolnimo, Xidid, Abtinimo ama Muslinimo.Sidaas awgeed qofku micno ma laha ee beesha ka mudan halka dunida kale laga hadlo xuquuqda qofka. Dariishada qolka yaan ka daawan jiray webiga Shabeele oo hoos maraya biriij, webigaas oo ka soo bilaabma buuraha bariga Itoobiya soona mara meelo badan oo ay Soomalidu degto isagoo ku dhamaada qoyanka Baraawe, hadaba ila uu gaadho Jawhar waxba laguma beerto oo laguma waraabsado oo xoolaha iyo dadkaa ka caba oo keliya wax kale laguma qabsado.
Beledweynahii uu Hadraawi u heesay ayaan tegay waa meel kulul oo kaneeco badan oo webigu ku wareego oo meelo badan ka soo galo waa meel xoolaad oo dhinac walba lagaga soo arooro waxaad ka helaysaa Caano geel, lo’adhi iyo hilib nooc walba leh iyo badarka ka yimaada dhinaca Qalaafo, waa magaalo aad ku arkaysid weelkii Soomalidii hore sida Dheriga, Xeedhada, Sibraarka, iyo fandhaalkii waxaad kale oo ku arkaysa gabdho sita dharki hore ee dhaqanka Soomalida, dhinaca bari ee webiga waxaa degan Xawaadle dhinaca galbeedka oo ay yiraahdaan Qoraxside waxaa degan Gaaljecel iyo Janjeele waxaa kale oo webiga dhinacyadiisa degan dad timo adag ah oo la yiraahdo Makanon oo hada la baxay Somali Bantu, halka webigu ka soo galo xadka Soomalida waxa ah laba tuulo oo la yiraahdo Buur ukud iyo Deefow oo ay degan yihiin qolo la yiraahdo reer Xasan Kilweyne waxaa ku sii xigta tuulada Bacaado oo ay deganyihiin Fiqi Cumar oo Dir ah labadaas beeloodba waa dad reer Diineed ah oo Wadaado ah taasi waxay ku tusaysa in diinta Islaamku soo raacday webiga iyadoo ka soo jeeda Harar iyo Saylac, dhinaca galbeedka Qulunqul iyo Qalaafe halkaas ayuu webigu ka soo galaa Soomaliya. Waxaa yaab leh dadka degan gobalada Hiiraan Galgaduud, iyo Mudug waxay aad ugu liitaan dhinaca diinta, waxad arkaysaa dadka diinta wax bara ee Masaajidada, malcaamadaha ku yaala magaalooyinka iyo tuulooyinka gobalada waxaa jooga oo diinta u haya dad ka yimi Kililka 5aad ee Itoobiya sida reer Xasan Kilweyne, Ashraaf, Sheekhaal iyo Fiqi Cumar Direer ma arkaysid wadaad u dhashay goboladaas oo diinta dhigaya, dhinaca guurku waa furan yahay oo ninku intuu doono ayuu dumarka ka guursadaa, caruurta hooyadaa korsata sidaas awgeed, sida kuwa Aabe iyo Hooyo wada koriyaan uma helaan anshaxa suuban, caruurta kir ayaa lagu dhahaa wax xanaano ah ma helaan taas ayaa soo saartay dadkan gobaladaas ka yimaada ciday doonaan ha ahaadeene oo boobka iyo dhaca caado ayey u lahaayeen ay ku kacayaan, sidaa darted qabqablayaashu waxay ka baxeen degaanada Gobalada dhexe iyagoo fidmeeya dadka gobaladda kale degan.
Maamuladii kale duwana ee dawladii Soomaliya soo maray iyo qabqablayaasha dagaal ee burburka madaxda ka ahi iyo wixii maamul Soomaliyeed ka xumaaday iyagaa ka masuul ah marka laga soo bilaabo Cabdilaahi Ciise, Aadan Cabdule Cismaan (adan cade)`Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Cabdirashiid Cali Sharmaake, Max’ed Siyaad barre, Maxamed Faarax Caydiid, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Cabdilaahi Yuusuf Axmed dhamaantood waxay ka soo jeedaan gobalada dhexe ee diintu ku yartahay. Waxaan ka raray jiida 1200 dibi laga bilaabo Jalalaqsi ilaa Guriceel waxa dibida lagu raraa baabuurta isjiidka ah oo gaadhigii waxa uu qaada 30-35 dibi dhigaha ayaa xadhko lagaga xidhaa si aanay u boodin taas oo marmar dhacda lagama dejiyo baabuurta ilaa ay gaadhayaan Ceelayo, dibidaas anigu ma lahayn e khidmad ayaan ka qaadan jiray lakiin waxaan ku bartay dad iyo dal dhinaca Xawaadalaha waxaan gaadhay ilaa Coomaad, Maxas, Jalalaqsi iyo Buraha Qumayoridka. Qumayo waxa la yiraahda dumarku markay aad u gaboobaan waxaa loo nisbeeya inay awoodaan wax la yiraahdo cawri oo ay dadka dhib gaarsiin karaan Ilbaxnimooyinkii hore oo dhami way la haayeen oo dhinac reer Yurub waxaa la yiraahda Wiches, qumayo waa ta ku aamusisa ee indhaha kaa xidha, waxaa muuqata in Soomalidii hore islaamaha markay gaboobaan oo ay noqdaan qumayo ay buuraha ka ridi jireen sida magacaasi ku tusayo, Xawaadlahu waxa uu degaa dhinaca bariga ee webi Shabeele, dhinaca galbeedkana waxaan gaadhay meel la yiraahdo Farlibaax iyo Qudhac joome oo ah gacanka webigu ka soo leexdo oo biyuhu galan waxaana dega Janjeele oo ah dad reer baadiye ah dhinaca Galguduudna waxaan tegay dhulka ciidda cas ee Itoobiya halkaas oo ah dhul Hawd ah oo ay degaan Ayaanle, Habar aji oo Cayr ah iyo Mareexaan waa dhul ciid cas oo ay ka baxaan madheedhka iyo yicibtu, marka ay barwaaqada tahay ee baliyadu buuxan waa dhul aad u qurux badan, jiilaalkii waa oomane, labada xiliba anigu waan arkay, waxaan tegay meesha la yiraahdo Ceeldhiin oo xadka ah oo ku yaala dhinaca Itoobiya oo laga waraabinayo kumanaan geel ah iyadoo dhalinyaro badani ceelka ku jiraan oo ay wadaanta figlaynayaan ayaan isa soo dultaagay anigo lo’iska eegaya oo qiimaha aanu isku hayno ninkii lahaa. Anagoo taagan ayaa waxaa yimi nin faras wata oo qaylo dhaan ah markiiba nimankii ceelka ku jiray ayaa dhakhso uga soo booday oo mid walbaa qori la soo baxay, waxaa ninkii qaylo dhaanka ahaa soo tebiyey in nin Sacad ah oo geeljire ahaa tuulada lagu dilay oo ay dileen jabhad Ugaadeen ah oo meesha deganayd, waxaan arkay wiil yar oo gaadhigii aan watay na soo raacay oo agtayda isku nabaya, waxaan u yeedhay Xaajigii lo’da lahaa oo aan ka siistay qiimahii markii hore aan diidayey oo weliba maris ku qaatay oo aanan waxba ka qaban oo aan ku amray inay Guriceel iigu keenaan halkaas oo aan baabur ka saarayo, ka dibna gaadhigii ayaan deg deg u kaxaysanay markii aan soo gaadhay Guriceel ayan wiilkii waxaan waydiiyey war maxaad isugu kay nabaysay, waxaa uu yidhi waxaan ahay Ugaadeen oo waxaan ka baqay in lay dilo markii warka la soo sheegay. Maalin aanu is qabanay niman tuulada joogay oo dibida raraysay ayaa oday waxaa uu igu yidhi maalin walba lacag ayaad nala dhexmartaa adigoo ah nin Daarood ah haddii aanad ahayn Warsangeli sidaa noomaad dhexmarteen. Siyaasad xumadii maamulkii Siyaad ayaa waxaa sabab u ahaa, iyadoo jabhad hubaysan oo Daarood ah ayuu soo dhex dejin jiray meelo aan degaankooda ahayn taas oo beesha colaad u soo jiidi jirtay sida wiilkan yar ee aan waxba shaqo ku lahayni uu naftiisu khatarta u gashay .
Webiga Shabeele ilaa meesha uu dalka ka soo galo ilaa Jalalaqsi qaxooti ayaa la dejiyey waxaa iyana degay oo buuxiyey xeryaha qaxootiga dadkii degaanka ahaa waayo, Soomalida haddii la yiraahdo wax bilaash ah ayaa la bixinayaa way isu soo baxayaan, waa waxa ay dibada ugu yaaceen waxay maqleen lacag bilaash ah ayaa laysa siiyanayaa iyadoon shaqo la qaban, Jano ifka ah ayaa la wada doonaya in la wada helo iyadoon la shaqayn. Hadaba waxaa dhacday xero ka mid ah xeryahaa qaxootiga oo ku taalay Buulaberde siduu ii cadeeyey nin Reer Xasan kilwayne ahi markii uu kacdoonku ka bilaabmay Beledweyne ayey maleeshiyo Xawaadle ahi xerdaas yimaadeen oo dadkii kale saareen wixii sheegtay qabiilka Daarood rag, dumar iyo caruur inta rasaas lagu laayey ayaa webiga lagu guray, mar aan weydiiyey ninkaa dadkaa qiyaastooda waxa uu ii sheegay inay gaadhayeen 500 qof ninkaas oo ay walaalo ahayeen Sheekh Maxamed Rashiid oo aanu saaxiib ahayn isagana la oran jiray Sheekh Cabdisamad.
Mudadii aan Beledweyne nawaaxigeeda ku sugnaa Xamar waxaa ka dhacay xasuuqi Jasiira ee caanka noqday oo ay ciidamadii koofiyad castu ku xasuuqeen dad rayid ah oo u ka soo jeeday beesha Isaaq, warku sidaas nooguma so gaadhin Beledweyne ee waxaa lanoogu sheegay mudaharaad ka dhacay masjidkii Sh Cali Suufi oo ahaa xafadii aan deganaa iyo in dad meesha lagu leeyey, Nin Ayaanle Cayr ahaa Xasan Nadiif oo dukaan ku lahaa tuulada Guri ceel ayaa ii sheegay oo yidhi markii amarku dhacay ee la arkay ciidamadii koofiyad casta oo gaawadhidii ka degi wayday oo la arkay in magaalada lagaga xoog roon yahay ayaa nin waliba qori iibsaday.
Waxaan ku soo laabtay Xamar 16 Ogosto maalintii Guulwadayaasha loo dabaaldegi jiray maalin walba waxaa lahayd cid gaar ah , goor habeen ah ayey xaaskaygii foolatay iyadoo bandoo ah waxaa nagu adkaaday sidii aan cisbitaal u geyn lahaa iyo halkii aan gaadhi ka heli lahaa waxaan xusuusta dhibta habeenkaas, Ilaahay waxba nama yeelin habeenkaa gabadh ayaa ii dhalatay aan u bixiyey Samiira.
29 Decenbar ayaan soo raacay diyaarad ay lahayd shirkada Konoko ee shidaalka ka baadhaysay gobolka Sool markii aan cid soo wastaystay si aan u raaco waayo wadadii aan lo’da ka dhoofin jiray waa la mari kari waayey oo dhacii iyo dilkii ayaa ku batay, Diyaaradii waxay nagu dejisay dhoodida meeshii shirkadu ceelka ka qodaysay waxaan meeshii iska helnay nin aan saaxiib ahayn Maxamed Cali Caateeye waxaa uu ii sheegay in aan u raaco Laascanood ka dib waxaan u sheegay in aan Laasqoray ku socdo waxaa uu I sii saaray gaadhi u socday Garawe, Maxamed waxaa uu ahaa ganacsade oo qandaraasyo ayuu ka qaatay shirkadan, waqtigaana waxaa uu abaabulayey safarkii Garaad Cabdiqani iyo weftigii u baxayey hawd si ay ula kulmaan jabhadii SNM iyo beelaha Isaaq, Maxamed markaa ii ma sheegin ee mar danbe ayuu ii sheegay inay seegtay maalintii in uu ii sheego oo weftiga igu daro si aan waanwaanta uga qayb qaato, waayo Warsangeli cid kama aanay hayn oo waxaa uu igu yidhi intaan kugu daro ayaan anigu ku siin lahaa lacagta aad Laasqoray ka doonayanso.
Waxaan tegay Laasqoray, Ceelayo iyo Boosaso waxaan sii maray Garawe iyo Qardho inkasta oo aanu dagaal ka socon magaalooyinka iyo tuulooyinka waxaa muuqday in arrinku faraha ka baxay iyadoo magaalooyinka uu qorigu ka batay oo dadku hubaysan yihiin iyo baanankii dawladda oo lacagtii jeegeg been abuur ah lagula baxayo oo cida haystaa ciday rabto u qorayso, degaankaas weli cadhadii si fiican umay soo gaadhin.
Waxaan helay diyaarad ay lahayd Somali airline oo timi Boosaso oo aan Xamar u soo raacay Janaweri 1990, waxaa gurigii aan degenaa ee Kaaso- balbalaadhe iigu yimi nin reer Biyo cadde ah oo la yiraahdo Xaaji Gacal Gafuurow oo ah Abgaal oo aannu is baranay markii aan sheekaysanay ayuu noo sheegay in tuuladiisa aan ka helayno lo’aan dhoofinno, Aniga iyo nin aanu saaxiib ahayn Cabdi Ciise Cabdi garboole oo ah reer Laascnood oo Wersangeli ah ayaa xoolo isku darsaday oo raacnay Xaaji Gacal, waxaa uu na dejiyey Cariish tuulada ah , Biyo cadde waxay Jawhar ka xigtaa dhinaca bari waxay ku xigtaa tuulooyinka Ceel dheer iyo Aadan yabaal, waxaan Jawhar ku sii maray C/laahi Yaasiin (shaandho) oo ahaa gudoomiya waxbarashada gobolka Shabeelada dhexe, tuulada iyo magaalada Jawhar waxaa xidhiidhiya baabuurta Sitay ma noogtada loo yaqaanay oo aroortii ka baxda tuulada iyadoo sida wax soo saarkii tuulada, galabtiina ku soo noqota iyadoo sid aadeegii tuulada.
Hore waxaan ugu guulaystay in aan dibbi ka raro Beledweyn ilaa Ceelayo markan waxaan tijaabinaya in aan lo’ka rari karno Jawhar ilaa Ceelaayo haddii ay hirgasho waxan lo’da dhiinka ah ee Banaadiriga ah ee aan lahayn meel laga dhoofiyo oo qiimo jaban ayaanu suuq fiican u helaynaa hadii ay noo hirgashana faaíido fiican ayaan helaynaa
Tuulada Biyo cadde waxay ahayd marin ay maraan Jabhada UNC oo markaa hawlgalo ka waday dhinaca Ceel-buur, dhinaca deexda ayey ka soo gelin jireen hubka iyo ragga magaalada Xamar,waxay ka leexan jireen wadada laamiga ah ee dheer oo kaantarooladdu ku badnaayeen, waxaan la kulanay xubno USC ka mid ah oo tuulada keenay hub ay rabaan inay ka iibiyaan dadka degaanka, waxaa tuulada u dhaw degaanada Aadan Yabaal oo ay degan yihiin niman Wersangeli ah oo Abgaal ah, madaama aanu nahay niman Warsangeli ah marka aan sheegano cidna hoos nooma sii dayi jirin sheekadaas oo ah sheeko xiise leh oo ay labada Warsangeli is sheegtaan wax badana ay wadaagaan waxaanu ahayn niman Cumar ah oo Warsangeli ah oo Harti ah qolada kalena intaas ayey leedahay, nin Profisar ah oo layiraahdo Cali Jimcaale oo jamacad Maraykan ah wax ka dhiga oo horena jamacadii Lafoole wax ka dhigi jiray ayaa waxaa uu qoray buug uu ku doodayo in Somaalidu ay ka timi koonfur ee aanay ka iman dhinaca Carabta marka sidaa la eego waxaa laga dheegan karaa in Warsangeliga Calmadow degan iyo ka deexda degan ay isku mid yihiin oo koonfur laga tagay oo ayaan jirin wax Carab ah oo laga soo isiran yahay. Mudo ayaan joognay Biyo cade inkastoo aan Xamar dhawr goor ku noqday, Xukuumadii hore Soomaliya waa la sii kala daayey waxaa hawsha sii waday wasiirku xigeenada waxaa dawladda la sugayey mudo 3 bilood ah waxay reer xamarku ku kaftami jireen dawladda cusub cid ayaa loo raafaya iyo ciyaarahii gobalada caasimada ayaa lagu dhamaynayaa (Faynalka) iyagoo u jeeday dagaalada ka socday waqooyi iyo kuwa ka bilaabmay gobalada dhexe, inkastoo cadhadu soo gaartay Xamar hadana noloshi si dhib yar ayey iskaga socoytay waxaa kale la oran jiray “dhibta waa la mooda hadii la moodi waayana waa la moosi, may filaynin in xamar isku bedelayso xero dhiig oo muslin iyo gaalaba laga tagayo oo mooryaan xarun u noqonayso. Si kasta ha noqotee, aniga iyo ninkii aanu shuraakada ahayn oo joogna Biyo cade ayaa 19/2/1990 anagoo 30 dibbi iibsanay soo waraabinayna ayaa waxaa naga horyimi nin ka tirsan dawlada hoose jawhar oo cashuur qaade ah oo nagu ilaashanayey cashuurta dibida, waxa uu noo sheegay in dawlad cusub idaacada Xamar laga sheegay,Anagu wax dheg ah uma aanu dhigin waqtiga oo qoraxdu kululayd oo kaliil ah oo dhuqsi yaryari indhahaa kaa galayo cagahana boodh ayaanu kula jirnay, maxaa dawlad naga galay waxaa ninku warkiisi ku daray waa niman wada cusub kuwii hore kuma jiraan. Waxaan casarkii fadhisanay makhaayad yar oo ay gabadhi haysato waxaa yaalay raadyow duug ah waxaa soo galay warkiin 5 galabnimo waxaa warka sheegayey Axmed Xasan Cawke isagoo sheegay magacyadii wasiiradii cusbaa ayaa waxaa dhegtayda ku soo dhacay magaca nin aan saaxiib ahayn mudo dheer oo ahaa Marxuun Bashiir faarax kaahin, waxaan ku dhawaaqay hadda ayaa cid aanu garanaynaa noqotay wasiir, afkii cawke ayaa isagoo wada magacyadii waxaa ka soo booday Maxamed Saciid Maxamed Gees oo aha wasiirka Kaluumaysiga iyo dekadaha iyo Gadiidka badda waxaan is idhi ma anigaa waalan mise Cadan ayaa laga heesayaa waxan eegay hareerahayga in cidi I garanayso waxa meesha fadhiyey niman USC ah, dhawr goor ayey idaacadii magacyadii ku soo celisay ninki ila socday ayaa shaki galay, lakin waxan ku dadaalay in aan dhaafiyo in aan Aniga ahay, waxaa goor fiid ah noo yimi nin gaadhi lahaa oo meesha igu ogaa Marxuun Ibraahim Cismaan Dheere oo si fool xun loogu dilay Kismaayo isagoo qaxooti ah oo reerkiisa la qaxaya, ninkaa ayaa i qaaday, waxaan saaxiibkayna u sheegay warkii cusbaa isaguna inuu hawshii noo sii wado ,sidaas ayaan Xamar ku galay waxaan hore u soo sheegay in 1983 aan shaqada ka tegay oo ahayd macalinimo oo aan ahayn maamul markii la sameeyey xisbigii hantiwadaaga waxaa galay dad badan oo ay ku jireen macalimiin si ay derejo uga helaan, aniguna waxan galay waqtigaa xerta tima weynta.
7 sano ee aan ka maqnaa shaqada waxan ku noola nolol ii gaar ah oo qaadaa ma dhereg ahayd, inkastoo aan dhawr goor kaalmo ka heli jiray reerkayaga, arrinkan aan idaacada ka maqlay waxaa uu igu noqday arrin yaab iyo amakaag ah, waxii dawlad soomaliyeed ina soo maray iyo kuwa hadda jiraba waxaa jiray in qaab beelaysan lagu magacaabi jiray arrinkaas oo ilaa maanta socota, hasayeeshe beesha warsangeli wasiir ma lahayn ilaa 1970 markaas Janaraal Jama Cali Qoorsheel taliyihii booliska oo madaxweyne ku xigeen u noqday Maxamed Siyaad Barre markii inqalaabka la sameeyey 1969 ilaa la gaadhay 1980.
Mar aan Marxuun Jamac la fadhiistay xamar 1979 oo aan wax ka waydiiyey arrinkii inqilaabka iyo waxa uu ka ogaa waxa uu ii sheegay in aanu war u hayn ee loo sheegay markii u dhacay iyadoo ciidanka boolisku awood aanu lahayn uu kaga hortago ciidanka milatarigaa sidaas ayaan ugaga qayb galay codsigii iiga yimi taliyaha ciidanka, mar aan sii waydiiyey inuu ahaa inqilaabku mid sii qorshaysan waxaa uu yidhi wax qorshe ahi ma jirin ee dilkii madaxweynihii Cabdirashiid Cali Sharmaake ee ka dhacay Laascanood iyo xukunkii degdega aha ee dalka lagu soo rogay ayaa laga faa’iidaysta. Waxaa uu Aabahay Saciid Maxamed Gees ii sheegay oo ay saxiib ahaayeen Jamac Cali Qorsheel in habeenkii 21 oktoobar ay wada socdeen oo ay soo mareen xarruntii xisbigii SYL oo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal khudbad ka jeedinayo ku saabsan sidii musharaxi Madaxweynaha loo dooran lahaa , markii aanu halka ka soo noqonay ayuu Jamac yidhi caawa waan daalanahay oo hore ayaan u seexanaya taasna waxa laga qaadan karaa inuu qorshaha wax ka ogaa, waxaa uu ii sheegay Jaamac markii laysku daray waqooyi iyo koofur in ciidankii booliska iyo ciidankii la aasaasay ee melateriga madax looga dhigay laba nin oo reer koonfureed ah oo kala ahaa Janraal Daa’uud oo ahaa Hawiye iyo Maxamed Abshir oo ahaa Majeerteen, waxa kale ii raaciyey in saraakiisha milateriga ah ee Majeerteen ku xidhnaayeen Maxamed Abshir kuwa Hawiye ee booliska ahina ku xidhnaayeey Daa’uud, haddaba markii si lama filaan ah uu Maxamed Siyaad u noqday taliyaha ciidanka isagoo aan ahayn Majerteen iyo Hawiye, waxaa cidhiidhi geliyey saraakiishi labada reer waxaa uu markaa garab ka dhigtay saraakiil reer waqooyi ah oo dibadda wax ku soo baratay oo u dhiibay xilal waaweyn oo Xamar u dhaw, kuwaas ayaa garab u noqday sidaas ayeyna ugu sahlanaatay inqilaabkii.
Waxaa dhaliyey inqilaanbka saarakiil reer soomaaliland ah oo ka muuqday golahii sare ee kacaanka xubnahii ka yimi xoogga dalka, ragaas oo ay ka mid ahaayeen Ismaciil Cali Abokar, Axmed Saleebaan Dafle , Muuse Rabiile Good, faarax Wacays , Axmed Xasan Muuse, Amed Cali Shire Axmed Maxmuud Faarax iyo Axmed Khaawi. Waxaa uu Marxuun Cigaal qiray in maalintii askartu qabsatay dalka ee inqilaabku dhacay looga dabaal degay Hargaysa iyo Burco iyo welib ay aad u soo dhaweeyeen dadkii reer Waqooyiga ahaa ee Xamar joogay.
Waxaa uu Jaamac igu yidhi markii anaga lana siiyey 5 xubnood oo boolis ah waxaan keenay 5 kornayl ee booliska ugu sareeyey. Sidaas ayuu ku dhameeyey sheekadiisi hase yeeshe waxaan ogaaday in la khiyaameyey hadana qoladii reer Soomaliland oo taliyihii ciidanka iyo wasiirki gaashandhiga oo Ismaciil isku waday waxaa laga dhigay Saalad Gabaydhe iyo Maxamed Cali Samatar oo reer koonfureed ah. Jamac waxaa la xidhay may 1970. Sanadkii 1970ilaa 1980 waxaa wasiir iyo wasiir ku xigeen ah may lahayn beesha Warsangeli waxay u tegi jireen Jamac Maxamed Qaalib oo la dhalay 1980 ayaa la siiyey wasiirku xigeen ka dibn na la gaarsiiyey wasiir Maxamuud Saciid Gacamey isaga oo qabay faaduma Maxamed Macalin oo ay eedo u ahayd Khadiijo Macalin marwadii kowaad ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Haddaba, waatii ay dhacday anigoo lo’daydii ka iibsanay Biyo cade laygu magacaabay taas oo aay naftaydii khatar ku gashay oo haddii ay I ogaan lahaayeen ragiii USC ay I dili lahaayeen, waxan mardanbe ogaaday in nin aanu xigto nahay ka shaqeeyey magacaabidayda Anigu waan ka maagay magacaabida waqtigaas hase yeeshe waa laygu duducay iyadoo lay sheegay in haddii aan diiddo dhacayso in lay xidhi karo waxaa kale oo laygu qanciyey in aanay jirin dawlad wada wanaagsan iyo mid wada xun ee ay tahay qof walba nasiibkiis oo gacan walbaa waxay gaysato leedahay sidas waxaa igu yidhi Aabbe Saciid Maxamed Gees. Waxaan xusuus tay nin aan isku arday ahayn oo la oran jiray Aadan Daahir Af qurac oo ahaa nin aad u naxariis badan oo maalin aanu shinbir dilnay uu ka ooyay dilkaas, ayaan arkay isagoo sarkaal ciidamada ah oo Hargaysa jooga ayaa laga dhigay xubin maxkamada badbaada ah markaas ayaan ku idhi ma adigii shinbirta ka ooyey ayaa lagaa dhigay maxkamada badbaadada, waxa u iigu jawabay maxaan badbaadiyey Maxamedow oo aan naxariistayda ku badbaadiyey dad badan oo la dili lahaa sidaydii ayaan ahay waxba iskama kay bedelin, sidaas ayaan uga mid noqday dawladaa casarka joogta 10 bilood, xukumadaas waxa ku badnaa dad aqoon yahano ahaa oo da’ yaraa oo aan hore siyaasad u gelin hase yeeshe hay’ado dawlada ah ayey ka shaqayn jireen waxaa kooxdayadaas lanoogu magacdaray hayad ajanabiga ilaalin jirtay oo la oran jiray group four iyadoo lanoo qarinayo in aanu ilaalilnayno madaxdii kacaanka ee dawladda ku jirta, dhawr xubnood oo askartii dalka qabsatay ayaa dawlada ku jiray waxana Ríisal wasaare ka ahaa Maxamed Cali Samatar iyo Maxamed Geelle Yusuf oo ahaa wasiirka maaliyada . Cabdiqaadir Xaaji Masale wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Warsame Isaaq oo ahaa wasiirka Arrimaha bulshada iyo Axmed Maxamuud Faarax Raiisal wasáare ku xigeen, waxaa aan aad ugu fiirsaday nimankan dalka 21 sano xukumayey iyo siday yihiin iyo aqoontoodu siday tahay aad ayaan uga naxay markii aan arkay ee aan bartay nimankaas waxaa iga muuqatay dad aan xogba u hayn xaqiiqada dalka ka jirta oo aan ka warqabin ama isyeelyeelaya. Maxamed Cali Samatar waxa uu u ekaa nin quus tagaan oo niyad jabsan oo aan wax dan ah ka lahayn waxa dhacaya, shirka golaha wasiiradan lalama iman jirin wax ajande ah lakiin isagaa ayaa khudbad jeedin jiray oo ka dibna waa layska kala dareeri jiray waqtigaas Siyaad ma iman jirin shirarka dawladda ee golaha wasiiirada.
Waxaa igu yaab badnaa Geelle oo ahaa nin kaftan badan jeesto badan oo hadalkiisa lagu qosli jiray markii uu joogo golaha wasiirada, waxa isku kay qaban waayey ninkii joogay maxkamadii badbaadada ee dilka toogashada ah xukumi jiray iyo ninkan laga maadsanayo, labadaas arrimood ayaa isu kay qaban waayey, aniga iyo nin al yirhaado Caato oo aha wasiirku xigeenka maaliyada iyo wasiirkii qorshaynt Gowdax ayaa gudi la noqonay Geelle, waxaa uu nooga sheekeyey isaga oo xaaskiisa iyo sodohdii la socoto oo lafoole ka soo qaaday waa sida uu u dhigaye waxaa ka soo yeedhay ereyo kacaanka ka soo hor jeeda xaaskiisi sidaas darteed waxaa uu yidhi iyadii iyo sodohdayba waxan ku dejiyey laamigii. Way iga yaabisay oo waan is hayn kari waayey oo waxan ku idhi waxaad tahay nin dhaqan xun ee maxaad sodohdaa u dejisay. Waxaa ii muuqday inuu yahay nin wejiyo badan leh. Saraakiishi ka qayb gashay afganbigii dawladdii la doortay badidoodu way ka maqnaayeen dawladda oo waxay ahaayeen niman niyad jabay oo himilooyin koodi na ka quustay oo guryaha iska jooga. Nin nimankas ka mid ahaa Cabdirisaaq Abubakar oo wasiirki waxbarashada mar noqday ayaa waxa laga hayaa inuu ka mid aha kooxdii loo qaybiyey inay soo qabtaan Ra’iisal wasaarihii dawladdii la riday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.waxaa uu yidhi markii aan gurigiisa ugu tagnay oo u sheegnay in inqilaab la sameeyo oo aan qabanayno ayuu igu yidhi war ma idinka dhabbaa war maad iska daysaan ma garanysaan dadkan sida lagu wado, hadii aan Cabdirisaaq ahay waxan ugu jawaabay dadkan aad musuqmaasuqa iyo qabyaalada ku rideen ayaad wax ka sheegaysaan, waxaa uu sheegay isagoo Maraykan jooga oo qaxooti ku ah in 21 sano ee uu ku jiray maamulka uu mar walba xusuussan jiray erayadii uu ku yidhi Cigaal habeenkii ay soo qabanaynay arrinkiina sidii uu nooga digayey ay noqotay.
Haddaba waxan ogaaday in maskaxda inqilaabku ahaayeen nimanka Ismaciil Cali Abokor, Axmed Saleebaan Dafle, Axmed khaawi , hase yeeshe markii Ismaciil oo filanayey wasiirka gaashan dhiga laga qaaday oo loo dhiibay Salaad Gabaydhe markii danbena Samatar, waxaa samaysamay iskaaashi cusub oo dhex maray Samatar iyo Dafle. Markii 1970 la khaarajiyey Jaamac Cali waxaa iyana la khaarijiyey Caynaashe iyo Salaad Gabaydhe 1971, waxaa la sheegay sidii Salad Gabaydhe oo laga baqayey isagoo aha nin Abgaal ah oo Xamar jooga abaabulna sameeye sidii loo qabtay ee loo khiyaameeyey waxa la sheegay in ay Samatar iyo Cabdale Faadil ay gaadhi ku soo qaadeen iyagoo ku marti qaaday casho waxaa la sheegay in markii ay marayeen wadada dalcada ee raadyow Muqdisho inta gaadhigii la joojiyey uu Cabdale ku qabtay baastoolad sidaa ayaa ninkaa lagu qabtay waxana lagu toogtay dugsigii Booliska isaga iyo Caynaanshe iyo Cabdiqaadir Deel, haddaba waxaa dhacday 1991 markii xamar gadoodku ka dhacay ee maamulki laga adkaaday ayaa Cabdale Faadil waxa uu magan gelyo u galay Janan ay saxiib ahaayeen oo Hawiye Sacad ahaa Cali Xaashi halkaas ayey maleeshiyadii gadoodsanayd ku hor togteen iyadoo laga daba joogo falkaas hore oo la diiday magantii janankaas, haddaba markii laga takhalusay Qoorsheel iyo Caynaanshe iyo Salaad oo ahaa wasiirkii gaashandhiga, waxaa banaanday jagooyinkoodii waxaa la magacaaabay sadex madaxweyne ku xigeen, kan kowaad Samatar wasiirka gaashandhiga kan labaad Xuseen Kulmiye Afrax kan sadexaad Ismaciil, Cabdale Faadilna waxaa lo magacaabay taliyaha ciidanka waxaa Ismaciil loogu daray xilka wasiirka warfaafinta oo u awalba hayey, waxaa halkaa ka muuqatay in Ismaciil laga saray kooxdii ay maskaxda inqilaabka oo ay isku xidhmeen Samatar, Faadil iyo Dafle kooxdaas ayaa ugu dhawayd maskaxda Maxamed Siyaad. Markii lagu dhawaaqay hantiwadaaga cilmiga ku dhisan 1972 waxa soo galay saaxadii siyaasiyiin hantiwadaag ku kooxaysan ,kooxdaas oo aan askar ahayn oo ahaa aqonyahaano ku shaqaysta hantiwadaaga oo madax u yahay Dr Maxamed Aadan Sheekh ninkaas oo beel ahaan ka soo jeeday beesha Maxamed Siyaad ee Mareexaan, qoladii askartu waxay ninkaas u arkeen khatar dabadeed laba jeer ayaa xabsiga loo taxaabay sidaa darteed, kooxdani way ka adkaadeen waxaa ninkaa lagu xusuusta Dr Maxamed Aadan Sheekh markuu ahaa wasiirka caafimaadka hawshii uu ka galay sidii loo abuuri lahaa kuliyad caafimaad taas oo uu ku guulaystay oo ay maanta dhakhaatiirta ku nool cariga Soomaliya meelkasta oo Soomaldu degto waxay ka soo qalin jebiyeen kulliyaddaas, aqoon-isma-qariso kooxdii askarta ee ka guulaysatay wax raad ah oo aan ahayn burbur lagama hayo. Haddaba, waxay kooxda danbe ee askarta ahi wadanka wax ka ahaataba, afganbigi dhicisoobay 1978 ee ay wadeen saraakiishi Majeerteen ayaa waxay wiiqday awoodii ay lahaayeen iyagoo lagu eedeeyey inay ogaan waayeen shirqoolka, xilkii ay hayeen ee gaashandhiga iyo sirdoonka waa laga wareejieyey waxaana arinkaa ka faa’iidaystay koox Mareexaan ah oo dawladda ku jiray waxaana xoogaysatay awoodi kooxahaa Mareexaan, waxaana bilaabantay in la Mareexaaneeyo maamulkii dawladda arinkaas oo markii hore ku socotay xawli xoog ah ayaa la dardar geliyey , waxaa markaa samaysmay laba kooxood oo loo kala saftay dadkii xukuumada ka mid ahaa.
Madaxweyne Siyaad ilaa intii xamar laga caydhsaday labadaas kooxood ayuu isku ciyaarsiinayey oo uu hadba qolo dhinacooda dhegta u dhigayey oo awooda siinayey, kooxda Mareexaan waxay wada hadalo la galeen beelihii aanay cidna kaga jirin afganbigii dhicisoobay beelahaas oo ay ugu weynaayeen beesh a Isaaq oo shirar lala galay wixii madax ka joogtay xamar waxaa Hargaysa laga keenay odayaal oo lagu martiqaaday Xamar1979 markii lagu dhawaaqay jabhadii Soodhaf (SSDF) oo ku abtirsanaysay Majeerteen. Kooxda Mareexan waxay go’aansadeen inay la shurkaan Isaaqa oo xukunka wax laga siiyo oo kooxda Samatar iyo Dafle meesha laga saaro. Ismaciil iyo Carte la soo dhawaysto o markaa aan xilal hayn, raga hawshan waday waxa u madax ahaa Cumar Xaaji Masale iyo Dr Maxamed Aadan Sheekh arrinkaasi waxaa keenay markii uu bilaabmay kacdoonki waqooyi iyo jabhadii SNM ee beelaha Isaaq inay qoladii hore ee Saamtar iyo Dafle ay mar labaad adkaadaan oo soo laba kacleeyeen sida ay ku dhacdayba xilkii waa laga xayuubiyey oo xabsigaa loo taxabay Cumar xaaji Masalle, Maxamed Aadan, Ismaciil, Carte iyo Cismaan Maxamed Jeelle, awoodi Cali Samatar ayaa dib u soo noolatay iyo Dafle, waxaa iyana jiratay qollo kale o mareexan ah oo iyagu ku xidhan qoladan sida Axmed Xoosh iyo Maslax Siyaad oo iyaga hantiilayaal laga dhigay oo lacag loo sameeyeey, mudo waxa arinku sidaa ahaado waxaa sii xoogsaday jabhadii SNM iyo hawlgaladeedi waxa dhacay shilkii Km 13 ee Siyaad dhaawaca wayni ka soogaadhay ee uu koomada galay 1986 ee degdeg loogu duuliyey boqortooyada Sacuudiga dhakhtar ku yaala waxaa la filaayey inaanu nabarada ka soo kacay sidaa darted labadii kooxood ee u tartamayey dhegta Siyaad iyo awooda dawladda ayaa toos isugu dhacay waxaa loo diiday Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeenka kowaad inuu madaxtooyada galo oo waxaa is hortaagay askar u daacad ah kooxda Mareexaanka, waxa dhinaca Mareexaanka madax waqtigan u ahaa C/raxmaan Jaamc Bare iyo Warsame indhoole iyo saraakiil Mareexaan ah oo loo bixiyey Tuutaale. Haddaba, markii uu Siyaad si mucjiso ah uga soo kacay dhaawacii shilka ku gaadhay waxa uu raacay dhinacii qoladii Mareexaan ee loolanka ku jirtay waxa uuna xilkii wasiirka maaliyadda u dhiibay Cabdiraxmaan Jamac Barre iyo ragii ku xidhnaa waxay bilaabeen oo dib u soo nooleyeen siyaasadii ahayd in iskaashi lala yeesho beesha Isaaq taas ayaa keentay ololahii aan ka soo sheekeyey ee ka socday 1987 iyo horaantii1988 ee Hargaysa iyo Burcoba. Hadaba markii Xasan Guuleed madaxweynihii Jabuuti shirkii IGAD 1988 ee lagu qabtay Jabuuti uu ku heshiisiyey madaxwaynayaashii Migiste iyo Siyaad ee Itoobiya iyo Soomaliaya, ayuu ka baxay Siyaad ololihii ay wadeen kooxda Mareexaan arrinka waxaaa BBC ka cadeeye waraysi uu siiyey Dr Gaboose oo markaa ahaa madaxdii Isaaq ee la socotay weftigii Siyaad oo joogay Jabuuti, waxa aan laga war hayn sida uu u hirgali lahaa ololahasi waxa aan cidina ogayn madaxda Isaaq ee joogaty gudaha dalka ee ku jirtay dawladda Siyaad inay xidhiidh la leeyihiin madaxdii SNM ee dibada jirtay, hase yeeshe mar aan arrinka ka waraystay nin ka mid ahaa madaxda SNM waxaa uu ii sheegay in xidhiidhkaasi jiray oo ay niman ku jiray xukumada Siyaad ay la soo xidhiidheen madasxdii SNM, oo mararna lagaga war bixiyey shirarkii jabhada xidhiidhkaas, waa socday ilaa 1987 xidhiidhkaasi hadaba markii uu siyaad balankii ka baxay ayaa qoladii Mareexaan ee hormuudka u ahaa Cabdiraxmaan mar danbe laga adkaaday, markii ay jabhadii SNM soo galeen Hargaysa iyo Burco ayey arrinkii cirka isku shareeray waxa soo noolaaday kooxdii Samatar iyo Dafle.
Hadaba dawladdaa aan ka mid noqday 1990 waxaa madax ka ahaa Samatar iyo kooxdiisa ragga ku jiray waxay ahaayeen kooxdaa hore sidaa darted xukuumadani may ahayn mid wax talo iyo tayo u haysa xaalada dalka ee sii xumaanaysay, taladaduna waxay ahayd wax ha layska celiyo ciddi talo kale keentana waxay ahayd jeelka ha loo diro oo ahayd habkii ay ku soo badbaadeen ee ay ku soo dhaqmi jireen.
Hadaba markii ay samaysantay kooxdii Maanafeesto oo uu lahaa fikradeeda iyo abaabulkeeda Marxuun Ibraahijm Abyan ee ay soo saareen baaqii manafeestada ahayd waxaa arrinkooda la keenay golahii wasiirada ee uu gudoominayey Cali Samatar waxay taladii wasiiradu ay u badatay in loo furo wada hadal, haseyeeshe waxaanu ku war helnay in xabsiga loo taxabay raggii. Ibraahim Maxamuud Abyan xidhiidh weyn ayaa naga dhaxeeye hawlo siyaasadeed ayaanu wada galnay markii uu Sidam maareeyaha ka ahaa waxaan ku kulananay Beledweyn anigoo Lo’ ka iibsanaya isagoo hay’ad cilmi baadhis uga samaynaya sanadkii1989 waxaa uu ii sheegay inuu ku guulaystay inuu isku xidho siyaasiyiinti Hawiye iyo Majeerteen kuwa gudaha jooga hawshuna meel fiican u marayso, sidaas ayaan dhaqaaqa uga war helay haseyeeshe ma aan ahayn xubin firfircoon waxaan ku mashquulsana sidii aan reerkayga ugu heli lahaa yoomiyaha iyo xoolo lagu soo dhidhiday oo xalaal ah, raga kale ee ku jiray ee galay kooxda maanafesto waxay u badnaayeen rag ka xoogsaday dawladda oo heer ka gaadhay oo markii ay arkeen xaalku inuu xun yahay ka soo yaacay ka soo baxay sida jiirku uga yaaco doonta degaysa, lakiin macaaradoodu ma ay ahayn mid mabda’ ku dhisan sida Abyan oo isagu macaarad ku ahaa ilaa maalintii ay askartu xukunka qabsatay waxna aan ka faaiidaysan xukumada waxa uu ku noola guri yar oo ka mid ahaa guryihii lagala wareeagy qolo kiristaan ah oo ka soo horjeeday Ming Sing wax xoola ahna kama helin maamulka halka qolyaha kale ee sheeganayey mucaaradku ay ka heleen guryo waaweyn iyo xoolaba maamulka, xidhitaanka ragaasi waxay soo koobtay noloshii xukuumadan, xadhigan nimankan iyo arrinkii xasuuqi Jasiira waxay ka xidhay daymihii iyo deeqahii la siinjiray xukuumadan bishii septanbar1990 ayuu Siyaad xilkii ka qaaday Samatar waxaa markale gulaystay kooxdii Mareexaan ee Cabdiraxmaan hogaaminayey markan ayey kooxdani ku gulaysatay iskaashigii ay rabeen ee beesha Isaaq oo aay ra’iisal wasaare ka dhigeen Marxuun Maxamed Xaawadle Madar waxa kale oo wasiirka gaadiidka badda cirka dhulka laga dhigay Hiirad wasaradaas oo balaadhan isagoo isna beesha Isaaq u dhashay Cabbdiraxmaan waxaa uu noqday wasiirka maaliyad iyo Cabdiqasina arrimaha gudaha iyo raíisal wasaare ku xigeen, hadaba maadama ay Cabdiraxmaan iyo kooxdiisi guulaysatay oo aay isagan isku xidhnaayeen wasiirkii hore beesha Warsangeli Maxamed Gacamey waxaa uu doonay inuu xilkii ku soo celiyo oo aniga layga saaro, haseyeeshe madaxdii Isaaq ee dawlada ku jirtay oo ka mid yihiin Maxamed Xaawadle iyo Cabdilaahi Maxamed Hiirad, iyo Maxamed Saalax oo Agaasime guud aha oo ku xidhnaa kooxda ayaa ku adkaysatay inaan anigu xilka sii hayo,. .
Dhamaadkii qarnigii19aad marka reerkayaga reer Gees Shiikhdoon Berbera soo degeen waxaa dhacday in aanu isku milano beelaha Isaaqa oo aanu wax ku barano dhexdooda kala guursano ka ganacsano guryo ku yeelano Berbera, Hargaysa iyo Ceerigaabo aanu ku dhex yeelano saaxiibo isu baranay si aanay noo aqoon beelaha aanu isku haybta nahay ee Harti. Dawladdan cusubi waxay ahayd mid barnaamij la timi ay wax ugu qabanayso dalkaan oo ahayd sidii xilka loga wareejin lahaa Siyaad iyo kooxdiisa iyada oo aanay wax dhibaato ah iyo burubur dalka ka dhicin, waxaa la hirgeliyey dastuur cusub oo xilka siinay raíisalwasaraha awooda madaxweynahana yaraynaya ogolaanaya furitaan asxaab, doorasho xor ah in la qabto waxaa la baabiíyey maxkamadihii badbaadada iyo qodobkii 51 ee dilka badnaa waxaa la baabiyey xisbigii hantiwadaaga, waxaa Siyaad lagula hesheiiyey inuu sii joogo 2 sano ee u hadhay isagoo aan awoood lahayn hase yeeshe waxay ahayd waqti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen kumu simin waqtigu xukuumadii inay ka midhi dhaliso, barnaamijku waxaa uu aha mid aad dib ugu dhacay waxay la kulantahy cadhadii weynayd ee Soomaali ku habsatay ee Xamar ka dhacday 31 Decebar1990.
Dharaarihii nu danbeeyey ee taliski Siyaad Barre
Ninkan Cabdiraxmaan Jamac ee u tafa xaytay inuu badbaadiyo taliskii walaalkii ee uu ka mid ka ahaa isaga laftiisu na ahayn nin isbedelku dhab ka yahay ama ka nadiif ah ceebihii taliska waxaa uu ii qiray Cabdirisaq Juriile oo mashruuci Fay ee deeqdii talyaaniga ka madax ahaa oo hadana ah wasiirka Qorshaynta ee dawlada Imbagti in Cabdiraxmaan iyo raii’salwasaarihii Talyaaniga ee waqtigaas Karaasi ay ku lahaayeen mashruuca komishan gaadhay ilaa 32 malyan oo doolar oo ay labadoodu kala qabsadeen.
Markuu ahaa wasiirka arimaha dibadaba waxa uu hoos geeyey shirkadii kalluumaysiga ee dawlada wasarada arimaha dibbada oo uu madax uga dhigay Eng Muunye oo reer Baraawe ah oo ilaa maanta haysta, ma ahayn nin caqli badan ee waxaa uu ahaa nin kibir badan oo aqoon yar hase yeeshe waxaa uu gartay in taliskii buruburayo oo waxa uu doonay inuu badbaadiyo laakin waxay ahayd waqti dhamaaday ciyi waa ka baryey. Aniga isaga oo aan awalba i jaclayn ayaanu isku dhacnay waxanna u tagtay warqad aan u qoray maalintii Axada oo mudahaarku dhacay, warqadaas waxaa akhriyey Maxamed Saalax oo ahaa agaasihii guud ee wasaaradayda oo igu yidhi waxaa soo baxday Profisirnimadaadi, waxa dhacday inuu London uga yeedho ninkii uu awalba rabay ee Gacamay oo ku soo beegnay malintii ay Xamar xabadu ka dhacaysay, ninkaas oo isagoo ku jiray guri u dhawaa Madbacada u qaylo dhaansaday isaga iyo xaaskiisa askartii ilaalinaysay madaxtooyada oo la geeyo madaxtooyada oo lagu qabsan gaadhay oo dirqi looga soo saray isaga iyo Siyaad.
Anigu waxaan la socday xaaladda dalku marayo waxaan ahaa nin dhawaan ku soo biiray maamulka sidii aan hore u soo sheegay sidaa darteed socdaal laygu casumay waxaan ku beegay 2 Diinsanbar, casumaadaas oo ka timi shirkadd Kuuriyadda koonfureed ah oo ay xidhiidh lahaayeen wasaaradda Kalluumaysiga waxaan kale oo sii qaatay fiisayaal dhawr dal oo yurub ah sida Jarmalka, Talyaaniga iyo Ingriiska, waxaan joogay muddo toban maalmood ah magaaladda Siiyool ee Koonfurta Kuuriya, markii aan ka soo laabaty waxan magaaldda London soo galay 13 Disanbar, markii aan socdaalkan u baxayey waxaan kala sii balamay reeraha nin aanu ehel ahaynoo sarkaal ciidamada ahaa inuu soo daad gureeyo marka xaaldu casaarka gaadho, siday u dhacdayba taladaydii ma yeelin ee wefti dibadda u baxaya ayuu ayaamahaasba raacay, 24 Dinasbar ayaan la soo hadalay Muqdisho,waxaa lay sheegay in xaaladii casaankii dhaaftay, ninkii aan ku halaynayey reerahana uu dalka ka maqan yahay, sidaas darteed waxaan goostay in aan xamar dib ugu noqdo waxaan soo raacay diyaaradi ugu danbaysay ee Somali airline ee Xamar fadhiisata waxa safarka la socday agaasimihii waaxda kallunka ee wasaradda waxaa uu ila tegay London, waxaa dhacday intuu London joogay inuu iigu keeno huteelkii aan degana nin Ingiriis ah oo aan aqaanay oo ka shaqayn jiray mashruuc kalluumaysi oo Soomaliya ahaa, Agaasimuhu waxa uu ahaa nin Abgaal ah Xuseen Cali Axmed waxay hore u soo sheekaysteen ninkan Ingiriiska ah waxaanu u sheegay in taliskii Maxamed Siyaad dhacayo oo dalkii Hawiye qabsanayo oo isaggu noqonayo wasiirka Kalluumaysiga, ninki Ingiriiska ahaa oo aan isagu Soomalida kala aqoon markii uu ii yimi waxaa uu ii sheegay warkii Xuseen u sheegay iyo isbedelka dhacaya. Xuseen Cali Axmed ma dareensanayn sida xaalku noqonayo iyo sida uu arrinku ku danbaynayoiyo in kacdoon qabiil ahi oo isna qabiil u sii kala jajabi doono, arrinkaasi wa arrimaha uu fahmi kari wayey aqoonyaahanka Soomaliyeed ee qabiilka dabada geliyey si uu xukun u helowaxa u hilmaamay in qabiilku sii dhalayo qabiil kale oo aanu lahayn meel uu ku joogsado. Waxaa dhacday in Xuseen Anigoo ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaliland ay soo fadhiisato garoonka Hargaysa diyaarad uu la socdaa oo ay habeenki ku dhaxday, Xuseen waxaa gurigayga iigu keenay Axmed Xuseen Oomane wasiirki Kalluumaysiga Soomaliland oo ay hore isu yaqaaneen, waannu sheekaysanay isagoo aad uga dayrinaya Xamar iyo siday waxba uga dhismi waayeen, lana yaabsan horumarka Soomaliland gaadhay, markii aanu joognay Rooma ee sugaynay diyaaraddii Somali airline waxaanu la kulanay niman badan oo Abgaal ah oo ay Xuseen is garanayeen oo markaas u ololaynayey USC waxaa ka mid ahaa nin la yiraahdo Eenow oo ah ninka samaystay dekedda Ceelmacaan ee Xaamr alaabtu uga degto haddana ku nool isaga iyo qoyskiisi Virginia waddanka Maraykanka halkaas oo uu guryo ka iibsaday iyo laba nin oo kale oo ABgaal ahaa oo la kala oran jiray Madaxay iyo Laangadhe oo aanan garanayn meel ay ku danbeeyeen, waxay igula kaftameen oo run noqotay inay Xamar soo galayaan 1da Jeenaweri oo ay ka tuurayaan Siyaad Barre taliska waqtigaa waxay ahayd 23 Diisanbar, arrinkaasi run ayey noqotay waa kii kacdoonkii bilaabmay 31 Diinsabar 1990. Anigu waxaan Xamar ka baxay oo u baxay dhinaca Kismaayo 2 Jeenaweri 1991 Anigoo wata reerkaygii, wixii ehel ahaa ee deganaa xamar iyagana waxaan u soo daadgureeyey Kismaayo, waxaan Anigu yaqiinsana in aan Xamar dib danbe loogu noqonayn haseyeeshe dad islahaa marka Maxamed Siyaad ka baxo nabad ayey noqonaysa oo dib ugu laabtay naftoodi ayey ku waayeen, waxaa xiiso leh in aan galay oo ku degay huteel uu laha aDaahir Jaamac Barre (cascasay) oo ay Maxamed Siyaad walaalo ahaayeen galay qolka 04 oo lahaa musqul gudaha ah, niman Daarood ah oo aanu Kismaayo u soo wada qaxnay ayaa igu oran jiraywasiirkii soo baxsaday anna waxaan ugu jawaabi jiray qolka 04 ee Huteelkan ayuu Siyaad iigu imanaya, arrinkaasi dhabayey noqotay 26 Jenaweri 1991 ayuu qolkaygii Anigo ka maqan ku soo degay oo habeenkaas seexday , Maxamed Siyaad Barre habeenkaas oo keliya ayuu u hoyday Kismaayo ka dibna waxa uu u baxay gobalki uu ku dhashay ee Geddo iyo Buurdhuubo ka dibna waxa uu ku geeriyooday waddanka Naajeeriya magaaladda Abuuja 1995 ciddina war kama sheegin siduu u dhintay, walaalkii Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaa uu sheegay marki ay BBC waraysatay inuu habeenkii seexday isagoo caafimaad qaba oo aroortii la arkay isagoo meyd ah. Hore ayaa loo yidhi qofka Ibna Aadanka ah wax kasta oo kele waa lala wadaaga ee geerida lalama wadaago ee waxay ku timaadda keligii oo qofka uun aya dhinta. Maxamed Siyaad mMadaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaliya, Gudoomiyihii XHKS Taliyihii Ciidamadii Afrikadda madow ugu xooga roona waxaa uu dhintay isagoo keligii qolkiisa ku jira oo aanay ka warhayn Wasiiradiisi badnaa, Qabiilkisi iyo Carrurtiisi uu aad u jeclaa iyo dadkii kale ee ku xeernaan jiray waa arrin uu ku cibaaro qaato qofkii fekeraya weliba kuwa u bu’aya xukun maroorsiga dalkan burburay. Marxuun Maxame Xaaji Ibraahim Cigaal oo u dhawr iyo toban sano xabsiga ku hayey oo ahaa ninkii uu xukunka ka inqilaabay oo waqtigaa ahaa Madaxweynaha Soomaliland ayaa markii BBC waraysatay aarinka ku saabsan geerida Siyaad yidhi waannu dabaaldegi lahayn haseyeeshe anagiiba ayaan nabad haysan nasiib darro isagoo xamaasad ku gelinayey daweynaha Isaaq ee is dilaya,geerida siduu u dhintay Marxuun Maxamed Siyaad Barre ciddina ma ogaaan xitaa laanta BBC af Soomaliga ee afka dheeri waxba kama sheegin sidduu u dhintay, haseyeeshe waxaan war ku helay laga so xigtay Madaxweynihii waqtigaa Nayjeeriya Sanyo Abaje in uu Maxamed Siyaad is dilay, habkii uu isu dilay lama sheegin ee waxaa loo maleeyey inuu dawo isku dilay.
Nayroobi iyo Noloshii ( Salama Kabisa
Waxaan laba diyaaradood ku soo qaaday reerihii intii aan qaadi karayey 12 febarwari 1991 oo keenay Nayroobi, halka ay dadku raadsanayeen dhoof Yurub iyo Maraykan ah ugu kacaan Anigu ma raadsan doqonimadayda, waxaan dhexgalay siyaasadii, waxaa Nayroobi lagu hayey siyaasad Maamulkii Siyaad ka soo jeeda oo wejiyaal badan leh oo Daarood ah, qolo lagu magacaabi jiray Haraagi waxay iyagu ku jireen wax iska celin iyo tolayeey, iyo qolo horeba mucaarid ugu ahaa maamulkii Siyaad oo iyagu danaynayey inay Hawiye la shaqeeyaan oo dawladda la dhistaanoo ay madax u ahaayeen C/risaq Xaaji Xuseen, Maxamed Abshir, Cumar Macallin iyo kooxdii Manafeesto kuwaas oo ka qaybgalay shirkii Jabuuti ee Madaxweynaha laga dhigay Cali Mahdi Maxamed, waxaase badnayd qoladda heshiiska diidan ee lahayd aan wax iska celino, kala qaybsanaantaasi waxay keentay in magaaladda Kismaayo gacanta u gasho USC. Waxaan kula taliyey qolyihii Wersangeli ee Kiinya u soo qaxay intii I maqlaysay in la raadiyo sidii loogu noqon lahaa waqooyi iyo degaankooddi oo aan lagu habsaamin Kismaayo, waxaannu bilownay hay’ada SDRA oo markii danbe caan noqotay, oo aannu Nayroobi ku Aasaasnay taas oo markii danbe Diyaarrado ku soo qaaday dadkii oo ku soo celisay Xerro Warsangeli, waxaannu dhinaca kale iska helnay Nayroobi nin aannu waqti badan saaxiib ahayn Maxamed Cali Caateeye ninkaas oo ka mid ahaa qolyahii u raacay Garaad Cabdi qani Balli gubadle ee la kulmay SNM, waxannu qol ka kiraysanay huteelka Six eighty (680) qolkaas oo ku caan noqday arrimaha siyaassada waqooyiga ee Nayroobi oo ay cid walibaa dibadda kala soo xidhiidhi jirtay oo lambarkiisu ahaa 202 waxaannu halkaas ka furnay aqoon iswaydaarsi dadkii reer waqooyiga ee deganaa Nayroobi ama u soo qaxay, waxaa arrimahaas nnagula jiray Xaaji Maxamed Musbaar, waxaannu meesha ka samaynay merfish ay wada fadhiistaan dadka ka soo jeedda beelaha waqooyiga dega sida:- Isaaq, Samaroon iyo Harti ( Warsangeli & Dhulbahante) qolka kiradiisa iyo jaadka waxaa kala qaybsan jiray Aniga iyo Maxamed halkaas ayaannu ka soo ambabixinay dadkii ka qayb galay shirarki nabada ee Berbera iyo Burco oo aan diyaarad ka soo saarnay gaar ahaan Wersangeli iyo Dhulbahante, maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Soomaliland ayaannu xidhnay qolkaas 18 May 1991, halkaas ayaanu ka bilownay dhaqdhaqaaqi nabadaynta beelaha Soomaliland ragaasi waxay ka wada qaybgaleen shirarkii Burco, Sheekh, Boorame & Ceerigaabo shirarkaas oo lagu nabadaynayey beelaha Soomaliland oo ay ragaas qaarna madax ayey ka noqdeen xukuumadihii kale danbeeyey ee Soomaliland. 16 April 1992 ayaan reerkayga geeyey magaalada Ticis ee Yaman waxaa ii suurta geliyey in aan hawlahaas galo oo u adkaysatay dhibaatooyinkii na soo maray xaaskayga Ilaahay ha ka raali noqdee Sahra Sh Cumar Dirir oo aan I dhibin intii aan hawlahaas ku jiray, intaan Yaman ku daadiyey carruurtii ayaan degdeg ugu soo noqday Jabuuti iyo Soomaliland, xaaskayga ayaa carruurtii iskuuladda qortay, mararka qaarkood ayaan is dhahaa denbi ayaad ka gashay reerkaaga iyo caruurtaada marka aan arko dad soo meelaystay reerahoodi oo baasabooro Ajanibi ah sita oo markii hore ee arrinku kululaa ka qaxay oo ka cararay oo haddana wasiiro ka noqday xukuumadaha Soomaliland, haddana waxaan isku qanciyaa marka aan arko si kasta ha ahaate kuwii sanaddaha badan duurka ku jiray oo ku guur seegay ama ku dhintay oo aan iyaguba waxba hayn, waa maqaadiir Ilaahay lama diido wixii laguu qoray. Waxaan imi Jabuuti oo aan kula kulmay qoladii qolkii 202 iyo odayaal kale oo ay ka mid ahaayeen Garaad Cabdiqani iyo Marxuun Maxamed Axmed Cabdule ( sakhraan), waxa kale oo aan la kulmay Maxamed Cali Caateeye iyo Maxamuud Cabdi Cali (Bayr) oo wasiiro ka ahaa xukuumadii Marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali oo iyaguna Jabuuti jooga markay ka baxeen xukuumadaas waxaa markaa socday dagaalo sokeeye ee Berbera iyo Burco, waxaanu u gudubnay dhinaca Boosaso oo markaa diyaaradi tagto, hawlihii Nayroobi ayaannu halkaas ka sii wadnay ee ahayd u ololaynta nabadaynta beelaha Soomaliland, waxa Boosaso igula kulmay ururka Al itixaad oo Boosaso qabsaday dagaal ka dibna laga saaray Boosaso ururkaas oo u sii fiday dhinaca xerro Wersangeli ilaa ay qabsadeen Laasqoray. Hawshii hore ee nabadaynta beelaha Soomaliland iyo Maamulki Soomaliland waxaa kale oo nagu soo kordhay hawsha Al itixaad sidii loo maarayn lahaa taas oo aanu ku guulaysanay, hawshaas waxaa gacan naga siiyey madax ka mid ahaa jabhadii SNM ragaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Kaahin, iyo Ibraahim Dhegeweyne waxa kale oo iyaguna gacan naga siiyey niman Dhulbahante ah oo ka mid ahaa kooxdii qolkii 202 oo ay ka mid ahaayeen Baashe Cali Jaamac iyo Ciise Soofe Duraan ninka danbe oo ka mid aha Al-itixaad ayaannu adeegsanay oo aanu ka dhignay inuu madax u noqdo waddaadada haysta Laasqoray waxaanu iyadana ku guulaysanay in ninkii hore u haystay oo ahaa Habargidir Caydh anu ka bedelnay ninkaas oo la yiraahdo Daahir Aweys oo hadda madax ka ah maxkamaddaha Islaamiga ee Muqdisho, Ciise waxaa uu noo fududeeyey inuu wadaadadii nabad kaga saaro Laasqoray iyo deegaankii Wersangeli oo qaas iiyo dhabaato dhicin oo aan dad badan lagu layn sidaas ayuu arrinkaasi ku dhamaaday. Marka lays barbar dhigo sidii uu yeelay Cabdilaahi Yuusuf ee ay ku dhinteen boqolaal dhalinyarro ahi markii uu la dagaalamayey ururki Al- itixaad iyo sidan danbe waa labo aan isu dhawayn.
Sanadihii cadhadu waxay ku soo dhamadeen shirarkii kale duwanaa ee ka dhacay Sheekh,Ceerigaabo iyo Boorame 1993 inkastoo ay haddana mar danbe cadhadii ka soo cusboonaatay Hargaysa iyo Burco 1994 ilaa 1997. mudadii 10 bilood ahayd ee aan ka mid ahaa dawladii ugu danbaysay ee Soomaliya hawlo badan ayaan ka qabtay wasaaradi aan joogay haseyeeshe mar haddii ay isla duntay dalkii iyo xukuumadii oo dhami wax la sheegsheega ma jiraan, haseyeeshe waxaan ka faa’iiday waxyaalo nolashaydii danbe wax taray, waxaan ogaaday in haddii shaqaalaha Soomaaliyeed noloshooda lagu dadaalo oo baahidooda wax laga qabto ay iyagguna si fiican u hawlgalaan, baahidooda oo aan ahayn mid buuran, caddaalad iyo sinaan haddii lagu dhaqo inay iyaguna si le’eg kula dhaqmayaan madaxdooda oo ay ka dhex abuurmayso is ixtiram aan weligeed dhamaan, waxa uu kugula dhaqmayaa in ninka madaxda ahi uu tusaale u yahay shaqaalihiisa oo ay u dhaqmaan siduu u dhaqmo, haddii uu tuug yahay ay tuugo noqdaan,haddii uu caajis yahay iyaguna caajis ayey noqdaan hadii uu nadiif yahay oo ay wax qabad ku arkaan iyaguna way ku daydaan.
Hadii Hadi dhaco oo Hareerigu hoosta ka engago oo hadhyare Qudhac hablo diirtaan oo Higlada Bari libaaxu hadhgalo, adaa hoogeye xagaad hadh u Dayan
Waxaan ayaamahan danbe hadal haynteedu ku badatay Jaraa’idka ayna ka doodeen asxaabta mucaaridku Guddi dawladeed oo loo xil saaray goballadda bari gaar ahaan Sanaag iyo Sool.
Waxaa hadaba is waydiin leh Xukuumadda iyo Asxaabtu xog intee le’eg ayey ka hayaan wadada dheer ee loo soo maray nabadaynta iyo dib-u dhiska Soomaaliland gaar ahaan goballadda bariga
Gobalka Sanaag waxaa ku dhaqan oo Illahay ku beeray Beello badan oo aadse loo yaqaano afar beelood oo kala ah ( Habar yoonis, Habarjeclo,Dhulbahanteiyo Warsangeli)
Intaan Sanaag noqon gobal waxay ahayd district Cerigaabo, juqraafi ahaana wuxuu ka bilaabmaa dhinaca galbeed Cadaad kulaaleed ilaa bari waylo oo magaalada Qardho u jirta 25km waana xadkii mustacmaradihii Ingriiska iyo Talyaaniga, qiyaasta dhulka uu ku fadhiyo waxaa lagu qiyaasa saddex meelood meel ahaan dhulwaynaha Soomaaliland (1/3)
Dhulka intaa le’eg magaallada ugu wayni waa Ceerigaaabo oo ah magaalo madaxda gobalka taas oo ahayd meeshii uu fadhiyi jiray DC ingriiska ee xukumi jiray degmadaas , magaaladaas ayuun bay beelaha ku dhaqan gobalku wada degaan taas oo cid waliba degan tahay oo aad u kortay , gobalka intiisa kale waa magaalooyin yaryar iyo tuulooyin ay degan yihiin reer keliya oo u sii kala baxa ardaayo iyo tuulooyin
Hadaba waxaa maamul dawli ahi ka samaysmi karaa meesha la wada degan yahay kaas oo astaan maamul u noqan kara gobalka kana sii fidi kara markuu hana qaado
Maanta Ceerigaaabo waa la wada degan yahay mahad Alle weeye, wixii dumay dib ayaa loo dhisay, dhismayaal cusubina waa laga dhisay wayna dhismaysaa waxay leedahay baahidii nolasha intii u muhiinsanayd xagga horumarka casriga ah sida biyo,laydh, telifoon ,internet . Waxaa ka furan Isbitaal, dugsiyo hoose, dhexe iyo sare waxaa taga diyaaraddo ganacsigu waa isu furan yahay bari iyo galbeed. Waxaa jooga macalimiin iyo hayaddo samafal oo ajanebi ah
Hadaba xaaladu sidaas may ahayn mudo hadda laga jooga 10 sano gushaas waxay ku timi dadaal qunyar socod ah oo ay iska kaashadeen kana wada qayb galeen Guurtidda, Aqoonyahanka, & Haweenka beelaha wada degan gobalkaas iyadoo aanay cidna dibada uga iman
Waxaa xusid mudan halhays ah Rooma maalin qudha laguma dhisin sidaa darted wafti xukuumadda ah oo maalmo ku qayila wiilalna qaad u qaada ka weyn xaajaddu.
Waxay u baahan tahay in la derso xaalada maanta iyo waxii loo qaban karo oo meeshi baahi jirto si cilmi ah wax looga qabto taas oo noqota mid joogta ah oo aan wax yeelayn wixii hore u jiray
Haddii aan xusuusta dib ugu noqono 10 sano mudo laga joogo taas oo ahayd dib u yagleelkii nabada shirwaynihii beelaha reer Sanaag ee lagu qabtay Ceerigaaabo. Waxaa shirkaas ka horeeyey shirar doceedyo ka soo bilaabmay 1991 markii dawladiii Maxamed Siyaad burburtay iyo dagaaladii sokeeye ee dadkii wada degana ku kale qaxeen magaaladi Ceerigaaabo oo ay beel waliba ku noqotay tuulooyinkii u gaarka ahaa ee aan soo sheegay
Shir doceedyadaas waxaa ka mid ahaa Yubbe1, Yubbe 2 iyo Jiidali ooo dhex maray Warsangeli iyo Habaryoonis bari
Ceelqooxle, Shinbiraale oo dhaxmaray Warsangeli iyo Habarjeclo
Darar weyne oo dhex maray Dhulbahante iyo Habar yoonis
Garadag oo dhexmaray Warsangeli, Habarjeclo iyo Dhulbahante
Shirar kale oo dhawr ah oo dhexmaray Dhulbahante iyo Habarjeclo
Shirar beeleedyadaas ay isugu imanayeen laba beelood ama saddex waxaa laga wada hadli jiray xabad joojin iyo wixii danta ah sida daaqa waxa danbe ee dhaca wixii laga yeelli lahaa iyo biyaha. Marwalba tuulada lagu qabanayo beesha taal ayaa marti gelin jirtay, hase yeeshe shirarku waxay ahaan jireen shirar nabad أ¢â‚¬“dagaal oo qollo walbaa ciidankeeda iyo tignikadeeda way la iman jirtay
Inkastoo shirar bilaabmeen oo lawa hadlay oo xabad joojin jirtay hadana waa lakala yaalay oo isu socod caadi ahi ma jirin oo xad ayaa lakala lahaa, waxaa jirtay gooba laysugu iman jiray oo ay ugu weynaayeen labada goobood oo ganacsigu ka socday oo baabuurtu rarka iyo rakaabka ku kala wereejin jireen oo mid walbaa dib uga noqan jiray
Waxay ahaayen goobahaasi xagga sare oo ahayd Higlo kala noqod oo u dhaxaysa Yubbe iyo Jiidali. Xagga hoosena waxay ahayd Ceel qooxlle. Laysuma gudbi jirin oo qola walbaa halkas ayey ka noqon jirtay, xaaladu halkaas ayey joogtay intaan laysugu iman shirwaynihii beelaha sanaag ee Ceerigaaabo
MagaaladiiCeerigaaabo oo ahayd xaruntii gobalka waxay ahayd meel aan baabuur soo gelin oo ay beel qudhi joogto beeshaas oo ahayd Habaryoonis bari inkastoo Habarjeclona cidi ka joogtay waxayna la mid noqotay tuulooyinkii aan soo sheegay ee ay deganaayeen beesha keliyi
Dad badan oo Siyaasiyiin ah oo ka mid ah beelaha degan Sanaag ayaa jeclaa in arrintu sidaas noqoto oo aan laysku soo noqon oo sidaas loo kala xidhnaado, dadkaasina ilaa maanta way jiraan ha jogeen soomaliland ama meel kale fikirkoodina isma bedelin.
Waxaa xusuus mudan markii shirwaynaha loo balamay july 1993 waxay Habaryoonis bari ergo u soo diray Warsangeli sidii ay balantu ahayd oo ka koobnaa 7-10 nin oo ay dhamaantood warsengeli dhaleen intooda badanina ay xidid la ahaayeen Warsangeli, waxay soo gaadheen tuulada Yubbe halkaas oo lagu nageeyey iyagoo doonayey in ay u soo gudbaan Hadaftimo oo ka socday shirweyne Warsangeli
Waxay shirweynihii Hadaaftimo u soo direen ergadii koox odayaal ah waxaanna la soo dhexgeliyey oo lagu soo daray niman xag-jirayaal ah oo doonayey in dadku sidii hore u kala xidhnaado oo aan lays ku soo noqon shirkuna burburo kuwaas oo ugu yimi ergadii yubbe
Markii aan arrintaas ogaanay qolyahayagii doonayey in la nabdo oo shirka la qabto dadku isku soo noqdo, ayaa waxaannu soo raacay gaadhi tikniko ah (Baroon) niman ay ka mid yihiin Aniga Maxamed Saciid, Axmed Cadami, Maxamuud Cabdi Xaamud, Saciid Bidaar, soo raacista baroonka waxaa nagu kaliftay anagoo ka baqayna in ay xagg-jirayaasha beeshayadu na dilaan , sidaas ayaanu ku inimi Yubbe, iyadoo ergadii ay habeenkii hore is maan dhaafeen qolyahii laga soo diray Hadaftimo oo shirka burburinayey , habeenkii labaad ayaan la kulanay ergaddi oo aan u sheegnay in balantii sidii hore tahay oo aan shirka imanayno .
Waxaa dhacday markii ay nimankaas ergada ahi ka soo anbabaxayeen Ceerigaaabo sida uu ii sheegay ninkii soo raacay ee Warsangeli (Siciid Bidaar) in la geeyey darista Ceerigaaabo oo la dhaariyey oo lagu yidhi wax laydin faro mooye wax kale ha sheegina, markii la dhaarinayey ayaa waxa soo booday ninkaas Warsangeli oo yidhi war mid xanta noo sheega dhaarta nooga reeba, markaas ayaa lagu yidhi Hebel ayaan waxba qarin ee isaga hala reebo.
Dhulbahantahana sidaas oo kale ayaa waxa loogu diray ergo ay wada dhaleen dhulbahante kana qabay.
Waxaan ku heshiinay ergadii in aan soo dirno shan qof oo ka mid noqda gudiga qaban qaabadda shirweynaha beelaha sanaag.
Markii aan ku noqonay shirkii Warsangeli ee Hadaaftimo waa laysku khilaafay oo waxaa loo kala jabay laba garab, oo loo badan yahay garabka ka soo horjeeda shirka iyo nabada o leh sidaa ha loo kala xidhnaado xadkuna ha jiro iyo garab leh shirka hala tago nabadana hala qaato waanna shirkii horeeyey ee Warsangeli isku khilaafo kaas oo lagu kala qaybsamay Odayaal, Siyaasiyiin, ciidan iyo tignikadii.
Anagoo fulinayna balantii iyo heshiiskii aan la soo galnay ergadii Yubbe waxaan hoos ahaan u dirnay oo si qarsoodi ah uga baxay hadaaftimo habeenimo shantii nin ee aan ugu talagalnay in ay ka mid noqdaan qabanqaabiyaasha shirka Ceerigaaabo kuwaas oo ahaa
1. Axmed xaaji Cali (Cadami)
2. Marxuun Cabdi Shire Diiriye
3. Marxuun Ciise Sharmaake Caamir
4. Siciid Maxamed Ismaaciil (Bidaar)
5. Ismaciil Maxamed Maxamuud (Jarafle)
6. Iyo direewalkii gaadhiga Marxuun Maxamuud Xussen Cismaan oo markii uu soo noqday lagu dilay Laas-qoray iyadoo jiray go’aan hoose oo ay gaadheen garabkii naga soo horjeeday ooahaa ciddi Ceerigaaabo tagta in la dilo
Nimankaasi waxay gaadheen Ceerigaaabo si lama filaan ah iyagoo ay isugu yimaadeen shantii nin ee qabanqabada u socotay beesha dhulbahante oo ka soo anbabaxay Fiqifuliye oo kala ahaa
1. Maxamuud Foolmadoobe
2. Xuseen Axmed Cabdileh
3. Maxamed Xasan Ilaalo
4. Cabdi Xuseen Mataan
5. Nin aan hada xusuusan magaciisi
Nimankaas si fiican ayaa loogu soo dhaweeyey Ceerigaaabo iyadoo lagu dejiyey qolo walba ciday qaraabada ahaayeen
Waxaa ku soo biiray oo xagga Jabuuti ka soo raacay diyaarad oo siday raashinkii shirka iyo agabkii loogu talagalay shirka oo ay bixinaysay hayadda wadaniga ee SDR oo Warsangeligu lahaa taas oo bixisay wixii shirka looga baahna iyadoo qaar soo saartay Doon uu lahaa Cali Ducaale oo ahayd doontii Warsangeli ee ugu horaysay ee soo gasha maydh, diyaarada waxa la soconay Aniga Maxamed Saciid, Maxamuud Cabdi Cali (Bayr) iyo Maxamuud Cabdi Xaamud.
Wixii raashin iyo agab shirku u baahna sida qalabka hurdada, ka wax lagu cuno weelka biyaha iyo laydh anagaa keenay beelahu waxay iska bixinayeen khusaarta iyo iidaanka.
Markii ay kulmeen gudigii qabanqaabada shirku waxay soo jeediyeen hab dhaxal gal ah oo ka duwan hababkii loo qaban jiray shirarkii hore waxayna ku heshiiyeen qodobadan hoos ku qoran oo ay soo diyaariyeen habka fikirkan Aniga Gees, Beyr iyo Saciid Jaamac Cali oo ay gudigii intiisi kalena nagu raaceen oo la gudoonsaday in lagu dhaqmo
1. Habkii nabad-dagaalka oo laga baxo oo aan tigniko iyo ciidan aan magaalada lala soo gelin
2. Beelaha jooga Ceerigaaabo in ay ka saaraan magaalada ciidankooda iyo tignikadooda marka laga reebo wixii looga maarmi waayo nabadgelyada
3. nabada shirka ay ka masuul yihiin beelaha habaryoonis bari iyo habarjeclo, halkii awal beel walba shirarki hore iyadu iska masuul ahayd nabadeeda
Qodobka kowaad waxa ka biyo diiday beesha dhulbahante oo ay ka maqnaayeen odayaal iyo siyaasiyiin ay tuhmayeen , markii aan anagu gooni ula shirnay oo u damaanad qaadnay iyaguna way nagu raaceen oo way gudoonteen
4. waxaa loo qaybiyey nabada shirka in ay ilaaliyaan 200 nin oo calaamad gaar ah leh raashin gaar ahna la siiyo
5. waxaa lagu heshiiyey in shirgudoon la sameeyo ka kooban 9nin oo beel walba 2qof laga soo doorto marka laga reebo beesha habaryoonis oo 3qof laga soo doortay
6. waxa la qorsheeyey in laba qolaba ay mar shirto oo ay darista tagaan shirgudoonkuna ku daro xoghayn wax u qorta , waxay ku heshiiyaana shirwaynaha laga ansixiyo sidaa awgeed ayu shirka intiisa badani dibada ku soo dhamaan jirtay
7. in la sameeyo gole Salaadiin Iyo garaado ah oo wixii laga maarmi waayo lagala tashado salaadiinta timi waxaa ka mid ahaa
a) Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac
b) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
c) Garaad Ismaciil Ducaale
d) Suldaan C/laahi Suldaan Cali
e) Marxuun Suldaan Ciise Xirsi Qani
f) Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir
g) Suldaan Siciid Suldaan Cali Ducaale (wakiil)
Waxaa halkaa xusid mudan in aan beesha Warsangeli aanu iman suldaankeedi isagoo Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud uu xanuunsanayey oo uu soo wakiishay Ismaciil Suldaan Maxamuud amarna ku siiyey in uu shirka tago oo magaciisa kaga qayb galo
Ismaciil shirkii ma uu iman wuxuu raacay garabkii shirka diidanaa wuunna ka dhego adaygay amarkii Suldaan C/salaan, sidaas awgeed waa la saluugay ergadii beesha Warsangeli ee shirka timi iyadoo ka koobnaa 3 ardaa caaqiladoodii iyo niman siyaasiyiin iyo odayaal ah.
Markii uu xaalku halka marayey ayaa waxaa soo dhexgalay Marxuun jiif Caaqil Ismaaciil Muuse oo jiray da’ ka badan 120 sano oo ahaa tiir ka mid ah tiirarka shirku ku socday ayaa isagoo dhiiri geliya waxaa uu yidhi halhays cajiib ah oo ku tusaya hido samidii nabad jacaylka soomaaliyeed kaas oo ahaa “Ergo nabadeed haddii uu yahay xitaa hal qof waa la aqbalaa, colaadse qof qudha laguma colaad qaato”sidaa ayuu ku hirgalay qabashadii shirku
Dhacdooyin xusuus iyo xiiso mudan
Aniga iyo Bayr markii aan diyaarada ka soo degnay waxa lana dejiyey guri uu ku jiray Mayarka maanta ee Ceerigaaabo Ismaciil Xaaji Nuur.
Gurigaas oo ka koobna laba qol oo isu furan qol aniga iyo beyr ayaa seexan jirnay qolka kale oo u furan oo xigay dhanka albaabkana nin qori sita oo anaga na ilaaliya taas oo ku tusaysa khatarta ay u soo badheedheen dadka shirka yimi ee dhinac walba leh waxa jirta in magaalada Ceerigaaabo dhaxan badan tahay marka dadka waaweyni ay qayilaana kaadidu ku badato sida la wada yaqaan sidaa awgeed guriga oo ahaa guryihii hore ee musqushu dibada ku taalay oo markasta oo aan u baahano godka ay khasab nagu noqotay in uu ninkii na raaco sidaa darteedna ay nagu kaliftay in aan kaadidii isku celino ilaa subaxii si aan u ixtiraamno ninkaas
Waxaa kale oo dhacay mudadaas aan ahayn gudiga qabanqaabada intii aan shirka lawada iman arrimo xiiso badan marka dib loo eego, ninkii fekerayana uu wax ku qaadan karo waxaa ka mid ahaa
I. Waxaa beelaha Hartiga magaalada ka joogay gudigaa ka hor laba nin oo keliya oo iyagu aan marna ka bixin oo ahaa Warsangeli
Kan hore wuxuu ahaa nin la yiraahdo Magan oo ahaa doobiile ahna nin bulshaawi ah markii aan la kaftanay oo nidhi maxaa kugu reebay meesha waxuu noogu jawaabay anigu mar walba dhar ayan dhaqaa oo ciddi ii dhiibata yaan u dhaqaa ee dharku ima kala xigo, waxa uu iigu daray intii aad iga maqnaydeen jaadkayga bilaash ayaa meeshayda laygu keeni jiray oo maalin ma waayi jirin hada markaad timaadeen ayaa layga jaray oo la yidhi tolkaa ayaa yimi ee jaad isiiya
Kan labaadna wuxuu ahaa Cadami oo ahaa nijaar ahna wadaad ninkaas oo markii dagaaladii socdeen ee ciidankii Siyaad joogay dad badan oo dhaawac ahaa oo isaaq ahaa qaaday oo gurigiisa ku daweeyey oo markii ay bogsadeen magaalada dhuumasho kaga saaray isna cidna godob kama filayn
II. Waxaa dhacday maalin in qolyahaygii qabanqaabada ee Warsangeli iyo qolyihii hayada SDR u baahanay meel aan ahayn guryihii aanu deganayn oo aanu gooni isugu xan qarsano dabadeedna waxaa dhacday in laba gabdhood oo Warsangeli ahi ay yiraahdeen guri qol nooga kiraysan yahay yaan idin geynaynaa. Markii aan gurigii galnay aya waxa naga helay laba arimood oo yaab leh anagoo ka koobnayn afar nin Aniga, Beyr,Cadami iyo Xaamud
ط¢آ§ Guriga markii aan soo galnay ayaa anigu is bedelay oo dareen I galay marki ay saaxiibaday I waydiiyeen waxa igu soo kordhay ayan u sheegay guriga gabdhuhu inagu martiqaadeen ee laga kireeyey in uu yahay gurigii awoowgay Maxamed Gees ee aan ku soo koray
ط¢آ§ Anagoo qayilayna hawshayadiina ku guda jira ayaa waxaa gurigii isa soo hortaagay gaadhi tigniko ah (suug) oo ciidan habaas lihi saran yihiin markii ay soo degeen ayey gabdhihii albabkii ku soo jebiyeen oo qolkii aan fadhinay soo galeen iyagoo sita qoryahoodi, nimankaas oo aanay garanayn anaga iyo gabdhaha tooni. Anagoo yaaban oo fajac iyo amakaag ku jirna maskaxdayaduna arrimo badani ku soo dhaceen oo garan la wax socda ayaa nimankii mid ka mid ahi na salaamay (salaama calaykum), waan ka qaadnay salantii (calaykuna salaam) markaas ayuu yidhi mee Maxamuud Cabdi Xaamud markaas ayey su’ashii naga sii nixisay nina wuu tilmaami kari wayey isna wuu aamusay anagoo ka baqnay haddi aan sheegno in xabad la raacsho. Markay halkaa maraysay ayaa mid naga mid ahi yidhi miyaad garanaysaan, markaas ayey yiraahdeen maya, midkale oo naga mid ah ayaa yidhi maxaad ka doonaysaan haddii aydaan garanayn. Waxay yiraahdeen xigtaan nahay, markaas ayuu yidhi waa aniga waa laysa salaamay oo lays waraystay waxay noqdeen niman habaryoonis ah (urursuge) oo ay xidid yihiin oo markay maqleen in uu yimi ka yimi Jiidali si ay ugu ciidamiyaan waxna uga doontaan
III. Magaalo Ceerigaaabo u jirta 40km oo Warsangeligu dego (Carmale) ayaa nin gabadhi kaga foolatay ayna hore u umuli wayday markii uu maqlay Ceerigaaabo ayaa laysugu tegay ayuu gabadhii soo qaaday oo ku soo dhiiraday isbitaalkii Ceerigaaabo. Nasiib daro gabadhii iyo ilmihiiiba way isku dhinteen. Waxaa na qabsaday aaskii anagoo yar una badan odayaal xabaalaha ceerigaabana gacantaa lagu qotaa wayna adagyihiin waxaa dhacday goor casar gaaban ah anagoo weli wadna xabashi aan saka bilownay, in magaaladii lays ka kaayo waydiiyey oo la yidhi nimankii Warsangeli ilaa saaka lama arag ee maxaa helay markaas ayaa la ogaaday in aan aas jirno, maqribkii ayaa waxaa noo yimi iskarogo rag ah oo buuxda oo uu hor kacayo Dacar Aadan Cade oo sita tiriigyo iyo qalabkii wax lagu qodayey, markay na soo gaadheen ayey yiraahdeen ka soo baxa xabaasha oo iska nasta anaga dhamaynaynee
IV. Habeenkii aan magaaladda nimi ee diyaarada ka soo degnay waxaa dib u dhacay qaadkii magaalada oo burca uga iman jiray, inta badan qaadka Ceerigaaabo dhexdaa lagu dhici jiray oo jidkaa loo geli jiray, waxaa lakala garan waayey in la dhacay iyo in si kale wax u dhaceen. Markii qoraxdii dhacday ee la waayey ayaa gaadhi waxaa kaxaystay koox dhalinyaro ah oo yidhi meelahas ayaan ka soo eegaynaa in gaadhigii qaadku ku xumaaday, dhalinyaradaas qaadka raadisay waxaa sii raacay Marxuun Ciise Sharmaake oo ka mid ayaa gudigii qabanqaabada ee Warsangeli. Alle ha naxariistee Ciise oo in badani taqaanay oo ka mid noqday Golaha Wakiiladda Soomaaliland wuxuu ahaa nin bulshaawi ah oo kaftan badan. Waxaa dhacday nasiib wanaag in gaadhigii qaad laga helay isagoo ku xumaaday meel u dhaw Yufle, waxay isla goobtaas ku wada kulmeen gaadhi ka yimi burco oo ay wataan Marxuun Cali warsame Dheere iyo Aadan Baxnaan. Markii ay is garteen oo ay isa salaameen ayaa Ciise u tagay Cali Warsame oo ku yidhi caawa dhalintii Sanaag way dhantahay oo ana waan la socdaa Cali intuu qoslay ayuu ku yidhi warkii aan u jeclaa ee dhegtaydu maqasho ayaad ii sheegtay waadna ii bushaaraysay (labadoodaba Alle ha un raxariistee) ii waran ayuu ku yidhi yaa joogay magaaladdi markii uu magacyadayadii u sheegay Gees, Bayr, Cadami iyo Xaamud ayuu ku yidhi waan ka balansanayne I geeya guriga ay joogaan, sidaas ayey anagoo war hayn noogu soo dul dhaceen gurigayagii Cali iyo Aadan oo sita joonyad qaad ah . halkaas ayan habeenkii oo dhan isku waraysanay oo war bixin ku siinay halkuu marayo shirka iyo wixii aan ka soo gudubnay oo ilaa subaxdii fadhinay
Ku soo biirida shirka ee Cali Warsame wax weyn ayuu shirka taray wuuna dardar geliyey shirki wuxuu ahaa nin maalqabeen ah, waayo arag ah siyaasi ah dad iyo dal aqoon ah oo fahansan waxtarka nabada iyo waxay faa’iido leedahay, wuxuu ahaa ninrayigiisu dhaafsiisan yahay ceshiimada yar ee laysku haysto run ahaan markii uu noo yimi shirkii wuu noo furfurmay gaar ahaan dhinaca beeshiisa wuxuu ahaa nin ay afarta beeloodba ku kalsoon yihin taas oo wax badan noo fududaysay
Cali waxa uu ka mid ahaa niman dhawr ah oo aanu ka wada hadalnay anagoo xamar joogna sidii aan beelaha Soomaaliland u nabdayn lahayn. Hawshaas gaar ahan Cali Warsame waxanu ku sii qorshaynay magaaladda Nayroobi Kenya waxan raggii kale ee nagula jiray qorshahaa ka xusuustaa Maxamed Cumar Jiir oo ka mid ah golaha Wakiiladda iyo Cabdiqaadir jirde Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee wakiilada iyo nin la yiraahdo Cabdilaahi Xaaji Jaamac (talaata xajaar) oo aanan hada garanayn meel uu jogo
Dhacdooyin uu ku sigtay inuu shirku burburo
v Maalin maalmaha shirku socday ka mid ah, ayaa dhalinyaro hubaysan oo habaryoonis ahi waxay yimaadeen huteelkii ay degganayd ergada Warsangeli, waxay albaabka kula kulmeen dhawr ka mid ah ergada oo uu ku jiro Maxamuud Warsame Xagar oo curyaan ah, waxay ku yiraahdeen magaalada deg-deg ugaga baxa mudo saacado ah haddii kale waxa idin gaara waad arki doontaan, intay ku soo jeesteen curyaankii ayey ku yidhaahdeen “adigu saacad kaga bax”. Curyaanki intuu qoslay ayuu yidhi ninkaygii gurguuranayey waxaad u qabateen saacad nimankii lugaha qabayn dhawr saacadood, sidaasi ma cadaaladbaa. Dadkii meesha joogay ayaa wada qoslay ooo ay ku jiraan dhalintii qoryaha sidatay. Sidaas ayaa arrintii qasnayd si yar ugu dhamaatay
v Waxaa jirtay in meesha shirka loo qorsheeyey in lagu qabtaa ay ahaan jirtay hanuunin xaafadeed oo ay dhistay dawladdii Siyaad oo la fadhataystay waxaa loo baahday in dib-udhis iyo dib u habayn lagu sameeyo hoolka iyo xafiisyadda si hawsha shirka loogu qabto, hawshaas waxaa loo xilsaaray nin la yidhaahdo Siciid Maxamed Nuux. Waxaa dhacday maalin in aan soo kormeernay meeshii xafiisyadda ahayd ee la dhisayey Aniga, Cadami iyo Siciid ninkii hawsha waday waxaannu furnay albaabka mid ah dhismaha waxaa naga soo baxay arrin naxdin iyo amakaag ah waxaan ku aragnay lafo dad iyo dharkii ay gashnaayeen taas oo noo cadaysay in meesha dad lagu xasuuqay, taas oo ay nagu soo dhacday haddii dadku ogaadaan waxa dhici karta in shirka dhexdiisa laysku laayo oo shirku burburo iyadoo aan garan waynay waxaan samayno oo diidayna in dad kale arkaan, ayaa nasiib wanaag ninkii Siciid na dejiyey oo ku xidhay albaabkeedii oo isku awday meeshii iyo wixii ku jiray oo yidhi inta shirku socdo sidaas ha inaga ahaado markuu dhamaado ayeynu aasi doonaa. Taas waxay ahayd arrin shirku ku burburi gaadhay
v Markii hoolkii shirka la isugu yimid oo uu maalmo socday ayaa dadkii ka hadlayay waxaa ka mid noqday nin madaxdii SNM ahaa oo layidhaahdo Siciid Maxamed Nuur, ninkaas oo hadalkiisii dhawr jeer ku celceliyey kalmada ah (Allaahu akbar). Taas oo dadka badidiisu waxgaar ah ama xumaana aanay u arkayn. Waxaa si lama filaana u kacay ninka layidhaahdo Fu’aad Aadan Cade oo ka mid ahaa ergadii Beesha Dhulbahante hadana ah Wasiirka horumarinta reer miyiga iyo deegaanka, isagoo ku dhawaaqay dhawr jeerna ku celceliyey kalmada (jaalle) kadibna hoolkii ayaa isla kacay iyadoo aad moodo indadkii u kalabaxeen kooxihii dagaalami jiray laguna sigtay in gacanta laysa saaro, dadka badankiisii albaabaday boobeen shirkiina waa laxidhay. Olole danbe ayaa dib loo galay shirkiina afar maalmood ayaa lafasaxay oo la bilaabay shirar gooni أ¢â‚¬“gooni ah oo turxaanbixin ah taasina waxay ahayd maalin uu ku sigtay in kalmadaas shirku ku burburo.
Furitaankii shirka
Markii uu dhamaaday shaqadii gudiga qabanqaabadu laguna heshiiyey qaabkii shirku u socon lahaa. Lana dhamays tiray habkii loo dajinlahaa ergooyinka beelaha iyadoo labo beeloodba laysa saaray (Warsangali&Habaryoonis) iyo (Dhulbahante & Habarjeclo).
Beel waliba waxay soo xulatay ergadii loo qoondeeyey inay shirka uga qaybgasho inkastoo ay yimaaden dad badani
Waxaa shirka ku soo biiray saladiin gobalada kale ka timid oo aan hore u soo magacaabay oo iyaguna kaalin wayn kaqaatay oo ay marka wax adkaadaan furfuri jiray
Waxaa aad loo xiisayn jiray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, ninkaas oo marka uu hadlayo sacabka aad loogu tumi jiray markuu ducaynayana aamiinta aad loo badin jiray si tiisa uun la aqbalayo isagoo beelaha oo dhami ku kalsoonaayeen.
Wuxuu arrintaas ku mutaystay markii uu Siyaad iyo dawladiisi oo jirta uu u badheedhay heshiisiinta beelaha Soomaaliland oo uu Hawd tegey ilaa Baligubadle oo ahayd xarruntii jabhadii SNM halkaas oo uu kula soo shiray Madaxdhaqameedyadii beesha Isaaq iyo madaxdii jabhada SNM oo uu ka bilaabay nabadaynta beelaha ku uuman dalkan Soomaaliland iyo isagoo ka qayb galay shirarkii Oog, Berbera, Burco, iyo Boorame
Waxaa jirtay markii Garaad Cabdiqani iyo weftigii la socday ee beesha Dhulbahante oo uu ka mid ahaa Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ay ka soo noqdeen Baligubadle ay la xidhiidheen Beesha Samaroon oo ay ka codsadeen inay iyaguna wefti u diraan Baligubadle oo la bilaabaan wada hadal iyo nabadayn Beesha Isaaq iyo jabhadiiSNM, ayaan darro madaxdii Samaroon way diiday inay codsigaa fuliyaan. Waxaa yaab badan in 13 sano ka dib Madaxweynaha Soomaaliland oo ka dhashay beesha Samaroon uu ergo u diro Garaad Cabdiqani si uu Soomaaliland uga qayb noqdo. Tollow isbedelka intaas le’eg maxaa keenay, waqtigaa ka jawaabi doona.
Shirku wuxuu bilaabmay bishii July 1993 waxaa la soo gabagabeeyey bishii November 1993, mudadaas shanta bilood ah ee uu socday shirku waxaa laga soo saaray axdi nabad galyo oo lawada saxeexay iyo go’aan dhaxal gal ah oo ay qodobadiisu ugu muhiisanaayeen sida: adkaynta nabad galyada iyo in wixii hanti maguurto ah sida guryaha, beeraha, ceelasha gaarka loo qotay IWM. Loo celiyo cidii lahayd
Waxaa xusid mudan in mudadii shirku socday uu Ceerigaaabo yimid taliyihii ciidanka booliska Somaliland ee waqtigaas oo ahaa Cabdi Saxardiid (cabdi dhiboo) oo u dhashay Ceerigaaabo. Magacna ku lahaa, wuxuu halkaas ku sameeyey booliskii u horeeyey ee gobolka oo ay ku jiraan beelaha oo dhami mushaarna u qoray.
Rag kale oo badan oo magac ku leh gobalka ayaa ka soo qayb galay shirka oo aanan magacyadooda halkan ku soo koobi Karin oo ah Siyaasiyiin , odayaal iyo waxgarad kale waxaa ka xusaya oo ka mid ahaa
Maxamed xaaji ducaale (dhoolayare)
Marxuun Maxamed Axmed Cabdule (sakhraan)
Maxamuud Saalax Nuur (fagadhe)
Jaamac Maxamed Qaalib (jamac yare)
Axmed Sheel
Shirku wuxuu noqday mid guulaystay oo horseeday dhismaha iyo nabada hada jirta, mudadii shirku socday waxaa dhacday in dad badani ay magaaladii dib u soo degeen oo ganacsigii isu furmay oo baabuurtii dhinac walba magaaladii ka soo galeen(Burco, Laascanood &Badhan), waxaa suurta gashay in ay Maydh ka dhoofaan xoolo lo’iyo adhi ay leeyihiin Dhulbahante iyo Warsangeli. In shirkado la wada samaystay sidas Shirkada ka dhaxaysa Maxamed Shire (Taallo), Saalax Mire & Siciid Bare. In NGO la wadaago la samaystay oo dadkii si fiican isu dhexgaleen
Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa “wixii rag u kaco oo Rabi aqabo waa rumawdaa”. Nabadgelyada Sanaag waxay ka bilaabantay laba nin oo tog labadiisa daan kala jooga oo go’ isu riday, labadii ninba waxay geeriyoodeen intaan la soo gaadhin shirkii Ceerigaaabo,hase yeeshe rag ayaa halkii ka sii bilaabay , ragaas oo aan dawladka socon, lacagna loo dhiibin, askar badanina aanay gaar ka hayn, baabuur dawladeedna aan wadan iyagoo ku xisaabtamayey jebkooda ayey gaadheen guusha intaa le’eg
Markii shirkii dhamaaday waxaa hargeysa yimi wefti afarta beelood ah oo sita go’aamadii shirka oo Madaxweynihii Marxuun Cigaal iyo golayaasha qarankuba ku soo dhaweeyeen Hargeysa
Waxaa dhacday 1997 in laba ardaa oo ka kala tirsan beelaha Habaryoonis iyo Habarjeclo uu dagaal ku dhex maray magaalada Ceerigaaabo gudaheeda waxaa isla habeenkii dhexgalay oo colaadi joojiyey labadii beelood ee Hartiga ee magaalada la deganaa oo ku dhex jiray ilaa gurmad hargeysa ka soo baxay ay soo gaadheen, taasina waxay ku tusaysaa in Ceerigaaabo wax ku tahay wada deganaashaha beelaha.
Hadaba xukuumadan cusub ee aan la socon wadada dheer ee loo soo maray nabadgelyada waxaan leeyahay u fiirsada wareegtooyinkiina (degreeto) oo ha isku dhufanina beelaha wada degan, waxaa is weydiin leh weftigan dawlada ee kharashaysani muxuu u soo kordhin doona Sanaag
Qaybtii labaad oo ah Shirarkii Boorame & Hargeysa
A) shirkii boorame
Derbi luga weyn darka loo dhigay waa wax doqono deysanmayse way iska dumisaa.
Shirkii Boorame wuxuu ahaa shir taariikhi ah oo la oran karo wuxuu ahaa kii seeska loogu dhigay Qaranimadda Soomaaliland. Waxaa lagu saxeeexay axdi nabadeed ay dhamaan beelaha Soomaaliland wada saxeexeen iyo axdi Qarameed maamulka dawladnimo iyo awood qaybsiga lagu qeexayey. Waxaana loo doortay Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaanna lagu dhisay golayaasha Guurtiga iyo Wakiilada. Waxaanna lagu soo gabagabeeyey shirkaas dawladii SNM ee fadhiidka noqotay ee mudadii lagu siiyey shirka Burco ee labada sano ahayd ay dhamaatay
Shirkaas beelaha Soomaaliland si lixaad leh ayey uga soo wada qayb galeen beelna kama ay maqnaynWaxaan halkan ku xusayaa sidii ay beesha Warsangeli uga soo qayb gashay shirkaas arrintaas oo aanay dad badani ka war hayn sida ay ugu suurta gashay in ergadu Boorame timaado, arrintaas oo xitaa xubnaha weftigu aanay ka war hayn.
Aniga iyo Cadami waxaan joognay Jabuuti mudadaas loo diyaar garoobayey shirka boorame waxaa noo yimi oo in muda ah na raadinayey ninla yiraahdo Maxamed Xaaji Xuseeen (Berberaawi) wuxuu noo sheegay in laba diyaaradood oo ay leedahay Daallo loo kala diray Laas canood & Boosaaso si ay u soo qaadaan ergooyinkii Warsangeli & Dhulbahante, waqtigaas ma jirin baabuur oo dhulka cidina ma mari jirin meelaha dhaw-dhaw mooye sidaa awgeed ayaa loogu diray diyaaradaha. Waxaa kale oo la yaab noqon kara maxaa ergada Warsangeli looga doonay Boosaaso sababtu waxay ahayd Ceerigaaabo weli laguma heshiin oo shirkii Ceerigaaabo ee aan ka soo sheekaynay ma qabsoomin Magaalooyinka wersangelina ma lahayn garoomo ay diyaaraduhu fadhiisan karaan.
Sidaa awgeed Madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Warsangelin waxay joogeen boosaaso oo ahayd magaalo leh dekad, wado iyo ganacsi sidaas ayaa boosaso u joogeen. Boosaaso weligeed waxay ahayd deegaan Warsangeli oo mar walba wersangeli waa joogay oo ardaaayo Warsangeli ah ayaa markii talyanigu xukumi jiray deganaa. Kow iyo toban (11) tuullo oo Warsangeli leeyihiin ayaa laga xukuma Boosaso ka mid ahaa degmadaas ilaa waqtigii talyaaniga ilaa maanta. Sida beelaha kale ee Soomaaliland xadka Itoobiya & Jabuuti uga talaabsan yihiin ayaa anaguna xadkaas uga talaabsanahay.
Wuxuu noo sheegay ninki Maxamed Xuseen in diyaaradii Laascanood soo qaaday ergadii beesha Dhulbahante ee shirka Boorame, haseyeeshe diyaaradii Boosaso ee loo diray ergadii Warsangeli waxay ku soo noqotay Jabuuti iyadoo faaruq ah. Shirkii Boorame ee beelaha Soomaaliland iyaguu u xidhan yahay cid lala xidhiidhana la la’ yhay, waxaan ku nidhi anaga naga war sug, markaas ayaan wardoon tagnay ayaan la xidhiidhnay dhulkiiwaxaanna lanoo sheegay in shir lagu qabtay magaaladda Ceelaayo oo laga soo saaray baaq ah in aan shirkaas Boorame la tegin, shirkaa Ceelaayo wuxuu ahaa shir mu’amaradaysan. Markii aan ogaanay ayaan la xidhiidhnay kooxdayadii iyo ragii aan isku aragtida ahayn. Markaas ayaa shir kale lagu qabtay magaalada Badhan oo lagu baabi’iyey baaqii shirkii Ceelaayo oo lagu go’aansadayin la tago shirkii Boorame.
Waxaa xusud mudan markii la qabanayey shirka Badhan ayuu Marxuun Cabdi Shire Diiriye wuxuu yidhi Ceelaayo waxaa jooga xamaaliin ee ma aha meel aayaha Warsangeli looga taliyo isagoo durayey nimankii shirka hore ka qayb galay.
Markii aan ogaanay go’aanka danbe ayaan la xidhiidhnay Aniga iyo Cadami ninkii Maxamed Xuseen oo ku nidhi diyaaradii mar labad u dir, markaas ayuu shakiyey oo yidhi khasaare labaad looma taag hayee ma inaga hubtaan, waxaan u adkaynay in an hubno oo diyaarinay sidaas ayaa lagu diray diyaaraddii oo la soo qaaday weftigii oo dhan oo ardaayadii Warsangeli ku dhan yihiin oo xitaa kuwii hore u diiday ay soo raaceen oo ay ku yimaadeen Boorame oo ka qayb galeen shirkii. Hadaba dad badani ma garanayn sida ay arrintu u fushay oo xitaa aanay ogeyn weftiga Boorame yimi.
Waxay ahayd arrin sir ah oo rag yari ogaayeen laakiin maanta halkan ayaan ku qorayaa waxaa jirtay in badhtamihii 1992 in magaalada Laasqoray iyo nawaaxigeeda ilaa buurta ay qabsadeen niman ahaa Al-itixaad oo Boosaso laga soo eryaday oo Cabdilaahi Yusuf kula dagaalamay halkaas oo ciidamadii Cabdilaahi Yusuf marki ay hubsadeen in xero majeertaan ka saareen oo ay u gudben xerro Warsangeli ay iskaga hadheen. Warsangelim meel uu joogaba wuu is abaabulay dibad iyo gudaba sidii uu magaaladaas qadiimiga ah ee Laasqoray uga saari lahaayeen nimankaas, waxaa la ururiyey lacag, ciidan xoogan ayaa la sameeyey , waxaa loo yeedhay Saraakiishii dalka iyo dibadaba joogtay, waxaa la sameeyey hay’ad wadani ah SDR oo Jabuuti fadhigeeedu ahaa si ay kaalmada caalamiga ah ee dibada u soo gudbiso.
Suldaanka beesha ee waqtigaas Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud wuxuu awoodi iyo taladii mandaqada Warsangeli u dhiibay ooisagu wakiil ka dhigtay inta nimankaas dhulka laga saarayo Col: Cabdilaahi Axmed Jaamac Matan (Ilko-jiir), waqtigaa shirka boorame loo diyaar garoobayey waxaa socday weli dagaalkii Al-itixaad iyo Warsangeliga sidaas awgeed ninkaas ayaa mandaqadda ka madax ahaa isla waqtigaasna waxa safaaradda Maraykanka ee Jabuuti safiir ka ahaa ninahaa maraykanka madow oo hada magaciisi iga maqan yahay, ninkaasi nasiib wanaag sanadadii lixdamaadkii (1960-) waxa uu ka mid ahaa macalimintii maraykanka ahaa ee la oran jiray(peace crops) wuxuunna macalin ka noqday dugsigii dhexe ee Dayaxa (dayaxa School), ninkaasi wuxuu aha nin aad u yaqaanay soomaalida waqooyi wuxuuna aad u dhiirigelin jiray in shirka boorame, shirkii Ceerigaaabo ee aan ka soo sheekeeyeyna wuu noogu yimi isagoo uu la socdo safiirkii fadhiyey Nayroobi oo soomaaliya uga wakiilka ahaa maraykan isagoo tusaya habhka ay soomaalidu wax u dhamaysan karto (waxay ahayd intaan maydkii askarta maraykan wadooyinka xamar la jiidin)
Hadaba ninkaa safiirka ah waxay isku macalimiin Dayaxa ka ahaayeen Maxamuud Cabdi Xaamud oo madaxdii SDR ka mid ahaa oo markaas ku sugnaa Jabuuti, COL: Ilko isna wuxuu ahaa ardaygiisi oo waqtigaa ku jiray Dayaxa school sidaas ayuu isugu xidhay labadaas nin si uu dagaalka Al-itixaadka uga caawiyo wuunna ka caawiyey oo dad is yaqaana ayey ahaayeen. Anagoo arintaas ogsoon Aniga iyo Cadami lana soconay in diyaaradii hore hungo ku soo noqotay kana cabsoonayna in aanay beesha Warsangeli ka soo qayb geli waydo shirkaa taariikhiga ah ayaan la xidhiidhnay Xaamud oo isna haysta jinsiyad maraykan ah oo aan ka codsanay in uu la xidhiidho safiirkii Maraykanka oo awalba dhiiri gelin jiray shirka boorame una sheego in aanay beeshii Warsangeli weli ka soo qayb gelin shirka sidaas awgeedna uu warqad u qoro saaxiibkii Col: Ilkojiir si uu u soo diro ergadii Warsangeli. Safiirkii wuu aqbalay codsigii oo warqad ayuu u qoray sidata shaanbadii safaarada Maraykanka ee Jabuuti oo uu ku farayo in uu si deg-deg ah u soo diro ergadii
Sidaas ayey ergadii beesha Warsangeli ku timi Boorame oo ay shirkii uga qayb gashay
Waxaa xusid mudan markii ay noo timi warqadii safiirka waxaan u dhiibnay nin oday ah oo la yiraahdo Cali Maxamuud Xabaw oo aan tigidhkii diyarada iyo sahayba sii siinay oo kula balanay in aanu u dhiibin una sheegin cid aan ahayn Col Cabdilaahi (ilko) isna sidii ayuu yeelay oo sidii uu u sii siday ayuu farta ka saaray iyadoo aanay cidina ogayn
Shirkii boorame sidaas ayuu ku furmay kuna dhamaaday iyadoo lagu saxeexay Axdi nabadeedkii iyo Axdi qarameedkii iyo awood qaybsigii
Markii shirka Boorame dhamaaday beesha Warsangeli kama qayb gelin dawladii la dhisay ee madaxweynah ka ahaa Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ma aysan soo magacaabin xubnihii uga qayb geli laha golayaasha Guurtiga Iyo Wakiiladda sababtuna waxay ahayd waxaa u cuntami weeyday in ay dawelada Hargeysa ka qayb galaan iyadoo aanu dhamaan nabadii gobalka Sanaag
Sidaas darted markay ka soo noqdeen shirkii boorame waxay dardar geliyeen shirkii Ceerigaaabo ee aan hore uga soo sheekeeyey. Markii uun shirkii dhamaaday oo nabadii hirgashay ayaa beeshii Warsangeli wefti ka socdaa u soo baqooleen Hargeysa halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynihii Marxuun Cigaal iyo Shirgudoonadii Golaaya Guurtiga iyo Wakiiladda iyagoo markaas hal sano ka maqnaa dawlada iyo golayaasha waxay yimaadeen June 1994 waxaa uu Marxuunkii Cigaal ka siiyey dawladii 4(afar) xubnood oo kale ahaa 1) Wasiirka Caafimaadka Axmed Xaaji Cali Cadami 2) Wasiiirka Gadiidka cirka & dhulka Cali Faarax Dhahar 3) Wasiirku xigeenka Xanaanadda xoolaha Cawl Garaad Maxamuud 4) wasiirku xigeenka Dalxiiska iyo suugaanta Axmed Yacquub Cismaan.
Siduu ahaa heshiiskii Boorame waxay beeshu soo magacday xubnihiika mid noqon lahaa golaayasha Guurtiga iyo Wakiiladda oo dhamaa 12 xubnood oo isku jira waxaa xusid mudan in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku markii boorame la joogay ay balan qadeen laba kursi in loo celiyo Warsangeli, kursigii uu balan qaaday madaxweyne Cigaal waxaa dhacday in markii ay beeshu timi ay bixisay beesha ciise muuse oo ninkii fadhiyey laga kiciyey iyadoo balantii Madaxweynaha ay fulinayeen waxaa nasiib darro noqotay kursii Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan aw Cali aan fulin iyadoo dhawr jeer beesha Samaroon lagala kulmayoo ay ka dhego adagday oo weli kursigii ku maqan yahay waxaase nasiib wanaag ah maanta oo Madaxweyne Daahir Rayaale taladii hayo oo ka dhashay beesha Samaroon, Warsangeli waxay ka sugayaan kursigii in uu ku soo celiyo oo sidii Marxuunkii Cigaal balanta buuxiyo waxayna ku rajo weyn yihiin inarrintaas.
Anigu Kama aan qayb gelin Dawladii oo wasiirada kama mid noqon kabana qayb gelin Xildhibaanaddii labada Gole guurti iyo wakiiloba.
Waxay kale oo ay beeshu keentay ciidankii qaranka guutadii 1aad oo markaas la aasaasayey qaybtii kaga soo aaday oo ahayd 35 askari Mudane Jibriil Cali Salaad oo ka tirsan Golaha wakiiladda aya ka soo kaxeeyey ciidankaas Ceerigaaabo gaadhina u soo kireeyey oo soo dhexmariyey 1000km oo ah xero Isaaq ilaa Hargeysa, iyagoo qoryahoodi sita sida la wada ogsoon yahay waqtigaa dhulka waxaa uu ahaa meel kasta kaantarool ay dayday haystaan socodka dhulku wuu adkaa, hadaba Jibriil iyo inamadii askarta ahaa waxay u soo badheedheen khatartaas muuqata si ay uga qayb qaataan dhismaha dawladnimo ee Soomaaliland .
Dadka kale waxay soo marayeen 100-200km oo laami ah, inamadaasi waxay ka mid noqdeen guutadii u horaysay ee ciidanka qaranka, ayaan darro markii uuu dagaalkii sokeeyuhu ka bilawday Hargeysa qaar ka mid ah dhalintaasi waxay ku geeriyoodeen Hargeysa oo lagu aasay iyagoo calanka Soomaaliland huwan.
Jibriil iyo ragayagii isku fikirka ahayn markaan tango dhulkii waxaa dhacda in ay odayaashi wiilasha dhalay na qabsadaan oo ay marar badan qaarkood magtii na waydiistaan iyo xaqii inamadooda.
Waqtigii weftiga Warsangeli Hargeysa yimaadeen oo diyaarad uu u diray madaxweyne Cigaal Ceerigaaabo ka soo qaaday waxaa lagu dejiyey huteel Ubax, waxaa noogu darnayd meel aan fadhiisano oo aan isku waraysano in aan waynay inkastoo beesh aWarsangeli magaalada Hargeysa ku leedahay 400 guri iyo in ka badan oo isugu jira Fooqaq, Bakhaaro iyo guryo waawayn oo badankoodu ku yaalaan badhtamaha magaalada guryahaas dhamaan markaas waa la wada haystay,
Waxaa meel weftigu galabtii fadhiisto noo soo qalqaaliyey ninkia la yiraahdo Muuse Inji oo na fadhiisiyey guri uu leeyahay taliye ku xigeenka Booliska ee waqtigaa oo ahaa “Jidhif”
Mahad ilaahay maanta guryahaasi oo dhami waxay ku soo noqdeen gacantii beesha dadkii lahaa ayaa ku jira ama kiraystay qaarna waa meherado furan sida huteelo, bakhaaro iyo dukaano.
Beeshu maanta waxay magaalada hargeysa ku soo kordhisay oo ay bilawday wershado casri ah sida Ila-taango Hargeysa spring water iyo kuwa kale sida tan nacnaca waxy ku jirtaa shirkadaha ganacsiga ugu waaweyn sida isgaarsiinta iyo xawaaladaha iyadoo gurya danbe oo cusubna ay ka dhisteen qaarna iibsadeen magaalada hargeysa
Inkastoo Hargaysi xero Warsangeli u jirto 1000km waxaannu kaga hanti badanahay beelo badqan oo nooga dhaw
Waxaa xusid mudan maalintii weftiga odayaasha hargeysa yimaadeen markii aan fadhiga dhamaysanay ayaan laba oday oo aan hore u arag Hargeysa soo kaxeeyey oo geeyey sandaqad u dhawayd Cajab oo lagu iibin jiray caanaha, sandaqada waxaa haystay laba wiil markii an caanihii ka dalbanayn oo na siiyeen ayaan wiilashii waraystay oo idhi yaad tihiin waxay iigu jawaabeen waxaannu nahay Warsangeli, labadii oday ayaa is eegay oo ka yaabay, markaas ayaan ku idhi caanaha xagee ka keenteen waxy yiraahdeen geelayagii oo daaqaya Geed balaadh. Markaas ayaan odayaashi u sheegay in aanay hargeysa Warsangeli qariib ku ahayn mar haddii geeloodi uu daaqayo degmada hargeysa gudaheeda .
B) shirki Hargeysa
Shirarka ay Soomaaliland ku dhaadato waxaa ka mid ah shirwaynihii beelaha Soomaaliland ee 1996 lagu qabtay Hargeysa oo laagu doortay Marxuun Cigaal mar labaad Madaxweynaha Soomaaliland mudo 5 sano ah, laguna ansixiyey Distoor ku meel gaar ah. Cigaalna uu dhisay waqtigaa Dawladii ugu waxtarka badnayd dawladihii soo maray dalkan Soomaaliland ee ummadda gaarsiisay horumarka, dimuqraadiyadda,iyo nabadda maanta la hadhsanayo.
Waxaa markii shirkaa la qabanayey aanu hargeysa isugu nimi anagoo ku balansanayn Aniga iyo Cadami oo aan anigu ka soo dhoofay Yaman isaguna ka soo dhoofay Masar, labadaqyadu midna kama mid ahayn ergadii ka qaybgalaysay shirka. Waxaa si lama filaan ah ula kulanay iyadoo beesha Habarjeclo iyo Shirgudoonkii shirku is hayaan dabadeedna ay beeshii habrjeclo xanaqday oo shirkii dibada uga baxday. Ergada Beesha Habarjeclo waxaa markaas hogaaminayey labadii Suldaan ee ay beeshu lahayd waqtigaas oo kala ahaa 1) Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali 2) Suldaan Maxamed Guuleed
Salaadiinta iyo Siyaasiyiintii beeshu waxay go’aansadeen inay shirka ka tagaan oo ku noqdaan Yiroowe , beelihii kale ee Isaaq oo Salaadiin Siyaasiyiin iyo odayaal ahaa baa ergo ugu tegay in ay joogaan way ka diideeen
Markii ay halkaas maraysay oo aan ogaanay in ay maanta baxayaan oo cid waliba ka quusatay ayaannu isku urursanay xubno ka mid ah Beelaha Harti ee Soomaaliland oo aan hada ka xusuusto xubnahas hada iyagoo badnaa
1. Marxuun Maxamed Axmed Cabdileh (Sakhraan)
2. Marxuun Bile Xaaji Jaamac (Bile dheere)
3. Axmed xaaji Cali Cadami
4. Maxamed Saciid Maxamed (Gees)
5. Maxamuud Cabdi Cali (Bayr)
6. Fu’aad Aadan Cadde
Markii aan isu nimi ee kulanay ayaannu isla garanay in aan beesha habarjeclo u tango oo aan negayno si aanay shirka uga tegin, halkii ayaan ka dhaqaaqnay oo ugu tagnay ergadii beesha habarjeclo goobtii ay deganaayeen iyagoo isu diyaarinaya in ay anbabaxaan markii aan la kulanay ayaan ka codsanay in ay noo nagaadaan maanta ,una sheegnay inay berrina anagu macsuun oo yihiinoo aannu wadda fadhiisanayno isna waraysanayno kuna tashan doono. Nasiib wanaag way naga aqbaleen Salaadiintii iyo ergadiiba sidaas ayeyna noogu nagaadeen. Markii aan is afgaranay in ay noo nagaadaan ayaannu hadana u tagnay Shirgudoonkii shirka iyaguna wixii aan ula tagnay way naga aqbaleen. Nimankayagaas waqtigaa naguba jirin mid Dawlada ka tirsan ama Golaayasha qaran ma jirin cid hawshaa noo dirtay oo ka danbaysay kharashka aanu ku casumaynayna angaa iska ururinay
Waxaannu maalintii danbe wada fadhiisanay guriga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) anaga iyo labadii Suldaan iyo ergadii kale waannu wada hadalnay oo is afgaranay waxayna naga yeeleen in ay shirkii dib ugu noqdaan. Sidaas ayey uga qayb galeen shir waynihii beelaha Soomaaliland ee Hargeysa 1996
Samayntii Distoorka
Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka
Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen .
Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen
1. SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye
2. Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-xigeen
3. C/qaadir X. Ismaaciil Jirda xoghaye
4. SH. Maxamuud Suufi Muxumed xubin
5. Maxamed Siciid Maxamed {Gees} xubin
6. SH.Cali sh. Cabdi Guuleed xubin
7. Faysal Xaaji Jaamac {Qareen} xubin
8. Cismaan Xusseen Khayre {Garsoore} xubin
9. Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid xubin
10. Prof. Maxamuud Nuur Caalin xubin
11. Xasan Cabdi Xabad xubin
12. Axmed Macalin Jaamac xubin
13. Yuusuf Aadan Xiseen xubin
14. Cismaan Cali Bille xubin
15. Maxamed Jaamac Faarax xubin
Gudigaas waxay hawshoodu ahayd in ay labada distoor mid iskaga dhigaan si loo helo xal dhaxdhexaad ah. Gudigaasi mar waxuu ka koobnaa oo loogu tala galay in uu wada matalo inta badan beelaha Soomaaliland, dhinaca kalena wuxuu ka koobnaa dad gorsoorka yaqaanna, dad Diinta islaamka aqoon u leh, dad si fiican uyaqaana luqadaha sida (English, Carabiga), dad yaqaana Suugaanta, dad maamulka dawliga ah ku soo jiray mudo badan iyo siyaasiyiin hore.
Markii aan hawshii bilownay waxaa lanoo keenay nuqul ku qoran af Soomaali oo ahaa distoorkii ay sameeyeen gudigii Baarlamanku iyo saddex nuquloo ku qoran Af soomaali, English, iyo Carabi oo ahaa distoorkii uu sameeyey Khabiirkii Soodaaniga ahaa. Anagoo hawshii ku dhex jirna ayaa waxaa noo yimi Shirgudoonkii shirka ee na magacaabay si lama filaan ah ayey noo fareen in aan Axdi qarameed samayno kii hore ee Boorame ka balaadhan sidaa ayaannu ku samaynay Axdi qarameed cusub muddo koobanku dhamaynay. Mar labaad ayey nagu soo noqdeen Shirgudoonkii shirku oo ay na yiraahdeen distoor sameeya oo labadii distoor oo hore ka soo dhex saara distoor cusub
Gudigayagii waannu fekernay oo tashanay intaan albaabkii hoosta ka xidhanay markii aan aragnay kala hadalka Shirgudoonka, waxaannu isku raacnay in aan wadanka lagu maamuli Karin Axdi qarameed cimrigiisu 2sano yahayee ay lagama maarmaan tahay in uu wadanku distoor yeesho, waqti ay maanta kaga haboon tahay samayskiisa aannu jirinlana heli doonin.sidaas darteed hawshayadii ayaannu ku dhaqaaqnay waxaa hadaba noo muuqday in labada distoor iyo Axdi qarameedkuba ay xagga qaab dhismeedka dawladeed isku waaafaqsan yihiin iyagoo dhigayey habka Madaxweyne , madaxweyne ku xigeen iyo gole fulimeed oo hoos yimaadda iyo laba gole oo sharci dejin Guurti iyo Wakiillo iyo Garsoorka oo madax banaan sidaas darteed wax khilaaf ah oo badani ma jirin. Waxaase nala kulantay arrin kale oo aanan filayn taas oo ahayd in xubno ka tirsan beelaha aan Isaaq ahayn ee gudiga ka mid ahaa qaarkood ayaa la yimi dood ah in distoorka lagu qeexo in beelaha Soomaaliland ay qaydhiinka ku qaybsadaan xilxlka dawlada oo la yiraahdo tusaale ahaan beel hebel ayaa leh Madaxweynaha , beel kalena ku xigeenka ilaa wasiirada ,taliyaasha ciidamada ilaa madaxda hay’adaha sidaa loo cadeeyo.
Anigu mar walba waxaan qanbay inkastoo aanan ka tirsanayn beesha Isaq in aan waxba lakala cayimin ee wax walba loo sinaado oo qof walbaa nasiibkiisa qaatooo aan waxba laka qaybsan arrintaas oo iska kayo horkeentay xubnihii dooda watay iyo Aniga.
Waxaa loo batay oo la qaatay figradii ahayd in wax walba loo sinaado oo aanan waxba la qaybsan.
Arrintaas Aniga iyo Daahir Rayaale waan ka faa’iidaysanay oo haddii figradaa hore la qaato Daahir maanta madaxweyne ma noqdeen Aniguna laba xil oo waaweyn oo aan soo qabtayoo ahaa Wasaarradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibada ma qabteen oo beeshaydu iskuma hesheen.
Hase yeeshe marka aad hadda aragtid dawladdan cusub sida wax loo qaybiyey iyo tiro yaraanta iyo tayo la’aanta wasaarradaha la siiyey beelaha Hartiga iyo sida aanay waxba ugaga jirin madaxda sare dawladda waxaa ii muuqatay waxay ka cararayeen qoladii lahayd aan qaydhiinka ku qaybsano oo distoorka halagu qaybsado, mararka qaarkood waxaan is iraahdaa iyagaa kaa saxsanaa.
Marka aan arrintaas ka baxo waxaa noogu adkaa qaybta ka hadlaysa Garsoorka gaar ahaan Maxkamada Sare iyo Gudiga Cadaalada. Markii aan qaybtaa qoraynay waxaa gudoomiye ka ahaa maxkamada sare nin aad u yaqaana sharciyada kana soo baxay jaamacadaha dalka England. Magaciisuna ahaa Xaashi Sheekh Muuse Cabdi, ninkaasi wuxuu warqad u soo qoray gudigayagii loo xil saaray Distoorka wuxuuna nagu la taliyey inaan maxkamada sare ka dhigin hay’ad maamusha maxkamadaha kale ee ay ku koob naato eegista racfaanka loo soo qaato iyo fasiraada distoorka marka loo baahdo.wuxuu ka digay hadii gudoomiyaha maxkamad sare uu noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada oo distoorku sidaa qeexo waxay shaqadii maxkamada sare noqonaysaa badelid, xilka qaadis, dalacsiin, iyo casilaada garsoorayaasha maxkamadaha hoose. Sidaa darteed waxay ka baxaysaa shaqadeedii waynayd waayo shaqada gudiga cadaaladu waa shaqo maamul ee maaha mid garsoor. Waxaa laga rabaa gudiga cadaaladu inuu ururiyo, dabagalo, xog ka helo garsoore kasta in uu laaluush qaato, in aanu shaqada iman, inuu eex yaqaan,iyo inuu caadil yahay. Sidaana garsoore walba loogu abaal mariyo shaqadiisa.
Nasiib daro taladaas lama qaadan oo garsoore Cimaan Shunuu oo kamid ahaa gudigayaga iyo xubno kale oo ku raacay ayaa taladaa diiday kadibna waxaa laqaatay in gudoomiyaha maxkamada sare noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada.
Sidaas ayuu gudoomyaha maxkamada sare ku noqday inuu qabto sadex xil oo kale ah:
v Gudoomiyaha maxkamada sare
v Gudoomiyaha gudiga cadaalada
v Gudoomiyaha maxkamada dastuuriga ah
Arintaasi waxay keentay iska hor imaad dhexmaray Golaha wakiilada iyo Dawlada gaar ahaan madax waynihii marxuum Cigaal. Markii la arkay gudoomiyihii maxkamada sare oo sidii hore looga digay wakhtigiisii ku qaatay kale badalka garsooreyaasha kale uu hadba gobol tagaya oo noqday nin maamula maxkamadaha hoose. Sidaa awgeed wuxuu madax wayne cigaal ku qanciyey Cismaan shunuu oo ahaa gudoomiyihii waqtigaas ee maxkamada sare inuu iskaga dago xilkii gudoomiyaha gudiga cadaalada. Waxaanu ku magacaabay wasiirkii cadaalada inuu noqdo gudoomiyihii gudiga cadaalada halkaas waxaa ka bilaabmay buuq wayn oo ka dhex dilaacay xukuumadii iyo golihii wakiilada. Waxaa dhacday in cismaan shunuu ay colaad u qaadeen golihii wakiiladu ayna diideen inay an sixiyaan iyagoo ku eedaynayey iyadoon qodob dastuuriya aan labadalin sided u aqbashay soo jeedinta madax waynaha oo aad uga dagtay xilkii, isagii larabay inuu ilaaliyo ayaa jabiyey dastuurkii kuna xad gudbay.madaxa wayne cigaalna waxay ku qaadeen olole ah inuu jabiyey dastuurkii.
Waxaa xusuus mudan in shir gudoonkii golaha Guurtidu ay arinta soo dhexgaleen oo labadii dhinacba lahadleen oo ahaa golihii wakiilada iyo xukuumadii gaar ahaa madax waynihii, taas oo ay labadii garaba ay aqbaleen dhexdhexaadintii dabadeedna shir lagu qabtay madax tooyada oo ay sadexdii goleba xubno uga qayb gala u soo dirsadeen .markii shirkii furmay oo uu fadhiyo madax wayne cigaal, labadii shirgudoon, wasiiro, iyo xildhibaanadii. Waxaa dhacday in doodii adkaato oo la is mariwaayey, waxaa meesha dhexdeedii isku dhacay gudoomiye Qaybe iyo wasiirkii maaliyada Axmed siilaanyo oo hadalkii ka xumaaday, arintiina cirka isku shareertay, qoladii guurtida ee wax dhexdhexaadinaysay waxay ku hadlaan ayey waayeen.
Markii xaalku halkaa maraayey Anigoo kamid ahaa xubnihii wasiirada ee shirkaa ka qayb galayey ayaa ku dhiiraday wuxuu xalku ahaa waxaan ka soo sheekeeyey markii dastuurka la qorayey qodobkan hada muranka keenay iyo dhaliilihii laga digayey oo soo baxay. Markaasaan idhi hadii aan nahay xukuumada waan kanoqonay gefkayagii ahaa magacaabidii wasiirka cadaalada inuu noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada, goluhuna gacan naga siiyo sidii wax looga bedeli lahaa dastuurka. Arintaasi waxay ahayd arin dhiiranaan ah oo madax waynihii oo fadhiya aan xilkiisii sheegtay, cigaal inta uu yaabay oo isoo eegay ayuu yidhi wax gef ah oo aan samaynay majirto haseyeeshee sida uu gees sheegay ayaanu ku raacsanahay dadkii shirka joogay oo dhan ayey neefi ka soo booday meeshiina waxaa ka dhacay is afgarad. Arintaas iyo arimo kale oo badani waxay ka marag kacaysaa in uu ahaa madax wayne cigaal nin talada qaata oo sidii ay mucaaridku sheegi jireen aanu ahayn nin keligii taliye ah.
U malayn mayo in madax wayne kale oo Soomaaliyeed yeeli lahaa in wasiirkiisii oo aan latashan uu go’aamiyo arin isagoo fadhiya. Way dhacday waana ogolaaday oo ku qancay Cigaal.
Waxaa ka mid ahaa qodobadii kale ee anugu adkaaday oo muran badani ka dhacay markii aan dastuurka samaynaynay gudigayagii loo xilsaaray Xilka qaadida gudoomiyaha maxkamadda sare, xubno gudiga ka mid ah ayaa waxay ku doodayeen dastuurka Maraykanka oo aynu wax badan iskaga mid nahay wuxuu qorayaa in gudoomiyaha maxkamadda sare iyo xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare in haddi la magacaabo oo golayaasha sharci dejintu ansixiyaan aan laga qaadi Karin ilaa ay ku geeriyoodaan ama ay iskood iyagu u hawl gabaan. Xubnaha kale waxay ku doodayeen weli uma bislin nidaamkaa oo waxaynu abuuraynaa xukaam keligood taliyayaalah oo aan cidna eryi karinhaddii ay xumaadaan, sidaa darteed waxaa la doonay xal labadda u dhaxeeya waa la waayey. Markii danbe waxaa laysku raacay in Madaxweynuhu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo isagoo la tashanaya shirgudoonadda labada gole ee kale.arrintaasi waxay laciifisay awoodi Garsoorka mar haddi uu madaxweynuhu eryi karo. Taasina waa arrin qabyo ah oo weli ku jira dastuurka oo ah gef muuqda oo lagu gefay madaxbanaanidii hay’adda garsoorka waanna arrin fudud oo la sixi karo.
Arrinta kale oo iyana gefka ku ah dastuurka oo wakhtigaa muranka keentay waxa weeya qodobka xafiiska Xeerilaaliya guud, waxaana waaga aad uga dooday oo soo ahaan jiray xeerilaaye Garsoore Cismaan Shunuu hase yeehse waa laga batay oo taladiisi lama qaadan iyo waayo aragnimadiisi waxaannu ku doodayey in xafiiska xeerilaayiha aan lagu darin qaybta garsoorka ee uu yahay xafiis maamul oo ka tirsan qaybta xukuumadda tasna waa laga diiday laakiin marka sharciyadda aduunka la eego wuu ku saxsanaa.
Waxaa kale oo dhacday intii aan guddigayagu ku jirnay hawshaas markii la gaadhay qodobka ah shuruudaha looga baahan yahay qofka Madaxweyne noqonayamuran ka dhacay ka dibna ay shirgudoonkii shirku ay noo keeneen isagii oo qoran oo aanu sidii ugu darnay oo ilaa maanta uu sidii ugu jiro
Waxaa dastuurkii aanu horgeynay shirweynaha si loo ansixiyo ku jiray qodob ahaa haddii ay dhacdo in dalkan Soomaaliland uu ku biro ama la midoobo waddan kale loo baahan yahay in labda gole Guurtiga iyo Wakiilada oo isu tegay ay ku ansixiyaan aqlabiyad ah 2/3 saddex meelood marka loo qaybiyo in laba meelood isku raacaan ka dibna afti dad weyne la qabto, qodobkaas oo aannu ka soo qaadanay dastuurkii ay sameeyen Baarlamaanku, waxaa dhacday markii loo akhriyey ayey ergooyinkii shirku mar keliya isla kaceen oo yiraahdeen deg-deg halooga saaro , anagayagii gudiga ahaynna lana canbaareeyey oola yidhi waxaad dooraysaan Soomaali weyn. Sidaas ayaannu kaga sarnay qodobkii dastuurka
Dastuurkii waannu dhamaynay waxanu u geynay Shirgudoonkii shirka isna waxaa uu hor dhigay shirwaynihii oo halkaas ku ansaxiyey in si ku meel gaar ah loogu dhaqmo mudo saddex sanno ah ka dibna loo qaado afti dadweyne.
Xeererkii doorashooyinka
Bishii kowaad ee 1999 anigoo markaas ahaa Wasiirka Qorshaynta ayaa Madaxweyne Cigaal ayaa shirkii golaha wasiiradda soo hor dhigay baraamij lagu dejinayo Shuruucdi doorashooyinka oo loo gudbinayo golayaasha sharci dejinta. Baraamijkaa oo sheegayey in maalin walba golaha wasiiradu isugu imanayaan hoolka shirarka markay saacaddo ka soo shaqeeyaan wasaaradaha. Waxaa Wasiiradii loo qaybiyey saddex guddi
v Guddi loo xilsaaray wax ka bedelka dastuurka
v Guddi loo xilsaaray in ay soo habeeyaan xeerarka doorashooyinka
v Guddi loo xilsaaray in ay soo habeeyaan xeerka Asxaabta
Sidaas ayey hawshii ku bilaabantay maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu noo sheegay Cigaal in uu idaacad ka dhageystay xeer ay waddanka Naajeeriya ay soo saareen oo ku saabsan doorashooyinka iyagoo wakhtigaa ka baxayey nidaamka askarta oo mudo soo xukumayey doonayeyna nidaamka dimuqraadiga xeerkaas oo ah in marka hore la samaysto ururo siyaasadeed oo aan xadidnayn ka dibna ay ka qayb galaan doorashooyinka Dawlladaha Hoose, ka dibna sadexda urur ee ugu horeeya doorashada dawladaha hoose ay noqdaan saddex xisbi qaran.
Markaas ayuu yidhi tolow xeerkaas oo dhan xaggee ka helnaa wakhtigaa Soomaaliland ma lahayn qalabka Internet. Waxaan la xidhiidhay ninSoomaaliyeed oo u shaqeeya UNDP oo la yiraahdo Maxamed Cabdiraxmaan Xuseen isagoo Nayroobi tegaya oo aan ku dhahay markaad tagto Nayroobi internatka nooga soo saar xeer doorashooyinka dalka Nayjeeriya iyo dalal kale oo Afrikaan ah. Ninkii wuxuu ii keenay xeerkii Nayjeeriya aan doonaynay iyo xeerarka dalalka Ugandha iyo Keenya aniguna waxan u geeyey Madaxweyne Cigaal isna aad iyo aad ayuu ugu farxay oo wuxuu u gudbiyey gudigii ku shaqada lahaa
Markii gudiyadaasi soo dhameeyeen hawshii loo diray aye golihii wasiirada dib ugu soo celiyeen. Sidaas awgeed ayuu golihii maalin walba shir ka geli jireen arrintaas iayadoo qodob-qodob looga doodi jiray mudo yar ayey hawshaasi ku dhamaatay dabadeedna waxaa loo gudbiyey golaha wakiilada bishii labaad ee 1999
Ayaan darro golahii wakiiladdu hawshii way ku daahday dastuurkii oo ugu horeeyey waxay dhameeyeen aakhirki sanadkii 2000. Waann tii aftida dad weynaha lagu ansixiyey 31 may 2001oo ay 97% u codeeyeen kaas oo noqday furihii u horeeyey ee dimuqraadiyada Soomaaliland iyo tartanka asxaabta badan
Waxxa iyana nasiib daro ahayd in nuqulkii dastuurka ee loo gudbiyey golaha wakiilada uu ka koobnaa 99 qodob iyadoo lag asoo yareeyey kii hore oo ahaa 156 qodob. Nuqulka ay ansixiyeena uu noqday 130 qodob. Qodobo badan oo ay xukuumadu soo jeedisay in wax laga bedelo sidoodii ayey ugu soo celiyeen gaar ahaan qodobkii gudiga cadaalada sidaas ayuu ku hirgalay dastuurkii.
Xeerka asxaabta waxay ansixiyeen isla sanadkii 2001 wax dhibaato ahi kama dhicin
Waxaa adkaaday xeererkii doorashooyinka oo ka koobnaa saddex xeer
v Xeerka doorashada golayaasha deeegaanka
v Xeerka doorashada madaxweynaha iyi ku xigeenkiisa
v Xeerka doorasha golayaasha Guurtiga iyo Wakiilada
Xeerkaas golaha wakiiladdu waa isku qabteen xildhibaanada beelaha qaarkood ayaa ka baxay ilaa ay dhacday in kooramkii goluhu buuxsami waayo
Maalin maalmaha ka mida ayaan nasiib wanaag la kulmay Cabdilqaadir X. Jirde oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wuxuu iiga waramay xaalada golaha iyo sida xeerkii laysugu afgaran la’yahay iyo waqtigii oo gabo gabo ah. Waxaanu usoo jeediyey talo uu qaatay kuna guulaystay oon ku idhi kala qaad xeerarka oo xeerka doorashada golayaasha dib u dhig. Waxaad soo hormarisaa qaybta golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada. Sidaa ayuu yeelay oo golihii ku ansixiyeen xeerarkii doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada oo is wata. Sidaas ayey ku hirgaleen labada doorasho oo ay u qabsoomeen inkastoo kii sadexaad weli laalanyahay.
Waxaa xusid mudan in markii xeerarkaas goluhu ansixinayey madaxwayne Cigaal uu booqasho ku joogey Gobolka Sanaag, markii uu ku soo noqday caasimada wuxuu isla markiiba telefoon kula hadlay Cabdiqaadir Jirde oo uu ka waraystay halkay marayaan xeerarkii horyaalay golaha wakiilada, wuxuu u sheegay inay ansixiyeen xeerarkii dorashada golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada. Wuxuu Cigaal u sheegay inuu diyaar u ahaa inuu sii kala daayo golaha wakiilada lakiin hadase aad iga baxsateen. Waxaa kale oo xusid mudan barnaamij uu marxuumkii damacsanaa oo uu lageeriyooday iyadoo aan cidna ogayn Alle ha u naxariistee.
Waxaa dhacday sadex maalmood ka hor geeridiisii inuu siiyey BBCda waraysi anagoo joogna qolkii uu ku jiray ee cusbitaalka magaalada Biritooriya uuna la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad. Waraysigaa ka hor wuxuu la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad wasiirkii warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo uu waydiiyey war ahaa waxaa geeriyooday madaxwaynihii. Cabdilaahi intuu ladagaalamay ayuu telefoonkii ku dhigay.
Aniga ayuu ila soo hadlay Yuusuf aroortii oo markaa ahaa wasiirka arimaha dibada oo isla su’aashii iwaydiiyey, waxaa u sheegay inaanu warkaasi waxba ka jirin oon waliba u balaminayo madaxwaynaha si uu ula soo hadlo waxaan siiyey lambarkii mobilka madaxwaynuhu haystay waxaana la balamay todobada fiidnimo inuu nalasoo hadlo.
Wuxuu nala soo hadlay anagoo lafadhina qolkii madaxwaynaha Cigaal kana kooban
1. Marwadii Madaxwaynaha Kaltuun X. Daahir Cigaal
2. Wasiirkii Arimaha Dibada, Maxamed Siciid Gees
3. Wasiirkii warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale
4. Gudoomiyaha Baanka, Cabdiraxmaan Ducaale
5. Dr, Cali Qaadi
6. wakiilka Soomaaliland ee S/Africa Iqbaal
markii waraysigii dhamaaday ayaa Yuusuf garaad waydiiyey madaxwaynihii maxaan dadkii iyo dalkii kaa gaadhsiiyaa Cigaal waxa uu faray fariin ay ku jirtay inuu yidhi waxaan maqlayey inla yidhi waxbaa la kordhinyey majirto wax la kordhin karaa. Waxaa jirtay in telefoon naloogu soo sheegay intaan soo maqnayn in golihii guurtigu u kordhiyey golaha wakiilada mudo halsano ah iyadoo waqtigoodu ku ekaa may 2002 warkaas ayuu ku maqlay SAfrica oo uu kaxanaaqay, iyadoo ay cadayd in aanu doonayn in loo kordhiyo
markii aan ku noqday hutelkii aan deganaa aya waxa ila soo hadlay Yusuf Garaad intii aanu siidayn waraysigii madaxwaynaha waxa uu I waydiiyey in uu sii daayo fariintii madaxwaynaha isagoo abaal iiga dhigayey balantii aan usoo sameeyey. Waxaan ku dhahay ka goy anigoo ka fakerayey in aanay qurux badnayn in madaxwaynuhu amar ka bixiyo BBCuu kula hadlayo golihiisi kale oo ay ku fiican thay in marka laysu tago laga wada hadlo. Waraysigii waa la siidaayey anagu nasiib uma aanu helin in aanu dhageysano lakin waxaa lanoo sheegay in fariintii iyo hadalkale oo madaxwaynuhu kula hadlayey Cabdiqaasim lag ajaray.
Markii uu ogaaday madaxwaynihii in aan fariintii BBC laga sii dayn ayuu igu amray in aan raadiyo waraysigii la siidaayey oo aan hargeysa la hadlo,
lama oga waxaa uu ka yeeli lahaa kordhinta golaha wakiiladda iyo marka uu ogaado in aan anigu waraysigaa fariinta ka reebay waxa uu yeelli lahaa.
Waxaa xukuumadda cusub iyo golaha wakiiladda horyaalla xeerkaa doorashooyinka golayaasha oo aan fari ka qodnayn
Doorashooyinka hore ee qabsoomay waxaa xeerarkooda iyo miisaaniyadii ku baxday sii habeeyey Madaxweyne Cigaal iyodawladiisioo ku tala gashay in ay sidaa u qabsoomaan.
Dhamaystirka dimuqraadiyadda sidaa ku bilaabantay waxaa laga sugayaa xukuumadda hada jirta iyo in dawlad iyo shicibba la ilaashado nidaamka uu inoo sii jeexay madaxweyniheeni geeriyooday Maxamed X. Ibraahim Cigaal,
Furitaankii Axsaabta
Bishii june bilawgeedii 2001 markii ay aftida dastuurku dhamaatay ayaa shirkii golaha wasiiradda si lama filaan ah uu madaxwayne Cigaal ugu sheegay in hadda haboontahay in xukuumadu bilowdo sidii loo abuuri lahaa axsaab siyaasi ah, waxa uu markaa ku dhawaaqay ayaa u diyaar ah in uu xisbiga xukuumada galo, dabadeedna golihii gacanta ayey wada taageen iyadoo aaney cidna ka hadhin, dabadeedna wuxuu sheegay in uu xisbiga magaciisa u bixiyey “UDUB” wuuna sii fasilay magacii oo uu yidhi waa “URURKA DIMUQRAADIGA UMMADDA BAHOWDAY” waxaana loo baahan yahay in aynu samayno xeerarkiisii wuxuuna magacaabay guddi soo diyaarisa howshaa oo uu gudoomiya ugu magacaabay anigoo ah wasiirkii maaliyada ee waqtigaa Maxamed Siciid Gees, iyo wasiiro kale oo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusuf Ducaale wasiirkii waxbarashada, Cabdi Aw daahir wasiirkii caafimaadka. Markii hore gudigu waa koobnaa markii danbe wasiiro badan ayaa jeclaystay in ay ka midnoqdaan, markaa waxaa laga dhigay gudigii sadex iyo toban xubnood (13). Sida caadiga ah marka gudi loo xilsaaro hawl inta badan hawshu waxay qabsataa xubno gaar ah sidaa darteed hawshii waxay ku dhacday saddexdayadaas aan soo magacaabay, anaga ayaa diyaarinay distoorkii, barnaamijkii, calaamadihii, iyo tiradii golaha dhexe ee xisbiga, markii aan hawshaa soo dhamaynay waxaa dib ugu celinay Madaxwaynaha iyo gudi kale oo balaadhan halkaas oo lagu ansixiyey kadib waxaa lamagacaabay gudi kale oo kashaqaysa qabanqaabada shirka gudigaas aniga ayaa marlabaad la iiga dhigay gudoomiya shirkaa waxaa lagu qabya guriga shaqaalaha halkaas oo aanu dhignyey buug lagu qoro magaca lagana saxeexo qofka doonayo inuu kamid noqdo xisbiga, iyadoo qof kasta halkaas lagu sawirayey si loo siiyo aqoonsigisa xubin ee xisbiga. Shirkaas ayaa lagu ansixiyey dastuurkii, barnaamijkii, calaamadi, calankii, gudigii fulinta, golaha dhexe iyo gudoomiyaha, ku xigeenkiisa iyo xoghayeha xisbiga.
Sidaas ayey ku bilaabmatay oo lagu dhiiraday in ururadii kale la samaysto oo uu ugu horeeyey UCID
Dastoorka xisbiga waxaan ka soo dheeganay markii aan samaynaynay Dastoorka xisbiga ANC ee Koonfur Afrika oo aanu inter-natka kala soo baxnay, ururada kale intooda badani iyaguna waxay ka sii dheegteen UDUB
Sidaas darteed haddii aanay dawladu bilaabin in ay samaysato xisbigeedda u malaymaayo in ay asxaabtu samaysmi lahayd oo cid kale ku dhiiran lahayd, ku dhawaaqiddi UDUB waxay ka cadhaysiisay koox mucaarad ahayd iyo Salaadiin ku shiray Burco oo ku dhawaaqay in UDUB la baa’biyo, xubnahaas mucaaradka ahi waxay markii danbe isugu biyo shubteen ururkii ASAD ee uu hogaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadan, xubnaha ururkaasi waxay u badnaayeen kooxdii SNM ee la oran jiray Calan cas mar danbena la baxday Dib-u habaynta SNM. Waxayna ahaayeen qoladdi la gashay tartankii doorashada madaxweynaha Mudane Cigaal shirkii beelaha Soomaaliland ee Hargeysa 1997 ee uu ka guulaystay
Hadaba waxaa xusid mudan halka ay madaxweyne Cigaal iyo xukuumaddiisu 1999 ka bilawday dhaqdhaqaaqa hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka asxaabta badan ee ay xeerarkeedi samaysay una gudbisay golahii wakiiladda, in ay mucaaradku ku dhaqaaqeen isla sanadkaas samaynta Salaadiin cusub iyagoo xooga saarayey beelaha Samaroon, Habrjeclo, iyo Arab iyagoo isu diyaarinayey oo kharash iyo hanti ku bixinayey sidii loo qaban lahaa shirbeeleed marka ay dhamaato mudada Madaxweynuhu, iyagoo ku ciil qabay doorashadii 1997 ee laga guulaystay ay sabab u ahayd madaxdhaqameedka oo raacsanaa madaxweyne Cigaal iyagoo taa ka duulaya ayey samaysteen Salaadiintoodi
Halkaas waxaa ka cad in laba wado oo kala jeeda ay mareen Xukuumadda iyo Mucaaridku. Waxaa lama filaan ku noqotay markii la yidhi aftidii dastuurka la qabanayaa sida Warbaahinta iyo doodihii ay qabatay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Soomaaliland laga arkay waxay isku dayeen in ay joojiyaan dadkana shaki ka geliyaan aftidii dastuurka, hase yeeshe markii ay dadwaynuhu u dhaqaaqeen in ay codkooda dhiibtaan waxaa khasab ku noqotay in ay dadka dhinac ka raacaan, waxaa iyana jahawareer ku sii riday ku dhawaaqidii xisbiga UDUB waxay marmarsiiyo ka dhigtaan way garan waayeen. Markii ururo kale oo badan la sameeyey sida UCID, HORMUUD, BIRSOL, ILAYS, SHAHAN, iyoUMMAD oo diyaar u noqday in ay is diiwaan geliyaan aye ASAD diiday in ay is diiwaangeliyaan markii hore iyagoo aaminsanaa in aanay la tartami Karin madaxweyne Marxuun Cigaal iyo xisbigiisaHaseyeeshe geeridii Marxuun Cigaal ka dib ayey isdiiwaan geliyeen isla markaas ayaa la aasaasay xisbiga weyn ee mucaaradka Kulmiye. Sidaas ayey doorashooyinkii ku bilaabmeen iyadoo u horaysay tii golayaasha deegaanka oo ay ka qayb galeen lix (6) urur oo ay ka soo baxeen saddexda xisbi ee hadda jira saddexdii urur ee hadhayna iyagoo qof-qof ah ayey ugu kala biireen xisbiyadii soo baxay. Saddexdii xisbi ee soo baxay ayaa ka qayb galay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeeenkiisa waxaanna ku guulaystay xisbiga UDUB.
Waxaa xiiso leh siday u dhacdayba in xukuumaddii uu soo dhisay madaxweynne Daahir Rayaale Kaahin ay ka mid noqdeen lix(6) xubnood oo ka tirsanaa Ururkii ASAD, ururkaas oo sidaan hore u soo sheegay ka soo horjeeday dimuqraadiyadda dalka iyagoo diidanaa aftidii dastuurka iyo furitaankii ururadda siyaasadda .
Ragii sameeyey UDUBna ay iyaguna bananka uga joogaan qaybna ay ka mid noqdeen xisbiyo kale oo siyaasadeed , hadaba su’aashu waxa weeye ma UDUB ayaa ku biiray ASAD mise ASADayaa ku biiray UDUB .
Taasi waxay ku tusaysaadimuqraadiyadda ka bilaabmatay Soomaaliland iyo habka xisbiyadda badan in aanay ahayn mid caafimaad qabta oo ku dhisan mabda’ iyo aragti siyaasadeed ee ay tahay mid ku salaysan danaysi iyo maslaxad shakhsi oo uu qof meeshi dantiisa ka helayo uu u wareego markii uu doono
Madadxda asxaabta iyo dawladuna aanay waxba kala dooranayn ee ninkii u yimaadaba iska qadanayaan oo kii shalay cadawga u ahaa iyo kii la shaqaynayey isugu mid yihiin
Waxay ahayd arrintu in urur walbaa ku fara adaygo aasasayaashiisa oo aanu dhiiri gelin in ay ku soo biiraan kuwo ururo kale ka yimi, madaxdii saddexdii urur eeku hadhay doorashooyinkii ee waayey kalsoonidii dadweynaha waxay ahayd in ay ku milmaan bulshada oo aan ururo ahaan loola dhaqmin halka laga siinayo sadka oo lagu daray maamulka xisbiyada kale iyo dawladaba haddii aan sidaas la yeelin ma samaysmi karto asxaab leh mabda’ iyo aragti siyaasadeed mar haddii maalinba meeshi doog leh la raacayo , waxayna xaajadu ku soo arooraysa maahmaahda Soomaaliyeed ee ahayd (Geel,geel watdaartay geeddo la’aan dheh ). Sidaas ayey ku bilaabantay geedi socodkii dimuqraadiyentii Soomaaliland
Dibloomaasi u dhashay wadanka Maraykanka oo la yirahdo Devid Shiin ayaa mar uu hadal ka jeediyey sanadkii hore Akaadeemiga Nabadda iyo Horumarinta Somaaliland waxaa uu cadeeyey in wadan loo aqoonsan karo inay dimuqraadiyaddu ka hirgashay marka ay ka dhacaan saddex doorasho oo madaxweyne oo isku xiga oo si hufan oo lagu qanacsan yhay loo qabto iyo sadex dorasho oo baarlaman, sidaas haddii loo eego waxaa Soomaaliland lagu sheegi kara dimuqraadiyad marka la qabto laba danbe oo doorasho madaxweyne iyo saddex baarlamaan oo ku beegmaysa sannadka 2018
Hadaba ciddi u haysata kana dhigata ajende siyaasadeed hirgelinta dimuqraadiyada in lagu ictiraafo waxay ictiraafkaas sugaysaa ilaa sanadka 2018 kaas ooo micnihiisu yhay marka ay xijaabtaan ama ka baxaan inta maanta ku jirta saaxadda siyaasadeed ee dalka oo ay markaas wadanka u taliyaan kana hormood yihiin xisbiyadiisa dad ku soo barbaaray 15 sano oo dimuqraadiyad ahayd kana fiyoob dagaaladii sokeeye iyo dawladihii keligi taliyaha ahayd iyo ti musuqmaasuqa ee dalka soo martay
Akhristayaasha la socday taxanahan geedi socodkii nabadaynta iyo dimuqraadiyenta Soomaaliland waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan dimuqraadiyadii sababta oo ah soo gelitaanka bishan barakaysan ee Ramadaan waxynu mar kale ku kulmi doonaa saxfadaha wargeyska Jamhuuriya marka Ramadaanku dhamaato anigoo bilaabi doona dib-u dhiskii Soomaaliland.
Waxaan ka afeefanayaa haddii cid gef uga yimaado taxanahas maa aha mid loo la jeeday loolamana kicin ee waa taariikh aan anigu goobjoog uhaa ee maaha mid aan cid ka soo weriyey ama meelkale ka soo min guuriyey.
Sidaa iyo Ramadaan kariim
Ciid Mubaarak
Waxaan halkii ka sii anba qaadayaa qoraalkeeni aynu ugu yeedhnay Geedi socodkii Nabadaynta iyo Dimuqraadiyenta Soomaliland oo aan ka soo minguurinayey Xusuus qorkayga. Waa anigii idinku balan qaaday in aan dib u bilaabi doona marka ay Ramadaanku dhamaato inagoo ku guda jirna qaybtii Dimuqraadiyenta
Waxaa xusid mudan in habeen ka mid ahaa ramadaankii 1998 aan Madaxweyne Murxuun Cigaal balan uga dalbay Odayaal ka yimi bariga Sanaag oo Hargeysa ku sugnaa wuunna iga aqbalay balantiina waxay noqotay goor fiid ah, Cigaal waxaa uu ahaa nin aad ugu xeeldheer hasaawaha iyo bulshaawi oo cid walba dhaqankooda aad uga dheregsanaa Soomaali iyo Ajanebi marna laguma qaloon jirin agtiisa isagoo deeqsiiya dadka hadalkiisa. Waxaa uu habeenkaas odayaashi uga sheekeeyey in wakhtigii ingriisku dalka ka talin jiray uu mudo yar ka shaqeeyey xafiiskii D.C, wakhtigaas maalin ka mid ah uu arkiifiyadii xafiiska ka helay warbixin uu Badhasaabkii Fisher la oran jiray u diray Wasiirkii mustacmaradaha Ingiriiska oo uu kula taliyey in Soomaliland loo xukumo sida dalalka Carabta iyadoo loo samaynayo Suldaan ama Sheekh inaguna Ingiriis ahaan aynu iyaga maamulkeena sii marino. Waxuu Wasiirkii ku soo jawaabay oo uu waydiiyey Badhasaabkii qofka laga dhigayo Suldaankaa ama sheekha, waxa uu Badhasaabkii ku jawaabay in laga dhigo Maxamuud Cali Shire, dawladii Ingiriisku arrintaas halkaa kama sii wadin. Cigaal waxaa uu odayaashi kula kaftamay markii uu sheekadaas dhameeyey mar ayeydin noo noqon lahaydeen Amiiro oo aad wadanka xukumi lahaydeen ee maxaad nooga qaloonaysaan oo oo aad ugu soo dhiiran waydeen Soomaaliland. Madaxweynihii isagoo hadalkii sii wada waxa uu ka hadlay la soo noqoshada madax banaanidda Soomaaliland in aanay ahayn mid dadka Soomaalida kala takooraysa waxaa uu cadeyey in isu socodka, ganacsiga iyo wada noolashuhu uu sidii hore yahay ee waxaa lakala soocday uu yahay Maamulka iyo siyaasadda. Waxaa uu ka sii shekeeyey oo uu xusay in maalin dhawayd ciidanka wardoonku u yimaadeen iyagoo qaba inay war weyn sidaan waxay ii sheegeen ayuu yidhi in nin Hawiye ahi uu magaaladda Hargeysa ka furtay bakhaar weyn oo ganacsi isla markaana uu iibsado hubka una dhoofiyo Muqdisho waxaan ugu jawaabay ayuu yidhi waxaad ii sheegteen ma aha war dhiilo leh ee aad iyo aad ayaan ugu farxay waxaan jeclaan lahaa in rag kale oo badan oo dunida dacaladeeda ka kala yimi ay dukaamo iyo ganacsi ka furtaan Hargeysa iska daaya nin Hawiye ahe anagoo ku dadaalayna in Soomaaliland noqoto meel la maalgashado, dhinaca hubkana war kan dawladana ka iibsha haddii aad doontaan, waayo marka uu hub inaga dhoofaba nabadaa inoo xoogsanaysa ee haddii aynu lacag ku helno waa khayr inoo soo kordhay.
Dhawaan xukuumadda Soomaaliland waxay soo saartay go’aan sheegaya in dadka ajenibiga ahi ay dalka kaga baxaan muddo 45 maalmood ah. Xukuumadii hore ee madaxweyne Marxuun Cigaal arrintaas waa lagu soo qaaday golihii wasiiradda dhawr jeer dodo dhaadheerna waa laga dhiibtay waxaana laysa gartay oo tusaale ahaan loo soo qaatay in dadka soo galaytiga ah ee shaqo doonka ahi ay hurumar ku soo kordhiyaan wadamadda ay soo galaan ayna ka qayb qaataan dib-udhiska wadamadda dagaaladda ka soo kabanaya, waxaa tusaale ahaan loo soo qaatay dalka Jarmalka oo dagaalkii II ka dib ay soo galeen malayiin Turkiya oo xoogsata ahi oo ka qayb qaatay horumarka iyo dib udhiskiisa , sidoo kale isla wakhtigaa dalka Ingiriiska waxaa soo galay dad badan oo ah Hindi ,Eeshiyaan kale iyoo Jumaykaan xoogsato ah oo iyaguna ka qaybgalay dib udhiskii iyo horumarka. Sidaa darteed si Soomaaliland dib udhiskiisa iyo horumarintiisu u taabo gasho waxay dawladii wakhtigaasi ogolaatay in dadkaa soo galaytiga ah xoriyad iyo nabadgelyo la siiyo Soomaali iyo Ajanebi kii doona ha noqdeen. Hargeysa kuma ay dhisanteen mudadaas kooban iydoo 90% ay burbursanayd haddii aanay xukuumadu taladaas qaadan. Waxay xukuumaddu wakhtigaas isku raacday in dadka Soomaalida ahi meelkasta ha ka yimaadeen in ay degi karaan, wax ka baran karaan, ka xoogsan karaan, kana ganacsan karaan Soomaaliland laakiin aanay ka qayb geli Karin maamulka iyo siyaasadda. Waxaa la soo jeediyey marka la samaynayo aqoonsiga (Taysaradda) in la sameeyo laba nooc oo kala duwan oo mid loogu talo galo Muwaadiniinta midna la siiyo dadka soomali ah ee aan u dhalan Soomaaliland. Dadka kale ee ajanibiga ah ee aan ahayn Soomaalida iyagana in la diiwaan geliyo si deg-deg ah loona kala saaro kuwa doonaya qaxooti iyo nabadgelyo iyo kuwa shaqa doonka ah. Waxaa shirkaas lagu soo qaaday in maanta ummadii Soomaaliyeed ay wadamo shisheeya ah oo aanay isku af, diin iyo dhaqan ahayn ay ku nool yihiin oo nabad ku joogaan kana shaqaystaan sidaa darteed haddii Soomaaliland xooga yari u soo doonteen nabad iyo shaqo aan albaabada laga xidhan ee Ilaah lagu mahadiyo nabada uu ina siiyey ee ay iyagu aanay haysan maanta. Marxuun Cigaal isagoo shirkaa gudoominayey wuxuu ku soo gabagabeeyey duco uu yidhi waxaan Ilaahay ka baryayaa in u walaalahayga Soomaaliyeed siiyo Nabadgelyo inagana inoo sii xoojiyo. Waxaan xuuustaa markaas Cumar Maxame Nimcaale oo ahaa Wasiirka arrimaha gudaha ee wakhtigaa ayaa yidhi u ducaymayno ee waan habaaraynaa markaas ayaa golihii oo dhami qosol la dhaceen sidaas ayaa shirkii lagu soo gabagabeyey .
Waxaa xusid mudan ciidanka sirdoon ee Cigaal ku halqabsaday dadka badan kiisu may ogeyn in ay jiraan.
Markii lay magacaabay wasiirka Maaliyadda bishii mey 1999 ayaa waxa dhacday maalin anagoo ku guda jirna sidii aan u yareyn lahayn hay’adaha ka hawl gala goobaha kastamada ayaan waxaan boosta xafiiskayga ka helay warqad ka socota haya’da wardoonka oo uu ku saxeexan yahay taliyahoodi wakhtigaas ayna ku codsanayaan in xubno ka mid ahi ay ka hawlgalaan goobaha kastamada iyagoo leh waxaan ka shaqaynaynaa nabadgelyada goobahaas, arrintaasi yaab ayey igu noqotay iyadoo goobahaas nabadgelyadooda ay ka hawlgalaan booliis ayna joogaan kastam officers, waxa kale oo aan garan waayey oo yaab noqotay cida ay hoos tagaan iyo meesha laga xukumo war doonka waayo qaabka dawlada iyo dastoorka midna kuma jiraan , qaar ka mid ahaa madaxdii maaliyadda aya igu yidhi waxay hoos yimaadaan Madaxtooyadda.
Waxaan markaas qoray warqad ku socota madaxtooyadda oo aan ku warsanayo in haya’dda iyo codsigooda uu la socdo Madaxweynuhu waxaanna ku daray koobi ah codsigoodi. Maalin ka dib waxaan si kadis ah ku war helay wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cigaal oo uu ciidankii wardoonka ku baabi’iyey kuna kala diray hawlwadeenadoodii isagoo ku sheegay in ay hadda u soo dhigteen inay tagaan meelahii dhakhliga yar laga ururinayey hawshoodii loo dirtayna aanay taas ahayn.
Mudo ka dib waxan ka qayb galay shir kooban oo uu gudoominayey Cigaal ayna ku jireen taliyii ciidanka qaranka Ismaaciil Shaqale iyo taliyii ciidanka booliiska Marxuun Maxamed Jibriil shirkaas oo dib loogu soo unkay ciidanka sirdoonka iyadoo ciidamadii dalka laga soo xulayo hawlwadeenadii ka mid noqon lahaa hay’adaas markaas beelaha Hartiga oo hore uga maqnaana cid ayaa lagaga soo daray gobalada oo dhana waa la gaarsiiyey waxaanna madax looga dhigay Marxuun Rooble Timir. Markii xaalku halka marayey ayaa la yidhi miisaaniyad iyo kharash ha loo qoondeeyo. Waxaan su’aalay madaxweynihii sida miisaaniyad loogu samaynayo mar haddii aanay dastuurka waafaqsanayn waayo dastuurku waxaa uu ciidan ogol yahay saddex ciidan oo aha 1) ciidanka qaranka 2) ciidanka Booliiska 3) ciidan Asluubta sida ku cad qodobadda 123 iyo 124. waxaa uu ogolaanaya qodobka 113aad haddii loo baahdo hay’ado kale waa la dhisi karaa si xeerka waafaqsan, taaas oo macnaheedo yahay in madaxweynuhu uu soo jeediyo wareegto ah in hay’adaas la sameeyo ka dibna golaha wasiiradu soo sameeyaan xeerka iyo shaqadeeda kana doodaan oo ay ansixiyaan una gudbiyaan Golaha wakiiladda oo marka ay ansixiyaan ay hirgalayso oo sharci noqonayso.
Waxaa cigaal iigu jawaabay intaynu sharci u samaynayno waxaad hoos gelisaa oo ugu dartaan miisaniyadda madaxweyne ku xigeenka oo wakhtigaas uu ahaa madaxweynaha hadda Daahir Rayaale Kaahin ilaa maantana sidaas ayey ugu hoos jiraan xafiiska madaxweyne ku xigeenka miisaaniyadiisa iyadoo hay’adiina aanay lahayn wax sharci ah oo aan jiritaankeeda weli la ansixin.
Waxaa nasiib darro ah iyadoo la gaadhay wakhtigii dimuqraadiyadda oo la sameeyey habka asxaabta badan dalkana ay ka dhaceen doorashooyin xor ah in ay hay’adaas oo sii xoogaysatay shaqadeedu aanay waafaqsanayn dastoorkii loo codeeyey may 2001.
Waxaa kale oo aan xusayaa xukuumaddii 1997 ee uu dhisay Marxuun Cigaal, markii uu ku guulaystay xilka madaxweynaha isla markaana uu madaxweyne ku xigeenna uu noqday Daahir Rayaale Kaahin 1997. waxa uu madaxweynihii magacaabay gudi ka kooban 16 xubnood oo labiday aqoon iyo waayo aragnimo oo loo xil saaray inay madaxweynaha kala soo taliyaan dawlada uu samaynayo sida ay noqon doonto. Gudigaa waxa gudoomiye looga dhigay Madaxweyne kuxigeenkii wakhtigaas Daahir Rayaale Kaahin waxana ku xigeen looga dhigay Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) oo ah labadii nin ee ku tartamay doorashadii madaxtooyada u dambaysay, waxa kaloo kamid ahaa gudigaas intaan ka xasuusto Marxuum Maxamed Axmed (Sakhraan), Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Cali Sheekh, Cumar Maygaag Samatar, Jaamac Saalax, Cali Sh. Aareeye, aniga Maxamed Siciid (Gees) iyo 6nin oo kale oo hada magcoodu iga maqan yahay. Gudigii wuxuu bilaabay howshiisii isagoo ku kulmi jiray xarunta madaxtooyada xafiiska golaha wasiirada, wuxuu ogaysiis ku bixiyey oo laga fidayey warbaahinta qofkasta oo muwaadin Somaliland ah oo markaa ku jira maamulka ama dibada kajooga inuu keeno C.V giisa iyo nuqulka shahaadooyinkiisa waa qofkii doonaya inuu ka qaybgalo xilna ka qabto maamulka xukuumada iyo wasiiradiisa.markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay ururintii C.V yada oo dadkii danaynayey ay soo xareeyeen. Waxay gudigii sameeyeen hab loo qiimeeyo oo loo kala sooco dadkii C.V yada keenay iyadoo la tix gelinayo shahaadadiisa, waayo aragnimadiisa shaqo iyo da’diisa waxana loo qaybiyey sadax qaybooda A, B, C dabadeedna liiskii waxa loo gudbiyey madaxweynihii iyo hay’ada shaqaalaha.
Waxa kaloo gudigii u soo jeediyeen madaxweynihii talo ah in dal ku u baahan yahay dawlad aanay tirada wasaaradaheedu ka badnayn 16 wasaaradood. Hawshaas oo socotay mudo dhan bil iyo dheeraad markii lasoo gaba gabeeyey waxay gudigii la kulmeen madaxweyne Cigaal markay u tageen ugu horayn wuxuu ku bogaadiyey howshay soo qabteen wuxuuna xogwarran kasiiyey sidii wadanka lagu maamulayey mudadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay, waxaanu u sheegay inaanay suurtoobayn tirada wasaaradaha ka yar 16 ee aad ku taliseen isagoo ku sababeeyey waayo aragnimaduu soo arkay awgeed ayna ka badanayaan intaa. Arrinta maalintaas taagnayd ayaa maanta lagu canaanayaa Madaxweyne Rayaale dawladiisa balaadhan horaa loo yidhi nin xil qaaday eed qaad.Cigaal wuxuu sheegay inuu ka faa’iidaysanayo.Liiskii wax aqoon ka Somaliland ee gudigu soo sameeyey isagoo kala soo bixi doona wasiirada inta hadhana u gudbin doono hay’ada shaqaalaha si loo shaqaaleeyo oo looga xusho madaxda kale ee qaranka.markuu ka warramayey waayo aragnimadiisi maamulka Somaliland ee afar sano la soo dhaafay wuxuu yidhi runtaan idiin sheegaya mudada afarta sano ahayd dakhliga wadanka aniga gacanta ku hayey,awoodayda uun ayuu ku bixi jiray sabtoo ahayd cid aan wax ku aamino ayaan waayey isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi wasiiradayda qaar ayaa hal mashruuc laba ama sadax jeer kharash igaga qaaday iyagoo umalaynaya inaanan ogayn, Sidaa awgeed waxaan door biday waxa yar ee la soo urursho inaan anigu maamulo oo aanan cidna u dhiibin hada se dawlada cusub markaan dhiso waan iska wareejinayaa ,
Cigaal wuxu dhisay dawladii ugu aqoonta badnayd ee soomarta Somaliland ama Somaaliya ba hadii la eego waxay ka koobnayd rag ugu yaraan sita shahaadada darajada labaad ee Jamacada (Master) haddii aan ragas wax ka magacaabo
1. Axmed maxamuud Maxamed (siilaanyo) wasiirka maaliyadda
2. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) wasiirka A/dibada
3. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose wasiirka A/gudaha
4. Eng. Yusuf Caynab Muuse wasiirka Gaashaandhiga
5. Eng. Axmed Maxamed Biixi wasiirka Macdanta &biyaha
6. Maxamed Axmed Xaashi (farxaan) wasiirka xanaanada xoolaha
7. Maxamed Saciid Maxamed (gees) wasiirka Qorshaynta
8. Daahir X. Maxamed Yusuf wasiirka Waxbarashada
9. Dr. Cabdi Aw Daahir wasiirka Caafimaadka
10. Rashiid X. Cabdilaahi wasiirka Boosaha &Isgaarsiinta
11. Maxamed Muuse Cawaale wasiirka Deeganka & H/reer Miyiga
12. Axmed Xuseen Oomane wasiirka Kaluumaysiga
13. Jaamac Saalax Maxamed wasiirka Madaxtooyadda
Intaas aan soo magacaabay dhamaantood waa Master degree ama PHD inta kalena waxay ahaayeen kuwo aan ka yaraysan xaga aqoonta iyo waayo aragnimada oo intooda badani sitaan shahaadooyin jamacadeed oo kuwaas la mid ah iyadoo lagu dadaalay in nin walba meeshi uu ku haboona ama takhakhuskiisu ahaa lagu magacaabay.
Waxaa Maaliyadda loo dhiibay Axmed Siilaanyo oo lagu aaminay, isagaa dejiyey maamulka maaliyadda ee maanta jira, isaga ka hor ma jirin wax dakhli ah oo dawladu leedahay oo la garanayey mana jirin wax miisaaniyad ah oo lagu tala geli jiray, dad tijaar ah ayaa badanaa laga sii amaahan jiray raashinka ciidanka, shidaalka, qalabka xafiisyada iyo wixii loo baahdo taas oo aad u fara badnayd dabadeedna waxaa la siin jiray waraaqo cashuur dhaaf ah oo ay badeecadaha iyo xoolaha kaga dhoofsadaan kalana soo degaan dekeda Berbera, sidaas awgeed dakhli micno leh uma soo xeroon jirin dawlada. Waxaa lay sheegay inkastoo aanan anigu arag in ay dhici jirtay in waraaqahaa alaab lagula soo baxo in ka badan hal mar mararka qaarkood. Wasiirka cusubi Siilaanyo waxaa uu qaaday laba talaabo oo dhaxalgal noqday oo run ahaan aad muhiin u ahaa marka hore waxa uu la xisaabtamay tijaartii isaga iyo wasaradiisi, nin walba waxaa loo furay fayl lagu cadeeyey deynta uu ku leeyahay dawlada waxaana loo balan qaaday in la siinayo deyntiisa oo aanay cashuur u qaadanayn, taas oo markaas keentay in la ogaado dakhliga soo galaya dawlada. Talaabada labaad waxa uu sameeyey raashin iyo mushahaar la siiyo Ciidamada oo qorshaysan. Halkaas waxaa dhab u hirgalay maamul xisaabeedkii maaliyadda wuxuuna ku guulaystay inuu 6 bilood ee sanadka ka hadhsanayd inuu u sameeyo miisaaniyad wadanka lagu maamulo.
Markii hawshii gudigii la talinayey madaxweynaha ay dhamaatay oo aan horena uga soo qayb galay gudigii dastoorka oo isna dhameeyey hawshiisi waxaan u diyaar garoobay in aan ku noqdo Yaman oo aan deganaa taas oo caado ii ahayd 5 sanadood ee u danbeeyey inaan sanadkii badh joogo Soomaaliland Badhna Yaman waxaa tigidhkii Jabuuti iigu deeqay saxiib qaaali ah oo aan la ilaawi Karin Marxuun Maxamed Cabdi Dhinbiil (Galbeedi) oo wakhtigaas ahaa wasiirka Arimaha Dibada& Qorshaynta. Wakhtigaas waxaan deganaa hotel Maaweel anigoo sidaa aan soo sheegay diyaar u ahaa in aan dhoofo ayaa aroor waxaa qolkii hutelka ee aan deganaa waxaa igu soo garaacay wiil dhalinyaro ah oo aanan garanayn waxaa uu ii dhiibay warqad ah balan madaxtooyadda ah oo 9;00 subaxnimo ah ninkaas oo aan markii danbe wax badan wada shaqaynay oo ka mid ahaa Xoghaytii Cigaal oo la yiraahdo Naasir, warqadaas uu ii dhiibay ku cadayn waxa laygu yeedhayo laakiin waxay ahayd balan kulan sidaas ayaan ugu tegay Madaxweyne Cigaal oo I sugayey waxaanu igu qaabilay xafiiskiisi waxayna ahayd maalintii ugu horaysay ee aanu labadayadda oo keliyi kulanay, markii aan isa salaanay oo aan fadhiistay ayuu igu yidhi waxaan go’aansaday in aan kugu magacaabo xil ah wasiirka wasaarada qorshaynta ee maxaad ka qabtaa waxaan ugu jawaabay waqtigii hantiwadaagu waa kii dhamaaday ee maxaynu qorshaynaynaa waxa uu iigu jawaabay adeer hawlo badan ayaa jira oo aan qoraal kuugu soo gudbin doonotaas oo aan u rabo in wasaaradani qabato, hadalkii ayaan ku celiyey oo idhi anigu aqoon macalinimo ayaan leeyahay ee maad ii dhiibtid waxbarashada hadiim aad xil ii dhiibaysid waxaa iigu jawaabay waa runtaa ee Daahir maxamed Yuusuf ayaan hortaa ku magacaabay waxaan idhi waa u qalmaa oo isku macalimiin ayaan ahayn oo waa nin ka soo baxaya aniguna waan kaa aqbalay xilkaas sidaas ayaan ku noqday wasiirka wasarada Qorshaynta 20 mey 1997 xilkaas oo aan hayey ilaa mey 1999. markiiaan ka soo baxay kulankuu Cigaal waxaa ii yimi niman Siyaasiyiin ah oo ka tirsan beesha Warsangeli oo ku sugnaa Hargeysa waxay qaarkood iigu badheedheen in aan iska casilo xilka lay magacaabay oo aan diido iyagoo ku sababaynaya in meel lagaga dhacay beesha Warsangeli oo hore u hayn jirtay wasaarado waaweyn sida Caafimaadka & Gadiidka cir iyo dhulka arrintoodi waan ka diiday nimankaas siyaasiyiinta isku sheegayey waxaan ku idhi waryaadhaheen meesha wax lagu qaybsanayaa ma yaalaan ee hawl ayaa taala iyo wax la abuurayo Aniguna meeshaan cidlada ah ayaan qabanayaa oo isku tijaabinaya waxan ka qaban karo. Markii aan tegay wasaaradii waxay noqotay siday sheegayeen meel aan wax oolin oo miisaniyadeedu waxay ahayd 30,000,000(soddon milyan oo shilin S.L) , shaqaalaheedu 30 qof, xafiiyadeedu waxay ahaayeen 4 qol , wax gaadiid ah ma lahayn , tell ma lahayn , biyo ma lahayn iyo musqulo toona waxaa laga soo jaray Arimaha Dibada oo shaqaalihii intoodi badnayd waxay ku hadheen Arimaha Dibada hase yeeshe waan u badheedhay arrintaasna waxa iiga muuqday mida Soomaali meelkasta oo ay joogtoba ka haysato fikirka xilka dawladnimo taas oo ay ugu dhismi wayday dawlad hagaagsani kuwii horena uga burbureen oo ah in xilka umaddu intaan la gelin loo haysto meel wax lagu xado oo ninka iyo beeshiisu ku cad goostaan sidaa ayuu maamul dawladeed oo dhexe aanu ku dhismi Karin inta fikirkaasi jiro. Labo sano ka dib waxay noqotay wasaarad dhismaheedi labanlaabmay, Gaadiid leh, tell leh,qalabkii xafiisyadu u dhan yihiin qoraaladda Soomaaliland ka hadlayana laga soo saaro, shuruucdii lagu dhaqayey hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ahna la sameeyey markaas ayaa layga wereejiyey iyadoo ka mid noqotay wasaaradaha ugu muhiinsan dalka.
Gushaas waxaa lagu gaadhay iyadoo aanaan wax miisaaniyad kordhin ah waydiisan dawlada, anigoo aan tegin xafiisyada wasiirka maaliyadda iyo xisaabiyaha guud oo kharash ka dalban
Waxaa si lama filaan ah xafiiska u soo booqday Maxamed Xawaadle Madar oo aniga iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Cawil si fiican u yaqaanay oo aanu xamar wada shaqayn jirnay waqtigaasna waxa uu madax ka ahaa Shirkadda isgaarsiinta SOLTELCO waxa uu nagu yidhi maxaad tell xafiisyada u soo gashan weydeen xafiisyada dawlada intooda kale way leeyihiine waxaan ugu jawaabnay anagu lacag ma haysano aan ku soo gashano waxa uu noo balan qaaday inuu bilaash noogu soo geliyo, isla maalintii ku xigtay waxa uu soo diray shaqaalihiisi oo noo geliyey 2 tell xafiiskaygii iyo kii agaasimaha guud,
Waxaa wasaaradda la jaar ah wasaarada dib-udejinta oo kharash faro badani kaga socday xaga hay’ada UNHCR waxaa wasiir ka ahaa C/laahi dereewal oo aan saaxiib ahayn waxaana agaasime guud ka ahaa Maxamed cumar cartan oo aanu aqoon weyn isu lahayn taas oo ahayd xidhiidh dheer oo ka dhexeeyey labadayada qoys iyadooy labadayada aabe saxiib ahaayeen ayna ka soo wada qayb galeen halgankii gobanimo doonka , maalin maalmaha ka mid ah ayaan Maxamed Cumar kula kaftamay (xabaalahaba xabaasha u dhaw waa la rusheeyaa) ee maad wax ku soo tuurtaan wasaaradan fara madhan ee jaarka idinla ah, arrintii wuu garawsaday oo wuxuu nagu caawiyey isla markiiba hal Kanbuuyitar iyo Printankiisi iyo hal Photocopy, wasaaradiina wuxuu noogu sameeyey dayactir gudaha ah isagoo u soo diray shaqaale ranjiya oo sameeya wixii dayactir u baahnaa .
Anigana waxa uu iigu deeqay inuu gaadhigiisa gelinka danbe igu rawixiyo aroortiina aan iska soo lugeeyo. Markii uu xaalku halkaa marayey nasiib wanaag waxaan is baranay madaxii hay’ada UNHCR ee waqtigaas oo la oran jiray Antony Verwi oo u dhashay Holland ninkaas oo aad wax uga qabtay dib u dhiski Soomaaliland wax badana u qabtay waxaan ka codsaday in uu dhismaha wasaaradda noo balaadhiyo oo ay hay’adu qandaraas ku bixiso dhismahaq oo marka la dhameeyo muftaaxa nagu soo wareejiso, waa iga aqbalay codsigaas oo dhisme le’ag inti hore wasaarada ayuu noogu daray.
Waxaanu dhexgalnay hawl maalmeed kii wasaarada waxaan bilaabay in la soo saaro buugii u horeeyey oo loo magac bixiyey SOMALILAND IN FIGURES waxaan wasaarad ka tegay (layga bedelay) iyadoo uu soo baxay laba koobi kii sadexaadna madbacada ku maqan yahay buugaas ilaa maanta nuqul danbe lama soo saarin oo iga danbeeyey intii wasiir xilka wasaarada iiga danbeeyey kumay guulaysan arrintaas iyada oo ay joogaan wasaarada shaqaalihii aqoonta u lahaa,
Waxaa kale oo aanu xidhiidh la yeelanay hay’ad kale oo ah UN oo la oran jiray UNDOS oo tiro koob iyo cilmi baadhis ka samaynaysay dhulweynihii laysku oran jiray Soomaaliya, hay’adaas wuxuu Agaasi guud Cawil kula heshiiyey in hawlaheeda dhinaca Soomaaliland ay wasaarada qorshayntu kala shaqayso iyaduna naga caawiso sidii aanu u soo saari lahayn qorshaha horumarineede ee 3 sqanadood (three year planning) sidaas ayaanu ku bilawnay wada shaqaynti iyaguna waxay naga bixiyeen kharashkii tafatiraha buuga oo ahaa Mr Jonh Darrysell iyo qayb daabacaadi buuga ka mid ah, buugaas oo ahaa laba nuqul. Markii wasaaradii soo saartay labadaas buuug waxay gilgileen hay’adihii deeqda bixin jiray oo ay ku noqotay waxaanay ka filayn Soomaaliland inay soo saari karto, waxaa xusid mudan Safiirkii waqtigaas waddanka Maraykanka u fadhiday dalka Jabuuti oo ahayd gabadh la oran jiray Mrs. Sherm Honk markii ay heshay nuqul ka mid ah buugaagtaas way noogu soo hanbalyeysey o tidhi Jabuuti oo ah dawlad jirta ayaan weli lahayn qorshe sanadeed qoran, inkastoo mashaariicdii la qorsheeyey inay wasaaraduhu fuliyaan aanay wada hirgelin duruufo jiray awgeed oo dhaqaale xume ahaa hadana waxaa is dadban u fuliyey hay’ada mashaariicdii aanu mudnanta siinay . waxay noqdeen nuquladii shay wafti kasta oo dalka yimaada lagala hor tago oo la weydiiyo waxay ka qaban karaan sidaasayna xujo ugu noqodeen waxaanu iyadana hawlo ka qabanay anagoo kaashanayna hay’ada UNDP ee fadhida Itbiya iyo dawlada Itoobiya iyo Khuburo reer Soomaaliland ah waxaanu wada jir u soo saarnay qorshe horumarineed loogu magic daray (cross border projects) oo kililka shanaad ee is maamulka Soomaalida Itoobiya iyo Soomaaliland isku xidhaysay, hawshaas waxaa lagu qabtay wasaarada qorshaynta dhexdeeda anagoo Xafiis ka siinay mashruucaas wasaarada oo hawshooda ku qabsan jireen , markuu dhamaaday mashruuci oo qoraalkii soo baxay waxaa qalabkii lagu shaqaynayey lagu wareejiyey wasaarada oo ka koobnaa miisas, kuraas, kanbuyuutar iyo qalabki xafiiska mashaariicdaa waxaa ku hinaasay UNDP Nayroobi oo Soomaalida qaabilsan sidaas ayey u hirgeli waayeen laakiin qoraalkii wuu soo baxay oo meelkasta waa la gaarsiiyey. Waxaan kale oo ku guulaysanay xidhiidh wanaagsan oo aan la yeelanay UNDP in aan ka helno khabiir nagala shaqeeya wasaaradda oo noqotay gabadh Maraykan ah oo la yiraahdo Laurra Hammud oo hada Prof: ka ah waxna ka dhigta jaamacda (Clark Universatiy) oo ku taal Boston wadanka Maraykanka ka dibna waxaa gabadhaas bedelay nin la yiraahdo Nick Hilter oo isna u dhashay wadanka Ingiriiska o hada ka shaqeeya UNDP wadanka Asbijaan ee ka tirsan Aasiyadda dhexe labadaaas khabiir wasaarad awax badal ayey u qabteen iyagoo nagala talin jiray dhinacyada Qoraaladda iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah .
Waxaa iyana xusud mudan in had iyo goor oo ka dhex taagnaan jiray hay’adaha caalamig aiyo xukuumada Soomaaliland Xidhiiidhka ka dhexeeya sababtuna ahayd iyadoo aanu jirin sharci wada shaqayntooda qeexaya, oo cabsho ka iman jiray xagga bulshada, and xukuumadda iyo hay’adaha laftooda. Anagooo maalin maalmaha ka mid ah ku jirna shirkii golaha wasiiradda ayaa Madaxweyne Marxuun Cigaal iigu dhex dhiibay golahii buug laga soo saaray jaamacadda la yiraahdo (London School of Economics) oo ka hadlaya sharciyadda ayu leeyihiin dawlado badan oo Arikaan ahi hay’adaha NGO yadda la yiraahdo Local ama International waxaannu I faray in aan soo sameeyo sharci heshiis oo dhex maraya Xukumadda Soomaaliland iyo hay’adahaas. Waxaa iyana xusayaa in mar aan booqasho ku tegay 1997 wadanka Ingiriiska magaaladd aLondon aan la kulmay ninka madaxda ka ah hay’ada PEHNA oo dhalashadiisu tahay Ereteriyaan Dr. Saria wada ahdalkayagii waxaa ka soo baxay in u isiiyo nuqul ah sharciga heshiisyada ee dawlada Itoobiya kula dhaqanto hay’adaha ajenibiga ah . waxan guda galnay sidii aan u samayn lahaa xeerkaa anigoo kaaashanaya Buugi Madaxweynuhu ii dhiibay iyo nuqulkaa Itoobiya markii aan dhamaynay xeerkii ayaan la xidhiidhnay hay’adahii waxaanna arrintaas gacan weyn ka geysatay Lorre Hammud oo ku qancisay ninkii u ahaa hay’adahaas xidhiidhiyaha ( focal point) oo madax ka ahaa hay’ada IRC si uu NGO ugu bandhigo sharcigan oo ay iyaguna cid u soo dirsadaan si ay wasaarada isula eegaan arrintaasna way aqbaleen oo waxaa shartcigii kja wada shiray wasaarada iyo hay’adaha IRC, ICD, DRC oo hay’adaha metalayey waxay isku raaceen nuqulkii heshiiska .
Markii aan ku heshiinay ayaan nauqulkii iyo lifaaq aan u raaciyey u geeyey Madaxweryne Cigaal oo caan ku ahaa hawsha uu danaynayo in uu dhakhso u dhamaystiro waxaa uu isla markii uu gaadhayba u isugu yeedhay golahii wasiiradda oo uu u qaybiyey nuqulkii waxaanu ku amray in aan waxba laga bedelin ee la soo akhriyo markii golahii wasiiradu isku raaceen waxaa loo gudbiyey golahii Wakiiladda o markaas uu Gudoominayey Cabdiqaadir Jirde isaguna arinkaas xil weyn ayuu iska saaray oo wuxuu siiyey mudnaanta kowaad oo golahii ayuu hordhigay sidaas ayaanna lagu ansixiyey waanna sharciga keliya ee inta aan xusuusto isagoo ku qoran af Ingiriisi goluhu ansixiyeen. Markii sharcigu soo baxay ayaa aniga wasaaradii layga bedelay sidii aan ugu tala galnay uma an dhaqan gelin xeerkii wasiiradii wasaaradda iiga danbeeyey.
Waxa kale oo aan ku guulaysanay intii aan wasaarad ajoogay in aan qabano Workshop weyn oo ay wada qabteen hay’adaha UNHCR, UNDP, Wasaarada dib udejinta iyo Wasaarada qorshaynta oo ku saabsanaa sida dadka dib loogui soo celinayo dalka loola dhaqmayo iyo mashaariicda loo qabanayo iyo meelaha lagu soo celinayo sida adeega bulshada wax looga qabanayo markii workshopkaa la qabanayey waxaa wefti looga yeedhay 6 gobal ee dalka waxaana loo diray gobaladda aqoonyahano ka socda hay’adaha deeqda bixiya iyo Xukuumada oo warbixino ka soo qoray waxaana lagu qabtay guriga shaqaalaha waxaana furay madaxweyne Cigaal waxaa nasiib u yeeshay dhamaystirkii shirkaas oo xilkii wasaarada aan ku wereejiyey Axmed Maxamed Siilaanyo waxaana halkaas ka soo baxay baahiya mashaariicda laga fulinayo Soomaaliland iyo kharashka ku baxaya. Waxaan wasaarada yalay oo aan ka tegay sadex buug oo kala ah 3year planning oo lagu naanaysi jiray buuga cad iyo oolaba vulama ah iyo buugaga cagaaran oo aha cross bonder projects iyo kan buluuga ah oo ahaa Soomaliland in fingures waxayna ahayeen waxa keliya ee la hordhigo weftiyada dalka yimaada iyo hay’adaha o la yiraahdo maxaad ka qabanaysaan waqtigaasina waxa u aha mey 1999 waxaa ayaan darro ah ilaa maanta wax buug ah ama qoraalo oo la ictimaado aanay wasaaradii soo saarin sanadkaan maqlay waxaa la qorayaa 3 year planning waxaa u dhaxaysa mudo ah 5 sanno wasaaradda qorshaynata qarankuna waa muraayada dalka laga daawado
Waxaa xusid mudan 1998 markii uu Sacuudigu xayiraada saaray xoolahii noola ee lo dhoofin jiray oo dhaqaalahii dalkana saameyn weyn iyo hoos u dhac ku keenay. Waxaa qoraal soo saaray wasiirka Maaliyadd Axmed Maxamed Siilaanyo Wasiirkii Arimaha dibada Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe iyo wasiirkii Qorshaynta Maxamed Saciid Gees aanu u dirayno beesha caalamka anagoo ugu baaqaynay si ay wqx ugala qabtaan Soomaaliland iyo soomaalida kaleba cunaqabatayntaas dhaqaale ee uu Sacuudigu ku joojiyey xoolahii oo ahaa lafdhabarka dhaqaale ee Somaalida.
Waxaa raacay wefti uu madaxweyne Cigaal hogaaminayey oo booqasho ku tegay wadanka Itoobiya, waxaa dhacday in aniga Gees iyo Maxamuud Saalax Fagadhe lanoo qaban qaabiyey in safiirkii Maraykanka ee Adisababa Devid Shiine uu noo balamiyey dawlaha deeqd abixiya safaaradahooga Adisababa halkaasna aanu ku soo bandhignay qoraalo sheegaya dhibta dhaqaale ee ay kentay xayiraadaas xooluhu iyo sida uu ahaa qoreshahi horumarineed ee 3 sano aanu ku tala galnay, dadkii halkaas isugu yimi way aqbaleen dalabkayagii waxaann aka danbeeyey in la bilaabo mashruuci loogu magic daray HEC oo dawlada Talyaaniga iyo EU ay ugu deeqeen mashaariicay fulinayeen dawladaha hoose ee magaaloyinka Soomaaliland qiimahooduna ahaa 1.7 milyan US doolar mashaariicdaas oo ay iska kaashan jireen wasaaradaha Maaliyadda, Arimaha Gudaha, Qorshaynta iyo Ngo dalalka EU. Waxaanu ku heshiinay in lacagta dolarka lagu shubo Baanka dhaxe ee soomaaliland baankuna bixiyo shilin Soomaaliland taas oo wax weyn ka tartay qiimo jabkii ku dhici laha ashilinkeena, mashaariicdaasi waxay u hirgaleen sidi loogu talagalay taas o ku riday deeq bixiyayaashii kalsooni fiican oo ay ka heleen xukuumada Soomaaliland iyo in xidhiidhkii xukuumada iyo hay’adahu sii xoogaysto. Waxaa dhacday sanadkii 1999 intaanan ka wareegin wasaarada in aan ka qayb galnay shir qarsoodi aha oo uu madaxweyne Cigaal noo xil saaray sadex wasiir oo kala ahaa Siilaanyo, Fagadhe iyo aniga Gees in aan kulan la yeelano madaxii EU u qaabilsana soomaalida ee waqtigaas iyo wefti la socday ninkaas oo u dhashay wadanka Boortaqiiska lan oran jiray Mr. Duwarti ka dib markii ay is arkeen madaxweynaha shirkaa soo aanu isla qaadanay ayna naga ogolaadeen in Eu komishankeedu u heshiisyo toos ah la galaan xukuumadda Soomaaliland uuna bixiyo mashaariic lagu horomarinayo Soomaaliland qaybaheeda kal duwan ee adeega bulshada, waxayna noo sheegeen inay arrinkaas ka soo dhaadhiciyeen dalalka xubnaha ka ah EU oo ay aqbaleen dhamaantood waxayna ku nuuxnuuxsadeen in marka u heshiiskaasi hirgalo ay albaabada u furayso inay heshiisyo toos ahi dhexmari doonaan dalalka xubnaha ka ah EU iyo Soomaaliland iyagoo goonigooni dal walba ugu iman doono, waxayna ku faaneen inay iyagu ahayeen EU komishanku qoladii u horeysay ee Maamulka Falastiiniyiinta la gala heshiis ka dibna ay dalalkii xubnaha ka ahaa ay midmid ula galeen dhamaantood. Arrinkaasi haddii uu hirgalo waxay noqon lahayd guul weyn oo u soo xeroon lahayd Soomaaliland.
Waxaa dhacday in markii arrinkaas laga war helay iyo kuwa kaloo la mid ah ay is gaashaan buuraysteen qolyahii ka soo horjeeday ictiraafka Soomaliland markaa soo lagu dhaqaaqay in la abaabulo shirkii Carta halkaa soo lagu sameeyey dawlad ku sheegtii soomaaliyeed iyadoo ujeedada u weyni ahayd ha la joojiyo Soomaaliland . sidaas darteed ayey ku waxay komishankii EU awoodi waayeen inay heshiiskaas fuliyaan mar hadi lagu dhawaaqay dawlad soomaaliyeed .
Waxaan ka cudur daaranaya anigoo qoraalkii halkaas ku hakinay sababtoo ah anigoo safar ugu baxayo dalka dibadisa dalalka USA& UK sidaas dartii waxaa balan qaadayaa in aan akhristayaasha Jamhuuriya ugu dhamaystiri doono joornaalka isagoo buug ah oo faahfaahsana aan soo saari doobo
AALLAA MAHAD LEH
Waxaan mudo dheer joogay Wasaarada Qoeshaynta sidii aan hore u soo sheegay taas oo aan xilkeeda qabtay laba goor markii hore waxaa uu ahaa May 1997-may 1999 markii danbana waxaan ku soo laabtay 16 December2001- May 2002 .
Mudadaas aan joogay wasaaradaas waxaan xidhiidh fiican oo wada shaqayn ah la yeeshay hay’adaha caalamiga ah ee joogay hargaysa iyo shaqaalaha ka hawl gala kuwa Unta iyo NGO sidii aan horeba u soo sheegay.
Waxaan iloobayn kaalintay ka qayb qaateen xubnaha ay ka mid ahaayeen Laura Hammond, Matt Bryden, Emanual (laangadhe) sidii qamadigii mucaawinada ee loo waday dalka Itoobiya sidii loo soo marin laha dekada Berbera, arrinkaas oo markay hirgashay dhaqaalaha dekada iyo dalkaba sare u qaaday, furtayna kana qayb qaadatay dhismaha magaalada caan ka ah ee Wajaale. Emanual (laangadhe) waxay saaxiib ahaayeen kooxdaas aanu isku xidhnayn waxaanu u dhashay dalka Belgium waqtigaana waxaa uu la taliye ugu shaqayn jiray hay’ada DANIDA ee laga leeyahay dalka Denmark, waxaanu sahamin ku sameeyey miinada iyo gantaalihii ciidankii dawladii soomaaliyeed ee duugoobay oo khatar ku hayey dadka iyo noolaha kaleba kuwaas oo ahaa sancadii Ruushka, si arrintaa wax looga qabto waxaa uu farsamadooda iyo habka samayskooda ka soo helay hay’adihii Maraykanka e la socday sida loo sameeyo hubka Ruushka,, gantaalaha oo hargaysa iyo Berberaba ku wareegsana. Waxaa ninkii Emaul ii sheegay in ninka Euda u qaabilsan dhinaca Logistics e jooga Adisababa uu yahay nin Belgium u dhashay ayna isku magaalo ka yimaadeen aqoon weyna ay isu leeyihiin ninkaas oo la yiraahdo Pascal Johnson oo ay wada yaqaaneen kooxdani (Matt, Laura & Emanual) kaas oo ay ka dhaadhiciyeen in Berbera iyo Soomaliland tahay meel nabad ah oo macaawinadda raashinka Itoobiya loo soo marin karo, Pascalna arrintaa waa ku dhiiraday madaxdiisina wuu ku khasbay oo sidaas ayaa markabkii u horeeyey ee raashinka u siday Itoobiya ku soo xidhay dekada Berbera horantii sanadkii 1999. Arrintaasi si sakhsi ah ayey ku bilaabantay oo aanay dadka intiisa badani aanay ka war hayn. Mudadaas aan joogay wasarada Qorshaynta waxaa ii suurta gashay in aan ka mid noqdo dhawr wefti oo uu Madaxweyne Cigaal hogaaminayey oo dalka dibada uga safray. Kii u horeeyey waxa uu aha 1998 oo ahaa shirka Madaxweynayaasha dalalka IGAD oo lagu qabanayey magaalda Jabuuti, shirkaasi waxa uu lahaa sheeko gaar ah waxaanu ka mid ahaa waxyaalihii kala fogeeyey xukumadaha Soomaaliland iyo Jabuuti ee waqtigii Madaxwyne Cigaal.
Mudane Maxmuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa wasiirka arimaha dibada markaas ayaa socdaal uu ku tagay Jabuuti ka soo noqday waqtigaas oo uu xafiis ka soo furay magaalada Jabuuti loona magaabay Cumar dheere weliba xafiiska laga siiyey guryo ay dawladii hore ee Soomaaliya ku lahayd magaalada Jabuuti mid ka mid ah, waxaa uu Mudane Fagadhe ka sheegay shirkii golaha wasiiradda in Madaxweyne Cigaal lagu marti qaaday inuu khudbad war bixin ah oo ku saabsan arrimaqha wadankii laysku oran jiray Soomaaliya ka soo jeediyo shirka Madaxweynayaasha dalalka IGAD, arrintaas oo ay waqtigaas ka hadlayeen madaxweynayaasha halkaas isugu imanyey. Madaxweynuhu arrinkaas aad ayuu ugu diyaar garoobay, markii ay soo dhawaatay mudadii shirka waxaa hore loo sii diray labada wasiir ee Arimaha dibada iyo Maaliyadda oo kal ahaa Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Axmed Maxamuud (Siilaanyo) si ay weftiga madaxweynaha googol xaad ugu sii sameeyaan. Waxaan ka mid noqday weftigii madaxweynaha oo ahayd markii iigu horeysay oo aan Safar dibada ah u raaco waxaa kale oo waftigaa ka mid aha Yusuf Caynab Muuse oo ahaa wasiirka gaashandhiga, Cali Sh. Ibraahim Aareeye oo ahaa wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka, Ismaaciil Shaqale oo ahaa taliya ciidanka qaranka iyo xubno ka tirsan xoghaynta iyo ilaalada madaxtooyadda. Waxaannu hargaysa ka duulnay 14 march 1998 diyaaradda aanu raacnay waxa lahaa shirkadda diyaaradaha e Airjabuuti, diyaaradaas oo aad si fiican loo soo agaasimay hoosteeda iyadoo lagu maamusayo madaxweynaha, waxaa kaloo maalintaas lagu soo daray diyaaradda laba gabdhood oo ah (air hostess) oo hablo quruxbadan ahaa dirayskii diyaaradahana sitay. Kursi ku dhaw madaxweynaha ayaannu fadhiisanay aniga iyo Cali aareeye, cali waxa uu ahaa ardaygaygii kuliyaddi waxbarasha ee Lafoole wuxuuna aha anin bulshaawi ah oo kaftan badan oo ku hadla af soomaliga sooca gaar ahaan luqada Ciisaha oo madaxweyne Cigaal iyo golaha wasiiraduba aad u jeclaayeen kaftankiisa. Hablahii ayaa noo keenay sharaab Cali ayaa intuu xagii madaxweynaha u jeestay ayuu ku yidhi “madaxweyne hablahani waa Ciise” isagoo quruxda hablaha tilmaamaya, madaxweynihii intuu fahmay hadalkii cali ee tilmaamayey quruxda hablaha ayuu ku jawaabay “Caliyow waa dawladnimada oo uu ku sii daray waqti dhawayd oo aan tegay Nayroobi waxaan la yaabay hablihi Kenyaatiga ahaa quruxdoodi kuwaas oo Lixdameeyadii aan cidina eegi kari jirin foolxumadooda waxaa isbedelkaa u keenay dawladnimada”. Anagoo weli diyaaradii ku dhex jirna ayuu Cigaal soo hibtay arrin maalmahaas dhacday oo ahayd wasiirkii beeraha ee waqtigaa Marxuun Yaxye X. Ibraahim oo uu xilkii ka qaaday waxa uu yidhi war ninkii Yaxye ee aanu u dirnay dalka Sacuudiga si uu inooga qaado xayiraadi xoolaha ee uu inagu soo rogay ayaa intuu Ismaciil Buubaa guri la galay u markhaati furay dhinaca Sacuudiga war ilayn kan oo kale maynu arag.
Nin naga mid ahaa ayaa cigaal xusuusiyey oo yidhi waa kii golaha ka yidhi ayaamihii aad na magacawday “ madaxweyne ma teenan yar ayeynu iska aaminaa mise Soomaali ka weyn ayeynu raadsanaa” cigaal intuu soo booday ayuu yidhi war anigu arrinkaa ma maqlayn ilayn waxbaan ka oran lahaye,ninkale oo naga mid aha ayaa yidhi madaxweyne markii aanu joognay jabhadii SNM waxa uu aha nin aan la afgaran. Cigaal ayaa ninki ugu jawaabay bal u kaadi waa waxaan idinku nacaye marka ninka xilka laga qaado ayaad tiraahdaan waxaa ayuu ahaa oo aad wax ka sheegtaane markaan magacaabayo cidna wax kam asheegto. Waxaan ka degnay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti cabaar ayaan diyaaradii ku dhex jirnay oo aan ciddi noo iman iyadoon cidina garoonka aanay nagu sugayn, nasiib wanaag waxay ahayd bilaha hawada Jabuuti qabowdahay haddi ay kul ahaan lahayd shuf baanu noqon lahayn .anagoo diyaaraddii dhex fadhina oo is eeg eegayna oo markaas sidii lagu yaqanay Cigaal markuu wax saluugo gacanta timaha dhex gelinaya oo fekeraya auaa waxaa noo yimi raxan baabuur ah oo diyaaradii soo hoos joogsaday waxaana ka soo degay Mudane Fagadhe iyo Mudane Siilanyo oo uu la socdo wasiirka Arimaha dibada Jabuuti Mudane Cali Cabdi sidaas ayaanu baabuurti ku raacnay oo aanu tagnay Hutel Shariton o ku yaal xeebta Jabuutioo lagu qabanayey shirka IGAD laguna dejiyey Madaxweynayaashi iyo waftigii shirkaa ka qayb galayey. Wax qolal ah oo loogu talagalay weftigayagu ma jirin, waxaanu ogaanay in Fagdhe iyo Siilaanyo aanay deganayn Shiriton ee ay degan yihiin hotelka mulac. Cigaal iyo weftigi la socday waxaan fadhiisanayn kuraasta taalay soo dhawaynta Hutalka, mar danbe ayaa waxaa noo yimi nin carab u eg oo sita macawisaha ay ku caan yihiin Yamaniintu markaasu salaamay Cigaal kana cudurdaartay in aan waxba loo sheegin, ninkaa anigu ma garanayn laakin waxa lay sheegay inuu yahay Cabdiraxmaan Boorre oo markaa hutal Shariton wax kulehaa ama lahaaninkaas oo sheeko danbe dhexmari doonto isaga iyo cigaal. Laba qol oo aan fiicnayn ayaa dadkii ku jiray laga saaray oo qol la dejiyey Madaxweynihii kii kalena la wada dejiyey Xoghayntii madaxweynaha oo ahaa C/raxmaan Dalmar, ilaaladii oo ahaa Marxuun Cismaan Dhalac iyo afhayeenkii Cabdi Idiris weftiga intii kalena meel looma helin oo magaalda ayaam meel aan degno ka doonanay, galabtii ayaanu ku soo noqonay Shariton halkaas oonu ku qabsanay shirkooban oo Cigaal noo gudoominayey waxaannu ogaanay in sidii aannu ku soo talagalnay ama wax lanoogu sheegay aanay arrinku ahayn ee isbedel jiro. Madxweyne cigaal waxaa uu gaadhay go’aan ah in Mudane Caynab iyo Mudane Ismaciil Shaqale beri aroor ay gaadhi raacan oo tagan Lowyacaddo dhinaca Soomaaliland halkaas oo ay ku sugayeen baabuurtoodi, aniga iyo Cali aareeyena aan beri ka soo wardoono Madaxweynaha, subaxdii ayey labadii mudane sidaas ku anbabaxeen dhinacii Soomaaliland, waxa xusid mudan in wasiirka gaashandhiga iyo taliya ciidanku u socdeen inay la galaan heshiis iskaashi xagga nabdgelyadda ah wasiirka gaashandhiga Jabuuti iyo Taliyaha ciidanka, waxaa jirtay waqtigaas ka hor inay dagaalo ka dhici jireen xadka u dhaxeeya labada dal haseyeeshe markii shirkaasi soo dhawaaday in xiisadii siyaasadeed degtay oo labada dal isu soo dhawaadeen, waxaa jirtay in markaa koox mucaarad ah oo hubaysan oo Ciise ah kuna kacsan dawladda Jabuuti inay deganaayeen dhinaca xadka Soomaaliland oo ay dagaalo ku qaadi jireen Jabuuti iyadoo cidamada Jabuutina ay xadka ka so gudbi jireen iyagoo raadsanay kooxdaas . Markii shirka loo diyaar garoobayey ay dawlada Soomaaliland koxdaas kal dirtay oo qaar la xidhxidhay qaarna lagu amray inay ka guuraan xadka soomaaliland, maalmihii la kala diray kooxdaa ayaa waxa la soo xidhiidhay Cigaal niman madax u aha akooxdaa oo ku yidhi “war anagaa idiin dhaana qoladaa aad nooga hiilnaysane na daaya” sida waxa ku tiraabay madaxweyne cigaal markuu arkay sida loola dhaqmay weftigiisa. Aroortii xigtay ayaannu shir ku qabsanay qolkii madaxweynaha waxxannu is waydiinay waxa arrinti aanu ku soo talagalnay bedelay iyo sida ay wax u dhaceen iyo sidiiaanu yeeli lahayn , labadii wasiir ee naga soo horeeyey waxay isku dayeen inay noo sharxaan sida ay balantii ku burtay waxayna noo sheegen in uu casumaadda madaxweyne Cigaal ay u fidisay Jabuuti uu joojiyey Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon hawsha hore ee casumaadana uu lahaa mud Ismaciil Cumar Geelle oo markaa aan ahayn madaxweyne laakin nabadgelyadda dalka gacanta ku hayey sidaas ayey sheegeen inay arrintu u socon wayday, taasi wayna qancin wayday markii hadalkii Aniga igu soo wareegay ayan idhi arrinka meesha ka dhacay waxa masuul ka ah labadii wasiir ee inaga soo horeeyey sababtoo ah markay arkeen in balankii wax ka soo noqday oo is bedel yimi waxay ahayd inay la soo xidhiidhaan Madaxweynah oo jooga Hargaysa intaanu weftigu soo anbabixin, arrintaas oo lagag badbaadi laha ceebta iyo weji gabaxa ka dhacay meesha, taas oo sabab u noqotay xidhiidhkii xumaaday ee labada xakuumadood. Hadalkaygaas may jeclaysan saaxiibaday, waxaanse mar dance maqlay in madaxweyne Cigaal oo aananu aqoon badan isu lahayn waqtigaas uu aad ugu bogay hadalkayga cad, xogtaa waxa mardanbe i siiyey Jaamac Saalax Maxamed oo waqtigaa ahaa wasiirka madaxtooyadda oo aannu mudo badan isnaqaanay ilaa waqtigii caruurnimadda, waxaa uu igu yidhi isagoo ila kaftamaya Geesow awadaa ayaa Cigaal igu siiyey lacag dhan 2000$(laba kun oo doolar) markii aan waydiiyey sababtana waxa uu igu yidhi waqti aad ku maqnayd Egland oo aad ku raagtay mudo 4 bilood ah ayaa Cigaal oo doonaya inuu xilka kaa qaado u soo galay subax, isagoo ogaa inaynu aqoon isu leenahay ayuu igu yidhi ninkii saaxiibka Gees waa goostay oo xilkii ayaan ka wareejinayaa. Markaas ayaan ku idhi aniguu ila soo hadlay oo waa soo socdaa waanna kii fasaxa ina soo waydiistay oo aynu siinay waxaanna kula taliyey cid kuu dhaanta heli maysid ee hayso., sidaasna wuu iga aqbalay, hadda markaad ka soo noqoteen socdaalkii Jabuuti ayuu iigu mahad naqay taladaydii oo igu yidhi”marbaan nin wayn iga tegi lahaa” sidaas ayu lacagtana abaal gud iigu siiyey.
Dhawr maalmood o danbe ayaan sii joognay Jabuuti markii shirkii IGAD dhamaaday iyadoo ay Cigaal u suura gashay inuu gooni gooni ula kulmo qaar ka mid ah Madaxweynayaashi shirka ka soo qatbgalay, markii weftigii shirka ka qayb galayey ay dhoofeen ayaannu u soo wada guurnay Hutelki Shariton.
Waxaa madaxweyne Cigaal tell u soo diray madaxweyne Xasan Guuleed si ay u dhacdayba Cigaal telifoonki ayuu qaban waayey, markaas ayuu Xasan u maleeyey in weftigii Cigaal dhoofeen oo hutelka ka baxeen, waxa uu si deg deg ah u soo diray koox wasiiradiisa ka mid ah oo ku yidhi gaadha intaanay dhoofin oo iigu keena madaxtooyadda, sidaas ayaa anagoo joogna hutelkii lanoogu yimi oo lanagu geeyey Qasriga madaxtooyadda Jabuuti halkaas ayaannu kula kulanay Mudane Xasan Guuleed anagoo dhan, markii soo dhawayntii iyo salantii dhamatay ayaannu waxaannu u banaynay si ay labada madaxweyne gooni ugu sheekaystaan, waxaa lanna fadhiisiyey qolkale oo ka tirsan qasriga madaxtooyadda halkaas oo aannu ku sugaynay intay wada hadlayeen waxaa nala joogay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah madaxweynaha Jabuuti ninkaas oo waqti hore oo aan joogay Jabuuti xilka wasiirnimo ka hor aan aad u maqli jiray hadal hayntiisa isagoo ku caan ahaa ururinta dhaqanka soomaaliyeed, halabuurka, dadka waxka qora dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed, lana hadalhayn jiray inuu bedeli doono Xasan Guuleed xilka madaxtinimadda dalka. Markaas oo aragti ahaan iigu horaysay aad ayaan ugu fiirsaday oo aan isha u geliyey waxaan arkay inuu yahay nin gadahayga ah si caadi ah u labisan sigoo sitay isku jog safari ah garkana aan aad u xiirin waxaa markiiba ku soo jiidanayey madaxiisa weyn oo timo weyn lahaa oo aan aad u feedhnayn, indhahiisa waaweyn, nin aad wax u dhagaysanaya oo feejigan, isku kalsooni weynina kaq muuqato, isagoo nala fadhiya ayaa waxa isasoo dultaagay nin dhalinyaro ah oo sita suudh iyo tay, Ismaciil inta uu uga kacay kursigiisi ayuu kursi kale soo qaatay, waxaan la yaabay ninka uu Ismaciil sidaa u ixtiramay ninka u yahay, waxaan ogaaday mardanbe inuu ka mid aha shaqaalaha madaxtooyadda, waqti danbe oo ay ka soo wareegtay 4 sano ayan la kulmay mar danbe Ismaciil isagoo ah Madaxweynaha Jabuuti waqtigaas oo gurigiisa nagu marti qaaday qado iyo barje ayey ii muuqatay fiicnaantiisa iyo caqli badnaantiisa waxa uu ku hadla 7 luqadood oo kala ah Somali, Carabi, Faransiis, Ingiriisi, Canfar, Amxaari iyo Oramo,. Nin siyaasi ah ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu yahay Madaxweynaha ugu caqliga badan uguna xariifsan madaxda Geeska Afruka.waxaannu dib ugu soo noqonay magaallada Hargaysa 19 march 1998 anagoo shan maalmood Jabuuti joognay waxaa uu noo sheegay Cigaal in Xasan Guuleed markii ay wada hadleen uu ka balan qaaday in uu mudo dhaw ku casumi doono tuuladda u ku raaxaysto ee Carta, ayaan darro dib isumay arag intii u xilka madaxweynaha si hayey Xasan. Markii weftigu hargaysa ku soo noqday waxa u Cigaal kala hadlay dadweynaha reer Hargaysa khayriyadda halkas oo ilaa 1958 dadka kal hadli jiray siduu noo sheegay, waxa uu ka hadlay wixii naga qabsaday Jabuuti iyo shirkii IGAD, waxaa uu ku qaadqaaday oo u ku talax tegay madaxda IGAD isagoo mid mid u soo qaaday, waxaannu ku dooday inay nimankaas intooda badani yihiin dhalinyaro aan waxba kal socon arimaha Soomaalida iyaguna aan dhexdooda isku fiicnayn, dadkii arrinkaa wax ka garanayeyna albabadda laga xidhay khudbad dheer ayuu halka la maray isagoon madaxdii IGAD aan kal reebin .
Si ay u dhacdayba mudo yar ka dib ayuu Cigaal martiqaad ka helay dawlada Itoobiya mar labaad ayaa aniguna aan ka mid noqday wefti raacaya Madaxweynaha waxaannu ka dhoofnay Hargaysa 5 may 1998 waxaa weftiga madaxweynah raacay ka koobnayeen aniga Gees oo aha wasiirka Qorshaynta Fagadhe wasiirka A/dibada iyo Cali Warancadde wasiirka H/guud si wayn aya lanoogu soo dhaweeyey magaaladda Adisababa waxaana lana dejiyey Hilton Adisababa. Aniga iyo Warancade waxaanu la kulanay wasiirka ganacsiga Itoobiya oo markaas isku hayey dhawr wasaaradood oo hoos imanayey, waxaa xusid mudan Anigu waxaan siday qoraal aan ku soo samaynay wasaardii Qorshaynta oo ahayd sii diyaar garow ku saabsan waxaan ka wada hadli lahayn anaga iyo Itoobiya, barmaamijkaas aan ula tagnay waxaa ka mid ahaa in dawlada Itoobiya deeq u raadiso dhismaha wadada isku xidha Jigjiga iyo Kalabaydh, in telefoonka Micro-wave laysku xidho, in diyaarada Itobiya Airline timaado Hargaysa waqtigaa Daallo keliya ayaa isku xidhi jirtay, in dhinaca Boosaha layska kaashado, iyo in korontada Itoobiya la soo gaarsiyo Soomaaliland iyo in dekada Berbera isticmaalaan oo wax kala soo degaan, si arrimahaasi u hirgalaan in Baanka Itoobiya iyo shirkadahooda Caymisku Hargaysa ka furtaan xafiisyo, arrimahaas oo dhan waa laysku raacay markaas aye bilaaban tay iskaashiga labada dal arrimahaas qaar ayaa hirgalay qaarna weli way taagan yihiin. Maalintii danbe markii Madaxweyne Cigaal arkayey ra’iisal wasaare Males zanawi waxaa u tegay Cigaal iyo Fagadhe oo keliya, markii aanu waydiinay Fagadhe siday arrinkasi u dhacay waxa uu nagu yidhi waa laydin waayey aniga iyo warancadde, anaguna waxaannu joognay qolalkayaga huteelka cidna nooma iman, arrinkaa Aniga iyo Warancadde aad ayaannu uga xumaanay waxaanu u qaadanay in uu ogaan u sameeyey Fagadhe isagoo noo hayey hab maamuuska. Anagoo weli ku sugan Adisababa ayaa maalin waxa uu noo sheegay Cigaal intuu Aniga iyo Fagadhe noogu yeedhay qolkiisa in Safiirka Ingiriiska u jooga Itoobiya uu martiqaad qado noogu sameeyey gurigiisa, waxa uu nagu yidhi anigu tegimaayo dhawr goor oo horena waan is aragnay oo waxa uu igu soo kordhinayaa ma jirto ee labadiinu u taga, arrintaasi aad iyo aad ayey iiga yaabisay waanna garan waayey sababta uu cigaal u tegi waayey martiqaadka safiirka Ingiriiska, arrinkaas gadaal ayaan ka ogaaday si dadban.
Waxaa waqtigaas Jabuuti tegay Cali sh Aaraye oo ka keenay mucaawino ka kooban baabuur qaboojiye ah iyo cagafcagaf iyo xooga dirays ah oo dawlada Jabuuti ku deeqday markaas oo roobab duufaano wataa ka da’een Saylac oo ay wax yeeleen, golaha wasiiradda ayuu Cali ka sheegay deeqdaa uu ka keenay Jabuuti isagoo ku bushaaraynaya, Cigaal intuu ku qoslay ayuu yidhi Caliyow wax ka weyn a xooggaa diraysa ayey Jabuuti ina tari kartaa haddii ay doonayso. Waxan ogaaday in uu Cigaal qoraalo badan kula xidhiidhay dawlada Ingiriiska oo gumaysan jirtay Soomaaliland mudo 80 sano ah oo dad badan oo reer soomaaliland ahina ay ku waayeen naftoodi iyagoo u dagaalamaya dawlada ingriiska dagaalkii labaad ee dunida iyo Jabuuti oo uu af iyo adinba ula tegay si kasta ha ahaate labadaas wadan oo uu aad isugu halaynayey inay wax kala qabtaan arrimaha Somaliland nasiib daro labadaba siduu ka filanayey kama helin sidaas awgeed niyad jab ayaa kaga dhacay dhacdooyinkaa ayaa ku kalifay in uu qadadii safiirka tegi waayo. Waxa kale oo aan maqlay oo ah sheeko dadka badan oo reer soomaliland ahi aaminsan yihiin lkaakiin aanan hubin xaqiiqdeeda oo oranaysa sababta mar labaad Cigaal loo xidhay oo jeelka loogu taxaabay waqtigii Siyaad marr uu Cigaal safiir ka ahaa dalka Hindiya 1975-76 waxay sheekadaasi oranaysaa xadhigaasi waxa uu la xidhiidhay arrin ku saabsan dalka Jabuuti oo ah Mudane Xasan Guuleed aya waqtiga Cigaal safiirka aha booqday Hindiya isagoo u olalaynay gobanimadda Jabuuti waxaa uu Cigaal kula taliyey Xasan inaanu waxba Soomali wayn ku soo biirin ee uu madaxbanaanidiisa gooni u haysto arrinkaas ayaa Cigaal uu ku soo dacweeyey ninkii safaarada uga hooseeyey oo la oran jiray Ina Yusuf Mareexan sidaasana mar labaad cigaal lagu xidhay, iima suurta gelin in aan Cigaal arrinkaa ka hubiyo markii danbe ee aannu aad isu baranay oo uu iiga sheekayn jiray taariikhdiisa iyo tan Soomaalida , mar uu arrimaha Jabuuti ka hadlayey waxa uu ii sheegay markii uu ahaa Ra’iisal wasaaraha ka ahaa soomaliya 1968 uu socdaal ku tegay wadanka Faransiiska Pris uu la kulmay ra’iisal wasaarihii waqtigaa Mr Diigool hadalkii dhex maray waqtigaa ayaa madaxnimada Jabuuti siisay Ciisaha hadii aanan la kulmin weligii Cali Caaraf iyo danaakiladda aya xukunka hayn laha, si kasta ha ahaatee Cigaal quus ayuu ka joogay labdaa dal Jabuuti iyo Egland oo dad badani isku halaynayaan. Mar Mudane Ismaciil Cumar Geelle uu waraysi siiyey wargays ka soo baxa Jabuuti oo ay dawladu leedahay oo la dhaho Qaran ama Nation waqti uu cilaaqaadka Soomaliland iyo Jabuutiaad u xumaaday ka dib shirkii Carta ee lagu soo dhisay waxa loogu yeedhay dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaliya waxa uu yidhi Madaxweyne Ismaciil qolada walaalahayo ee reer Soomaliland waxay na weydiisteen ictiraaf marka aannu niraahno kari mayno cadho ayey jiq iska siiyaa. Mar danbe oo aan la kulmay nin la taliyeu ahaa Madaxweynaha Jabuuti oo aan sheekaysanay ayaa ii sii jilciyey waraysiga madaxweynaha waxa uu igu yidhi dawladan Jabuuti waa dawlad yar oo aan nafuud ama awood badan ku lahayn aduunka kana qaadata dawlado badan deeqo iyo mucaawinooyin sidaa darteed kama hor iman karno go’aamadaurur dawleedyadda sida ururkaJaamacada Carabta, Golaha Amaanka ee qarammada midoobay, ururka Midowga Afrika, ururka dawladaha Islaamka kuwaas oo ka soo wada horjeeda kala go’a Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee burburtay, wax aan naga suurtoobayn ayaad nagu duducaysaan, gaar ahaan dalalka Carabta oo aanu xidhiidh sokeeye leenahay marna ma ogola nin dawladii soomaliyeed la kala gooyo anaguna kama hor iman karno sababtoo ah anagaa u baahan sidaas ayey noogu dudayaan walaalahayaga Soomaliland oo ay u fahmi waayeen mawqifkayaga. Cigaal waxa uu culays dheeraad ah siiyey wadanka Talyaaniga, dalkaas oo ay dadka reer Somaliland aad u neceb yihiin haseyeeshe waxa u cigaal aaminsanaa in uu yahay dalka qudha ee dib u dhiska Soomaliland iyo soomaaliyaba wax ka qaban kara tiroba laba goor ayuu tegay dalkaa talyaaniga haseyeeshe kuma guulaysan arrinkaas, waxaase markhaati ma doonto ah in mar hore iyo hadaba deeqda ugu weyn ee la siiyo dalki laysku oran jiray Soomaliya ay bixiso dawlada Talyaanigu.
Madxweyne Cigaal shaxda siyaasada dibada waxa u ku aha farshaxan weyn sida loo ciyaaro ayuu aad u yaqaanay mudadii uu soomaliya ra’iisal wasaaraha ka noqday waxaa u noqday iyadoo soomalya meel walba colaadi kaga socoto ayuu furfuray oo xidhiidh la yeeshay Itoobiya, Kiinya iyo Faransiiska oo waqtigaa ay ka talin jireen niman aad aduunka looga tixgeliyo sida Joma keenyate, Xayla salaase iyo Diigool ragaas oo ay madxdii ka horeeyey ee reer koonfureed isku dhereriyeen oo ay dagaalo ku qaadeen iyadoo la doonaya dhul waynaha ay dad soomalidu degto siyaasiyiinta oo garaadkoodu aad u hoosayey, cigaal siyaasadoodi mid ka duwan ayuu jeexay oo madxdaas ayuu xidhiidh fiican la samaystay kuwaas oo uga marag furay siyaasadiisa iyo firfircoonaantiisa wax garad waqtigiii uu dalka xukumayey 1967-69.
Waftigayagii waxa uu Hargaysa ku soo noqday 9 may 1998.
Dawlada masaarida ayaa qabatay shir ah dib u heshiisiin Soomaaliyeed kuna qabatay magaaldda Qaahira horaantii sanadkii 1998 sida aadla socotaan. Safiir ka socda dawlada Masaarida ayaa socdaal ku yimi hargaysa oo la kulmay madaxweyne Cigaal oo u sheegay in uu ka soo qaybgalo shirka Soomalida ee Qaahira, Cigaal ma jeclaysan sida uu hadalka u yidhi Safiirku dabadeedna is afgarad la’aan ayaa lagu kal tegay, sidaas awgeed dawladaha Carabta oo ay u horayso Masaridu waxay u qaadeen Soomaliland colaad mudo ayaa sidaas loo kale xidhnaa. Hadaba markii shirkii IGAD lagu guuldaraystay qoladii IGAD oo ay Itoobiya hogaaminayso iyagana waa uu ku laaday oo waxa uu ku yidhi “ arrinka Soomaalida waxay Masar Iyo Itoobiya ka dhigteen arrin ay iyagu ku feedhtamaan” taas ayaa keentay martiqaadka Itoobiya si loo mustafeeyo Cigaal.
Madaxda ururka midowga afrika (AOU) waxauu u xilsaaray arrimaha soomalida urur gobaleedka IGAD, Itoobiya way ka fogaysay Masaarida inay faraha la soo gashomar haddii aanay iyaddu ku jirin ururkaas, Masaariduna waxay isticmaashay ururka Jaamacadda Carabta iyo kan Islaamka si ay Soomalida faraha ula soo gasho, markii xaalku halkaa gaadhay ayaa dawlada Talyaanigu isku dayday inay labada qolo isu soo dhawayso, waxayna samaysay waxay ugu magacdareen ururka IGAD iyo saaxiibadii taas oo ah in ururkii IGAD lagu daray dalal daneeya arrimaha Soomaaliya oo ahaa Jamacada Carabta, ururka Islaamka iyo urirka EU dalalka Masar, Yamen Iyo Talyaaniga.
Waxaa loo soo diray wefti dalkii laysku oran jiray Soomaliya 1998 weftigaas oo ahaa IGAD iyo saaxiibadiiuuna madax u aha aagaasimaha waaxda Afrika ee wasaarada Arimaha Dibada ee Itoobiyaoo hadana ah safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Jarmalka, weftigaas oo soo maray meelo dhawr ah oo soomaliya ah ayaa soo gaadhay Hargaysa waxaannu la socday aragti siyaasadeed oo la yiraahdo (building blocks) oo ah in qoladii ama kooxdi nabad samaysata halkeeda wax loogu qabto sida Soomaliland, Puntland, Jubaland, Hiiraanland IWM hadhowna maamuladaas la wada hadalsiiyo. Nooca ay wateen waxay ka soo horjeeday shirka Qaahira oo doonayey in mar qudha la sameyo dawlad dhexe o soomaaliyeed. Weftigu waxaa uu ka koobnaa safiiro ka socda dhamaan wadamadda IGAD sida Itoobiya, Jabuuti, Kiinya, Suudaan, Erateriya, iyo Ugaandha,
Cigaal gudi aan ku jiro ayuu u xilsaaray mawqifka ay dawlada Soomaliland ka qaadanayso weftigaa isagoo Draft noo soo qoray ku sabsan arrinkaas ay la socdaan iyo taladiisa, hadaba inkastoo arrinka ay la socdeen uu ahaa mid inoo danaynayey hadana waxaa u cuntami waayey isbarbar dhiga layna barbardhigay maamulada kale ee ka jiray Somaliya. Waxaa uu ku adkaystay in mawqifka Soomaliland gooni ka ahaado kan soomalida kale, waxaase uu ku dheeraaday wax ka sheega ururka IGAD oo uu ka soo dhigay urur xaaraan ah oo karti uu wax ku qabto lahayn, oo wadamada ku jiraa ay dhamaantood wada col yihiin qaarna dagaalo ka dhex socdaan, waxaa uu ku dheeraaday sida ay wax u heshiisiin karaan kuwa aan iyaguba heshiis ahayn.
Gudigayagii waxaan ku dhiiranay in aan wx ka bedelno Drafkii Cigaal qayb ka mid ah oo uu ku talaxtegay wax ka sheega Jabuuti, isna marki aannu ku celinay aarinka waa nagu raacay waana uu ku qancay in qodobkaa laga reebo, weftigii IGAD iyo saaxiibadii waxannu la shirnay gelin danbe shantii galabnimo (5 pm) dhinaca Soomaliland waxaa uga qayb galay gudigii wasiirada ee loo xilsaaray, Madaxweynaha iyo m/ku xigeenka iyo shirgudoonadaa labda gole (Guurtiga& Wakiilada) halkaas waxaa uu Cigaal ka akhriyey qoraalkii rasmiga ahaa ee qeexayey mawqifka Soomaliland oo ahaa mid lagu gacan shaydhay qorshahii ay weftigu wateen.waxaa casho sharaf loogu sameeyey habeenki Qasriga Madaxtooyadda oo ay uga soo qaybgaleen madaxda hay’adaha ajanebiga ah ee jooga Hargaysa dad badan ka mid aha wax garadka iyo odayaasha Soomaaliland
Waxaan xusuusta waxanu miis wada fadhiisanay habeenkaas mudane Maxamed Muuse Cawaale wasiirkii Deegaanka iyo ninka u qaabilsanaa EU (commissioner) Soomaaliya oo ahaa nin u dhashay dalka Burtuqiiska, ninkaas anagoo sheekaysanayna ayaan waxaan u timaamay dhawr qof oo ka mid ahaa dadkii reer Soomaliland ee habeenka cashada ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Maxamed Xawaadle Madar oo aan ku idhi waa Ra’iisal wasaarihii u danbeeyey ee dawladii Soomaliya iyo Axmed maxamed Aadan (qaybe) oo aan ku idhi waa wasiirkii Arimaha dibada ee u danbeeyey dawladii Soomaliya. Ninkaas Bortaqiiska ahi oo ahaa Nin kaftan badan waxaa uu nagu yidhi waxaannu ogaanay in dawladii Maxamed Siyaad ee soomaliya waxa waday ay ahaayeen reer Soomaliland sababtoo ah markii ay burburtay ee aad xagan u soo qaxdeen waa idinkan maamulka samaystay, qoladii reer Koonfureed waxba samaysan Kari waaye. Waxaannu isku daynay Hiiraan oo ay nabadi ka jirto in aanu maamul u samayno oo dhaqaale badan ayaanu gelinay haddii aanu nahay EU waxay dhaafi kari waayeen Maxkamado Islaami ah wax ka badan way awoodi kari waayeen inay samaystaan, maalin dhawayd oo aan booqasho ku tegay iyadoo Badhasaabkii aan la socdo oo uu magaalda I tustusayo ayaanu ku soo baxnay dad ay Maxkamadii karbaashayso markaas ayuu iga xishooday oo wax uuu ii sheego garan waayey, waxaanna uu raaciyey Soomalida koonfureed haddii aan maamul loo samayn waxay noqonaysaa xurun hubka iyo daroogada lagu kal iibsado, waqtigaa ma ay jirin AL-Qaacida iyo Argagixiso ee wuu ku dari lahaa waayo webiyadii iyo kanaaladii la sameeyey cid lacag ma geliso. Waxa uu hadalkiisi ku soo gunaanaday haddii aydinaan idinku reer Soomaliland ku noqon maamul uma samaysmayo sidaas awgeed waxa uu Caalamku aqoonsaday in aad ka mid noqotaan Soomaliya oo aan laydin Ictiraafin. Arrinkaasi waa naga yaabiyey waannu kala garan waynay in uu nala kaftamayey iyo in run tahay waxaa uu noo sheegay si kasta ha noqotee xubnigii weftiga la socday ee ka socday wadamadda Yaman, Masar iyo Jaamacada Carabtu go’aankaa lagu gacan saydhay weftigaa aad ayey ugu diirsadeen.
Mudo yar ka dibna waa arrinkii dhaliyey in Madaxweyne Cigaal martiqaad rasmi ah ka helo dalalka Masar iyo Yaman waxaa halkaa ku jira arrin yaab ah oo markii hore Cigaal waxaa uu u hiiliyey IGAD oo carabta waa ku laaday hadana IGAD ayuu ku laadan oo Carabtuu soo dhaweeyey, isdaas ayuu isugu ciyaarsiin jiray hadba labadii qolo ee is haysata. Waa danbe waxaan la kulmay khabiir Itoobiyaan ah oo wadankii Soomalia la oran jiray buugaag iyo qoraalo ka qoray oo xog aad ah u hayey waxa uu ii sheegay in dawlada Itoobiya Madaxweyne Cigaal aad iyo aad uga danbayn jirtay iskana ay ilaalin jireen inay ku gefaan waayo waa nin waxkala dooran kara ama leh (choices) sidaas ayuu maalinba dhinacay u badinayso kubada ugu laadi jiray
MAAMUL FIDINTII
Mudadii uu socday dagaalkii sokeeye 1994-96 waxaa maamulka dawlada Soomaliland ku ekaa dhinaca bari degmada Sheekh, hadaba sandkii 1996 markii la isugu yimi shir weynihii beelaha Soomaliland ee lagu soo afjaray colaada sokeeye dibna loogu doortay Madaxweyne Cigaal oo aan anigana ka noqday wasiirka W/ Qorshaynta waxaa xukuumadda soo food saartay xaalad beni-aadanimo oo xun oo ka muuqatay magaaladii Burco oo ahayd magaalada labaad ee dalka waxaa naafeeyey dagaaladii sokeeye waxay ahayd meel beelihii wada daganaa u kala qaxeen Oodweyne iyo Yiroowe, waxaa burburay adeegyadii bulshada sida goobihii waxbarashada, cafimaadka xafiisyadii dawlada , booliiska iyo wixii ummada ka dhaxeeyey oo dhan. Magaalada waxaa dhextaalay kumanaan miino ah meesha noocaas ah ayey dadkii ku soo qamaameen oo ay dib u soo degeen markii la heshiiyey, waxay noqotay meel xerro dhiig ah oo ay maalin walba ka dhacaan dilal iyo dad ay miino ku qaraxday iyadoo dhakhtar iyo ciidankii nabadgalyadu midna aannu jirin. Maanta magaaldii burco waa magaalo dhisan oo horumar fiican gaadhay waxaa laga dhisay Huteelo waaweyn, guryo waaweyn, waxaa jooga 4 shirkadood oo isgaarsiin, waxay leedahay nal, biyo , dhakhtar, xaga waxbarashada waxaa xitaa laga furay jaamacad, hadaba siday dhakhsaha ugu soo kabatay ayaa ah wax musjiso ah, waxayna tusaale u noqonaysa adkaysiga, isku filnaashaha iyo kartida umadda Soomaliland, waxaa mudnaanta kowaad leh dadweynaha reer Burco ee dalka iyo dibadaba jooga, D/hoose ee Burco oo madaxa ka ahaa Moyar Maxamed Xuseen, masuuliyiinta D/dhexe iyo Madaxweyne Cigaal oo mar walba ku dadaaalayey nabad ku wada noolaashaha dadweynaha reer Burco dhaqaale badan ku bixiyey arrinkaas. Wasaaradda Qorshayntu waxay ka qayb qaadatay isku dubaridka hay’adaha sidii loogu dhiirigelin lahaa inay tagaan burco hawlana ay ka bilaabaan. Waxaa hawshaa gacan weyn naga siisay hay’adda HABITAT ee UN. Waxaa iyana muhiimadeeda weyn lahayd haddii aan miinada laga safayn magaaladda inaanay dadku ku soo noqon Karin. Madaxweyne Cigaal ayaa dhawr jeer ka codsaday hay’ada UNDP inay arinkaas wax ka qabato laakiin way ka madax adkaysatay iyadoo marmarsiiyo ka dhiganaysay miisaaniyad uma hayno hawshaas, markii xaalku halkaa marayey ayaa Cigaal waxaa uu dalka ka eryey wakiilkii UNDP ee hargaysa u joogay waxaannu ka mamnuucay inay dalka soo galaan madaxdii hay’adaas ee joogay Nayroobi. Cigaal arrinkaas waa ka noqday markii ay UNDP ogolaatay inay Burco miinada ka saarto taas oo ay shirkad South African ay soo kiraysteen si ay hawshaas u bilowdo. Hadaba intaan hawshaas la fulin ayaa waxay soo bandhigtay UNDP heshiis ku saabsan arrinkaas oo ay la gelayso dawlada Soomaliland waxayna ahayd inay heshiiska dhinaca Sooamliland u saxeexan wasaaradaaha Qorshaynta iyo Gaashandhiga oo ahayd wasaarada hawsha loo qabanayey oo uu markaas wasiir ka ahaa Eng: Caynab markaas oo hay’ada miino saarka Qaranka la hoos geeyey gaashandhiga oo laga wereejiyey wasarada Dib u dejinta si askar ciidanka qaranka ka mid ah loogu tababaro hawsha miino saarka oo ciidanku yeeshan qayb hawshaas qaabilsan si aynaan cid dibadeed ugu baahan nasiib darro muda yar ka dib ayaa nin madax ka ahaan jiray hay’ada miino saarka oo xilkii laga qaaday ayaa xafiiska UNta ee Newyork fax u diray uu ku sheegayo in macaawinaddi UN ta Soomaliland ay ciidamo ku tababaranayso. Markaas ayaa lala soo xidhiidhay madaxdii UN ta ee Nayroobi joogay oo aarinkaas la soo weydiiyey, markii xaalku sidaa noqday aya mar labaad hay’adii miino sarka la hoos geeyey wasaarada Dibu dejinta ujeedadii laga lahana halkaas ayey ku burburtay, hadana hay’ad walbaa iyadaa cid shaqalaysata oo u tababarata sida DDG iyo Hallo Trust dadkaas oo suuqa gala marka shaqadu ka dhamaato,.
Hadaba heshiiskii aanu saxeexaynay Aniga Gees iyo Caynab waxaa ku jiray qodob oranayey 3 bilood ee hore cidda hawshaas wax ku noqotaa wax magdhaw ah kuma laha hay’ada UNDP, qodobkaasi waa nagu adkaaday mashruucuna waxa uu ku xidhan yahay in heshiiska la saxeexo, Cigaal iyo hay’aduna halkay kale joogeen waannu ogayn isku dhac danbena ma aanu rabin, sidaa awgeed ayaanu aniga Gees iyo Caynab anagoo cidna la tashan saxeexnay heshiiskii oo nidhi cida wax ku noqota mudadaas waxa bixinaysa xukuumadda Soomaliland, sidaas ayaa shaqadii lagu bilaabay oo miinadii lagaga saaray Burco taasina waxay sababtay inay dalka yimaadaan hay’ado kale oo miino saar. Waxaa iyana garab socotay hawshaa hawl maamul fidin ah oo maamul loo samaynayo labadaas gobal ee Sanaag iyo Togdheer. Hawshaas laba wefti oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo madaxda kale ee dalka ayaa loo kala diray labada gobol
Weftiga Togdheer waxaa hogaaminayey Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo wasiirki Maaliyadda waxaana ka mid ahaa Cabdi Aw Daahir wasiirkii Caafimaadka, Daahir sh. Maxamuud Wasiirkii Waxbarashada, Maxamed X warsame, Cali sh Aareye, C/rashiid Ducaale Qanbi iyo Bashiir X Xasan Geelle iyo xildhibaano iyo madax kale.
Weftiga Sanaag waxaa hogaaminayey Jamac Saalax Maxmed wasiirkii Madaxtooyadda waxaa ka mid ahaa Maxamuud Saalax Nuur w/ Arrimaha Dibada, Maxamed Sacviid Gees Wasiirkii Qorshaynta Maxamed Muuse Cawaale wasiirki Degaanka, Cabdilaahi Maxamed Ducaale wasiirkii duulista hawada, Maxamed Faarax Jaahweyn wasiiru Dawlihii A/gudaha, Cawl Suldaan Maxamuud W/xigeenkii Xanaanada xoolaha, Xuseen Faarax Doodi w/ xigeenkii Maaliyadda, , iyo xildhibaano iyo madax kale.
Labadas kooxood waxaa loo diray inay maamul u soo sameeyaan labadaas gobol ayna ciidan beeleedka soo qarameeyaan oo soo dhisaan ciidan qaran, hawshaas oo bilaabantay bishii 6 june socotayna ilaa bisha 10 October 1998 waxaa dhidibada loo soo taagay maamulka D/hoose iyo ka D/dhexe ee labadaas gobol iyadoo lasoo qarameeyey ciidan ka badan 4000 askari. Waxaa xusid mudan waqtigaa in dhoofkii xoolaha nool xayiraadi saarnayd kaas oo ahaa lafdhabrka dhaqaalaha dalka oo wiiqday wax qabadkii xukuumadda, waxaa yaab lahaa sida lo hirgeliyey barmaamijka intaa baaxad le’ag iyadoo aanu dhaqaale jirin. Mar aan arrinkaas kala sheekaystay mudane Siilaanyo oo ahaa wasiirki maaliyadda waxa uu igu yidhi “war nin ka dhiiran ina Cigaal ma arag waayo xoolahii oo la joojiyey dhaqaalihii oo hoosta galay ayuu hawshaas galay xagguu ka keenaya kharashkaas” waxaa hadaba xiiso leh in kharashkaas uu Cigaal ka sii hormarsaday shirkada Total ee dayactiraysay haamaha shidaalka Berbera oo lagana kireeyey, arrinta shirkadaas Tootal oo dalka sheeko badan ku reebtay oo mucaaradku had iyo goor ku doodi jireen in Cigaal lacag ka qaatay iyada oo aan la ogayn meel uu lacagtaa geeyey arrinkaa soomalida ka maahmaahday “ Allow nimaan wax ogayn ha caadaabin’
Anigu waxaan ka mid noqday kooxdii wasiirada ee ka hawlgalay Sanaag waxaan tegay Ceerigaaabo halkaas oo ay iigu danbaysay 5 sano ka hor markii aan ka qaybgalayey shirkii nabadaynta beelaha Sanaag ee aan hore uga soo sheekeeyey halkaas waxaannu joognay 5 bilood waxaannu Hargaysa ku soo noqonay anagoo soo dhisnay Ciidan qaran, Maamulkii gobalka iyo kii degmooyinka soo dhaqaajinay, haseyeeshe hawshaasi ma sahlanayn, waxaannu soo bilownay qaadista cashuuraha D/dhexe iyo tan D/hoose hawshaas waxaa ku dhintay hal askari, dad shicibah iyo askarina waa ku dhaawacmeen, guri waa lagu dumiyey, dad waa lagu xidhxidhay si ay hawshaasi u fusho, baabuurna waa lanaga dhacay inkastoo markii danbe lanoo soo celiyey
Waxaa nagu soo maray intii aannu halkaas joognay arrimo aan la ilaawi Karin, waxaa dhacday inaanu la kulanay arrimo shaqaaqo dil ah oo dhexmartay laba ardaa oo wada degan Ceerigaaabo kuwaas oo mar horena isku dhacay oo kala ahaa ardaa ka tirsan beesha H/yoonis iyo mid ka tirsan beesha H/jeclo heshiis ayaa hore loogu sameeyey ahaa in cidii wax danbe gaysataa ay keenayaan gacan ku dhiiglaha ayna bixiyaan lacag ganaax ah (boon) oo halkaa taagan ayuu ku soo beegmay weftigu, gacanta danbe ama dilka danbe waxaa geystay ardaaga H/jeclo, ardaaga H/yoonis oo uu ka dhintay ninka danbena waxaa uu ku adkaystay in ninkii dilka geystay la keeno sidii uu ahaa heshiisku , sidaas ayaa ardaagi H/jeclo lagu khasbay inay keenaan ninkii markii ay ka dhego adaygeena waxaa laga xidhay odayaal dhawr ah, ciidan Booliis ahna waa lagu saaray meeshii ninka lagu tilmamay inta cid garanaysa lagu daray, laakiin waxba may soo qaban, anaguna ma aanu filayn in la soo qabanayo laakiin ardaaga kale ayaanu madaxa ugu buuxinaynay in la soo qabto xadhiga iyo booliisku waxay ahayd arrin (psychology) ahaan wax ka taraysay heshiiska beelaha sababtoo ah dhaqanka Soomalida xadhiga iyo jeelka way neceb yihiin.
Arrinkii waxaannu ku soo gabagabynay in ardaagii wax dilay ay bixiyaan mag dheeri ah iyo lacagtii ganaaxa oo dhamayd (100.000,000 sh So) 100 malyan oo aha shilinkii Soomaliga, waxa kale oo aanu hoos ahaan lacag u siinay odaygii dhalay ninkii la dilay si aanu u samir siino isagoo lahaa wiilka oo keliya. Ardagi H/jeclo waxannu kula balanay inay lacagta ganaaxa hada bixiyaan si aannu hawsha u furdaamino magtuse geed ka go’an ayey ahayd oo waa laga balamayey, sidaas ayey ku bixiyeen lacagtii ganaaxa ahayd iyagana dawlada ayaa mardanbe dib ugu celisay sidaad oo kale marar badan ayey dawladu beelaha ka bixisay mago iyo ganaaxyo si loo ilaaliyo nabada iyo wada noolashaha bulsha weynta Soomaalialnd sababtoo ah nabada ayaa wax walba laga horumarin jiray sidaas ayeyna Soomaaliland ku horumartay iyadoo nabada loo huri jiray naf iyo maalba.
Waxaa iyana xusid mudan sida lagu bilaabay cashuuraha gobalka Sanaag kan D/dhex iyo tan dawaladda hooseba.waxaannu u yeedhnay ninkii jaadka Ceerigaaabo wakiilka ka ahaa oo nidhi imisa ayaad cashuur na siin kartaa waxaa uu noo sheegay in uu iibiyo 100 marduuf maalintii uuna na siinayo halkii marduufba 1000 (kun shilin oo soomali ah) waan ka aqbalnay, waxa kale oo aanu u yeedhanay ganacsatada kale ee wax kala soo degta xeebta maydh xoolahana ka dhoofisa iyagana waxaanu kula heshiinay intay awoodayeen taas oo ahayd 1/3 cashuurta laga qaado dalka , markii aanu helnay cashuuraha ayaanu amaahanay laba gaadhi oo ahaa Landrover oo aanu saarnay askar ah ilaalo ah oo habeenkii magaalada wareega taas oo wax weyn ka tartay tuugo waqtigaa magaaladu qaati ka joogeen anagoo u qornay askartaa lacag masaariif ah iyo shidaal laga siinayo lacagta cashuurta ah ee la ururinayo.
Madaxweynaha ayaanu arrinkas u soo bandhignay cashuur jebinta ah isna waa naga aqbalay, sanad iyo badh ka dib cashuurihii kor ayaa loo qaaday oo cashuuraha dalka waa la mideeyey oo waa la simay cashuuraha dalkoo dhan,
Waxa kale oo iyana aan xusuusta markii aanu qaramaynay ciidan beeleedkii waxaannu isugu geynay 600 askari meesha la yirqaahdo Biyo guduud anagoo isku dhafnay oo u samaynay ururo iyo horjoogayaal ciidamadaas oo aahaa ciidan beeleedyadii oo wata hubkoodii fududaa iyo tiknikadoodaba oo aan hore meel isugu iman jirin, halkaas ayaa tababar loogu bilabay oo loogu dhisay xafiisyadii, aqaladii ay seexan lahaayeen iyagoo qotay ceelkii ay ka cabi lahaayeen taas oo dadki degaankana anfacday iyagoo samaystay muufadii ay ku duban lahaayeen rootiga kaas oo ka fiicnayd kii magaalada lagu cuni jiray. Anaguna waxaannu u geynay mashiinkii nalka iyo saxanka dishka si ay uga daawadaan oo ay ugu hamiyan horumarka ay gaadheen dadka dunida kula nool oo ay uga baxaan nolashii day-daynimada .
sidaas si le’eg aye weftigii Burcana u soo sameeyeen maamulkii Gobalka iyo degmooyinka iyo ciidan qaran oo aanu ku soo wada noqonay Hargaysa
Intii aan Ceerigaaabo joognay mar aan ku soo noqday Hargaysa waxan ka mid noqday guddi wasiiro ah oo loo qorsheeyey inay ka qayb galaan kulan saddex geesood ah oo dhex marayey xukuumada iyo labada gole ee Guurtiga iyo wakiiladda oo lagaga arrinsanayey dib u habaynta Distoorka sidii hore loogu taliyey shir weynihii beelaha soomaliland ee Hargaysa wasiiradda hawshaas loo xulay waxay ahaayeen Axmed Maxemed Siilaanyo wasiirkii maaliyadda, Cumar Maxamed Nimcaale wasiirkii A/ gudaha, Rashiid Xaaji Cabdilaahi wasiirkii gaashandhiga, Muuse Xaaji Maxamed (Inji) wasiirkii beeraha iyo Maxamed Saciid Gees wasiirkii qorshaynta kulankaasi waxa uu ka dhacay guriga Goodirka loo yaqaano ee Maxkamadda Sare waxaa shirkaa kka qayb galay Madaxweyne Cigaal, shanta wasiir, labada shirgudoon ee golayaasha Guurtiga iyo wakiilada iyo dhamaan xildhibaanada labada gole shirkaas oo ku saabsana dib u habaynta distoorka iyo xogwaran au dawladu siinaysay labada gole. Waxaa hadalkii bilaabay Mudane Siilaanyo isagoo hadalkii wata ayaa waxa ka dhabqiyey xildhibaan la yiraahdo Farjar oo muran ku bilaabay, mudane siilaanyo sidii uu ninka ula murmayey ayuu ka duway mawduuci shirka ujeedadiisu ahayd, waxa ku xigay oo iga horeeyey labada wasiir ee Cumar Iyo Rashiid waxa muuqday in aan laga helin hadalkoodi oo laga caajisay markaa ka dib ayuu hadalkii anig aigu soo wareegay markii aan hadalkii bilaabay ayaa si fiican meeshi looga bogay hadalkaygii oo uu sacabku kala go’ yeelan waayey cigaalna aa dugu bogay aniguse ma dareemin oo markii shirkii dhamaaday gurigaygii ayaan ku soo noqday oo nin ayaa gaadhigiisa igu soo qaaday waayo anigu waqtigaa gaadhi ma lahayn, waxaa imi gurigaygii oo sidii caada ahayd waxaan u fadhiistay mijintii gelinka danbe, wasiiradii gaadhiyaasha watay madaxtooyadii ayey madaxweynihii kaga daba tageen, anigoo fadhiya oo ila fadhiyo wasiirka Ciyaaraha hada oo marka aaha sarkaal Baanka ah Maxamuud Saciid maxamed ayaa albaabka la soo garaacay markii laga furay waa askari ka tirsan ilaalada madaxtooyadda oo ii siday bushqad uu cigaal iigu soo dhiibay markii aan ku soo noqday fadhigaygii ayaan furay bushqadii waxaan ka helay lacag dhan 2000$ ( laba kun oo doolar) arrinkaasi waa iga yaabiyey. Hadaba Marxuun Cigaal waxa uu ahaa ninka caykaas ah oo aan qarsan Karin qofka waxa u ku arko markaas, waxa uu u qabana ma qarsan karo ee markiiba waa u sheega. Cigaal waxa uu aha anin aan la malayn Karin Dec 1997 dabayaaqadeedi anagoo fadhina shirkii golaha wasiiradda ayuu Cigaal yidhi anigu waxaan doonaya in aan istiqaalad dhiibo oo shaqada ka fadhiisto waxaanna u qorayaa labada shirgudoon sida dastuurku qorayo, arrintaasi wareer ayey ku keentay wasiiradii shirka fadhiyey intuu shirkii ka kacay ayuu xagii gurgiisa isaga dhaqaaqay waqtigaas Madaxweyne ku xigeenku Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ku maqnaa Ceerigaaabo, cid shirkii gudoomisa ayaannu waynay ka dib waxaannu ka hawlgalnay oo aanu culayska saarnay xildhibaanadii labad agole si aanay u aqbalin istiqaalada shaqo fadhiisiga, maalintii danbe ayey golayaashi ku diideen cod aqlabiyad ah sida as oo uu dastuurku ogolaanayo, sidaa ayuu Cigaal xilkii ku hayey ilaa 3 may 2002 uu ku geeriyooday. Ilaa hada lama garanayo waxa ku kelifay istiqaalada isagoo hayey mudo yar oo dhan 10 bilood markii la doortay 23 feb 1997 hase yeeshe waxa loo badinaya in ay sababtay khilaaf isqabad oo dhex maray Cigaal iyo odayaal reerkiisa ah Habar awal.
sidaas si le’eg aye weftigii Burcana u soo sameeyeen maamulkii Gobalka iyo degmooyinka iyo ciidan qaran oo aanu ku soo wada noqonay Hargaysa
SAFARKII YAMAN IYO MASAR
Waxaa uu madaxweyne Cigaal martiqaadka helay dawladaha Yaman iyo Masar markii uu ku gacan saydhay hindisihii IGAD.
Aniguna waxaan ka mid noqday weftigii Cigaal u raacayey Yaman iyo Masar taas oo noqonaysa markii sadexaad eee aannu cigaal isu raacna socdaal dalka dibadiisa ah, waxaa hore u sii tegay Yaman mudane Maxamuud Saalax Nuur (fagadhe) oo ahaa wasiirkii arimaha Dibada ka dibna waxaa lanoo soo diray diyaarad ay leedahay dawlada Yaman, diyaaradaas waxaanu hargaysa ka raacnay 23ferbuary 1999, waxaa uu ka koobna weftiga madaxweynuhu wasiirka qorshaynta Maxamed Saciid Gees, wasiirka gaaashandhiga Rashiid Xaaji Cabdilaahi, xoghanta madaxweynaha C/raxmaan Dalmar iyo ilaalada Madaxweynaha Cabdi Jaamac sidii ay caadadu ahayd waxa uu madaxweynahu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka qaranka iyadoo ay halkaa ku sii sagootiyeen madaxda qaranka iyo dadweyne aad u fara badan, waxaa diyaarada dalka yamen soo raacay oo la socday niman ka tirsan sirdoonka Yaman, nimankaasi intii uu madaxweynuhu salaanta qaadanyey iyaga iyo duuliyayaasha diyaaraduba daaqaday ka daawanayeen siday mar danbe noo sheegeen waxayna yiraahdeen waxaannu soomaliland moodaynay sida soomalida kale ee waan la yaabnay wadankan ay maamulka , nabada iyo kala danbayntu ka jirto sidaasna waxay gaarsiiyeen dawladoodi taas oo aannu ka garanay sida lanoogu soo dhaweeyey iyo waraysigii lanala yeeshay. Garoonka diyaaradaha ee Sanca ayaannu ka degnay iyadoo ay nagu sugayeen madax ka socota dawlada Yaman oo uu hogaamiyayey ninka haysta Amni siyaasiga wadanka ama Sirdoonka halkaas waxaa lanagaga qaaday baabuurta dhaadheer ee loogu talagalay marti sharafta waxaanna lana dejiyey Hutel Shariton Sanca, aniga socdaalkan aan ku imi Yaman waxa uu ii lahaa arrimo gaar ah. Waxaa qado sharaf lanoogu sameeyey hutelkii aanu deganayn waxaana ka soo qayb galay madaxa Sirdoonka iyo wasiiro iyo madax kale oo Yaman ah. Gelinkii danbena waxaannu yeelanay fadhi qayilaad ah taas oo ah arrin ay wadaagan dalalka Yaman iyo Soomaliland waxaanna la fadhiisiyey guriga Madaxweyne ku xigeenka Yaman Abdoo Rabi Mansuur waxaanna ka soo qayb galay wasiirka Qorshaynta Yaman oo hada ah Ra’iisal wasaaraha Yaman Dr. Bajamaal iyo madaxa Hay’ada Amni siyaasiga dalka iyo hawl wadeeno ka tirsan sirdoonka iyo madaxtooyadda, halkaas ayaa jaad iyo badeecado lana hor dhigay dabadeedna waxaa noo bilaabantay wada hadalkii iyo is xog waraysigii. Waxaan xussusta mudane Fagadhe oo ahaan jiray reer Cadmeed ayaa hadba waxa uu weydiinayey niman siyaasiyiin ahaa oo ay isku yaqaaneed Cadan waayo Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirkuba waxay ka soo jeedeen Yamantii Koonfureed (Cadan) nimankii uu magacaabay ayaa waxaa loo sheegay in qaar ay xidhan yihiin, qaarna la dilay kuwana ay dhinteen.mudane Cigaaal ayaa kula kaftamay war cid danbe ha inagu weydiin ilaa fiidkii ayey socotay wada sheekaysigii.
Maalintii labaad ayaa 9 subaxnimo ayaannu la kulanay Madaxweyne Cali Cabdale Saalax isagoo nagu qaabilay qasriga madaxtooyada Sanca waxaa xusid mudan markii aanmu gelaynay qolka weyn ee uu wax ku qaabilo ayaa lanaga reebay shandadihii gacanta ee aannu sidanay taas oo yaab nagu noqotay lakiin dib ayaannu ka ogaanay in Madaxweyne Hore oo Yamanta Waqooyi ahaa lagu dilay Shandad nin Dibloomasi ahi uula soo galay oo Bam ku jiray oo ku qaraxday. Sidaas ayaa shandadaha lanooga reebay dareenka jiray awgiis. Markii aanu u soo galnay Cali Cabdale Saalax intuu kor u istaagay oo salaan noo soo fidiyey ayuu nagu qoslay oo yidhi war nimankan reer Soomaliland buurbuurana, markaa Cigaal ayaa si dhakhso ah ugu jawaabay xoolahii aad naga xayirteen ayaannu cunay halkaas oo lagu wada qoslay, la yaab ma laha waayo nimanka meesha marayey waxay ahaayeen Cigaal, Fagadhe, Rashiid iyo Gees.
Madaxweyne Cali waxa uu hadalkisi ku bilaabay waxaa ii waramay Madaxweyne ku xigeenkii iyo madaxdii kale ee aydin is aragteen iyadoo ay markaas la fadhiyeen madaxweyne ku xigeenkii, wasiirki Qorshaynta iyo madaxii Amni siyaasigu ee aannu shalay wada fadhinay.
Waxaa uu yidhi aad ayaannu ula soconaa arrimaha dalkii la Oran jiray Soomaliya waxa ka socda anagaana ugu dhuun daloolna waxaannu nahay dalka carbeed ee ugu dhaw juqraafi ahaan, kumayaan qaxooti ah aya degan dalkayaga oo ka oo qaxay dagaalda ka socda. Idinka reer Soomaliland waxa u isticmaalayey erayga (ardu soomaal ) waannu ka war ahyna in aad nabad tihiin oo aad maamul samaysateen sidaas awgeed ayaan diyaaradayda idinku soo diray oo ugu soo aaminay, qolada kale ee qabqablayaasha dagaal ee Soomaliya halkan ayaan isugu yeedhay oo aan isku dayey in aan ku heshiisiiyo oo nabadgelyada la soo celiyo waan af garan waayey, kuwa wax qabsanay ma aha waannuna ugu taag weynay. Hadaba idinku waxaad leedihiin maamul, ciidan, booliis, markuu halkaa marayey ayuu na waydiiyey tirada ciidankeena, waxaannu u sheegnay inay dhan yihiin 20,000 (labaatan kun) askari, waxa uu yidhi waxaan idiin soo dirayaa niman farsamo yaqaan ah oo idiin kiciya taangiyada iyo Beebeeyada idinka fadhiya, hase yeeshe waxaan idinkula talinaya Jaamacadda carabtu idin ictiraafimayso waayo haddii ay idin ictiraafto waxaa jira dalal badan oo Carab ah oo doonaya inay kala Googo’aan sida Suudan, Ciraaq, iyo Al jeeriya kuwaas ayey ka baqayaan inay kala furfurtaan. Anagu reer Cadmeedka arrinkaas waannu ku dagaalanay dhawaan. Sidaas awgeed maslaxada Carabta kuma jirto.
Hadaba waxaan idinkula talinayaa oo aan weliba gacan idinku siinayaa in aad idinku sheegataan dawladii soomaaliyeed oo aad ka noqotaan goosiga, anagu waxaannu noqonaynaa dawlada ugu horaysa oo idin ictiraafta dalalka khaliijkana anigaa ictiraaf iyo dhaqaale aad dalka ku dhistaan idinka raadinaya dhamaan waan isku fiicanahay weliba waxaan ka bilabayaa Suldaanka Cumaan Suldaan Qaabuus, markii uu halkaa marayey ayuu eegay dhinacii Marxuun Cigaal. Madaxweyne Cali ayaa hadalkiisi ku soo dhameeyey ha la degdegina ee ka soo tashada oo weliba waa idinkan ku socda Masar ee la soo qaada arrinkaas oo ha u sheegina in aan anigu idiin soo jeediyey waayo wax aan xagooda ka iman ma aqbalaan oo jaamacada Carabta iyaga iska maamusha, waa idinka caawa dhoofaye soo noqodka ayeynu isa sii arki doona.
Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *