Sheeko

Beertii Gabdhaha Caqliga Badan – Qaybtii 10aad.

July 4, 2019

Waxaan ka cudur-daartay asxaabtii aan la taagnaa si aan suuliga u tago. Umaan baahnayn inaan suuliga tago balse waxaan rabay meel aan muraayad isku eego oo aan isla hadlo si aan khudbad degdeg ah u diyaariyo.

Nasiib wanaag suuli muraayad leh, balaadhan oo nadiifa ayay lahayd Beertu.

Markiiba waxa igu soo dhacday maahmaahda ay dumarku jecel yihiin ee “Behind every great man there is a woman (Ninkastoo halyey ahba qof dumaraa ka dambeysa guushiisa)”. Waxaan fahmay in fikirka ay gabdhuhu aamineen uu ka duwan yahay aragtida ay ka haystaan helitaanka lamaane ay nolosha la qaybsadaan.

Anoo dhoolacadaynaya oo ku kalsoon in khudbadaydu noqon doonto mid aan laga caajisin su’aalona ku kelifta inay gabdhaha Beertu is weydiiyaan ay noqon doonto Ayaan dib ugu laabtay hoolkii.

Markiiba intaan hablihii kale indhaha u diiday anoo is leh yaanay su’aalo ku weydiin oonad kala illoobin khudbada ayaan Evian ku idhi “Masraxu soo diyaar maaha, orod igu soo dhawee oo dadka u sheeg inaan khudbada anigu gudbinayo”

Iyadoo madax lulaysa oo dhinacna yara yabaalsan ayay aqbashay inay codsigaygii. Masrixii markii ay tagtayba waa la aamusay.

Evian: Ladies and gentlemen I am sorry to inform you that our friend Samuel who was about to make tonight’s keynote speech has left. Balse waxa inoo bedelaya oo aan eegaynaa khudbadiisa nin Soomaali ah oo inaga fikir duwan.

Dadkii ayaa yara guuxay iyagoo muujinaya inaanay soo dhaweynayn khudbadayda.

Evian: Fadlan soo dhaweeya, khudbada kadibna su’aalo ayaad weydiin kartaan.

Way ii gacan haadisay si aan u imaado masraxa!

Runtii igamay qasnayn habeenkaa.

Waxaan u dhaqaaqay dhinacii masraxa, Ilkacas ayaa garabka iga sii dhirbaaxday iyadoo I dhiirigelinaysa intaan soo jeestay ayaan suulka u taagay anoo kawada guul.

Masrixii ayaan fuulay. Cabbaar il-bidhiqsiyo ah ayaan dadka isha mariyey anoon hadal.

Kadibna waxaan ku bilaabay “ Salaamu calaykum”

Waan sii watey hadalkaygii:

Koley waxaad is weydiinaysaan wa ayo ninkani, ama qaarkiin waxay is weydiinayaan wa ayo Faaraxani!

Inyar oo kamida gabdhiha khudbada dhegaysaysanayay ayaa qoslay. Waan sii watey hadalkaygii:

Hadaba waxaan jeclaa inaan hadalkaygan laftiisa ka dhigo mid su’aal iyo jawaab ah. Weliba aan isku dayo inaan su’aalaha Beertan loo furay ee maskaxdiina ka guuxaya aan isku dayo inaan jawaab u helo, su’aalo kale oydaan is weydiina aan idin weydiiyo.

Siday ila tahay ama fikirka guud een ka haysto ujeedada Beerta waa gabdho horumar sameeyey, aqoon yeeshay, shaqeystay, balse geyaankooda ka waayay wiilal sidooda oo kale ah oo hanta. Wiilal sidooda aqoon leh, horumar sameeyey, shaqaysta, casriya, caalamka la haysta.

Horta waa mida koobaade hablaha waan u mahadnaqayaa waayo way dhaamaan hablaha ajaanibka raaca. Idinku hadaad hablaha beerta tihiin wiilashiina Soomaaliyeed kamaydaan tagine ee weli iyaga ayaad u joogtaan.

Hadalkaas ayaa noqday mid si lama filaan ah sacab uga keena gabdhihii khudbadayda saluugsanaa ee Beerta joogay. Waan sii watey hadalkayga:

Hambalyadaa kadib, aan mid idin weydiiyo gabdho. Maahmaahda tidhaa ninkii halyey ahba naagbaa ka dambeysa guushiisa waad taqaanaan soo maaha.

Waxaan arkay dhawr qof oo madaxa lulaya!

Hadaba miyaan la odhan Karin halyey kasta intaanu gabadh helin halyey maaha oo halyeynimadu waxay timaadaa marka ninku gabadh helo kadib. Miyaan hadana la odhan Karin gabdhaha shaqadooda ugu weyniba waa soo saarista halyeyada oo markaa gabadhu maaha inay raadiso nin dhisan ee mid kala daadsan ayay dhistaa oo halyey kasoo saartaa?

Markeliya ayaa buuq iyo sawaxan iyo su’aalo iyo hadalo ay ugu badantahay kelmadaha Maya iyo No ay kasoo yeedheen dadkii dhegaysanayay hadalkayga.

Run ahaantii waan ku diirsaday oo waxay I tustay inay ta koobaad Beerta ay joogaan gabdho caqli badan, ta labaadna in aan fikirkii ay haysteen aan si fiican u duray waxna ka bedelay aragtidii ay ka qabeen helida lamaane u dhigma.

Maadaama aan tusaaleeyey in aanay raadin nin guuleystay oo shaqo iyo aqoon iyo ilbaxnimaba isla helay ee ay raadiyaan mid wax uga hadhsanyihiin kadibna badhitaaraan.

Buuqii iyo sawaxankii markii uu hore u degi waayay ayaa waxa masraxa iigu timid Evian oo mikirifoonkii intay qabsatay dadkii la hadashay iyadoo u sheegtay inay aamusaan, su’aalana I weydiin doonaan balse aan horta dhamaysto hadalkayga.

Markii ay aamuseen ayaan markale hadalkaygii sii watey:

Koley gabdho wax bartay ayaad tihiin, waxaana qaar badan oo idinka mid ahi xaga shaqada iyo waxbarashadaba kaga dheereeyeen dhigoodii labka ahaa ee Soomaaliyeed. Waxaad kaloo aaminsantihiin oo cadeyseen in shaqada ragu qabto dumarkuna qaban karaan. Balse dhankii lamaanaha weli waxaad raadinaysaan nin idinka aqoon iyo shaqaba sareeya, mid xataa idinla derejo ah ma aqbalaysaan!

Aamusnaanta qodobkaasi keenay waxaad moodaysay in aan Meesha wax dad ahiba joogin.

Waan sii watey:

Waan ogahay inay adagtahay inaad hankiina hoos u celisaan, balse, sidaan horeba idiinku sheegay hoos uma celinaysaan ee waad dhisaysaan. Hadhowna waxaad soo saareysaan halyeyo kaalmahooda kasoo baxa. Inta keliya ee aan u arko inaydaan fahmin waa kaalinta dhisida ah ee ay dumarku ku leeyihiin soo saarista raga.

Bal maleeya oo yara masanuuniya iyadoo midkastoo idinka mid ahi Faarax yara daandaansan hagaajisatay kadibna halyeygay niyada ku haysay ka dhigtay.

Mar keliya ayay qosol ka wadheen qaar badan oo gabdhihii Beerta ka mid ahi. Aniguna waan soo gebo-gebeeyey hadalkaygii anigoo kusoo xidhay:

Aniga laftarkaygu idinkama fikir duwani ee wadada uunbaa aynu kukala duwanahay. Midna xusuusnaada bulsho kasta tayadeedu waxay ku xidhantahay tayada dumarkeeda. Hadii bulshada dumarkeedu tayo fiican yihiin ubadka iyo raga ay dumarkaasi soo saaraana wuxuu noqdaa mid tayadiisu wanaagsantahay bulshaduna waxay noqotaa mid hanaqaada. Wasalaamu calaykum!

Waxaan ku war helay iyagoo istaagay oo sacab garaacaya.

Isla markiiba Evian ayaa iigu timid masraxii waxaanay iyada laftarkeedu garaacaysay sacabka!

La soco qaybta dambe..

Please follow and like us:

Only registered users can comment.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *